Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Qarax Muqdisho ka dhacay oo 10 ay ku dhinteen iyo wararkii dagaalka Buuhoodle

Muqdishu, Feb 08, 2012 ( WDN) Ugu yaraan inta la ogyahay toban qof ayaa ku dhintay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay, oo galabta lagu bar tilmameedsaday goob maqayaad lagu shaaho ah oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir.

Dad joogay agagarka uu qaraxa ka dhacay, ayaa waxay sheegen in gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la dhigey meel u dhow maqaayad la yirahdo Fatxi, oo dhabarka dambe ka saaran Hotelka Muna oo ay xildhibaano degan yihiin, halkaas oo uu galabta lagu qarxiyay gaarigaaasi.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ayaa inta la ogayhay waxay yihiin dad rayid ah oo goobta ka agdhwaa iyo kuwa joogey meel timo jara ah oo aan sidaasi uga fogeyn goobtii uu qaraxa ka dhacay. Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa waxa ku jira xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay qaraxaasi, waxaase cambaareyey dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale safiirka cusub ee Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya, oo war uu ka soo saarey Nayrobi ku sheegey in qaraxaasi uu ahaa mid fuleynimo ah.Md. Matt Bough ayaa sheegey in uu tacsi u diraayo ehellada dhammaan dadkii ku wax yeeloobey qaraxaasi.

Ciidamada dowladda ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaarey, iyaga oo bilaabey howl gallo baaritaano ah.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay duleedka Buuhoodle ee gobalka Ceyn, ayaa sheegaya in dagaalku uu qaboobey galinkii dambe ee maanta islamarkaasina caawa ay xaaladdu degan tahay.

Dagaalkaasi ayaa inta la ogaaday waxa ku dhintey 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo sidoo kale dhinacyada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka Buuhoodle ee uu dagaalka u dhaxeeyay dhinac kaste uu guul sheegtay.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa, ayaa dagaalkaasi ku eedeyay in lagu soo qaaday dhinacooda islamarkasina hub iyo gadiid dagaal markii hore looga qabsaday ay dib u soo ceshteen, dhinacyadii dagaallamayna ay wali is hor fadhiyaan.

Jamaal Cismaan
WardheerNews


Copyright © 2012 WardheerNews.com