Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Siilaanyo oo Isugu Yeedhay Baarlamaanka, Xaaladda Gobolka Sool oo Cirka isku
sii Shareeraysa iyo Ciidamada
oo Heegan la Galiyay

Masuuliyiin Puntland ka tirsan oo iclaamiyay Ciidamadda Puntland inay Taageeraan shirka iyo Laascaanood oo Rasaastu hadh-beeshay

Buuhoodle (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay in shalay isugu yeedhay Shirguddoonada labada Gole Baarlamaan isla markaana uu ka codsaday inay Xildhibaanada labada Gole fadhi isugu yeedhaan maalinta sabtida ah si go’aan looga qaato xaalada sii cakirmaysa ee lagu mijo xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha Dhulbahante kaga dhawaaqeen Maamul Goboleedka.

Illaa hadda ma cadda Madaxweyne Siilaanyo go’aanka uu la hor tagi doono Fadhiga la sheegay inuu iskugu yeedhay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland hase yeeshee waxay xaaladu u egtahay in lagu dhaqan gelin doono sidii talaabo Milatari loogu waajihi lahaa arrintan maadaama markii hore Xukuumaddu dhayalsatay wax ka qabashadeeda imikana ay marayso meel khatar ku ah Sumcadii Somaliland lahayd. Waxaanay wararju sheegayaan in Heegan la galiyay Ciidamadda si aanay kooxda shirkaa wadaa fursad ay isku sii balaadhiso u helin.

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay joojisay Mushahar ay siiso Ciidan Beeleed ay Taleex ku qaramaysay kuwaas oo la sheegay inay ilaaliyaan shirka Taleex ee lagaga soo horjeedo Somaliland balse sida warar danbe oo aanu helnay sheegeen way u fasaxday markii danbe

Dhinaca kalena waxa meelo badan oo ka mid ah Deegaanada Sool ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerao Shirka Taleex kuwaasoo khasaare dad lagu dhaawacay ka dhashay sida wararku xalay sheegayeena Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay sameeyay dibad-bax ay ku taageerayaan go’aanka laga soo saaray shirka Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socda beelaha Dhulbahante.Dibad-baxan oo ahaa mid Somaliland ka dhan ah ayaa waxa dadwaynaha kala hadlay Odayaal reer Buuhoodle ah oo taageersan maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Khaatumo 2, iyagga oo dadku ku qaylinayeen kalmado ka dhan Somaliland, isla-

Warkan oo dhan halkan ka akhri

Copyright © 2012 WardheerNews.com