|
|
Ibraahin Hawd iyo Aragtidiisa Miisaanka maansada
|
Odhaahda Tifaftirka: WardheerNews waxay si qiimo leh u soo dhawaynaysaa dooda xiisaha leh ee ka furantay cida ku horeysay daahfurka Miisaanka Maansada, taasi oo si habsami leh ula ambaqaaday waraysi ay dhawaan wardheerNews la yeelatay bare sare Carraale. Sidoo kale waxay wardheerNews ku guda jirtaa in ay waraysi la yeelato bare sare Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Waxaanu aad ugu rajao weynahay in bulshoweynta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Suugaanta ama xiisaysa, in taxanaha doodani uu noqdo mid laga faa’iidaysto oo si climayaysan loo soo bandhigo oo ka dhawrsan yooyootan.
__________________________________________
Sidii bahalkii biriijka ka dhacay
Ilaahay ballankii barquu kacay*
Midhihii, Eebbe haw naxariistee,
Cabdi malaw
Intaanan qoraalkayga bilaabin, waxan marka hore si kooban akhristayaasha ula socodsiin waxa laysku hayo iyo waxa aan ka garnaqay waxa ay yihiin. Kadib waxaan si aad ah u muujin sida uu had iyo jeer Ibraahin uga hadlo wax aanu aqoon u lahayn. Si aan tiigaal lahayn waxan isaga balfin xajiinta iyo xasaradaha uu ninkaasi igula soo galgashay. Ugu dambaynta waxan tilmaan kooban ka odhan wacdaraha aan looga baran maammulka Wardheernews iyo sida aan marnaba loogu arkikarin inuu maammulkaasi arrinka dhexdhexaad ka yahay.
Waxa laysku hayo:
Ugu horrayn arrinta laysku hayaa, akhriste, haddii aanad hore ula socon, maaha maanso la curiyey sida uu Ibraahin Hawd sheegay. Mana laysku haysto Carraale wax ma qorin, ama Gaarriye wax ma qorin, mana laysku haysto aragtida Gaarriye ayaa ka wanaagsan ta Carraale ama sida kale. Hayeeshee, waxa laysku hayaa hadda waxa weeye: Kuma, ma Carraale mise Gaarriye, ayaa aragtidiisa miisaanka maansada dadweynaha Soomaaliyeed u soo hor bandhigay? Haddii uu soo bandhigayna goorma ayuu dad weynaha u soo bandhigay?
Si xun wax usheeg sixiroole ka darane, arrinta aan ka garnaqay waa taasi. Afkaygana lagama maqal aragtida Gaarriye ayaa ta Carraale ka fiican ama ta Carraale ayaa ta Gaarriye ka wanaagsan. Cidna afhayeen uma hayne dood bilaabantay baan ka qayb qaatay, aragtidaydii oo caddayni ku ladhantahayna waan soo bandhay. Wixii laysku hayey haddii aan intaa ku dhaafo, bal markanna aan u diga rogto
Ibraahin Hawd iyo sid uu uga hadlo wax aanu aqoon:
Inuu Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” ka hadlo waxaanu aqoon u lahayni, horta, ceebtii maaha ee waa caadadii. Mana aha markii u horreysey uu arrintan oo kale ku kaco. Si aan loo moodin inaan iska eedeynayo ama iska xagxaganayo qoraagii weynaa saw maaha inaan keeno caddaymo aan midhkaa ku taageerayo? Haddaba meel dheerba kama doonayee bal u fiirsada wuxu hadalkiisa ku bilaabay:
Dhaqan ahaan sheegashada halabuurka iskuma aynu qabsan jirin, maansada oo ahayd waxa ugu badan ee la curiyana weligeed taariikhda soomaalida anigu kuma aan maqal laba qof oo lahaanteeda isku qabsaday.
