Ku Hamiyay...
W/T Faarax Gammuute
Feb. 08, 2012
|
May dheerayn markay soo daabaceen mareegaha Soomaalidu Dhacdadan ugub ka ah. Wax la yidhi, arday qalin-qoyan ah ayaa tartan loo galiyay Qur’aankiyo intii ku taxaluqda. Waa caadkeede, way ku kala hadheen. Intoodii ku guulaysatayse, halkii wax kale laga dhawrayay, QORYO iyo BAMBOOYINKII gacanta ayaa abaalmarin loo siiyay. Way igu dhagtay. Dhan aan u qaadana waan garan waayay. Ka soo waaday.’ Geela duqdiisii durdurisay, aarankiisa maxaad mooddaa’ ayaa xigtay. Kuraas duulaysa iyo madaxyo darrooraya, shalay iyo Nayroobi baa loo ogaa. Muqdishana ku soo durug. ‘Ka dartaye, ma dibi baa’ iyo rag madaxu deeb yahay, gacan ka hadalla doorbiday, ugu kaalay. Dhooli baaba dhaawacoodii lagu daad-gureeyay.
Balse tuba, tu baad ku illowdaaye, waa laysku soo kordhay. Oo waa halkii Timacadde oo,”Waagii iftiimaa, naxdimo, dihin la sheegaaye” KUGU DHIMAY OO KAA DHIMAY ayaa timi, oo degaanka BUUHOODLE ayaa maryo dhiigle lagu kala furtay. Maantiyo aamus kala dheer. Tanoo kale looma kala hadho. Oo waa halkii Salaan Carrabaye, in la yidhaa,”War tolow colka jooja” oo NABADDA af iyo addinba loogu hawl galo ayaa inagu waajibtay. “Hadba aarankii kaca sidii, uud ha loo jiro” caqli maaha. In colaadda la soo af jaro, ciidamadana la kala qaado siday waxgaradka iyo culimada labada dhinacba ku baaqeen inaynu innana ku garab galo ayaan ergo idiinka ahay.
Xagga maansadana, inkastoy dhiilada Buuhoodle ka lug horraysay, haddana kama madhna. Adigaanse kuu daynne, waxay tidhi:
Marka duni hingalanteeda
Hami iigu sii biiro
Ee lay hareereeyo
Yaa hudi idhaa maanso
Goortuu cirkuna huuro
Yuu cimila hooraaye
Caawana higaagnaanta
Waa lay hud-hudayaaye
Sida haan garaad liiga
Oo habaya taariikhda
Waa lagu hantaaq maaye
Marka garabku uu haysto
Garab kale halyay noqoye
Hurintii anoon waayin
Habrashada ma guulmeene
Salaw uurku hayn waayay
Dibnahaan horjoogayne
Ku halmaan afkaygiiye
An ma hobahobeeyeeno
Ma hankaabsadeen ararta
Hiirtaanyo ii gaysay?
Goortii cukaar huubo
Lagu horay sidii jaanku
Heec bay ka qaadaaye
Ladhku noqay hadhkaygiiye
Sida gane hiraab faydan
Iga hoo ilaalkiisa
Oo way hor-gooyaaye
Hongoruhu markuu duulo
Ee halawgu naar saydho
Hooskii ma ii diiday
Marka hiimamaw daahan
Cawa-daranta heeryeeyo
May sudhay hoggaankiisa
“Hah” ma idhi sidii xiidka
Ma halaanhaloo gaydha
Hiirtii ma gooraamay?
