Edbinta Carruurta Qurbaha -1
WQ Siciid Cali  Axmed
Feb 7. 2008

Print Friendly

Mustaqbalka wanaagsan ee ubadku waxa uu ku xidhan yahay edbinta ay waalidiintu edbiyaan ubadkooda. Edbinta caruurta oo laga soo bilaabo waqtiga ay caruurtu yar yaryihiin waxa ay keentaa in ubadku -markii ay koraan- ay noqdaan ubad  leh anshaxa fiican. Maqaalkan iyo maqaalo kala oo kan daba socda waxa aan ku eegi doonaa edbinta ubadka, hababka kala duwan ee loo edbiyo caruurta iyo natiijada ka dhalata hab kasta oo ka mida hababkaas.

Macnaha EDBINTA

 Edbin maxaan uga jeednaa.? Edbin sida maskaxda ku soo degdegta ugama jeedno “garaacid”. Edbin waxa aanu uga jeednaa in ubadka la baro habkii/qaabkii ay naftooda uga ilaalin lahaayeen  anshax  kasta oo aan noloshooda iyo mustaqbalkooda u fiicnanayn.  Sidoo kale “edbin” waxa aan uga jeednaa in waalidku uu ubadkiisa  kala baro qaladka iyo saxa iyo sidoo kale in uu ilmihiisa baro in ay jiraan xuduudo aanu dhaafi karin kuwaas oo hadii uu dhaafo uu la kulmayo abaalmarintooda.

Hababka loo edbiyo Ubadka

Cilmi baadhisyo badan oo lagu sameeyay tarbiyada caurrutu waxa ay sheegayaan in uu xidhiidh toos ahi ka dhaxeeyo edebta caruurta (wanaaag iyo xumaanba) iyo habka uu waalidku u edbiyo caruurtiisa.  Sidaa daraadeed waxa muhiim ah in uu waalidku fahmo sida ay hababkaas kala duwani u saameeyn karaan tarbiyada caruurtiisa. Cilmi baadhisyo kale oo iyagana lagu sameeyay 1 hababkaas waxa ka soo baxay in hababka caruurta loo edbiyo loo qaybin karo ilaa sadex hab oo waaweeyn. Hab kasta  oo hababkaas ka mid ahina waxa uu leeyahay sifooyin lagu garto. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa habka kowaad iyo natiijada habkaas. Maqaalo kale ayaynu iyagana ku eegi doonaa labada hab ee kale.

Habka Kowaad: Qalqalfsanaan ama adadkaan

Calaamadaha  waaweeyn ee habakan lagu garto waxa ka mida:

  1. Waalidku waa waalid adadag., yacnii naxariis badan ma laha.
  2. Ubadku waa in ay amarada waalidkood sidooda u fuliyaan, hadii ay fulin waayaana waxa ay mutaystaan ciqaab. Ciqaabtaasina inta badan waa gacan iyo garaac.
  3.  Caruurta lama baro faa’idada ay leeyihiin amarrada waalidkood, sidoo kale lama baro ujeedada ka danbaysa amarada waalidka. Wixii la faro waa in ay ubadku sidooda u fuliyaan hadii kale waxa sugaysa ciqaab adag.
  4. Habkan, ilmuhu dareenkiisa ma cabiri karo, haduu dareenkiisa  iyo waxa uu tabanayo la wadaago waalidkiisna, waalidku ma dhagaystaan.
  5. Hanjabaada iyo laaluushku waxa ay ka mid yihiin hababka uu waalidku u adeegsado edbinta caruurtiisa.. Tusaale ahaan, hadalada waalidiinta aqaldan waxaa ka midda  “aabo/hooyo hadaad tukato “salaada”  waxaan kuu siin abaal marin”, “hadaad xijaabka qaadan waydo waa lagu garaaci ” iwm.
  6. Ugu danbayntii gaaricstu waa calaamadaha edbinta caruurta. Qalad yar ama wayn hadii ilmuhu galo waxa lagu abal mariyaa dhengad (ul)  amaba gacan.
Natiijada  Edbintan

Habkani (style) waqtiga dhaw(short term) waxaa laga yaabaa in uu midho dhalliyo. Midhaha laga yaabo in uu dhaliyona waxaa ka midda  in carruurtu ay waalidka ka baqaan isla markaana ay sameeyaan wax kasta oo uu  waalidku rabo. Waalidka waxa laga yaabaa in ay ugu  muuqato in edbinta noocan ahi ay caruurtiisa u horseedayso tarrbiyad wanaagsan, hadiise si cilmiyaysan loo baadho natiijada habkan, waxa soo baxaysa in tarrbiyada noocan ahi aanay waqtiga fog dhaliin natiijo wanaagsan . Natiijooyinka aan wanaagsanayn ee ka dhalan kara habkan waxa ka mida:

  1. Garaacida iyo hanjabaadu waxa ay dhaawacdaa xidhiidhka uu waalidku la leeyahay caruurtiisa. xidhiidhka waalidku uu la leeyahay caruurtiisi waa mid awoodeed. Caruurtu sababta loo garaacayo ama loogu hanjabayo uma fahmayaan in ay tahay wanaagooda, waxay u fahmayaan in loo awood sheeganayo. Sidaa daraadeed edbinta noocan ahi waxa ay cuqdad ku abuuraysaa ilmaha. Ilmuhu waxa uu waalidkiis u arkayaa cadow mudan in laga aargoosto. Sidaa daraadeed tarbiyada noocani waxa ay dhaawacdaa jacaylka u dhaxeeya waalidka iyo caruurtiisa.
  2. Tarrbiyada noocani waxa ay carruurta  bartaa in midba midka uu ka awood roonyahay uu u awood sheegto. Sidda  ay isagaba  waalidkiis ula dhaqmeen ayuu isna ula dhaqmi ilma kasta oo uu arko in uu ka awood waynyahay  haba noqdaan caruurta ay walaalaha yihiinba ee. Tarbiyadani waxa ay ilmaha bartaa in dagaalku yahay habkakaliya ee lagu xaliyo khilaafaadka.
  3. Ilmaha siddan loo soo tarbiyadeeyo waxaa  fududaadta in uu dabagalo cid kasta oo ka awood rooon. Iskuulka marka u joogo waxa fuddud in uu sameeyo waxa ay rabaan ciyaalka ka awooda wayni. Arinkani waa khatar khaastana wadamada aan ahayn Muslimiinta ee iskuulku uu yahay meel caruuro badani ay la yimaadaan akhlaaqiyaad aan agteena ka wanaagsanayn. Sababaha ay carruurtu darooogada,gang’ska  iyo akhlaaq xumadda u bartaan  waxaa ka midda in ayana iska caabin karin kuwa akhlaaqiyaadkaa baraya oo inta badan ah kuwo u awood sheegta.
  4. Garaacida iyo hanjabaadu wadamada galbeedka waxa ay sababi kartaa in dawladu ay caruurta aqalada waalidkood ka kaxayso. Wadamadeenii hadii ilmaha la dhangadeeyo mujtamacu uma arkayn in ilmaha xuquudiisii lagu tuntay laakiin dhulalkan ay Soomaalidu qaxootiga ku tahayse dhangadayntu waxa ay marar badan waalidka u soo jiidaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin xadhig amaba in ilmaha iyo waalidkii la kala kaxeeyo.

La soco qaybta labaad

Siciid Cali  Axmed
Email: Said.ali.ahmed@gmail.com

--------------------------
1 Kids are worth it by Barbara Coloroso
---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                                                                   


Copyright © 2008 Wardheernews.com