SALDANADA DOOLLARKA MARAYKANKU MA DHICI  DOONTAA?

Mohamed Dalmar Abdurahman

31 Dec, 2006
Print Friendly

Doollarka Maraykanku waa lacagta adduunka ugu isticmaal badan, waa lacagta bankiyada adduunkoo idili kayd ahaan u haystaan, waa aaladda ugu ballaaran oo loo adeegsado isdhaafsiga ganacsiga caalamiga ah, iyo sarrifka lacagaha qalaad. Waa lacagta ay dawlado badani ugu dhaqma ka lacag qaran ahaan. Waa tan hoggaamisa inta badan sarrifka lacagaha qalaad.

Lacaguhu waa sida dawladaha waaweeyn oo kale oo xilli soo kaca, ka dibna dhaca. Qarnigii 19aad waxaa calanku u taagnaa ganiga Ingiriiska oo ku tiirsanaa Imbaradooriyaddi Biridhaanya oo aan qorraxdu u dhici jirin, waxaa ka horreeyey Gildarka oo suuqyada haystay waagii Holland maamuli jirtey ganacsiga caalamiga ah, sii raac taariikhda ilaa la gaaro Dinariuskii Roomaankii hore oo waagiisii u mudnaan jirey lacagaha. Lacagahaasoo dhammi ama waa suuleen ama waa lumiyeen awoodii ay bari lahaan jireen.

Su’aashu waxay tahay, doollarka Maraykanku ma jidkii lacagihii hore mareen ayuu isaguna mari doonaa? Ma la gaaray xilligii laga xayuubin lahaa saldanada iyo darajada uu huwan yahay? Hadduuse jabo maxaa dhici doona? Yaase dhaxli doona oo buuxin doona kaalintiisii?

Intaanan ka ja waabin su’aalahaan, bal aan in yar dib u jalleecno taariikhda. Marka horese, aan in yar ka iraahdo waxa igu dhiirri geliyey inaan maqaalkaan qoro. Waxaa jirtey inaan hadda ka hor wax ka qoray lacagihii Soomaaliya. Arrintaasi waxay xiiso galisay qaar ka mid ah ardada Jaamacadda Xamar, oo buugag (thesis) ka qoray mawaadiic la xiriirta lacagaha Soomaaliya siday ii sheegeen. Waxaan isleeyahay tanna ha ku xiise galiso inay wax ka qoraan dhaqaalaha iyo lacagaha aaddunka.

Aan u soo noqonno taariikhdii. Sidaan arki doonno, alaaba dagaal iyo burburkiis aya jabiya dawladaha iyo lacagahoodaba.

Habka lacagta ee Dahabka ku saleeysan (Gold Standard)

Habka dahabka ku saleeysan waxaa dunida lagaga dhaqmi jirey taariikha 1880 ilaa 1913. Dawlad kasta oo habkaas qaadatay waxay ballanqaadaysey inay qiimaha lacagteeda ku saleeyso tiro go’an oo dahab ah. Bil matal, qiimaha ganiga Ingiriisku  wuxuu ahaa 113 grain oo dahab ah, kan doollarka Maraykankuna 23.22 grain oo dahab ah.

Habka kastoo lacageed oo caalami ah waa inuu xalliyaa saddex mas’alo oo ka imanaya isdhaafsiga ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee adduunweeynaha: 1) Sidee la isugu sarrifayaa lacagaha kala duwan ee dunida 2) maxaa noqonaya lacag caalami ah oo lagu bixiyo wixii qaan ah oo dawladuhu isku yeeshaan, kayd ahaanna loo haysto (reserve currency) iyo 3) sideebuu habkaasi isu saxayaa haddii miisaaniyadda ganacsigu dheelliso. Miisaaniyadda ganacsigu (trade balance) waa farqiga u dhexeeya dhoofinta (exports) iyo keenidda (imports) oo noqon kara naaqus (deficit) ama saa’id (surplus).

