|
![]() |
|||||
|
"Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guursadeen nin Soomaaliyeed,
haddii aan guursadana waxba uma dhaleen." Odhaaahdan xanafta iyo xajiinta miidhana waxa tidhi baa igu maqaalo ah gabadh cad oo ah kalkaaliso ka shaqaysa qaybta umulaha ee cusbitaal ku yaal Iswiidhan. Haddaba maadaama aan ahay nin Soomaaliyeed, hadalkani wuxuu igu riday xanaaq iyo xayraan wada socda. Waxa uu hadalkaasi igu dhaliyay waydiimo badan oo ay ka mid yihiin: Tolow ma gogosha ayay ku saluugtay; mise gowska? Ma garashada mise gacan fudaydka? Dumarka Soomaaliyeedse odhaahdan sideebay u arkaan? Waydiimahan dhan aan u qaado aniga oo garan la’ ayuun buu Eeebbe igu il-haamiyay: Miyaad caawaba xaaskaaga waydiisid aragtideeda ku aaddan odhaahdan, bal si aad arrintaba ugaba gun-gaadhid. Haddaba caways Jimceed ayuun bay ahayd markii aan irridka gurigayga garaacay, ee ay iga furtay ooridaydii oo indha kuulan, dabno guduudan, da’ yaraanina ka muuqato. Bariido aan diirranayn ka dib markii aan gudaha sii galay waxa i qaadaa dhigay caraf iyo udgoon, oo meel aan joogo intaan garan waayay, ayaan is idhi tolow ma ku booddaa! Laakiin, waxaan samayn lahaaba waxaan ka baqe qabay in ay carruurtu soo jeedo, waayo habeenno badan bay iga gaagixiyeen kalaabtu. Haddaba qolalka markii aan fiiriyay ee aan ogaaday in ay galin horeba seexisay ayaan uurka ka farxay, hoostana ka qoslay, ogaadayna in ay Jimce tahay. “Horta caawa habeen aad ka wanaagsan tahay ma aan arag intii aynu wada joognay, waayo waxa iiga kaa muuqda danayn iyo debecsanaan badan. Taas baana keenaysa inaan uurkayga kuu dooxo, oo aan tabashadayda kuu soo bandhigo. Maalintii aan ku guursanayay waxaan is lahaa wuxuu kuu noqon hooyo, aabbo, walaal iyo wehel rumaad. Waxaan is lahaa cidlo danbe dareemi maysid, ciishoon maysid, cabashana hadalkeedaba daa. Waxaan is lahaa wuu kula kaftami, wuu ku kool koolin, waanu kuu kaalmayn. Waxaan is lahaa wuu ku dhegaysan, wuu ku dhaqaalayn, wuuna kuu dhego nuglaan. Waxaan is lahaa wuu ku maamuusi, wuu ku marxabaysiin, waanu ku macsiin mar walba. Waxaan is lahaa wuu ku daadahayn, wuu ku dalxiis gayn, waanu kula dawaafi. Waxaan is lahaa wuu kula damqan, wuu kula digigixoon, wuuna kula diirnixi. Waxaan is lahaa wuu ku caawin, wuu kula cawayn, wuuna kula ciyaari. Waxaan is lahaa waad ku faani, waad ku farxi, waanad ku fantasiyayn. Waxaan is lahaa wuu ku raali galin, wuu kuu raaxayn, waanad ku rayn. Waxaan is lahaa wuu kuu naxariisan, wuuna ku nasin. Waxaan is lahaa wuu kula tashan, wuu ku tilmaami, waanu ku tiirin. Waxaan is lahaa wuu kula haasaawi, wuu kula hadli, waanu kula hawshoon. Ilayn haweenku hadal bay ku nool yihiine. Waxaan is lahaa jacaylkiina wuu kobcin doonaa, waanu kordhin doonaa. Waxaanse is lahaaba, waxba iimaad noqon. Haddii aad noqotayna, waxaad noqotay annaani. Sababtoo ah, hadh iyo habeen waxaad ka fikirtaa cuntadaada, cabitaankaaga iyo kufsashadayda. Haa kufsashadayda, dareen godlin ma lihid, gacan salaax laguguma oga, gacaltooyana haba sheegin. Sidii aad waraabe tahay baad igu soo booddaa, luquntana isugu kay laabtaa, laabtana igaga dhacdaa, dabadeedna si arxan daran ii luf-luftaa oo aad iiga muraadsataa. Shanta carruura ee aan kuu hayaba waxaad igaga dhashay kufsi sharciyaysan. Uurka intii aan ku siday ilamaad xanuunsan, imanaad xannaanayn. Fooshaydii garabkayga ma aad taagnayn, gacantaydu kuma haysan, galiilyada aan qabana war umaad hayn, ee bannaanka ayaad iska joogtay. Mararna waabad iska maqnayd. Carruurta hayntooda, cuntada karinteeda, dharka caddayntiisa iyo guriga carfintiisaba cududaha ayaan kaga jabay, haddana cishana kaama maqlin eray mahad naq ah. Waxaad ii aragtaa addoon kuu shaqaysa, waxaanan isku arkaa agoon yar oo kula joogta. Maalinna imaad odhan maxaad u baahan tahay macaan? Xataa, imaad odhan eray macaan oo diiriya dareenkayga dayra dhaafuhu qallajiyeen, ama dhalaaliya buuraha barafeed ee qalbigaygaku samaysmay. Dharaarna iimaad hadiyadayn ubax yar oo ka tarjumaya jacaylka aad ii qabto, (Iimaba qabtide). Galab qudha aniga iyo carruurta noomaad kaxayn beeraha la daawado ee dalxiiska loo tago. Habeenna ma aynaan xusin jacaylkii isku keen keenay ee aynu beryo biqlidiisa ka shaqaynaynay. Bakhaylnimada gacmeed ee aad leedahay waxa kuu dheer bakhaylnimo caaddifadeed. Adadkaanta iyo eray qallafsanaanta waxaad u aragtaa ragganimo. Halka aad debecsanaanta iyo diir-naxa u aragtid dumarnimo. Waan dareensanahay inaad annaga noo dhididaysid, noo dhibtoonaysid, noona dhan qalmaysid, laakiin miyaad xanuunsan haddii aad eray san igu tidhaa marka aad sii baxayso, ina sii maca-salaamayso, marka aad soo noqotana i tidhaa; waan kuu xiisay xabiibi. Miyaad dhiman haddii aad isii dhunkato. Ma dhulkaa kula gu’i haddii aad tidhaa: Waan ku jecelahay, iyaga oo ubadkeennu ku maqlayaan. Miyaa lagu doorin, haddii aad iska dayso hooyadiin u yeedha, oo aad tidhaa: Inaabtiday Saytuun iigu yeedha? Mise waa lagu derderi haddii aad dabacsanaan iyo dulqaad ii muujiso. Haddaba miyaynaan iska wada joogin uun waadigii ila yaabanaaye? Ayay si garnaqsi ku jiro ii tidhi. Aaaaah, wax aan idhaa intaan garan waayay ayaan madaxa ruxay, aniga oo qajilaad iyo qiiro wax aan u kala garan waayay jidhkayga dhameeyeen. Hadalka ayay sii wadatay, waxaanay tidhi: "Wallaahi, marka aan Telefishanada ka arko aabbe ubadkiisii iyo ooridiisii daadahaynaya intaan muraaqoodo ayaan haddana murugoodaa. Markaaan arko nin ooridiisa ku ammaanaya waxa ay u qabato intaan qiiroodo, ayaa nhaddana qarracmaa. Marka aan arko nin ooridiisa la tashanaya intuu xiise i qaado ayaan haddana xanaaqaa." Waan ogahay in dhankayga gaabis badani ka jiro, laakiin anigu dumar baan ahay, oo hadba sida aad iga dhigto ayuun baan ahaanayaa. Haddii aad ii dhibir-sanaato, anna waan kuu dhego nuglaanayaa. Haddii aad ii debecsanaato anna waan kuu dul-qaadanayaa. Haddii aad ii mahad naqdo anna waan ku maamuusayaa. Haddii aad i weheshato anna waan kugu wayraxayaa. Haddii aad i ammaanto anna waan kuu dararayaa. Samaynta waxanina ma adka ee la qabsi bay ubaahan yihiin. Waan dareemi karaa in dhaqanku xakame bir ah inagu hayo, laakiin miyaanay dhici karin inaan ka kufrinno intiisa xun ee aan xaaladdeena ku habboonayn? Miyaanay dhici karin inaan inagu qaabayno qaabka aynu u wada noolaanayno? Miyaynaan abuuri karin nolol tan aan hadda ku jirno, ka xallad iyo xiisa badan? Miyaynaan hormuud lagu daydo u noqon karin Soomaalidan iska wada joogta? Haddii aad qaab dhaqankaaga wax ka bedel ku samayso, haa waynu noqon karnaa, ee maad ka bedeli? Aaaah… goblan talo adduunyooyay, gaaridaan jeclaayeen, gabdhahaba ka doortee, gurboodkayga haysaa, garnaqsigan abuurtee, miyaan kaba garaabaa? Mise waan giriifaa? Gobi waa tii garawdee, waydiimahaa sare ka jawaabidooda awood waan u waayay, goor danbe ayaanse si qiiro iyo qushuuci ku jirto u idhi: Waan samayn karnaa macaan, waanan ka bedelayaa, waanan ku jecelahay. Maanta ka horna umaan qalmin inaan nin kuu ahaado. Laakiin, kun jeer baan kaa raalli galinayaa gefafka aad iga tirsanayso ee wada macquulka. Intaasi haddii ay yaa Allaah igaga soo baxday, waxaan arkay iyada oo illintu dhabanadeeda dul hoorayso oo hiq-dhabanaysa. Markaasan anna is hayn waayay oo aan naxariis iyo kal gacal la ilmeeyay. Waanu isku soo haadnay oo saacado ayaanu iskudul-hiqlaynaynay, annaga oo duminayna dayrkii Barlin ee dhexdayada ku gudbanaa, dabiibaynana mashaacirtayadii dakharadu ku yaalleen. Markii aanu is laab-xaadhanay habeenkaa barakaysan, waxaannu go’aansanay inaannu bog cusub u furno noloshayada danbe. Haddii aannu arrintaasi niyad samaan iskula qaadanay, inta ay iga kacday iyada oo aad balanbaalis moodo ayay casho suqaara oo aan carruurtuba malaha cunin ii keentay. Waligay casho ka dhadhan macaanayd! Afka ayay sidii ilmo yar iigu gurtay, markaasaan hooyaday macaan soo xasuustay. Cashadii waanu ku dul haasawnay, ku dul kaftannay, kuna dul faraxnay. Haasaawuhu isaga oo meel dhexe noo maraya ayaan si kaftana u waydiiyay: Gacaliso Saytuuneey, nin Soomaaliyeed malaha maad guuuu…… Anniga oo aan hadalkaa dhammayn bay igu soo booday oo inta ay afka i qabatay, igu tidhi: Ha odhan hadalkaa mar danbe, Ilaah baan kugu dhaariyee. Haye macaan inta aan idhi, ayaanu kobtii ka hinqannay annaga oo u sii jeedna qolkii hurdada, intii aannu sii soconay waanu isa sii daadahaynaynay, annaga oo is leh: Ha dhicin, ha dheelliyin. Sidii baanu qolka ku galnay, isla markiibana albaabka ayaan hoosta ka xidhay. Illaa haddana wuu ka xidhan yahay oo hawl gal millatari baa ka socda. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) Qaar ka mid ah sheekooyinka kale ee degelkan lagu soo daabacay* Fadhigii Dhagaxa iyo Faallo
Adduun Wq. Maxamed maxamud maxamed
Cashare ____________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |