|
|
Afeef Hor iyo horraan waxaan jeclahay inaan caddeeyo in qasadka qorlaakani uu yahay in dadka maamulka Puntland hayaa ay xisaabtamaan oo bal il kale isku eegaan si ay u qaataan tallaabooyinka ku habboon hagaajinta maamulka. Sannad ayaa laga joogaa markii Maxmuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) loo doortay inuu hoggaamiyo dawladda Puntland. Taasi waxay ka dambeysey waqti uu ka jirey degaamada Puntland is qoonsi iyo dareen dhex yaaley dadka oo ugu dambayn isu bedelay dagaal. Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf waxay ahaayeen labada qof oo keligood go'aansaday inay soo af jaraan dagaalkaas iyagoon la tashan dadkii iyaga u kala hiillinayey. Heshiiskaas iyo sida labadaa nin isula shaqeeyeen illaa uu midkood noqday Madaxweynaha Soomaaliyeed iyo weliba sida ay uga run sheegeen wixii ay ku heshiiyeen wax ay labadoodaba geyeysiiyay in kalgacalo ay ka helaan dadweynaha reer Puntland. Haddaba waxaan jeclahay inaan xisaabtan u jeediyo Madaxweyne Cadde iyo dad badan oo laga yaabo in iyagoo si uun u soo dhaweysanaya Cadde Muuse, u muuqda inay sannad gudihiis ku dhacayaan dhammaan eedihii lagu ceebayn jirey Cabdulaahi Yuusuf. 1. Xilalka Maamulka Waxaa jira dareen ah in beesha uu ka dhashay Cadde Muuse ay u badan tahay jagooyinka maamulka oo ay weliba si fudud ku helaan shaqooyinka. dareenkaas waxaa muujinaya sida dad badani ay uga tageen Yurub iyo America si ay wax uga qaybsadaan xukunka Puntland iyagoo aan waqti badan joogina durba la arkay iyagoo derejo maamul ka haya Puntland. Arrintaas waxaa laga yaabaa inay qayb ka tahay sida Soomaalidu u taqaan dawladnimada. Waxaa Soomaalida ku badan in qof Yurub qaxooti ku jooga la yiraahdo "War Madaxweyne bal warran!" iyadoo loola jeedo inay madaxweynaha isku reer yihiin ama "idinku dawladdii baad haysataan". Oo waxaa laga yaabaa in Madaxweynaha reerkiisa la moodo inay isaga wakiil ka wada yihiin oo ay markaas madaxtooyada dadka ka xigaan. Madaxweyne adag ayaa reerkiisa ka adkaan kara oo iska celin kara inay beerlaxawsadaan oo ay markaas geliyaan ceebo isaga dib ugu soo noqda waxaana dadka Cadde yaqaanaa shegaan inuu yahay nin adag oo aanay ku weynayn reereysiga muddona ku noolaa Canada oo yaqaan sida dawlad la wadaago loo maamulo. Cudurdaarka Cadde waxaa laga yaabaa inuu yahay inuu muddo ka maqnaa waddanka oo aanu helin waqti fiican oo uu ku oddoroso sida ay wax u socdaan warbixinta golaha wasiirada ka helaana ay tahay mid aan cilmiyaysnayn ama madax banaanayn. Miyaanay haboonayn hadaba in madaxweynuhu la tashado dad kala duwan si uu ugu dhawaado xaqiiqada? 2. Shirkadaha Ganacsiga (NaasNuujinta) Shirkadaha la hadal hayo waxaa ka mid ah shirkadda Alkheyr Resources oo uu leeyahay Siciid Warmajaanle oo ay Madaxweynaha isku reer yihiin. Waxaa kaloo iyana jirta in Shirkadda Consort ee la yiri waxay shidaal ka baaraysaa Puntland uu garwadeen ka yahay Liibaan Muuse Boqor oo madaxweynaha adeeerkiis ah. Isla ninkaas ayaa madaxweynuhu u fasaxay inuu sameeyo shirkad clearance (soo saarid) ka samaysa dekedda Bosaso. Hadaba akhristow soow kuuma soo muuqato iyadoo dadku ku kalsoonaan waayeen dawladda Cadde oo markaa Madaxweynuhu markii uu fahmi waayey waxa lagu haysto uu la tashaday dadkii ka ag dhowaa oo iyagu danahooda si ay u fushasadaan ula socday oo ay markaa ku yiraahdeen "Jaalle Madaxweyne canaasiir yaryar ayaa waddanka inay khaakhuul ka sameeyaan damacsan ee dheg jalaq ha u siin" oo markaa isaguna uu ciidmada amar ku siiyey inay talaabo ka qaadaan... oo markaas...... Haddaba, waxaa habboon in madaxweynuhu muujiyo feejignaan dheeri ah. Waddanka wuxuu ka tegey todobaatanaadkii isagoo safiir ciidan (Millitary Attache) ka noqday China iyo Canada, intii uu maqnaa wax badan ayaa is bedelay. Waa inuu fahmaa in dadku dawladnimada u haystaan adeerkaa ayaa meesha haystee ka fara qabso kolley mar dhaw ayaa laga qaadayaaye. 3. Dhaqanka iyo Maamulka Dadka dega Puntland waxay wadaagaan, dawladnimada ka sokow, wada dhalasho ay weligood ku wada jireen isuna hayn jirtey. Waxyaabaha ay qaddariyaan oo ay dhibaatooyin badan kaga soo gudbeen waxaa ka mid ah ixtiraamka madax dhaqameedyada uu ugu horreeyo Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ay Cadde ilma adeer yihiin. Si gaar ah waxaa loogu ammaanaa Boqor Maxamuud inaanu marna ka qayb qaadan mushkiladihii ka dhacayey Puntland ee u dhexeeyey dad isaga u siman oo kulligood ugu soo hoyda boqornimo. Boqor Maxamuud marna maamulada puntland faraha lama gelin taasaana u keentay inaan ilaa hadda la hayn qof ka eed sheegta. Laakiin markii la isku walaaqo maamulka iyo darajooyinka dhaqameedka waxaa ka yimaada in la kala furfurto oo meel loo noqdo la garan waayo. Haddaba haddii beesha boqorku maamulkii ku wada mashquuleen bal yaa noo ilaalinaya dhaqankii!! Abdi Jama, Warwick, UK
Copyright © 2006 Wardheernews.com |