Damaq |
W.T: Inj. Maxamed Cali Cibaar |
(Taariikh: 31 disembar 1999 ) |
Hordhac
Gabaygaan la magacbaxay Damaq, waxaan curiyay kala guurkii qarnigii 20aad iyo kii 21aad. Waxay ahayd waqti caalamka looga dabbaaldegayay sanadkii 2000aad ee u buuxsamay taariikhda Miilaadiga, waxaana arlada gees iyo gees ka dhacayay xaflado debbaaldegyo ah oo aad loo agaasimay. Waxaa ummadaha caalamka wajiyadooda ka muuqday farxad ay ku muujinayeen dareenkoodii ku wajahnaa munaasabaddii ay isugu soo baxeen. Qalabka warbaahinta ee dunida ayaa isaguna si aad ah ugu mashquulsanaa dhacdadan, waxayna TV-yada caalamku si toos ah u soo gudbinayeen dabbaaldegyadaas iyagoo marba waddan diiradda saarayay, laga soo billaabo geesta bari ee dunida illaa teeda galbeed.
Markaan muddo fiirsanayay dabbaaldegyadii ka socday TV-gii I horyaallay , ayuu dareenkaygii doorbiday inuu u wareego muuqaallo ka socday TV kale oo masaafo ahaan qiyaastii ii jiray kumannnaan kilomitir. Waxaan in muddo ah ku dheygagsanaa muuqaallo ka duwan kuwii farxadda lahaa ee ka muuqday TV-yada caalamka. Waxay aheeyeen muuqaallo argagax leh oo damqasho ugu filan ruuxii dareen naxa leh. Waa muuqaalladii waqtigaas ka jiray illaa maantana ka jira waddankeennii Soomaaliya. Waa musiibadii ku habsatay welina haysata dadkeennii , sida abaaraha, fatahaadaha, colaadaha iyo cudurrada. Gabayga Damaq wuxuu ka warramayaa muuqalladaas murugada leh oo aan qoraal iyo hal gabay midna lagu soo koobi Karin.
Waxaan jeclaystay in aan gabaygaan soo bandhigo kaddib markii aan maqlay dhiilladii maalin dhoweyd ( 17/12/2005) laga soo sheegay walaalaheennii qaxootiga ku ahaa waddanka Yaman. Waa ciil in dad qaxooti ah oo aan hubaysnayn oo maati u badan la xasuuqo oo rasaas lala dhaco, amaba si ula kac ah gaadiidka sidii waddadii loo dulmarsiiyo. Waa caloolxumo in dad dhiigbaxaya lagu xareeyo xabsiyo halkaasna ay ku waayaan naftoodii qaaliga ahayd Alle ha u naxariistee. Waxaa intaas oo dhan ka sii daran in ay dadkaasi yihiin dulmanayaal looma ooyeyaal ah! Oo ay kuwii u doodi lahaa ku mashquulsan yihiin dano shaqsi iyo mid shisheeye.
Gabayga Damaq walow uu hadda shan jirsaday, haddana arrimihii uu ka hadlayay weli sidoodii ayay u taaganyihiin. Waxaa Mahad leh Rabbigii na khalqay oo haddii uusan noo naxariisteen, wax badan oo dambiyadeenna ka mid ahna uusan noo cafiyeen, xaalkeennu uu wax badan maanta intaan ka sii xumaan lahaa.
Gabaygu wuxuu ku billaabanayaa sidan:
Axmadow dabuubtiisa gabay deelka iyo wowga
Dood iyo marabin waayadaan duulihii hadale
Dabadhilifku goortuu batiyo dowdar noo duubtay
Damdamluhu xilkii uu mutoo daacadi hungowday
Tuugguu xabsigu daahin jiray Ina Dambiil-boobe
Duq-kufsadena uu geesi yahay diric abbaanduula
Dibnaheyga horay wowga xiray dudubintiisiiye
Caawase wax baa igu dirqiyay oo lulay damiirkeyga.
Qayrkii inuu hoos u dayuu sida dameer dhaansho
Dabar iyo hoggaan lagu gumeyn dabinno hoos yaalla
Ubad dhaqanka laga doorsho iyo dumar la suuq geeyo
Dallacaad midkii moodayiyo darajo uu yeeshay
Dullaalnimana ay faan u tahay wow dabbaalnimo e
Nin dalkiisaa iibka lagu rabo diiddan baan ahaye.
