Dagaal ka qarxay magaalada Buuhoodle saaka iyo warar is khilaafsan oo
ka soo baxaya
|
Hargeysa Jan 15, 2012 (WDN) - Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in dagaal aad u culusi uu saaka ku dhexmaray magaaladaasi ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo kuwa degaanka. Ciidamada Somaliland oo iyagu soo weeraray magaalada ayaa la sheegayaa in uu hogaaminayay Kornayl Ibraahim Caydiid Dhabdhable oo ah abbaanduulaha ciidanka Somaliland, ahna nin ka soo jeeda degmada Buuhoodle. Waxa wararku intaas ku darayaan in ciidamada Somaliland ay weheliyeen ciidamo beeleed ka tirsan degaanka Buuhoodle oo dhawaan u goostay dhinaca Somaliland. Kuwaas oo uu horkacayay nin lagu magacaabo Curri.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay muddo kooban gudaha u soo galeen magaalada Buuhoodle. Kuwaas oo markii dambe la sheegay in ay ka baxeen magaalada ka dib markii ay iska caabbin xoog leh kala kulmeen ciidamda degaanka iyo kuwa SSC ee ku sugan magaalada Buuhoodle. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in dagaalku weli ka socdo hareeraha magaalada, gaar ahaan meesha loo yaqaanno Qudhacyada oo illaa 5 km u jirta magaalada.
Nin ka ka mid ah dadka deggen magaalada Buuhoodle ayaa u xaqiijiyay WardheerNews in ciidamada Somaliland ay ka soo galeen dhinaca waqooyi magaalada, dagaalna ku dhexmaray iyaga iyo kuwa degaanka magaalada gudaheeda. Khasaaraha soo gaadhay labada dhinac iyo shacabka magaalada ayuu ninkaasi sheegay in aan illaa hadda la xaqiijin karin inta uu le'eg yahay.
Dhinacyada la sheegay in dagaalku ku dhexmaray magaalada Buuhoodle ayaan illaa hadda midna war rasmi ah ka soo saarin.
Dagaalkan Buuhoodle ka dhacay ayaa bilawday ka dib markii uu shalay madaxweynaha Somaliland khudbad uu u jeediyey goleyaasha barlamaanka Somaliland uu ku sheegay in uu maamulkiisu ka hortagayo go'aanka ka soo baxay shirka ka socda magaalada Taleex ee lagu sheegay in maamul goboleed u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loo samaynayo. Kaas oo taabacsan maamulka dawladda kmg ah ee Soomaaliya.
WardheerNews, Hargeysa
Copyright © 2012 WardheerNews.com |