Magaranayo taariikhda dadkan uu ka hadlayaa cidda ay yihiin. Innagoon mid fogba raadin ayuu raadkeedi sii qoyan yahay tii laysku qabsaday. Miyaan dhawaanahan laysku haysan heestii Soomaaliyey toosa ciddii curisay. Ibraahin malaha BBCdana ma dhegeystee, miyaan Faadumo Qaasin laga warsan oo aanay ku doodahayn inuu aabbaheed sameeyey. Miyaanu Ibraahin daawan cajaladdii laga duubay daahfurkii buugga la yidhaa Geeddi socodkii Eebbe haw naxariistee Yuusuf Xaaji Aadan. Xudeydi oo arrintaa ka warramaya ayaa yidhi, “Qaasin hilowle ayaannu weydiinnay oo ku nidhi Qaasinow tuluddu waa maxay?” Markaasuu yidhi buu yidhi, ‘Maxaa ka kasaa?” Markaasaanu ku nidhi buu yidhi, “Oo haddaa maxaad u sheeganaysaa samaynteeda?”. Cajaladdaasi ka daawada http://www.yusufhajiadam.com/video.html
Waxa isna qoraalkiisa ku caddeeyey jiritaanka arrintaasi Maxamed Xirsi Guuleed (eeg WardheerNews). Halkaasi waxa innoga dhuroobey inaanu Ibraahin la socon mahadhada dadkan uu ka warramayo. Siday doontaba ha ahaatee, doorkan maanta ah, Ibraahinow, layskuma haysto maanso curinteed. Waxa laysku hayaa waa aragti aqooneed oo Soomaali ugub ku ah ee sidaasi ula soco.
Kadar oo dibi dhal. Isagoo braahin qardajeexii ku jira ayuu ka hadlay miisaanka maansada waxaanu yidhi:
Weydiintuse waxay tahay miisaankaasi in la barto waxtarka ku jiraa waa maxay?
Waan yaabbanee, dad yahaw, idinna ma la yaabbantiin? Haddii aanu Ibraahin garaneyn waxtarka miisaanka ku jira maxaa xiijiyey ee waxan oo hadala ka keenay? Sheeko beri aan yaraa, oo aan miyi joogay, la iisheegay baan xasuustay waxaanay ahayd:
Lax baa casar horratay. Wan yar, oo baraar ah, baa laxdii daba cararay. Dad u dhowaa inantii adhiga ay laxdu ka horratay la joogtay baa yidhi, “Garannay oo laxdu ilmaheedii bay u horraneysaaye, wanka yar maxaa isna wada?” Inantii baa u warcelisoo tidhi, “ Dee salbabaq!” Sidaasi awgeed, kol haddii uu Ibraahin qirtay inaanu la socon waxtarka ku jira miisaanka maansada, waxa ka hadliyey ee uu Cabdillaahi u daba carayaa waa SALBABAQ iyo dood baan ka qayb galay aad tidhaahdid.
Waa yaabka yaabkiiye, aqoondarradaasi wuxu markhaati uga dhigtay oo uu u guuxay aragtida uu miisaanka maansada ka qabo ninka la yidhaa A.M.Yuusuf oo ku magac dheer ‘Waayeel’.
Sida aan ku xusay buugga la yidhaa ‘Magac bilaash uma baxo’, naanaysaha iyo magacyada Soomaalidu iskama baxaan ee ujeeddooyin dhab ah bay ku baxaan. Hayeeshe, waxa jira qaar xifaalo ahaan loo bixiyo. Tusaale ahaan, waxad arkaysaa nin aad u madow oo loo bixiyey ‘Nuur’, ama mid aad u gaaban oo dherer lagu xifaalaynayo sida ‘Cali-dheere’ oo kale. Haddaba kolkii aan akhriyey gorfaynta magaceedu yahay ‘Maxaa gaarriye loogu hiilin?’ oo uu Waayeel ka qoray buugga la yidhaa “Mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac” ayaan dareemay inay naanaystaasi tahay tu xifaale ku baxday oo uu A.M.Yuusuf yahay nin ay waayeelnimo ka dheertahay. Sidaasi waxan ugu maleeyey waa qofkii u horreeyey adduunka ee buug aanu arag oo aanu akhriyin gorfeeya. Hadda marka uu Waayeel gorfaynta buugga ka qoray, buugguba madbacaddaba kama soo bixin oo anigii qoray ima soo gaadhin. Dhacdadaasi,waxan, runtii, ku tiriyaa yaababkii isoo maray kuwii ugu yaabka weynaa.
