Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajucuun
Dhamaan Bahda WardheerNews waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee marxuum Siciid Meygaag Samatar oo bishan May 07 dii ku geeriyooaday magaalada San Jose ee dalka Maraykanka.
Waxaanu marxuumka Ilaahay uga beryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Aaamiin Aamiin
Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajucuun
Anagoo kala ah:
1- Axmed C/raxmaan iyo qoyskiisa
2- Faysal C. Rooble iyo qoyskiisa
3- Ismaaciil C/raxmaan iyo qoyskiisa
4- Yusuf C/raxmaan
5- C/kariim C/raxmaan iyo qoyskiisa
Waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Siciid Meygag Samatar oo bishan May 07 dii ku geeriyooaday magaalada San Jose ee dalka Maraykanka.
Waxaanu Ilaahay uga beryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiye marxuum Saciid Meygaag, qoyskii iyo ehalediisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin
Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun
Marxuum Siciid Maygaag Samater oo ku geeryooday Shalay , California - USA.
Marxuum Saciid Maygaag Samatar wuxuu ahaa hal yey magac iyo maamuus ku leh Jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Amerika, isla markaana ahaa gudoomiyihii iyo aasaasihii ururka SOPRI. Waxan Ilaahay ka baryeynaa inuu Marxuumka Janadii fardoosa ka Waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo.
Aamiin - Aamiin – Aamiin.
Waxaa tacsi u diraya qoyskii iyo qarbadii uu ka geeriyooday, dadka hoos ku qoran.
1- Mohamed Biixi yoonis
2- Mohamed Haji Saeed
3- Dr Ahmed Hussein Isa
4- Abdi Hussein Isa
5- Ali yonis (Batuun)
6- Dr Hussein abdillahi Bulxan
7- Mohamed Hashi Maal
8- Mohamed Hussein Askar
9- Mahamud Abdi Elmi
10- Ahmed Ali Sabeyse
11- Abdihakim Haji Saeed
12- Deqa Arab Essa
13- Hassn yonis
14- Dr Mawlid Balayax
15- Abdiaziz Jamac badawi
16- Ali omar Hassan
17- Mahamoud Haji Ali
18- Osman Abdillahi Egal(Osman Hindi).
Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajucuun
Tacsi ku socota ehelka, qaraabadda, asxaabta, qaranka iyo shacbiweynaha R. Sland meelkasta oo ey aduunka kaga nool yihiinba.
Baahida loo qabey Marxuum Saeed Meygaag Samatar ee ay u qabeen dalkiisa iyo dadkiisa ayaa keentey in si weyn looga murugoodo, anaguna jaaliyad ahaan xanuunksaas baan la wadaagnaa dhammaan Jaaliyadaha iyo shacbiga R.Sland meelkasta oo ey ku nool yihiinba.
Marxuumka waxaa qaatay Ilaahii lahaa ee markii horeba aduunka keenay, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa in Naxariistiisa uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo qaranka Somalilandna iIaahay sabir ha ka siiyo..aamiin..aamiin..aamiin
Rabbi ha unaxriisto Saeed Meygaag Samatar & dhmamaan mawtida muslimiinta ah. Ha u nuuro qabrigu, iilkana naacow udgoon ha kusiiyo iyo naruuro. Amiin amiin amiin
Guddiga Fulinta,
Jaaliyadda Somaliland ee K/Africa,
Pretoria,
South Africa,
|