Haddaba, Habka Dahabku  wuxuu u shaqeeynayey sidaan: Heerka sarrifku wuxuu ahaa mid go’an (fixed exchange rate). Haddaan soo qaadanno tusaalaha kore, heerka sarrifka halkii pound sterling wuxuu waagaas ahaa 113/23.22 = US$ 4.866 (waagaas sidaas ayuu ganigu u sareeyey).  Dahabka ayaa ahaa lacagta caalamiga ah oo lagu bixinayo wixii qaan ah oo dawladuhu isku yeeshaan. Sixitaankuna wuxuu ku imaanayey sidaan: Bil matal, Haddii dawladi waarido wax ka badan waxay dhoofiso waxaa ka baxaya dahab, dabadeedna waxaa suuqa ku yaraanaya lacagteeda,  taasina waxay keeneysaa in ascaarta guduhu hoos u dhacdo, ka dibna badeecadaha ay dhoofiso dalab yeeshaan, tiro ahaanna bataan, sidaasna ay ku dheellitiranto miisaaniyadda ganacsigu, yacni uu soo noqdo miisaankeedii. Haddii dhofintu ka badato keenidda waxaa dhacaya sidaas cagsideeda.

Habkii Dahabku wuxuu burburay dagaalakii koowaad dhexdiisii markay dawladihii dagaalamayey kharash u baahdeen, dabadeedna suuqa soo galiyeen lacag farabadan oo aan loo hayn dahab daboola. Dagaalkii ka dib, waxay dawladihii, siiba dawladda Ingiriiska oo waagaas hormuud u ahayd adduunka, isku dayeen inay dib u soo celiyaan Habka Dahabka, kumase guuleeysan. Waxaa ugu wacnaa, waxay soo celiyeen heerkii sarrifka ee jirey dagaalka ka hor oo aan suurtagal ahayn iyagoo aan tixgelin isbeddelkii dhaaqaale ee uu sababay dagaalkii.

Habka ku saleeysan doollarka (Dollar standard)

Dagaalkii labaad oo socda, sanadkii 1944, waxaa Bretton Woods oo ah goob ku taal gobolka New Hampshire ee Maraykanka lagu qabtay shirweeyne caalami ah si loo yagleelo hab lacageed cusub oo adduunweeynaha ka dhexeeya. Shirweeynihii ka dib, sanadkii 1946, waxaa la asaasay Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) oo hirgelisey hab cusub oo sidaan u shaqeeynaya: Heerka sarrifka waxaa laga dhigay mid go’an (fixed) oo ku xiran doollarka Maraykanka. Doollarkoo isaguna ku xiran dahabka. Dawladda Maraykanka ayaa damaana qaaday inay lacagteeda u beddeleyso dahab markii iyo haddii loo baahdo. Taasoo ka dhigtay doollarka lacagta keliya oo caalamiga ah. Waxaa intaas weheliya, hay’adda IMFta oo amaah ku meel gaar ah u fidineysa dawladdii la kulanta dhibaato la xiriirta sarrifka lacagaha iyo miisaaniyadda ganacsiga.

Dagaalkii ka dib, dawladda Maraykanka ayaa ahayd tan ugu awood dhaqaale badan adduunka. Waxay haysatay kaydka dahabka ee ugu badan adduunka, iyo saldhig warshadeed oo aad u baaxad weeyn, kana badbaaday burburkii dagaalka ee baabi’iyey Yurub.  Adduunkoo idili wuxuu, waagaas, u baahna doollarka si ay u iibsadaan badeecadaha warshadaha Maraykanku soo saaraan. Baahidaas waxaa daboolay dawladda Maraykanka, ka dib markay  deeq iyo amaah lixaad leh u fidisey dawladaha Yurub, iyo Jabaan.Waxaa la xusuustaa mashruucii ballaarnaa ee “Marshal plan”.

