|
|
Transcom Digital, Inc. (TDI) Waa “BUG” jeebada lagu sito. Hadalku haduu mid yahey laba lagama dhigo. Shirkada TDI haddi aan ku celiyo marlabaad sidii aan hore u soo shaac bixiyay ma jirto, xaffis ma leh, shaqaale ma leh, xiita talafon malaha awood dhaqaale iskaba dhaafo. Su’aashu hadaba waxa weeye sideebaay TDI halkan ku soo gaadhay? Wasiirka isgaadhsinta se ma aqoon daro ayaay ka tahey? Inta aanan taa ka jawaabin aan idiin horeysiiyo war dheeraad ah oo sii cadeynaaya ina TDI aay tahey shirkad aan jirin iyo macloomaad kale oo ku saabsan heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen oo muhiim ah iyo sixitaan ku saabsan sida shacbiga hawshan TDI loo igmaday loogu sheegay. Sida la iiga xaqiijiyay xafiiska qabilsan diiwaan gelinta shirkadaha ee danwadaagta Virginia (Commonwealth of Virginia) shirkada la yidhahdo TDI kama diiwan gashana. Waxaana diiwaanka laga tirtiray bishii April 30keedii 2003 (04/30/2003) markii aay iska bixin waayeen feegii sannadka oo ah $242 dollars. Ciddi u baahata ina aay xaqiijiyaan ha la xidhiidhaan: www.scc.va.gov/cis oo talafonkooduna yahey 804-371-9733 Haddi aan ku noqdo saami qeybsiga TDI waxa loo kala qeybsaday sidan: Abdirahman Waaberi (49%) oo ku qoran President & Chief Operations Officer. Cabdirasheed Gayde (51%) oo ku qoran Vice-President of operations. Waxa kale oo aanu soo xaqiijinay ina ninka maryekanka cad ah ee la baxay Jo Bratun ee shirkada TDI u saxeexay heshiiska uu BEEN abuur ku kacay si uu shirkad aan jirin uuga dhigo ina aay jirto. Sida ku cad waraaqaha wax lagu kala saxeexday (letter head) TDI xafiiskeedo waa 2020 Sunvalley Dr. Suite 500, Reston, Virginia 20171. Qolka (suite 500) xafiiska lagu sheegay waa gurigaa Abdiraxman Waberi xaaskiisu ku jiro. Hal kaasina wax ku cad ina Jo Bratun isaga oo og ina aany TDI jirin oo aanay xafiis laheyn qolkaan ku jirin uu iska yeelyeelo ina uu heshiisku ka soo baxay xafiiskiisa oo ku yaala cinwaanka halkan ku qayaxan. Taasina waxa aay cadeyneysaa ina uu Jo Bratun yahey awr kiraali ka qeyb gelaaya dhac iyo khiyaamo la soo maleegay Waxa aanan raacinaya oo aad mooda ina dadka qaar wax weyn looga dhigay ina aay shirkadan “BUGTA” ihi aay ka diiwan gashantahey Federal Communications Commission (FCC) oo ah hay’ada qaabilsan maamulka isgaadhsiinta. Hay’ada FCC (www.fcc.gov) waxa aay diiwan gelisay TDI taariikhdo markii aay aheyd 03/13/02 waxana laga qaaday fee ah $895 oo uu bixiyay ninka diiwan geliyay oo ah Cabdirasheed Gayde. Hadaba Haya’ada FCCda oo la iska diiwaan geliyaa waxa qudha ee aay ku xidhan tahey waa feega ah $895 . Ciddi feega bixisana ruqsada oo la seeyaa waxa aay qaadata laba todobaad oo qudha (2-weeks). Sida ku qayaxan qoraal uu Wasiirku u gudbiyay Guddiga Wasiirada oo gacanta u soo galay Ali Gulaid shirkada TDI waxa aay Ku wareejin doontaa maamulka shirkad laga leyahey Norway oo aay TDI iyo xukuumaduba ka gaabsadeen in aay wax tafaasiil ah ka bixiyaan. Haddaba Ali Gulaid waxa uu soo xaqiijiyay ina shirkada la yidhi waxa laga leeyahey Norway aay tahey shirkad aay leeyiheen niman Hindi ihi oo uu u shaqeeyo nin Somalidii xamar cadcadka ah oo la yidhaahdo JEELAANI oo ah ninkii $200,000 u soo diray Waberi ee ku yidhi wax ku kala farsamee. Isla qoraalkaa wasiirku u gudbiyay Guddida Wasiirada waxa ku qoran ina labada dhinac wada galeen wada-lahaansho (Joint-venture) la xidhiidha sidii SL loogu soo saari lahaa Sub-marine Cableka bada casa. Waxaanu qoraalku sheegayaa ina ay shirkada TDI ku maqantahey maal gelinta mashruucaa oo ku kacaya 20 million oo dollar. Mashruucan Sub-marine cableka Badda Cas iyo badaweynta Hindiya waa mashruuc lagu magacabo Eastern African Submarine System (EASSy) oo loogu tala galay ina Kable (optical fiber cable) badweynta India hoosteeda la dhigo waxaana ku baxeysa $230 million. Mida kale wakhtigii SL aay member ka noqon laheyd Mashruucan oo aay qeybteeda bixin laheyd wuu dhamaaday marka uu hirgalana cid kastaba ha keente shirkadaha isgadhsiinto waay isticmaali doonaan waayo wuu ka jaban yahey Satallaydka. Hadal iyo dhamaantii caqliga saliimka ihi waxa uu ku tusayaa Mashruucani ina aanu aheyn mid TDI oo aan jirin wax ka tari karto. Ciddi faahfaahin inta ka badan rabtaa ha kaashato: www.itu.int/ITU-D/afr/events/ arusha-ITU-NEPAD/Documents/doc11(zantel).pdf - Dec 28, 2005 Si xun wax u sheege sixir ka daran. Shirkadaha Maxaliga ah oo la isku xidhaa farsama ahaan iyo maliyad ahaanba waa wax aan sii ridneyn oo aay iyaguba awoodi karan uuna baahneyn aqoon iyo maaliyad ajnebi midna. Hadaba maxaa loo dig iyo dem lee yahey?Haddaba halka aay TDI u dig iyo dem leedahey ee Madaxtooyadana hunguriga gelisay waa ina aay TDI la wreegto isku xidhka wadanka gudiheesa iyo ka debadaba oo aay TDI gasho halka aay ku jiraan AT&T, MCI iyo kuwa la midka ah.
Haddaba su’aashii aheyed sidiibaay TDI halkan ku soo gaadhay? Jawaabteedo waxa weeye Wasiirka isgaadhsiinta aqoon daro kama ah ee Madaxtooyada ayaa arintan lug ku leh. Waberi waxa aay isxigaan Madaxweyne Riyaale waxaana la tuhunsan yahey Marwada Madaweynaha oo aay Waberi isku skool ahaan jireen ina aay iyado dabada ka wado. Wax muuqda oo aay leedahey shirkadan TDI amba la taaban karo oo aan aheyn xigtada Madaxtooyada ma jiran. Cida og waxa aan inta aheyn oo aay halkaa ku soo gaadhey ha soo bandhigeen Waxa aan ku soo gebogebeynayaa cida fadeexada TDI ee aan soo shaac bixiyay wax beeneynaaya haysa ina aay badka soo dhigto. Xeer ilaaliyaha iyo baarlamankana waxa an kula talinayaa ina aay ka daba tagaan khiyaamadan oo aay cida ka denbeysa aay maxkamad hor keenaan Sanad Wacan iyo Sadar Cusub
Copyright © 2006 Wardheernews.com |