|
|
Yaa u maqan labada milyan ee abaartu ay ku aafeysay Soomaaliya?!!!
|
![]() |
Gobolada ku yaalla xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin ba’an oo ay gaysteen abaarahaasi, ayadoo dad aad u tiro yar ay halkaasi isaga hayaameen, halka inta badan dadkii deegadaanadaasi ku noolaana ay door bideen in calafkooda ay halkaas ku sugaan. Degaannadaas ayaa hadda u muuqda kuwo isu bedalay lama dagaan dhirtiina ay ka dhammaatay.
Sawirada Tv-ga Aljaziira uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa caruur nafaqo darro ay dilootay oo aan istaagii karin, ayadoo aad arkeyso ayagoo garbaha laga galayo. Sidoo kale sawirada la soo bandhigay waxaa ka mid ahayd haweeney waayeel ah oo xoolihii ay lahayd oo dhan ay ka baaba’een, oo ay usoo hartay oo kaliya hal neef oo lo’ ah, ayadoo socotada halkaa mareysa ka dalbanaysa in lo’deeda loo fidiyo daryeel ka hor inta aanay iyada lafteeda oo tacbaan ahi u baahan in la quudiyo.
![]() |
Sawirada naxdinta leh ee ku taabanaya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah haween intii ay waayeen wax ay cunaan cunno ka raadinaya adimada xoolaha bakhtiyey iyo caleenta geedaha qalalay, si nafta ay ugu celiyaan. Sidoo kale shaqaalaha tv-ga Aljaziira dadkii ay la kulmeen waxa ka mid ahayd islaan waayeel ah oo dadkeedii oo dhammi ay dhammaadeen oo ayada oo keliya kasoo hartay. Haweenaydaasi waxa ay tiri: "wax walba ayaan u baahanahay maxaa yeelay ma haysto waxaan nafta ku celiyo, tolkeygii oo dhammina waa ay dhammaadeen. Waxaan dalbanayaa in kaalmo degdeg ah la ila soo gaaro".
Dhibaatada ka taagan goobaha ay abaaruhu ka dhacayaan ma ahan kuwa la soo koobi karo. Waxaa laga soo sheegayaa goobaha abaaruhu ay ka taagan yihiin cuduro kala duwan oo ay sababeen meydadka qurmay ee xoolaha iyo dadkaba isugu jira.
Hadaba waxaa ayaan darro ah in dowlada Kenya lagu soo dhisay ee leh madaxweyne, ra'iisal wasaare iyo xildhibaanno ay ka bixi la’dahay isqabqabsi shakhsiyadeed iyo safar raadis, halka ay ummad Somaliyed oo malaayiin gaareysa ay la il daran yihiin macaluul keeni karta dhimasho tira badan.
![]() |
" Sidee wax looga sugaa qof sheegta mas’uul inuu yahay dantiisuna ay ka horeyso tan shacabka." Kaasi waxa uu ka mid ahaa ra’yiyadii aan kala soo kulmay xilli aan isku dayay in aan wax ka ogaado sida shacabku ay u arkaan wax qabad la’aanta madaxda xukuumadda ee ku aadan abaaraha dhacaya. Kaba sii darane, waxa ay ka badin la' yihiin goobtee ayaanu ku kullannaa?!!
Runtii marka aad booqato goobaha inta badan ay joogaan xildhibaanada iyo wasiirada dowladda federaalka kmg ah, ayaa waxaa kuu muuqanaya in xubnahaasi aanay warba u hayn dhibta abaarahan ba'an ee la soo darsay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan arkay ama la kulmay wasiirro iyo xildhibaanno cayaaraya cayaarta jarta, halkaasna wakhtiga ku dilaya. Ma kuwaasaa laga sugayaa in ay u gargaaraan shacabka labada milyan gaaraya ee abaaraha iyo macluushu ay ku dhammaynayso gobollo ka mid ah dalka?
Xubnaha labada gole ee Muqdisho iyo Jowhar ku sugan oo howshoodu ay noqotay in habeenkii ay qaad iska cunaan, maalintiinna xilli danbe ay soo kacaan ayagoo qaadireysan, ayaa waxa ay kuu sheegayaan marka aad wax ka weydiiso abaaraha in ay ka maqlaan oo keliya raadiyeyaasha waxa dhacaya oo aaney la soconin .
Marka su’aasha meesha imanaysa waxa ay tahay ka mid noqoshada dowladu ma mid lagu danaystaa mise waa mid shacabka loogu adeego?
![]() |
Intii aan waday baaritaankaygan waxa ay xubnaha labada gole uga aamsusan yihiin dhibaatooyinkan faraha badan ee abaaruhu ay geysanayaan, ayaa waxaan la kulmay xildhibaanno iyo wasiiro soo toosaya 11:00 barqonimo, dabadeedna magaalada looga doonayo qaad kuwa ugu qaalisan ah. Qaadkaas haddii ay ugu yar tahay ay ku baxayso 10 doolar. Miyaanay habooneynin in 10-kaasi loo weeciyo dadka dhibaataysan ee abaaruhu ay hayaan ayadoo la ogyahay in lacagtaasi ay badbaadin karto labo qoys ama 3 qoys?