Run ahaantii, A.M.Yuusuf kumaan tirin inuu hanfade yahay. Waxan u qaatay inuu buugga riyo ku daalacday. Sidaasi awgeed waxan ku tiriyey 3da uu Nebigeennu (NNKHA) ku tilmaamay inay yihiin Marfuucal Qalam ( ﻡﻠﻘﻠﺍ ﻉﯘﻓﺮﻣ ) een dembigaba loo qorin. Waxa kale oo aan kaga gam’ay qoraalkii Caddaani Axmed ee ladhkiisu ahaa http://guri-barwaaqo. blogspot. com/2007/11/ina-yuusuf-muxuu-isku-ogyahay-ee-uu-ka_18.html ee uu ku yidhi, “Gaarriye iyo Barwaaqo toona daanyaqaad uma noqonayaan dammiinnimadaada.”
Ma ihi qofka keliya ee dareemay inuu Ibraahin Hawd ka hadlo waxaanu aqoon. Xasan Xuseen Warfaa ayaa qoraalka ladhkiisu yahay Sheekh Muxammed Bin Cabdulwahhaab: Bir-mageydo lagu gafey ku yidhi sidan:
…. Qoraaladaas waxa kamid ah mid uu lahaa qoraaga caanka ah ee Ibraahin Yuusuf "Hawd" (Aqoonyahanka iyo Afkiisa, redsea-online.com), oo sadarro ka mid ah aad ka dhan-dhansanaysey ereyada uu adeegsaday qoraagu, aqoon darro xooggan oo ka haysa Sheekh Muxammed iyo guud ahaan waxa lagu magacaabay wahaabiyada.
Wuxu anigana iga sheegay dhegeysta:
Aqoondarrada waxa lagu yaqaan inay qofka ku abuurto kalsooni xad dhaafa. Intii uu Ibraahin salbabaqa ku jirayba danbay ahayde, wuxu mawdku ka adeegay kolkuu aniga oo aanu aqoon badan ii lahayn uu yidhi, “Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo” isagu kama mid aha dadka arrinta xogteeda martida loogu yahay waayo soo bixiddeeda waxba kama uu ogayn.”
Horay Soomaaliyi u tidhi, ‘cawlba cawlkiisuu la boodaa.’ Ibraahin sidii jalahii Waayeel ayuu ku riyooday, baan u malaynayaa, inuu Barwaaqo ka mid yahay dadkii dhashay 80kii. Bal Ibraahin ha la weydiiyo sida uu ku ogaaday, haddii aanay wixiisu riyo ahayn, halka uu Barwaaqo joogay dhalashadii miisaanka maansada. Haddii aan midhkaana caddeeyo, tolow, Ibraahin ma hadhayaa?
Qoraalkii aan ku garnaqay Ibraahin badh buu soo qaatay badhna wuu ka tegey. Qofkii fiiradheeri Eebbe ku galladay ee akhriyey qoraalkaasi wax badan buu ka dareemi. Waxan filayaa inaanu Ibraahin weligii u garqaadin laba wiil oo ay jalayihiin oo arrin isku qabtaye, waxan halkan ka sheegayaa inaan garta dhexdhexaadka laga yahay, sida Ibraahin Hawd, loo adeegsan hawraaraha; haddii ay sidaasi dhicilahayd sidaasi ayey noqon lahayd, iwm. Sidaa darteed markii aan qorayey qoraalka ladhkiisu yahay “kumaa ah aabbaha miisaanka maansada, ma Carraale mise Gaarriye?” waxan idhi:
“ Aniga oo iska dhawraya hawraaraha: waa la yidhi, waan aqiin, waan maqlay, waan akhriyey, ama waxa igu maqaala ah, iwm.,, ayaan dooddeyda ku taageeri caddeymo, sumad iyo sawrac leh”
Waxan sidaasi u lahaa waxay ahayd si aan la iigu arkin inaan ahay nin dhinac u janjeedha oo hiil ku jira. Caddaymihii aan soo bandhigayna waxa si wanaagsan oo niyadsimiyi ku jirto ugu qancay Axmed Keyse Cali oo ah ninkii doodda furay. Waa nin muujiyey sumaddii iyo sawricii Soomaali lagu yiqiin, sida Ibraahinna garmaqaate muu noqon. Ilaa iyo haddana wax caddaymihii aan keenay lagu buriyo lama hayo.