Sanooyiinkii kontomeeyadii, waxaa soo kabtay  dhaqaalihii dawladaha Yurub iyo Jabaan oo dollar badan kasbaday, qaarna ku beddeshay dahab. Waxaa soo baxay dareen ah in kaydka dahabka Maraykanku uu sii yaraanayo. Waxay xaaladdii ka sii dartay, markii Maraykanku galay dagaalkii Vietnam, isla marahaantaasna madaxweeyne Johnson uu fuliyey barnaamijkii daryeelka bulshda “the great society”. Labadaas arrimoodba waxay sababeen kharask xad-dhaaf ah, suuqana ku harqiyeen doollar fara badan oo aan loo heli karin kayd dahab ah.  Ka dib, Maraykanku wuxuu bilaabay inuu si dadban ugu cadaadiyo xulufadiisa, siiba Jarmalka iyo Jabaan inayan ka dalbin dahab. Arrintaas, Fransiiska ayaa ku gacan sayray. Jeneraal Degaulle ayaa ku adkeeystay in dahab la siiyo, oo weliba isagoo dhinac maraya dhaqanka bankiyada, codsaday in dahabkii oo dhigeeysan loogu soo raro Baariis. Caado ahaan, dahabka waxaa loo daayaa khasnadda Federal Reserve Bank of New York, calaamadda dawladda keliya ayaa la beddelaa. Ogaantay Soomaaliya, tiro dahab ah oo aan badnayn ayaa u tiil Federal Reserve Bank of New York haddaan la bililaqeeysan. Ugu dambeeyntii, dani waxay kalliftay in Agoosto 1971 uu Madaxweeyne Nixon  ku dhawaaqo in doollarka laga xarig-furay dahabka, dawladda Maraykankuna aayan mar dambe cidna doollar ugu beddeli doonin dahab. Isla marahaantaas waxaa hoos loo dhigay qiimaha doollarka. Halkaasna waxaa ku burburay nidaamkii Bretton Woods lagu asaasay.
 
Doollarka iyo saliidda (Petrodollars)

Sanooyinkii todobaatanaadkii horraantoodii, waxaa habka lacagaha caalamiga ah galay khakhal iyo xasilloni darro. Waxaa la isku dayey in habkii hore dib loo saxo, waase lagu fashilmay. Sanadkii 1973, waxaa rasmi ahaan u hirgalay habka lacagaha sabeeya (floating exchange rates). Sida magacu tilmaamayo, lacagtu ma leh qiime go’an oo loo xadiday. Heerka sarrifka waxaa xukuma suuqa iyo xaaladaha dalabka (demand) iyo bandhigga (supply) ee lacaga qalaad. Nadariyad ahaan, Haddii keeniddu (imports) ka badato dhoofinta (exports), waxaa qiimo dhacaya sarrifka lacagta, ka dibna, waxaa raqiisaya  ascaarta badeecadaha markii loo beddelo lacagaha qalaad,  waxaana badanaya tirada waxa la dhoofiyo, sidaasna waxaa ku dheellitirmaya miisaaniyadda ganacsiga. Haddii dhofintu ka badato keenidda waxaa dhacaya sidaas cagsideeda.

Mar haddii qiimaha doollarku dhacay, kaydka dahabka Maraykanku yaraaday, lacaguhuna ku xiran yihiin dalabka iyo bandhigga, waxaa la islahaa, doollarka Maraykanka waa u dhammaatay. Dhammaad iska daaye, wuu xarga goostay. Sanadkii 1973 markii qiimaha saliiddu circa isku shareeray, ayaa dawladda Maraykanku heshiis qarsoodi ah la gashay dawladaha OPEC, siiba Sacuudi Caraabiya, in saliidda lagu gado doollarka Maraykanka. Ka dib, doollarku wuxuu helay xoog iyo awood aan horay u soo marin. Cid waliba waxay u baahatay dollar ay saliid ku iibsato. Kii wax dhoofinayey, kii wax keenayey, kii wax kaydsanayey, kii wax maalgelinayey, kulli waxaa loo baahday doollar. Adduunkii oo idil waxaa kor qabsaday doollar (dollar hegemony).

Waxaa la oran karaa, Maraykanku wuxuu adduunka ku haystaa laba awoodood: awoodda Pentagon (cududda militariga) iyo awoodda doollarka, labaduna waa isu hiiliyaan. Waxaa la leeyahay, waxaa Saddaam Xuseen lagu galay, wuxuu sanadkii 2000 dalbay, kuna guuleeystay inuu saliidda Ciraaq ku gado “Euro”. Sida la ogyahay, Ciraaq waa wadanka labaad oo leh kaydka saliidda ee ugu badan adduunka. Iiraan ayaa hadda biloowday inay saliideeda qaar ku gado Euro. Venezuela iyaduna waxay indhawaale saliideeda qaar ka mid ah ku beddelanaysay badeeco ama adeeg (barter). Ma jiro nabar uga kulul  Maraykanka saliidda iyo doollarka oo la kala furo.

Ma dhici doonaa doollarku, maxaase beddeli doona?