Arimaha kale ee iga yaabiyey intii baaritaanka aan waday, ayaa waxaa ka mid ah odayaal dhaqameedyo guntiga u xirtay sidii beesha ay matalaan hub iyo rasaas faro badan loogu iibin lahaa, si beelahaa ay is hayaan ay isaga dhiciyaan, ayadoo ganacsatada midka ugu yar laga qaado 100 doolar. Marka su’aasha kale ee meesha imanaysa waxa ay tahay maxaa loo waayey odayaal dhamaqameedyo ganacsatada waaweyn ka qaada kuna qasba in lacagaha hubka ay ku bixiyaan oo kale ay ku bixiyaan badbaadinta nolosha dad malaayiin gaaraya oo qarka u saaran in gaajo ay u dhintaan .
Waxaa halkan kaaga muuuqanaya in weli Soomaalida ay ku dhegen tahay dhaqammaddii kusoo kordhay 15 kii sano ee ah in wax walba danta qabiilka laga horumariyo, ayadoo tii bini'aadminimo meel la isaga xoorayo.
Golayaasha dowladda oo ay caado u noqotay in marka idaacadaha ay ka dhageystaan dhibaatooyinka soo badanaya ee abaaruhu ay geysanayaan ay kulan isugu yimaadaan, dabadeedna ay soo saaraan waxyaabo qodobo ah oo ku eg kulankaasi oo kaliya oo aan la fulin. Kulamada ay yeelanayaan waxa ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay malahayga iska leexinta indhaha shacabka oo gartay in dowladdan aanay waxba u soo wadin.
Dhaqaalaha ku baxaya hoteelada waaweyn eee dibadaha laga kireynayo sow ma ahayn in loo weeciyo dadka abaartu ay hayso. Maxaa ku simay howsha dowlada qaylo dhaan oo kaliya? Waa su’aasha in badan oo shacabka ahi isweydiinayaan. Haddii dowladdu aanay haynin dhaqaale waxaa haboon in qorshe bulshada ay ugu baaqdo, sida in sanduuq dhaqaale ay furaan iyana ay tagaan goobaha ay abaaruhu ka dhacayaan si dadka dhibaateysan quluubtooda loo dejiyo.
Haddii aan tusaale u soo qaato markii la xareynayey maleeshiyooyinkii Muqdisho hubka ku sita qaarkood, waxa ay hogaamiyaasha hubeysani iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole muddo dhowr usbuuc oo ay ka hadlayeen idaacadaha kuna baaqayeen in sanduuq dhaqaale oo lagu gargaaro maleeshiyaadka la furo. Bal taas barbardhig haatan oo dhibaatooyin aad u culus oo baaxadweyni dhacayaan aanay jirinna cid xitaa arrinkaa soo hadal qaaday. Taasina waxa ay kuu muujinaysaa in waxaan dan ugu jirin mas’uuliyiinta dowladdan aan hadal hayntooda la badin.
Baaqa dowladu ay u direyso beesha caalamka sow kama horayso in ay u dirto ganacsatada iyo bulshoweynta Soomaaliyeed ee wax haysata. Runtii qaylo dhaanta dowladda iyo baaqyada ay u jeedinayso beesha caalamka waxaan oran karaa waa hadallo afgobaadsi ah. Waxa shaki kaa gelayaa lacagaha mucaawanooyinka ah ee la soo gaarsiiyo dowladdu, ma noqoneysaa mid gaarta dadkii loogu talagalay. Waxa ay u badan tahay in uu ku dhacayo jeebabka kuwa sheegta mas’uuliyiinta.
Sidoo kale arinta u baahan in la ifiyo waxa ay tahay in dhibta abaaraha soo kordhaysa, ay qayb weyn ku leeyhiin mas'uuliyiinta hay’adaha samafalka. Kuwaasi oo markii samafal loo soo dhiibo usoo weeciya suuqyada waa weyn ee magaalada.
Waxaan indhahayga ku arkay maalmo ka hor raashiin gargaar ah oo loogu tala galay dadka dhibaataysan ee abaaruhu ay ku hayaan Gedo iyo gobolada kale ee koonfureed, oo gawaari waaweyn lagu sido oo loo soo weeciyey Suuqa weyn ee Bakaaraha. Waxaana raashinkaasi uu u badnaa bariis, iyada oo kiishashka uu ku jiray dusha ay kaga qornayd WFP.
![]() |
Waxaa iyana xusid mudan in abaaarahan ay dhibaatadeeda sii kordhisay colaadda ay wadaan hogaminayaasha hubaysan iyo naca ay dadka dhexdiisa ku beereen.
Si kastaba ha ahaatee abaaraha ka dhacaya koonfurta Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo si aad ah waxyeeleeyooyinkoodu ay u badan yihiin. Waxa abaartan lagu tirinayaa tii ugu darayd oo soo darta dalka marka laga reebo abaaro yar oo cayiman.
Ugu dambayn waxaan Soomaalida xusuusinayaa in qof walba ay waajib ku tahay in uu wixii uu tari karo uu u qabto 2 da milyan ee qof ee walaalahood ah ee gaajadu ay ku dileyso Soomaaliya. Inta laga dudayo Qanyare ayaa 40 daqiiqo ku xannibnaa Airport ka Nairobi wax u qabta dadkan tabaalysan ee aan Ceelna u qodnayn cidna u maqnayn.
Maxamed Cumar Aadan.
WardheerNews,Muqdisho.