Anigoon dambaabeyn markaan arrin daraaseeyay
Taariikhda daabacan markaan daalac ugu laabatay
Diiwaanka goortaan rogrogay dagan shaxdaa taalla
Halkay dunidu sii haabatiyo dacarta noo qooshan
Dhab aan cidi dafiri karin ayaan soo dulmarayaaye
Dacwad dheeri waa damaqa iyo xalayto daaheygi
Darbad dhexena dammanaan jirtoon laba daneyneyn dheh
Dabayaaqaduna waa Rabbigeey dalab aan weydiistay.
Daawad geel wixii howd ku jiray doobi la dhexmeerkii
Arigiyo lo'doo wada dararay dambar ka soo maalkii
Orgidii la soo dubi jiriyo dheylada ku daahii
Daankuba ha daalee muufada toban u diisdiiskii
Khudraddii arlada daadsaneyd diirashadi muuska
Badihii dihnaa iyo kalluun dhereg la daacoodkii
Dabeyl baa barwaaqadi ku timid wadata duufaane.
Daayeerti Sheekh lagama helo hir u dareerkiiye
Deeradiyo cowshina malaha degelki Hiiraane
Dabbaaldegiddi goroyiyo shimbiro quruxda loo daayay
Gorgortii Daroor laguma arag duuli jiray waayoo
Duke baalmadow koley ku tahay Dubay wax loo dhoofsho
Dabagaalle dhuuntaa ku haray dooxadii Bariye.
Sagaar dililisleynaaya iyo diin gurguuranaya
Diirdiirkii dheereynayiyo faraw- dameeraadki
Duur ku jir shabeel iyo arbihii daar ad moodeysay
Diilimaale gerigii Jubbiyo wiyishii dooleenoo
Dukumdaakum bey soo baxdoo didday ugaadhiiye!!
Daaliyo dalxiiskii Markana kala darraayeene
Cimiladan dal kale nala lahayn daawashadi xeebta
Daggii Jowhar daaq iyo wixii beer is dabayaallay
Daafaha Shabeelliyo dhulkuu weyne darajeeyay
Durduradii waqooyoo xareed dixo ku soo hoobin
Daafeed iyadu roob ku da'ay xoolo lagu daayay
Bal deyraha Ishii Baydhaboo wadda dareerkii day!!.
Dubka kuwo na shaabaha laakiin ficilka duurjoog ah
Amay jaahilnimo dilatayoo laabo daxalaysay
Dacuftey la tahay in laga haray daafahaa maqane
Durugsiga xadkaa Kiinya iyo Dikhil dhulkaa dhaafsan
Diridhabiyo Harar deriskayagaa deynta loo siiyay
Dib mar bey u soo noqon Hawaash Daa'in idankiiye
Intii aan dadaal loo galiyo dowgii filanaynay
Oon deyr ku wada oodi layn kalama diirmaane
Intaan diinta xoojisan lahayn waa dahaar adage
Oo aan is wada dumi layn wadajir waa doore
Ma labadii dorraad loo go’aa maanta kala deyran?!
Degaannadii musiibada ku timid duunyadaa la'atay
Duqeyntaa madaafiicda iyo dalagyadaa ololay
Darandoorri hubkaa laysku ganay danabka lays saaqshay
Walaal duugmo kaa mudan waxii meyd la dadi waayay
Dogob geed siduu yahay wuxuu dibadahaa yaalay
Waa loo ducayn jiray Qabriye dooddintiyo dheeshi!
Digsiyada agoontaba u jecel waxay dafaayaane
Daymadaba midaan karin waxay dabatay Mooryaani
Daadahdii curyaan gabay wixii shaarki laga diirtay
Duhur galay dumaashiyo kufsigi wixi islaan dilantay
Waayeel wixii dibir ku dhacay kaga habaar daadshay.
Geed dushiis laguma ledi kariyo halaqyo daashkoode
Waxa maati dalaq biyo dhextiri dibiro Jeer boobtay
Waxii ubad yaxaas uu dajiyay doon gurmada waayay
Dixri qurunshay wixii dhaawac galay doqoshay jiirkiisa
Bukaannadaa dawada loo la'yahay iyo daryeel li'idu
Ka damqiye qofkii diin lahaa ama dareen sheegtay
Dalqoweyne nacas iyo wallee doqonse wow ciide
Afmiishaar naloo soo diriyo horor calool diiqsan
Dable aan naxayn iyo maxay dayday dhib noo geyste!!.