Way adag tahay in la saadaaliyo dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad, kor iyo hoos dhinacay noqotaba. Aqoonyahanno caan ah oo billad ku haysta cilmiga dhaqaalaha ayaa ku hungoobay odorskoodi, calyadoodiina dib u liqay. Haseyeeshe, waxaa la isku raacsan yahay inuu bilawday geedigii hoos-u-dhaca doollarka Maraykanka iyo bilowgii dhammaadka boqortooyadiisa. Taariikhda ayaa dib u soo noqnoqoneysa. Dawladda Maraykanku waxay manta ku jirta dagaal naf iyo maalba gubay, isla marahaantaasna wuxuu madaxweeyne Bush dhimay canshuurihii. Miisaaniyadda ganacsiga Maraykanku waxay sanooyinkaan dambe muujinaysay nuqsaan(deficit) kii ugu badnaa, qiyaas $770 billion sanadka 2006 oo keliya. Sidoo kale, miisaaniyadda dawladdu (budget) waxay iyana in muddo ahba muujineysey nuqsaan (deficit) lixaad leh qiyaas $250 bilyan sanadka 2006.

Adduunka intiisa kale wuxuu Maraykanka siiyaa saliid, cunto, dhar, alaab ceeriin, qalab warshadeeysan iwm, Maraykankuna wuxuu ugu beddelaa lacag xaashi ah oo uu isagu daabacay. Isla lacagtii ayaa haddana dib loogu amaahiaya dawladda Maraykanka. Waxaa marag u ah, warqadaha maaliyadda dawladda Maraykanka (treasury bills) oo dawladaha kale haystaan wuxuu qiimahoodu gaaray $2.14 trilyan, (2,140,000,000,000) bishii Oktoobar 2006 oo lagu leeyahay Maraykanka. Dawladda biilasha ugu badan haysata waa Jabaan ($644.2 bilyan), waxaa ku xiga Shiinaha ($339 bilyan), Kuuriyada Waqooyi ($69 Bilyan), dalalka saliidda dhoofiya ($97.9 bilyan). Weliba tani waa qaybta lagu leeyahay dawladda oo keliya. Guud ahaan deeynta dibedda ee Maraykanka lagu leeyahay qaran ahaan waa $4 tirilyan. Sida muuqata, dawlad iyo dadweeynaba, Maraykanku waxay dheefsadaan hanti aayan shaqeeysan, horeyna u kaydsan, waxaana sidaas u saamaxaya doollarka oo loo isticmaalo lacag caalami ah.

Waxaa xusid mudan xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo tusaale noqon kara. Waxyaabaha dawladda Shiinuhu u dhoofiso Maraykanka waxay ka badnaayeen waxay ka keensato  $202 bilyan sanadka 2006, intii muddo ahna sidaas ayey ku socotey. Waxaa muran ka taagan yahay sidii loo dheellitiri lahaa miisaaniyadda ganacsiga ee labada dal. Maraykanku wuxuu leeyahy dawladda Shiinuhu waa inay kor u qaadaa heerka sarrifka ‘Yuan’ka sii loo xakameeyo dhoofinteeda (exports) xad-dhaafka ah, dawladda shiinuhuna waxay leedahay Maraykanoow hagaaji gurigaaga oo xakamee kharashkaaga, badina kaydsigaaga. Xarig- jiidkaas ka sokow, waa la isu baahan yahay. Maraykanku wuxuu u baahan yahay badeecadaha riqiiska ah ee Shiinuhu farsameeyo, Shiinuhuna wuxuu u baahan yahay suuqa ballaaran ee Maraykanka. Shiinuhu wuxuu lcagtiisa ku xiray doollarka si uusan u kicin heerka sarrifku, una dhaawacin dhoofintiisa. Sababtoo ah, warshadaha sameeya badeecadaha la dhoofiyo waxay shaqo u abuuraan malaayinka Shiinaha ah oo magaalooyinka waaweeyn ku soo qulqulaya, kuwaasoo, haddaan la meeleeyn, la iman kara dhibaatoyin siyaaso, nabadgelyo iyo bulshadeedba. Maraykanku wuxuu u baahan yahay maalgelinta dawladda Shiinuhu ku sameeyneyso suuqa warqadihiisa maaliyadda (treasury bills) oo kabaya miisaaniyadda dawladda federaalka ah ee Maraykanka. Qisadaas oo kale ayaa ka taagan miisaaniyadda ganacsiga Maraykanka iyo dalal badan, siiba dalalka Asia qaarkood iyo Khaliijka.