Hadal lama ag joogsadee bal halkii uu Barwaaqo joogay markii qoraalkii u horreeyey ee miisaanka maansadu ku soobaxay Xiddigta Oktoobar aan sheego. Taariikhda reer galbeedku kolkay ayad 11/01/1976kii ayuu Barwaaqo Muqdisho yimid. Hadda baabuurkii dhiga dheere ma sidin. Hargeysa iyo Burco toona kamuu iman. Hawd iyo Soomaali galbeedna kama soo doolin. War baa kuu dhimane, wuxu Barwaaqo ka soo degey garoonkii dayuuradaha ee Caalamiga ahaa ee Muqdisho. Bal hadda qabsoo Somali airlines lamuu socon. Ibraahinow, wuxu Barwaaqo la socday dayuuraddii la odhan jiray Aeroflot ee uu lahaa dalkii burburay ee Midawgii Soofiyeeti. Muu ahayn Barwaaqo, xilligaasi, inan yar oo sii raacay aabbihii oo wasiir ah, dalxiisna umuu tegin ee wuxu ahaa nin waxbarasho u aaday dalkaasi. Maalintaa aan Xamar imid iyo maalmihii xigey midna ma jirin wax hadalhayna oo ku saabsanaa Gaarriye iyo Carraale toona. Akhristayaal, idinkaan idin weydiiyee, goorma ayaa qoraalkii u horreeyeyna lagu soo qoray Xiddigtii Oktoobar? Miyaanay ahayn 17kii bishaa uu Barwaaqo dalka ku soo laabtay. Barwaaqo oo Xamar dhex joogana miyaanay aragtida miisaanku soobixin? Ibraahin ha la weydiiyo halka uu isagu joogey xilligaasi malaha mabuu dhallanne.
Indha la’aanta iyo xagjirnimada Ibraahin:
Runtii, Ibraahin hadal baa hadhay umuu hadale, anigaa hadhay buu u hadlay. Taasi waa ta keentay inuu sidii qof indhala’ dhinacuu doonaba u dhaqaaqo. Ibraahin sidaa uu u yidhi barashada miisaanku maxay soo kordhineysaa baa ka sal ah. Indhala’aantaasi waa ta ka yeedhsiisey:
Taageeradaa xagjirnimada ah Cabdiraxmaan wuxuu ku sii xoojiyey fikrado uu ku daray maqaal dambe oo la yidhaahdo ”Miisaanku waa furaha kala asooridda badaha maansooyinka soomaaliyeed”, redsea-online.com, meey 2007. Iyo buuggiisa cusub ”Mahadhada iyo Waxqabadka M. X. Dhamac ’Gaarriye’”, Hal-aqoon publishers, 2007.
Waxa hadalkaas qudhiisa ku cad inaanu Ibraahin kala aqoon cilmibaadhista iyo xagjirnimada. Labadii aragtiyood ee miisaanka ee Carraale iyo Gaarriye ayaan is barbardhigay tii aan doorbidayna waan qaatay. Carraale iyo Gaarriye maan kala dooranayn. Midhkaana daw baan u leeyahay. Qoraalkaasi uu ku tilmaamay mid xag jir ah waxan ku tilmaamay oo caddeeyey in aragtida miisaanka maansada Gaarriye aanay inna barayn sida loo maansoodo oo qudha ee ay innoo hawl yaraynayso kala asooridda badaha maansooyinka oo aad laysugu murgiyo. Hadalkaa intaan idhi uun kama dhaqaaqin ee waxan soo bandhigay caddaymo kuwaas oo ahaa sidan:
…. Aan ku bilaabee, intaan dalku burburin, dadka iyo afkuna habaqle noqon, waxan u haystey in la kala yaqaanney badaha maansooyinka Soomaaliyeed oo ay aad u adkayd isku murgintoodu. Waxa kale oo aan filayey in la yaqaan maansakastaa badda ay ku abtirsato. Hase ahaatee, malahaasu wuxu afka u dhacay kolkii aan dhawaan dareemay in dhibaatada maanta jirtaa kaba horreysey burburka. Tusaale ahaan, maansada uu tiriyey Xuseen Dhiqle ayaa lagu sheegey iney gabay tahay ( Aw Jaamac Cumar Ciise 1999).