Diyaarado la raaciyo wixii daabbad lagu dhuuntay
Dugsashadii shisheeyiyo na dile dibad-wareeggiiye
Derdernaan iyadoo nalagu tirin daasadana sidanno
Dariiqaan istaagnaba waataa nalagu diimaaye
Dhaxantii darreyd Ruush markuu gaajo darayoobay
Marna barafki dermo looga dhigay darbiyadii Moosko
Ma doofaar rag baa gacanta darooy dani ka geyn weyday
Annana weel duleeliyo shar aan waligeed duugoobin
Direys Aydhis loo soo xiriyo dab an wax reebeynin
Qabyaalad baa dastuur nooga dhigan nin iyo dooqiise!!.
Dacallada Filland iyo Denmark Doojkan nala yaalla
Deleftaa an joogiyo haddaad Dallas shishe u dhaafto
Ama aad Delhiyadii Hindiya bari duleed aaddo
Haddaad dunidan gees iyo ka gees doorbin wada saarto
Iyagoon danjire looga baqo iyo damiin haysan
Waxa lagu dubbeeyaana tahay Dayacan sow maahid
Xabsiyada kuwaa lagu jir dilee daabka loo haysto
Marna laba daldalo waa waxaan cidi u diirayne
Degmadoodi lama heybsho iyo dirarki reeraaye
Dowlad li'i rafaad lehe ma eeyaa ina daryeel dhaama
Annana weel duleeliyo shar aan waligeed duugoobin
Direys Aydhis loo soo xiriyo dab an wax reebeynin
Qabyaalad baa dastuur nooga dhigan nin iyo dooqiise!!.
Nin ku dilaya kii kugu digtaa kaaga sii darane
Danaanada kuwii laga rabiyo duubashiyo hiillo
Docdii laga filaayaa qolyihii daad ka soo galayo
Dulumkiiba iyagaa u badan Dahab-walwaal qaare
Dawaq aada annagoo qabnoo magan u soo doonnay
Dirqin naguma saareen tarxiil diir hadduu nixiyo
Saqiirrada intey naga dakhraan dhiiga oo da’aya
Daakhilka xabsiga uma dhigeen dulligu joogaaye
Dowlad li’i rafaad lehe ma eeyaa ina daryeel dhaama
Annana weel duleeliyo shar aan weligeed duugoobin
Direys Aydhis loo soo xiriyo dab an wax reebeynin
Qabyaalad baa dastuur nooga dhigan nin iyo dooqiise!!.
Doorshaan dhul uu quursadiyo dac aad ka soo toosto
Daaraan lahaan jiray inuu dambas mar kuu dhaamo
Oo aan dangiigaagi hore doollar noqoneynin
Duluf calala iyagoo qabood ruux dibjiray mooddo
Daangada kuwaa loo horee mararna loo diido
Waa taajiriin deeq lahaa iyo dukaanleeye
Digrii sare kuwii haystay iyo waa diktooradiye
Dowlad li’i rafaad lehe ma eeyaa ina daryeel dhaama
Annana weel duleeliyo shar aan weligeed duugoobin
Direys Aydhis loo soo xiriyo dab an wax reebeynin
Qabyaalad baa dastuur nooga dhigan nin iyo dooqiise!!.
Dabagaab waraabiyo dawaco xoolo daba joogti
Neef u soo daleeshaday dilaa wow dabbaaldagiye
Daa'uusyadeennii hablahaan wada dagaagsiinnay
Markey dawarsi qaar kale muteen duurna lagu yaacshay
Ooy daanaq baas iyo heleen dibi dhar loo galiyay
Dambi Alle iyagoon looga baqan wiil danaaninaya
Waxa daanno loo geystay inan lagana doodeynin
Oon duul u hiilliya la arag waa dayuusnima'e
Goorteey ilmada daadataa daanka qoyneyso
Dagmadoodi lama heybsho iyo dirarki reeraaye
Dowlad li'i rafaad lehe ma eeyaa ina daryeel dhaama
Annana weel duleeliyo shar aan waligeed duugoobin
Direys aydhis loo soo xiriyo dab an wax reebeynin
Qabyaalad baa dastuur nooga dhigan nin iyo dooqiise!!.
