|
JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
(UCID)
Justice and Welfare Party
|
Date: 05/01/2012
UJEEDDO: GO’AAMADA SHIRWAYNAHA
3AAD EE XISBIGA UCID
A – GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIRWEYNIHII 3AAD EE XISBIGA UCID
1- Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) markuu arkay xaaladda qalafsan ee dalku ku jiro xagga nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo siyaasadeed iyo bulshaba wuxuu ugu baaqayaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu qabto shir wada tashi qaran si looga wda hadlo, loogana yeesho siyaasad mideysan arrimaha innagu soo fool leh.
2- In la adkeeyo nabadgelyada iyo madaxbannaanida Somaliland.
3- In ay xukuumaddu ay la timaaddo siyaasaddii dalka ay ku hoggaamin lahayd, isla markaasna la mideeyo hannaan socodka xukuumadda oo hadda is dhex yaacsan.
4- In uu madaxweynuhu ilaaliyo distoorka dalka iyo shuruucdiisaba isla markaana la kala saaro sharci dejinta iyo xukuumaddii oo isku milmay so loo helo isku dhelitiran awoodeed (check and balance) sida distoorka Somaliland ku qeexan.
5- In maamulka Somaliland lagu fidiyo dhammaan deegaamada Somaliland.
6- In qabyaaladda iyo musuqmaasuqa baahay oo ah dilaaga qaranimo la joojiyo.
7- In caddaalad darrada iyo eexda ku baahday dalka la soo afjaro.
8- Wuxuu Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelku (UCID) madaxweynaha Somaliland ku boorinayaa in uu ku soo celiyo xukuumaddiisa in uu adkeeyo go'aankii gooni isu taagga shacbiga Somaliland oo aad hadda mooddid in uu mugdi badani soo galay siyaasaddii arrimha dibedda ee Somaliland shacbigii saaxibada Somalilandba uu shaki weyni soo kala galay.
B- Waxa Kale oo uu Shirku Iisku Raacay Go’aamiyana Una Codeeyayna In La Kala Saaro Jagada Guddomiyaha Xisbiga iyo Jagada Musharaxnimada Madaxweynaha Somaliland oo Hore u Mideysnaan Jiray
1- Waxa kale oo shirku isku raacay una codeeyay awoodna u siiyay hoggaanka sare ee xisbiga in la banneeyo jagooyinka guddoomiye cigeenka 3 aad, 4aad iyo jagada xighayaha guud iyo 50 xubnood oo golaha dhexe ah
2- Waxa kale oo uu shirweynuhu isku raacay in tiradii jagooyinka ku xigeenada guddoomiyaha laga dhigo 4 xubnood, halkii ay hore uga ahaan jirtay 3 xubnood
3- Waxa kale oo la isku raacay in gudiiga fulintana laga dhigo 54 xubnood halkay 33 xubnood ka haan jirtay
4- Golaha Dhexena laga dhigo 181 halkuu ka ahaa 151 xubnood
C- Waxa Shirweynaha Lagu Doortay Laguna Ansixiyay Jagooyinkan soo Socda:
Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Eng. Faysal Cali Waraabe
Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID
Md. Aadan Jaamac Hoori
Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID
Md. Cabdixakiim Garaad-Maxamuud Cali Shire
Guddoomiye Ku-Xigeenka 3aad
Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)
D- SHir Guddoonka Madasha Shirweynaha 3aad
1- Maxamed Xasan Khayre
2. Maxamuud Cali Jiir
3. Cabdinaasir Yuusuf Qodax
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|