Intaas oo qudha maaha. Bogga 191aad, ee daabacaaddii 2aad, ee buugga Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdalla Xasan, labada maanso ee ku yaal, oo geeraar ah, baa ayana lagu sheegay inay gabay yihiin. Waxa haddaba isweydiin leh, haddii Aw Jaamac Cumar Ciise iyo raggii hawsha la wadey ay maansooyinkaasi gabay ku sheegeen maxaad u malayn qof caadiya oon suugaanba wax ka aqoon?
Gefafka jaadkaasi ihi ma yara. Dhawrka tuduc ee hoos ku qoran oo ku jirey heestii Diiriye Baalbaal baa iyana la sheegay inaanay tisqaad noqon (eeg bogga 72aad ee buugga Cabdillaahi Diiriye Guuleed ‘Carraale’ 2003).
Kol mushaax
Kol mafsuud
Kol mashxarad
Sidii maansooyinkii hore haddii aan ku adeegsanno aragtida Gaarriye ee miisaanka maansada si hawl yar baan u ogaankarraa badda ay tuducyadaasi ka tirsanyihiin. Intaynaan, haddaba, sheegin badda ay ka soo jeedaan bal aan marka hore eegno qaab dhismeedkooda oo u qorno sida hoos ku qeexan:
Kol mushaax
1 1 2
Kol mafsuud
1 1 2
Kol mashxarad
1 1 1 1
Kolkii aan sidaa u qorray maxaa inooga dhuroobey? Waxa halkaa innooga soo baxay inuu tuduc kastaa ka koobanyahay afar (4) shaqal. Taasi oo inna xasuusineysa qaab dhismeedkii heesta la qaado kolka hadhuudhka lagu tumayo mooyaha ee la laba tiboodinayo. Heestaasi oo tidhaa:
Mooyaha| M | oo |
y | aan |
2 |
2 |
Hadal gun buu leeyehee, waxa halkaasi innooga caddaatay in aragtida Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ ee Miisaanka Maansadu aanay inna barayn sida loo maansoodo oo qudha2 ee aan si hawlyar ugu kala ogaan karro jaadadka badaha maansooyinka Soomaaliyeed.
Akhriste, qoraalkaasi ma xag jirbaa, mise aragti cusub oo dhab ah baan tilmaamay? Car Ibraahin ha beeniyo! Aragtidii Carraale wixii ay maarayn weydey tii Gaarriye miyaanan ku maarayn?
Akhriste, halkaasuun kagama hadhin, waxan maareeyey kala garashada heesaha wiglo, hirwo, dhaanto iyo heello oo ay aad u adkayd kala garashadoodu. Intaasuun kuma joogin ee waxan dadkayga ugu bushaaraynayaa inaannu, aniga iyo nin aannu jalanahay, dhowaan idiin soo bandhigi doonno qorme kumbuyuutar oo aannu u bixinay ‘laaxinjire’ oo lagu sixidoono maansada. Wuxu kuu kala sheegidoona maansada aad curisay badda ay ka soo jeeddoo, halka uu laaxinku kaga jiro, inta tuduc ee ay ka koobantahay iwm. Waar ma hawshaa aan wado ayuu Ibraahin leeyahay waa xagjir?
Baroortu orgiga ka weyn baa la yidhee, ha sheego Ibraahin waxa isaga wada. Waxanan u shaagi, Caddaawe iyo Madoobe miduun baa soo horrayne, in Carraale u baahan yahay aqoon lagu garabgalo oo aragtidiisa lagu kobciyo ee aanu u baahnayn Yaa maalijirayeey. Go’aan qaadashada qofka xagjirnimo ku shaqaynaya ee cudur la duudduuban akhristayaashaan u dhaafay.