Nin habeena loo gudaya
Oo heedadaabaaya
Yuu dheeggu hoolmaaye
Ayax tegay huqduu reebo
Yaa lagu hanqaar maaye
Gocashada haddaan hawker
Waa gala i heetaynin
Umal lama hillaabteene
Ku hagoogo magan baa le
Ku hal maalla garashaa le
Hirashana dadnimadaa le
Han sarriigta oo walanwal(1)
Sida harawadii geela
Haaneedo ii saanyan
Ma bilaado hoy gaari
Hawsheeda waayaaye
Heegada xidaar dhawray
Ka hilaadi saansaanka
Maqantana hawaasheedu
Dhito hilan sideed weeye
Nin warkeeda haybshaana
Dhegta shalay u sii hoori
Tooggana u hay maanta
Oo hoos u sii tooyay
Lis haleela laga maalo
Loo culay hadhuubgaalka
Oo godol hirkoo maayad
Hellelaystay aad moodo
Oo doobi hayn waayay
Hirqashada la daadaato
Loo dhaqay dir hoobaane
Hafar iyo dhir baa xanan le
Hohob dhaadan iyo dheen le
Iyo geed hunguri dhubuqda
Sida dhabaqa heebaan le
Oo kaakac haamoodo
Kala haaba weeyaane
Wax ku jira hagaas gaaban
Oo hagafsanoo toox yar
Marna waa galool heego
Ku hobsheeya gaadhgaadhka
Dharna haadba, haad kiciye
Damas halalaclaynaaya
Haasaahasari yeelay
Iyo haramcad tiixtiixle
Oo kala haraaq weeye
Kala wacan haween dhalanka
Iyo bidix hagoogteeda
Oo kala hubqaad roone
Ragna habar sidkeed buuxsay
Uur hooyo soo wada mar
Gacaladu horaadkeeda
Ku habtoo guyaal siisay
Hobbo tidhi markuu ciiro
Oo heeganteedaasi
Iyo heelanaanteeda
Yuu humiyay taabkiiyo’
‘Ka bul’ yidhi habaaskiiye
Ku hadaaqsigii baanta
Ku gimgimay halbeegiisa
Oo Halacyo soo wada bax
Waxse kala hadhii keenta
Barashiyo hundo ogaanta
Iyadaana huuhaada
Iyo hugunka soo ooda
Dadku kala habeen dhaladsan
Dalla kala hoyaad roone
Hayin rarasho weeyaane
Awr baa hormuud yeesha
Hitiqsiga daruur tiigsi
Ku higsada dhuluu roobku
Habataca ku waalaystay
Oo baadka oo hawray
Calcalyada hab siinaayo
Oo hamashka geedoodna
Hiyiwaaliyaan jiibka
Bogashana hubsiinaa le
Hal irmaan rag baa siista
Iyo sidigta heemaale
Addinkiyo dar buu hadalku
Kala hilin ahaadaayo
Midba haad qudhqudhiyaaye
Hooyaalintuun qaado
Iyo hoobalayntayda
Yaa laga hayaa qaare
Maansada hal-doorkeeda
Iyo dhaqan hufnaatiisa
Labada Hadraawaale
Hiddihii nimaan raacin
Oon garabsanayn haatuf
Oon habas u yeedhaynin
Oo aan duntii haynin
Una galin dan iyo heelo
Oo nabar ku haylhayla
Oo heega-dhicinaaya
Oo gogonayoo hoola
Yuu haar ka yeeshaaye
Dhoolkoo hillaacaaya
Dhibicdana ku heesaaya
Harawaati loo daaye
Gole hodan mullaax sheegtay
Ugu dhaxo higgaadiisa
Yuu gabay u hoydaaye
Sida harar indhaha daalin
Hal-abuur masciideedka
Ku haweeya muuqaalka
Oo hirar sagaal laaban
Sida mood ku hooshaarsan
Oon hebebed suuraynin
Hibo Walanwal loo siiye
Hoodaale weeyaane
Hirig iyo markuu xaalku
kugu yahay huluul oodan
Hagar li'i ninkuu heelan
Kuu huri naf iyo maalba
Oon kugu xidhayn haynta
Iyo hooda iyo gawska
Oon kaa huleelaynin
Oo jecel hagaaga
Adiguna ku hay laabta
Oo baro hilowgiisa
Sida hoobalkii dhaayin
Hadh gadiitayoo dhibida
Ka hingooday saableyda,
Qorraxdoo hillaab diiday
Oo haylihii saydhay
Ood dhamacda haamaansan
Handashada libaax moodo
Haydhhaydhka jiilaalka
Iyo galalka hoosiisku
Ubadkuu humaagiisu
Uga dhigay xareed heelka
Iyo harada jiifjiifta
Ee yidhi mar soo haabo
Laga naadi heyhaade
Geelaan horseed aaddan
Uga sii horrayn ceelka
Yaa hugunka googoyne
Marka taladu kaa hoosto
Hiyiguna ku guulguulo
Hibashaan ku daynayne
Lax dhukani war uma hayso
Waxa damal hambaday ciidda
Ee gudin guntii heertay
Lax dhukani war uma hayso
In runtii ku tahay heerin
Habataqan duleedkeeda
Lax dhukani war uma hayso
In halhaysku beenoobay
Oon hadaf midaynaynin
Lax dhukani war uma hayso
Gacalnimo inaan haabka
Lagu hayn guyaal meeray
Lax dhukani war uma hayso
In hanweynidii guurtay
Iyo heerka loo dagaye
Xuunshaa la yidhi,"Hoogto
Hanjaleela koobnaanta
Haqay lama amaanayne
Halasaha col soo guulan
Lama sugo halgaadiiye
Haasaasuhuu galawgu
Halawhalaw la haystaaye
Goormaad hawaal dhawr le
Garataa hilaadeeda?"