Su’aashu waxay tahay, xaaladdu sidaas ma ku socon karta? Jawaabtu waa maya muddada dheer. Waa hore, waxaa biloowday walwalka iyo hadalhaynta muxuu noqon doonaa masiirka doollarku. Waxaa isa soo tarayey qiimo-dhaca sarrifka doollarka ee sanooyinkaan dambe. Bil matal, bishii Juun 2001, halkii Euro wuxuu ahaa $0.80 (sideetan senti), hadda (December 30) halkii Euro wuxuu u dhigmaa $1.32. Sidoo kale ayuu hoos ugu dhacay markii loo firiyo ganiga Ingiriiska, doollarka “Canada”, faranka “Switzerland”, Yen’ka Jabaanka iwm.

La iskuma hayo inuu habkaani cilladeeysan yahay. Waxa la isku hayaa waa ma qarxi doonaa mise si habeeysan oo tillaabo tillaabo ah ayuu isu beddeli doonaa. Waxaa halis galin kara, bil matal, iyadoo, si lama filaan ah, dawladaha saliidda soo saara ay doollarka diidaan, ama dawladaha amaahda siiya Maraykanka sida Shiinaha, Jabaan iyo Khaliiga ay maalgelintooda joojiyaan, ka dibna suuqa lacaguhu khalkhalo, lana xakameeyn waayo qiimo-dhaca sarrifka doollarka.

Haddii taasi dhacdo, waxaa khatar galaya dhaqaalaha iyo habka lacagaha adduunka. Awalan, waxaa aad hoos ugu dhacaya dhaqaalaha Maraykanka oo ku tiirsan amaahda shisheeye, ka dibna, waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha addunka oo badi ku tiirsan suuqa Mareykanka. Waxaa kaloo halkaas ku baaba’aya qiimaha kaydka doollarka oo adduunka itiisa kale haysato. Dawladda Shiinaha keliya ayaa haysata qiyaas $700 bilyan oo kayd doollar ah. Cidna faa’iido uguma jirto in arrintu sidaas faraha uga baxdo.

Haddaba, side wax isu beddeli doonaan.  Isbeddelku wuxuu ku imaanaya, sida haddaba muuqata, lacago kale oo caalami ah oo saaxadda ku soo biira. Murashaxa koowaad waa lacagta Euro oo buuxisey shuruudihii lacag caalami ah. Waa lacag adag oo xasilloon. Waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha iyo suuqa Midowga Yurub oo ganacsi iyo waxsoosaar ahaan u dhigma kan Maraykanka, tirada dadkana ka badan. Waxaa ka dambeeya suuq maaliyadeed oo furan oo dhumuc weeyn. Waqtigaan xaadirka ah, qaybta doollarku ka qaato kaydka dawladaha ee lacagaha qalaad (foreign reserves) waa 67% Euro’huna waa 25%, Yen’ka 4%, Ganiga Ingiriiska 4%.  Waxaa iyana jidka ku soo jira oo kaalintooda qaadan doona lacagaha dawladaha Shiinaha iyo Ruushka. Waxaa la saadaalinayaa in dhaqaalaha dawladda Shiinuhu uu dhaafi doono kan Maraykanka 10ka ilaa 15ka sano ee soo socda. Waxaa kaloo culays dhaqaale leh iyaguna dawladaha Hindiya iyo Barasiil.

Lama xadadi karo muddada ay qaadaneeyso, waase hubaal in isbeddel dhici doono. Saldanadii doollarka Maraykanku  waxay u egtahay mid sii iilaneysa. Waayo, ma waari karo hab-lacageed caalami ah oo ku saleeysan lacagta hal dal keliya, xoog kasta iyo xeel kasta dawladdaasi ha adeegsatee. Waa lama huraan in talada iyo maamulka lacagta caalamiga ah la wadaago, lana xeeriyo.

Mohamed Dalmar Abdurahman
mdalmar@sympatico.ca

----------------------------------------------------------
Xigasho

Crisis of the U.S. Dollar System, F. William Engdahl, Global research, October 14, 2006
FTDWebMaster, Foreign Trade Division, U.S. Census Bureau, Washington, D.C. 20233
International Monetary Fund. Annual Report of the Executive Board for the Financial Year Ended April 30, 2006.
Major foreign holders of treasury securities. www.ustreas.gov/tic/mfh.txt

---------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2006 Wardheernews.com