WardheerNes iyo waraysigeedii:
Runtii waan ku obsaday waraysigaa isaga ah, waayo Cabdillaahi baa wax badan caddeeyey. Caddaymaha Cabdillaahi markalaan u dhigtee, bal aan falaadka cusub ee Wardheernews wax ka binniixiyo. Degelka wardheernews.com loogama baran habka uu waraysigan u soo bandhigay. Waraysiyo dhawr ah oo uu maammulka degelku qaaday sumad iyo baadisooc lagu sugo ayey la haayeen. Tusaale ahaan, waraysigii uu degelku la yeeshay Dr. Georgi Kapchits waxa ku saxeexan oo cad inuu qaaday Khaliil C. Xasan. Bal dad Allaw idinba halkan ka eega waraysigaasi http://www.wardheernews.com/ Wareysiyo/25_ Wareysi_ Kapchits.htm. Miyaanay haddaba wax lala yaabo ahayn waxa uu degelka WDN waraysigii uu la yeeshay Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale” uga dhigo mid sumad laawe ah lana qariyo ciddii qaadday, meesha lagu qaaday iyo qaabka loo qaaday intaba. Arrintaasi waxay muujinaysaa in maamulkii degelka lagu soo biiray oo ay wax iska beddeleen. Waxa kale oo ay aad u xoojineysaa tallankii iga galay hadallada waraysiga ku jira oo ka mid ah kuwii ay igula doodeen qaar ka mid dadka aan isleeyahay maammulka wardheerNews ayey ku soo biireen.
Hordhaca waraysiga WDN wuxu u qoran yahay sidan:
Professor Carraale wuxu suugaanta Soomaaliyeed ku soo kordhiyey daahfurida qaacidada maansada soomaaliyeed ku salaysan tahay. Qaacidadada, oo loo yaqaan, “miisaanka maansada”, waxa jirta arragti kale oo ah inuu daahfuray Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye).
Cutubka labaadna wuxu u qoran yahay sidan:
Maadaama “miisaanka maansadu” tahay daahfurkii ugu qiima weynaa ee qarnigii tegay ku soo kordhay suugaanta Soomaalida, WardheerNews waxa ay furaysaa dood ku saabsan yaa hor helay “miisaanka maansada. Labaddan aqoonyahan ee Soomaaliyeed iyad oo ay jirto in weli dood ku saabsan yaa hor helay “miisaanka maansada” aan loo furin.
Waxa haddaba isweydiin leh sida uu degelka WDN uu dood dhexdhexaad ah uga samayn karo arrintaasi isaga oo kolkii u horreyseyba dhinac ka soo jeestey?
Haddii, sida maammulka wardheernews ku doodayaa dhabtahay waxay u qori lahaayeen sidan hoos ku qoran:
Aragtida miisaanka maansada oo ku soo biirtay af Soomaaliga ayaa ilaa hadda muran ka jiraa sidii loo ogaan lahaa ciddii daah furtay. Dad badan baa qaba inuu Cabdillaahi Diirye Guuleed yahay ninkii u horreeyey ee aragtidaa daahfuray. Dad kale oo badan baa ayana qaba inuu Maxamed Xaashi Dhamac yahay ninkii soo horbandhigay. Si arrintaa looga gun gaadho wardheernews waxay ku dadaashay sidii ay laba aqoonyahanba waraysi ula yeelan lahayn. Muddo kadib waxay wardheernews ku guuleysantay inay markii u horraysay waraysi la yeelato Carraale oo jooga meel hebla, waxan soo waraystay hebel hebel oo ka tirsan bahda wardheernews.
Hadalkaasi ayaa dhexdhexaad ah. Qofna niyadda dadka ma oga waxa ku jira. Falka iyo falaadka qofka ayaa la xukumayaa. Sidaasi awgeed anigu uma arko hordhaca wardheernews inuu yahay dhexdhexaad.
Guntii iyo gunaanadkiina qoraalkan oon badidii ku deeddifaynayey eedihii uu ii soo jeediyey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” ayaan haddana idiinku sheegay inaan maanta laysku hayn maanso curinteed ee laysku hayo kuma ayaa aragtidiisa miisaanka maansada soo horbandhigay? Kii doonaaba ha daahfuree, kolley mid uun buu noqone, waxa habboon in lagu dadaalo sidii aragtiyahaasi loo baran lahaa loona sii kobcin lahaa si wax looga taransado.
W/Q Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”
Email: Hal_aqoon@yahoo.com
---------------------
* Tuducu wuxu ahaa: Ilaahay ballankii barqaan kacay
---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews