Home Articles Somali Songs About us  

 


Nabad iyo Horumar Keliya Kuma Koobna Tabashooyinka Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya
WardheerNews
Feb. 11, 2011

Shaki kuma jiro in dagaalada iyo xasilooni darrada muddada dheer ka jirtay Deegaanka Soomaalida Itoobiya  ay dib u dhac weyn u keentay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkaas.

Niyad samida iyo taageerada ay u muujiyeen shacabku ka dib markii qaar ka mid ah kooxaha hubaysan ee dagaalada ka waday dhulkaasi ay heshiisyada nabadeed la saxiixdeen dawladda Itoobiya, waxay inoo muujinaysaa baahida weyn ee ay shacabku u qabaan in nabadgelyo lagu soo dabbaalo deegaankooda iyo sida ay uga daaleen dagaaladaas muddada dheer ka aloosnaa dalkooda ee dib u dhaca iyo nolol xumadana u keenay, iyadoo islamarkaana illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Haddaba waxaa jirta in waayadan dambe halkudhegyada aan had iyo jeer ka maqalno madaxda dawladda deegaanka Soomaalidu ay ku soo koobmeen laba eray oo ah Nabad iyo Horumar.

Madaxweynaha Dawladda deegaanka Soomaalida oo dhawaaan booqasho ku yimid dalka Maraykanka iyo Biritan, ayaa labadaas qoddob  ka gadaya qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee ku dhaqan dalalkaas.

Waa hubaal in nabad la’aanteed aanay nolol habboon iyo horumar midna la gaadhayn, hase yeeshee waxaa iyana lagama maarmaan ah in shacabku ay helaan caddaalad iyo xoriyad, isla markaana ay si  sharaf, xurmo iyo cabsi la’aan  ah ugu noolaadaan dhulkooda.

Waxaa  lagama maarmaan ah in uu maamulku hirgeliyo isbedel iyo furfurnaan dhab ah  oo ku jihaysan qaabka uu ula dhaqmo shacabkiisa.

Nabad iyo horumar midna wax macno ah samayn maayaan inta ay deegaanka ka jirto caddaalad darro, cabsi gelinta iyo cabudhinta lagula dhaqmayo shacabka. Waa in la kala saaraa nabad diid iyo mucaarad.

Ma jirto adduunyada shacab dhinac keliya u wada jeeda oo isku wada aragti ah, sidaa darteed waa in muwaadinku helaa xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku cabiri karo aragtidiisa (Xorriyadda hadalka) xataa haddii ay lid ku tahay midda  maamulka talada haya. Maanta taasi kama jirto deegaanka.

Shacabka waxaa haysa cabsi aad u weyn iyadoo  qofku marka uu hadlayo  hareeraha iska fiiriyo, maadaama wax aan macno weyn ku fadhiyin uu xabsi ku geli karo. Qofku xaq buu u leeyahay isagoo wadankiisa jooga in uu mucaarad noqdo.

Waa ayaan darro in maanta aanu ka jirin deegaanka garsoor madax bannaan oo u taagan ilaalinta shurruucda. Hay'adaha garsoorku waa qalab ay xukuumaddu u adeegsato cabudhiinta shacabka. Taasi oo u suurta gelisay in Xukuumadda iyo hay’adaheeda nabad gelyadu:.

  • Iyagaa dadka iska xidhi kara , iyadoon la soo marin qaab garsoor
  • Inta ay doonaan hayn kara,
  • Intay doonaan ku xukumi kara,
  • Hadday doonaan cafin kara  ama
  • Dili kara,

Ma jiraan mucaarid xoog leh oo nidaamsan iyo saxaafad xor ah midna. Sidaaa darteed waxaa meesha ka maqan ciddii la xisaabtami lahayd  xukuumadda talada haysa.

Taasi waxa cad in aanay meelna ka waafaqsanayn nidaamka dimuqraadiyadda ee ay sheegato dawladda Itoobiya.

Waa in shacabku awood u yeeeshaan in ay iyagu si xor ah u doortaan ciddii ay rabaan, lana joojiyo fargelinta aan sharciga iyo dastuurka midna waafaqsanayn ee dawladda dhexe iyo  madaxda ciidamada Federaalku ku hayaan maamulka deegaanka.

Waa in deegaanku Soomaalidu helaa xuquuqda uu u jidaynayo dastuurka Federaalka Itoobiya.

Nabad iyo horumar keliya kuma koobna tabashooyinka shacabku.

WardheerNews
Email:Admin@wardheernews.com

________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2011 WardheerNews.com