Tidhi,"Kii horoo daabka
Ku hawiray goshaa jilicsan
Anigoo la hiinraagi
Goortuu sidii hooto
Ka labaadna soo hooro
Yaan halabsadaa jeeni”
Nabarrada hafeeftooda
Iyo oofta haarowday
Yay sii hiqleysaaye
Jeeroy halkaa galawda
Kaga hoyato gaaleeftu
Wanku dhiila hadi waaye
Halis dhaadimaysaane
Hambadiina loo yaabye
caku habi la'aantiina!
Balligay horweyn laacdo
Hawd sare ku soo oontay
Ee habar-dugaag leefo
Lagu gaadhi waa hiinsi
Ma hungaa garaadkiinnu
Iyo gorof daleel haawan?
Nin hawaayiyoo raadka
Dib u guray habowgiisa
Himbiriirsay geeryaade
Dhoy laawe meel hoose
Weligiiba haabhaata
Yaan hananin suugaanta
Oo laga habaaraaye
Igu dhigan hiddaha guuray
Iyo dhaqanka heehaabay
Iyo magaca sii haawan
Een hirad u laalayne
Hakuyeey anaa laylka
Laasimay hoh iyo wayda
Oon talalka hiifkayga
Hurdo baal il saarayne
Nin gurani hashuu dheelmay
Dhinacyada anaad haarta
Haabkeeda moodaaye
Qaabiil markuu hulanta
Haabiil wareemaayay
Iyo hogadan aan joogno
Haaniba inay haanta
Heel ay wadaagaane
Habar-wacasho guuxeedu
Ku yidhaa hirgoolaynta
“Hebel, hebel u aaneeya
Oo yaan hadh loo jiidin
Halaloobiyoo qoonka
Gurubsada halkii saydhma
Kuna dara hadhuudhleyda”
Gacan kula haliilkeeda
Iyo nabar ku haamaynta
Kaga sii higsiinteeda
Haaraan u saarsaarka
Iyo gurux ka sii hoynta
Ku habsaanta mooyaane
Madhax iyo maxaa haatan
Haysaan wax loo aayo?
Ka hinqade asaagaagu
Geeddiga halaambeeye
Oo hilinka sii qaade
Hoygii qalqalo soo kar
Oo goray haldhaagiina
Ka hadaafyay goor dheere
Heegadu markay danabka
Ku haraatiduu dhidarku
Ku hambaabiraa oradka
Adiguna haf iyo boodo
Haw tidhi sidiisiiye
In hayaanku dheeraado
Oy hayjad iyo waaqla’
Ku haraado saantiinnu
Waa habaqle caadkiiye
Halwashada waxaa keenay
Haadaan ka sii duulka
Iyo biixi kala haadka
Aan kabaya loo haynin!
Hawraar waxaa dhuuxa
Dhegahaan hurguma awda
Lagu jaran sidii hiisha
Oo hadalku deeqaaye
Naf halbawlihii saydhmay
Yaan geesna haynayne
Hanaq go’a duqdii madiga
Ka lahayde haawayda
Iyo hororka loo loogay
Yaa tidhi, “Hadhiinoobay
Oo haanka lay taabay
Hadhayoo habeenkay dum
Oo haaway garabkaygu”!
Dumarkuna hormaynteeda
Holashada baroor-diiqda
Wuu kala horeeyaaye
Tu kaloo ‘Hayaaydeeda’
Cir hanqadhay la moodaayo
Yaa tidhi,”Halyey madiya
Iyo hanada loo soo gal
Kaagii hed loo dhalaye
Hanaqaadka loo yeedhay
Kaygana humbaalaynta
Hiniftii ku soo duushay
Hal kalaa u sii dheere
Kab ayuu haleel waaga
Kaga yimi huddii goonle”!