Dacwaddaas haddaan meel udayay downa qabadsiiyay
Alleylehe daldalan lama rabee daacadna u sheegay
Dulli lama hadlaayee waxgarad samo ku deeqsiiyay
Darbad dhexana dammanaan jirtoon laba daneyneyn dheh,
Marba kii digtoonow yiraa oo dacay ku maareysta
Indheergaradkeed dabargooya oo culimo nool duuga
Marna umuleheed dooxa oo damag ka siinaaya
Iyo qaa'inkii dagaya oo dalaw ka tuuraaya
Daroogada u beeroo xanniba quud daruurigiyo
Diktatoor xushmeysoo durbaan beena ugu heesto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Wixii daqar na soo gaarayoo weli na doogaaya
Dockayeerro waxay noo hor kici dammani sow maaha?!.
Nacabkeed dabuu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer kama kortoo dirir u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay gacal ku duulkiisa
Waxan cadowga naga daahay aan daba rucleyneyno
Diiftuna xarago noogu tahay dammani soow ma aha?!,
Iney haybaddeenii dam tiri daatay dhaxalkeennii
Oo aan dugaag nahay is cuna waa daliilkeede
Doolli xume tigree ahi hadduu Doolow kaa xoogay
Uu weliba dekeddii Berbera xeryihii Dayniile
Kismaayuu ka daabulo rarkiyo balliyadii doogle
Muqdishana dakaynteeda rabo Daaji lagu miiso
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Innagoo daciif luudiyoo daafac kari waynay
Dagaalyahanno halisaan nihiyo dadnimo sheegsheegad
Waxan kibir isugu doobinnaa dammani sow ma aha?!.
Daacuunku waa cudur xun iyo Duumo faaftaaye
Daba-dheer colaad iyo haddaan gaajo soo darisnay
Ooy daadad nagu soo rogmade aan digaag reebin
Colaad aan damayn iyo hadday fitno dakaynayso
Nabaddiina diihaal hayooy duul waxtara weyday
Digri Alle halkii nalaga rabo dib u shallaay weyn leh
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Waxa towbad loo diidayoo xumaha loo doortay
Uu oday u duudsiyi miskiin daallan oo liita
Dhalintuna Diskooyada u tagi darimrimtii muusik
Oon weli la Dimoqoraadiyeeyn dammani soow maaha?!.
Darbaddaa haddaan meel u dayay downa qabadsiiyay
Alleylehe daldalan lama rabee daacadna u sheegay
Dullaal lama hadlaayee waxgarad samo ku deeqsiiyay
Dabayaaqadana aan Rabbigey dalab ku weydiisto.
Duulkii ku caasiya ciqaab wow diyaar abide
Adoo daaya mooyee darxumo wey la deristaaye
Dulqaad badane adigaa ahoon deeqi kaa gurine
Cirkan daah adigaa nooga dhigay derin dhulkoo idile.
Daruurahan inagu hoorayee doogga soo bixiya
Qorraxdaan kuleyl nagu dubeyn diirrimaadkeeda
Dayaxaa samada meerayee leylki noo daarma
Hawadaan daldalaneyno een naga dikhoobeynin
Darduurashada nimcadaada aan abidkeed doorsoomin
Deyn culus adaan nooga dhigin shey dib loo bixine.
Dildilloonka hirarkiyo berrigu wuxuu daboolaayo
Xidigahan dabrane aan sidii dhimbilo soo daadan
Waxa belo dahsoon iyo waxaad derbi ku owdeyso
Waxad naga dadbeysaba Rabbiyoow badi dad waa mooge
Adigaa khalqigan kala dabbara awalna soo deystay.
Duruustaad na siisiyo beryahan waxan digniin aragnay
Daldaliig far iyo noogu filan xusid damiineede
Buurahan inagu soo dumayuu duudkii celin waayay
Adigaan daqiiqadda waqtiga sakan u daaheyne
Waxaad damacdo adigeey ahaan lagana doodeeyne.
Adaan kaa dalbeynaa Rabbiyoow raxmad na deeqdaaye
Daaquudyadood naga waddiyo ducaqabaad keento
Dulmigoo galbada iyo xaqoo loo damaashaado
dagdag nabad ah waxan kaa rabnaa dib u heshiisiine
Dandarradan ogaannaye Allow saan ha nagu deyne
Mar uun naga dulqaad dullinimadan dawarsi waa ceebe
Aakhiran dabkoodi naga haay dabaqyadii naarta
Aamiin Aamiin Aamin
M.C.Cibaar
Disembar 1999 Delft, Holland
E-Mail: Mohamed_ebar@hotmail.com
Copyright © 2005 Wardheernews.com |