Kala hirar u daa weedha
Ma heloo mid baa seega
Midna wuu hawadiyaaye
Hindisaha malayntiisa
Nin ambaday halkuu aaday
Way ula haboonayde
Himiladu sidii foosha
U hiraanhirtoo yeedhay
Hiirdaysna weeyaane
Hannas baan maqnayn laalan
Iyo hebel la dhawraayo
Oo lagu halaynaayo
Aar qoyay la mood haragga
Dacaw hoolifloo jidhifta
Yaa lala hawaystaaye
Sac waliba haweenayda
Maashuu hanaankeeda
Habka socodka yeeshaaye
Ubadkaa ham siin ciidda
Dhaadana inuu haybta
Hidde ugu arooraayo
Anna gacanta lay haadi
Hiyigana ka guureeyay
Hututuulka kuu muuqda
Higil qolofa weeyaane
Dhaayuhu hibaaq laacay
Yay halacsanaayaane
Geedaha habuurkooda
Soo haada ii yeedhye
Dhulka hooya oo nabada
Oo haybadloo qarana
Ku hamiyay anoo jooga!
Hore sahanka loo tuuro
Goortuu u soo hubiyo
Ee ‘Halawadaay’ yeedho
Dhego heelan loo taagye
Wax la huro dareen suubban
Yaa hidin u dooroone
Iyadooy “Hanoolaato”
Dhillinyaro ku heesayso
Ku hamiyay anoo dheehan!
Habisadu markay meeri
Hawadaad ka garataaye
Calankeenna oo haaban
Loolkaba dhigtii haysay
Oo hogashadii daayay
Hoogaansigii quusta
Hanqalkana la soo toosay
Ku hamiyay anoo dhawri!
Geelaan habeediisa
Laba hore ku gaashaynin
Oon kula hagaagayne
Shaslalkiyo habayntiisa
Lax waliba hab saameelka
Hilbaheeda weeyaane
Waxaraha hadoofnaanta
Dudun halaq ku loolaaya
Kama foga hedoodiiye
Humbanida maleegnaanta
Gawsaha la haaraysa
Ee hooshka caadaystay
Iyo nacab hadoodilaya
Dabinada hareertaada
Hore iyo gadaashaada
Iyo eegi halistaada
Loo diray halkay taalo
Iyo huwanta kuu qaybsan
Ee gaadhka kaa haysa
Dayadii hilfaha qaaday
Ee yeelka haylhayshay
Yay habar wadaagaane
Duqsi heegan ugu taagan
Yaa weelka odhan hooddi
Aan hadadu saarnayne
Walhashada hadhuub duulay
Hambadoo la qabateeyo
Yaa lagu la hiilaaye
Taladuna haboonaanta
Goortay haddeed gaadho
In la humiyo waayaane
Haydaarta nugulkeena
Dawyada u wadhan haada
Een dibed ka hoyanaynin
Iyo naafadaa heetin
Yaa odhan lahaa,”Haakah”
Oo heli lahaa neefsi
Oo nolol hawayn laaye
Hadimada maruun daaya
Oo duunka ka heshiiya
Oo quba hub iyo saanad
Iyo gamas haliilaaya
Hilqadlaha u rogo yaabo
Iyo qalabka hawleedka
Ama sido halaagweyne
Iyo holaca maadhiinka
Gacal iyo hal-door xidida
Goortaad ka soo hoyato
Adiguna hadhiinaysi
Aadkaba ma huri doontid
Keligaa hadhawtoole
Yaa hoodhka kugu qoysan?
Midig, bidixdu hoosaasin
Oon hadin dhabaalaynta
Yuu muruqu heegmaaye
Duul been ku haasaawa
Uurkuna gunaad huursan
Yaan libin haleelayne
Ama hubi dadkoo geedka
Iyo hadhaca Geeskeenna
Ku hadhsada sinaan buuxda
Ama qori huq iyo geeri
Hibitiqa dhalaankiinna
Sida hadiyadii siiya!
Waa lagu hodmaa saawir
Iyo higil qof kuu muuqda
Oo laba hadhlaynaaya
Halasaha bartii gulufka
Waa gala la heenseeyo
Hingal dumarku sii goosay
Meeshii xaqana haanka
Lagu mudo ayaan hooyo
Sabi ugu hadaaqayne
Goortay dhimbiil haado
Ninka cawska hoos daadsha
Yaa yidhi ayaan heelka
Hurushow la doonaynin?
Hasha bururisee foolan
Boolina ku soo hoyatay
Yuu hadal ka joogaaye
Yaa yidhi xalaal heemal
Iyo halab la saarsaaray
Ood goray haldhaa moodo
Yay soo wadaa heetis?
Sida geenyadii hadaftay
Iyo Hoohadow faraska
Hardaf boodka waayeelka
Iyo hababaclayntiisu
Waa dhabanna hays reebe
Hoji taladu weeyaano
Haki bay ku badisaaye
Arartaan hurayn gobo’da
Halka loo gol leeyahaye
Biyuhuna hiliil raaca
U horrade sidii guunyo
Oo godanka hooseeya
Iyo darida sii haabte
Innagana hawiranteenna
Iyo kala huleelkeenna
Ma hurdee raggii guuray
Iyo jawhartii hoyatay
Yaa soo haraatiyaya
Oon iilka haynayne
Guray(2) iyo Hurriyo(3) Naasir(4)
Yaan lagu hungoobeene
Hogga yaa ka soo saara?
Carrab halahalayntooda
Erayada ku hawshaysan
Oo aan humaajooyin
Kuba darin hilaadiisa
Ula heetiyoo daanku
Gaadmada huluulsiiye
Raqba hanay rageediiye
Iyagaa dabkaa huraya
Hogol nabad walwaalaysa
Oo daacadnimo hoorta
Oo damin hulaaqiisa
Iyo daad haraaciyaya
Dusha kaga hadhayn laayo
Dakharrada habee daaran
Daawada u heli laaye
Guray iyo Hurriyo Naasir
Hogga yaa ka soo saara?
Hanfi kulul abaar hawle
Sida cawl habsaday gubaddo
Oo dhuunta ka hinraagay
Ummadeenan loo hadhaye
U hawaarsatee yalida
Iyo belo hamuun waalan
Iyo ganato haaweya
Dooyada ka hooyeene
Marba cuur ka haagaayo
Iyagaa ka hiri laayo
U horseedilaa naallo
Iyo nolol hagaageede
Guray iyo Hurriyo Naasir
Hogga yaa ka soo saara?
Ninba hooyadii dihatay
U hareeri weeyaane
Gorayadu inay haadda
Hidde kula waalowdo
Waayeel horaa sheegay
Oo hoga-tusaalaynta
Ma hambaynin Soomaali
Hunno lama se waayaayo
Iyo jaden haraadsiiya
Hogolaha cirkee gaaxsan
Godolkaba hashii diidan
Yaan “Hoo maqaarkaaga”
Nin ku yidhi ka hoos qaadin
Yeedhuna bartay haaban
Badi kuma horaan maanka
Sii mana higaadshaane
Ninka godobta haaneeda
Biddu way ku huurtaayo
Ma hadhoo sidii qaaxo
Yay gaadh ka haysaaye
Rag yaqaanna waa hebelka
Rag ka daya hareertiisa
Dad ma gudho sidii harada
Hafar maaha taariikhdu
Ninba hilinka uu qaado
Qalinkaan hilmaamayne
Iyagoo hugii sharafta
Hanashada shuluha geeyay
Oo qaran hagoogtii le
Oo duhur hantiyay guusha
Lana hadhay mullaax guurti
Oon qaanna loo haysan
Yay libin la hoydeenne
Gar la hubiyay, xeer beegti
Loo daa horyaalkiiye
Hiil gabay markaan waayay
Hurintii ahayd dayrka
Iyo hanadadaydiiye
Guray iyo Hurriyo Naasir
La halwaday la’aantooda
Oo tebey halkoodiiye
Hogga yaa ka soo saara?
Gammuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com
(1) Hadraawi
(2) Ibraahim Faarax Dawaarre
(3) Maxamuud Xaaji Xasan
(4) Cabdinaasir Sh. Cali Salaad
Maansooyinka kale ee Gammuute degelkan ku daabacay:
* Tuke
* Goobyaal
* Ceelalyo
* Hibasho
* Xusuus
* Sahal
* Sahan
* Bir-magayno
* Sawrac
* Walaf
* Ciin _
* Yaa Soomali Aheey?
* Dugaal (Ax yaa wadani)
_____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|