Hayb Sooc: Dhaqan liita oo lid ku ah bani'aadamnimada

Waxa falanqeeyay
Ismaaciil C. Xasan "Khaliil"

June 17, 2007
Print Friendly

Haybsooc waa maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Hirad 18 ka bishiii April ee 2002. Waa gabay ka hadalaya hayb sooca  ama sinji takoorka oo ah  dhaqan aad u liita  oo lid ku ah  bani’aadanimada. Waa mid si cad uga soo horjeeda waxyaabaha ay inna farayso diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee  Soomaalidu aaminsan tahay.

Abwaan Mohamed Hirad
Abwaan Mohamed Hirad

Waa dhaqan soo jireen ah oo aan garawshiiyo lahayn, ayna ka siman tahay guud ahaanba Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay. Waa xad gudub iyo godob weyn oo laga galay qayb ka mid ah Soomaalida oo haba yaraatee aanay jirin wax ay kaga geddisan yihiin bulshada inteeda kale.

Haddaba isagoo hayb sooca ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankan xun culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yar yihiin. Taasi ayaana sababtay in dhaqankani muddo dheer soo jiro oo uu illaa casrigan aynu joogno maanta soo gaadho.

Haddaba muddooyinkan dambe waxaa jirtay in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo qabiilooyinka la hayb sooco ee aan macno iyo xaqiiqo midna ku dhisnayn.  Inkastoo ay adag tahay in dhaqan muddo dheer soo jiray si dhib yar lagu tirtiro, haddana waxaa waayadan dambe soo baxayay ifafaale muujinaya bislaanshaha bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan cidhib tirka dhaqamada liita ee hayb soocu kawga ka yahay.

Haddaba gabaygan oo si qoto dheer uga hadlaya hayb sooca iyo macnaraddiisa  ayaa abwaan Maxamed Hirad uu dhinacyo badan ka eegayaa dhaqankan. Waxa  Maxamed bulshada u soo bandhigaya su’aalo ay habboon tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed jawaab waafi ah u raadiyo.

Waxaan filayaa inta laga maansooday hayb sooca in aanu jirin qof sida abwaan Maxamed Hirad si qurux badan oo murti weyn ka dambeyso u soo bandhigay macno darrada hayb sooca.

Waxaan faalladan kooban ku soo qaadan doonaa qaybo ka mid ah gabaygan oo aan si gaar ah u eegi doono, ka dibna waxaan idiin soo bandhigi doonaa gabaygii oo idil.

Abwaan Maxamed Hiirad waxa uu ka amabaqaaday ugu horeynba sinnaanshaha bani’aadamka. Taasi oo aanay jirin cid cid ka sarraysa. Waxa keliya ee lagu kala horreeyaa sida diinteenuba sheegtay waxa weeye  cabsida  Eebe. Tuducyada soo socda ayaa arrintaas si cad u qeexaya

Siday tahay Calow inan rag waa   inuu sinnaadaaye
Ilaahii sameeyee khalqaa  siiyey sharaf weyne
Sinjigoodu waa Aadan iyo  sawjadduu qabaye
Sagaal bay kusoo wada dhashaan   bila sid hooyaade
Sargooyada diyada qoonta   iyo siman qisaastiiye
Sad bursiiyo weyn iyo ammaan   saayid lagu yeesho
Waa saamax Eebbiyo cabsidii,  ruux u saahidaye
Wixii kalee na kala saarayaa   waa sir iyo beene

Iyadoo haddaba uu abwaanku sidaa u aaminsan yahay sinnaanta bani’aadamka ayaa waxa uu garawsan la’yahay in Soomaalidu ay qaybo bulshada ka mid ah xaqirto, islamarkaana aan laga dhiidhiyin sidii loo cidhibtiri lahaa dhaqankaas silloon ee haybsooca iyo xaqiraada ku dhisan. Waxa uu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:

War Soomaali badankeed xaqii,  seege oo naca e
Waa saancad dhaqankii xun aad,  sii waddaa abide
Surma seegto qaar lagu hayaa,  soo taxnaan jiraye

Waxaa in badan la is weydiiyaa waxa ay dadka la hayb sooco kaga geddisany yihiin Soomaalida inteeda kale. Ma midab gaara ayay leeyihiin? Ma af gaara ayay ku hadlaan? Ma diin gaar ayay aaminsanyiin? Ma muuqaal ka duwan soomaalida inteeda kale ayay leeyihiin?

Marka aad u dhabba gasho su’aalahan waxaa kuu soo baxaya sabab la’aanta iyo macno darrada ay aragtida  hayb soocu ku dhisan tahay.

Haddaba abwaanka ayaa sidoo kale waxa uu  ka yaaban yahay waxa keenay faquuqa lagu hayo dadkaas. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi

Dad sokeeye saafiya ahoo  soo jireen nala ah
Oo aan sadcaal noogu iman,  saafir iyo geeddi
Oo nooga socon meel kaloo   ciidda nala saanya
Oo diinta saami u leh oo  sugaya towxiidka
Sunne iyo salaad faral kuwaa  nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo  suufi iyo shiikh leh

Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan,  soorta huriddeeda
Suugaan iyo abwaanimo kuwaa   saatir ugu deeqay
Oo suurad iyo nagala mida,  sawdka iyo caado

Midab suluba sanqaroorka iyo  saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee  siman dhammaantoodba

Kuwa aan nalaga soocahayn,  sawrac iyo fiiro
Sumcad xumo maxaa loogu yidhi,  waa sab iyo naaqus?

Abwaanku uma arko oo keliya in dadka la hayb soocaa ay la siman yihiin dadka intiisa kale, balse waxa uu aaminsan yahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu waxtarka badan loona baahnaa in si gaara loo ciseeyo. Waxa uu Maxamed Hirad si qurux badan u soo bandhigay wax qabadka beelaha la hayb sooco iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.

Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye
Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
Innagana midkii saar tumaa,  soo dhoweyn mudane

Safan cidhibta saafiyo ragaad   suulka jabinaaya
Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
Sunta bahalka hoosiyo hurgumo   saaqda bedenkoo dhan
Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
Ee saanta xoolaha ka dhigay  suuman kabo maasa
Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
Warmo samay leh soodh iyo amley   seefta dananeysa
Gudin sawir leh yaambiyo masaar   jidibo soofaysan
Mindi sikhil la marshiyo mudaa   sabarad fiiq dheer leh
Mudac lagu sifsifo doobiyada   saabley iyo dhiilo
Saaniciinta dhaqankeenna wacan  soo wadaye haysey
Intii lagu sarraysiin lahaa   saayaqnimadooda
Sinnaan iyo haddii laga dafiray   saami saransooran
Waxa lagu saluugay dhimeen   yaa na solan siiya?
Ma waa kuwii wax soo saaray baa    sababta loo maagay?
Waa su’aal dad weynaha jawaab  laga sugaayaaye

Soomaalida siiba kuwa gobnimada ku faanaa kumaanay ekaan Soomaalinimada ay iskula qabka weyn yihiin ee ay walaalahooda kale ku faquuqayaan. Waxaa jirta in beel waliba ay meel kale iyo qawmiyado kale isha ku hayaan sheegtaanna in ay halkaas ka soo jeedaan.

Abwaanka oo arrintaas aad ula yaabban ayaa waxa uu isweydiinayaa yaa haddaba soomaali noqonaya haddii sidaa looga wada cararayo

Sab haddii la yidhi sooma galo   magaca Soomaali
Oo qaar salool ugu tagaan carabta   reer  suura
Qaar kalana saadiyo noqdaan   nebi saxaabtiisa
Qaar soo hankaabsaday hadduu   ina Sucuud sheegtay
Oo qaar sawaaxili noqdeen   sananka waaweyn leh
Oo qaar yuhuud u suntanaa   saaka la ogaaday
Singa singe qaar lagu xantana   soo baxeen warar ah
Inta kalana sahankii u raray   saylad lagu biiro
Soomaali yaa noqon dadyahow  laysu wada seexshey
Waa su’aal abwaanada jawaab   laga sugaayaaye

Waxaan shaki lahayn in abwaanku uu hab murti iyo xikmad weyn ku dhisan uu ku muujiyay arrinta hayb sooca qofkasta oo si aad ah u dhuuxaana ay waano uu wax ku qaato u noqonayso.

Abwaan Maxamed Hirad oo gabaygii oo dhan bulshada u soo bandhigaya, kana hadlaya sababta ku kaliftay tirinta gabaygan waxa uu yidhi:

“Gabaygan waxaan ka mariyey xaalad soo jireen ah oo Soomaalida dhaqamadeeda xun ka mid ah. Taas oo ah takoorka dadkeenna dhexdiisa ka jira.  Waxaa jirtay in aan la yaabi jiray takoorka, in badana isweydiiyay maxaa dhacay oo dadka qaarkiis loo xaqiraa? Hase yeeshee jawaab i qancisa ma helin. Sidaa darteed waxaan rabaa in aan dadka Soomaalida ah gabay ku weydiiyo sababta uu takoorku dexdheenna uga jiro.

Waxa gabaygani soo baxay bishii  April, 18, 2002.  Laba magac baa gabaygan ku jira. Mid waa ninka aan ku hal qabsaday oo ah Cali Cabdi Nuur (Cali Dhoof) oo jooga dalka Kanada, kan kalana waa Maxamed Xasan “Dillaal” oo aanu isku magaalo deggenahay. Labada ninba waa rag aanu saxiib nahay.”

Gabaygiina waa kan:

Caliyow ninkii subaxya badan,   soo jiraye nooli
Wuxuu soo ogaan jiray hadduu  sabab u raadceeyo
Oo samada eegoo wax badan,  sananiyoo reemo
Waxaan laba sugayn buu mar uun,  sahal u sheegaaye

Marka hore salaan iyo walaal  duco san aamiinso
Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni
Midkii aad ku sugan tahay Ilaah,  kugu salaameeye
Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo,  kuu yeelye
Kuu sakhir sareedada adduun   saami waafiyahe
Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel,  suubban baarriyahe
Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e
Dabadeedna sowdkayga weri,  iyo su’aashayda

Siday tahay Calow inan rag waa   inuu sinnaadaaye
Ilaahii sameeyee khalqaa  siiyey sharaf weyne
Sinjigoodu waa Aadan iyo  sawjadduu qabaye
Sagaal bay kusoo wada dhashaan   bila sid hooyaade
Sargooyada diyada qoonta   iyo siman qisaastiiye
Sad bursiiyo weyn iyo ammaan   saayid lagu yeesho
Waa saamax Eebbiyo cabsidii,  ruux u saahidaye
Wixii kalee na kala saarayaa   waa sir iyo beene

War Soomaali badankeed xaqii,  seege oo naca e
Waa saancad dhaqankii xun aad,  sii waddaa abide
Surma seegto qaar lagu hayaa,  soo taxnaan jiraye
Surinkaad walaalkaa dhigtaa   waa ku sugayaaye
Dulmigaa la saaciday xaqaa,  sula la waydaartay
Waa waxa surkii ina jariyo,  seedihii dhabare.
Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gaale

Dad sokeeye saafiya ahoo  soo jireen nala ah
Oo aan sadcaal noogu iman,  saafir iyo geeddi
Oo nooga socon meel kaloo   ciidda nala saanya
Oo diinta saami u leh oo  sugaya towxiidka
Sunne iyo salaad faral kuwaa  nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo  suufi iyo shiikh leh

Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan,  soorta huriddeeda
Suugaan iyo abwaanimo kuwaa   saatir ugu deeqay
Oo suurad iyo nagala mida,  sawdka iyo caado

Midab suluba sanqaroorka iyo  saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee  siman dhammaantoodba

Kuwa aan nalaga soocahayn,  sawrac iyo fiiro
Sumcad xumo maxaa loogu yidhi,  waa sab iyo naaqus?
Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?
Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin?
Waa su’aal dadweynaha jawaab  laga sugaayaaye

Sax inaynu nahay iyo inaan   saaruf  nahay waalan
Kala saari waayoo anigu   waan sahwiyayaaye
Haddii seere guur jiro hablaha   sumalxad loo diiday
Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu  saami ugu yeeshay?
Yaa siiyey madaw saaqidiyo   sal iyo hoy laawe?
Waa su’aal dadweynaha jawaab,  laga sugaayaaye

Afartaa salaan sharaf leh iyo   saarid calankeen dheh
Suugaan aan sir iyo xeel lahayn  soo bandhigiddeed dheh
Sayid Aadan Carab iyo sidii  Samatar maw sheegay
Samadoon xaqoodii sugnaa   siin ma ka higaadshey
Sadar kalana waa xaajo aan  sabab u soo waayey

Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye
Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
Innagana midkii saar tumaa,  soo dhoweyn mudane

Safan cidhibta saafiyo ragaad   suulka jabinaaya
Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
Sunta bahalka hoosiyo hurgumo   saaqda bedenkoo dhan
Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
Ee saanta xoolaha ka dhigay  suuman kabo maasa
Ee socod ammaniyo xarrago soo dejay ee keenay
Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
Warmo samay leh soodh iyo amley   seefta dananeysa
Gudin sawir leh yaambiyo masaar   jidibo soofaysan
Mindi sikhil la marshiyo mudaa   sabarad fiiq dheer leh
Mudac lagu sifsifo doobiyada   saabley iyo dhiilo
Saaniciinta dhaqankeenna wacan  soo wadaye haysey
Intii lagu sarraysiin lahaa   saayaqnimadooda
Sinnaan iyo haddii laga dafiray   saami saransooran
Waxa lagu saluugay dhimeen   yaa na solan siiya?
Ma waa kuwii wax soo saaray baa    sababta loo maagay?
Waa su’aal dad weynaha jawaab  laga sugaayaaye

Afartaana saymaha gugiyo   sagal aruuryaad dheh
Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo   sadaradii hawd dheh
Xaq la seegay qaar laga sir galay    saani ma u sheegay
Ma seegaa la yidhi wiil abtigii   suu ahaan jiraye
Saxaafaddii Ismaaciil Miriyo sawdkii Cali dhuux Dheh
Sawd kalena waa  xaajo aan    sax u malayn waayay

Duulkii salleeliya murtidu   waa ka sibiqdaaye
Been bay sad moodaan runtuna   waw sun iyo hooge
Waxaan suura gelin bay waqood    kuu sawirayaane

Sab haddii la yidhi sooma galo   magaca Soomaali
Oo qaar salool ugu tagaan carabta   reer  suura
Qaar kalana saadiyo noqdaan   nebi saxaabtiisa
Qaar soo hankaabsaday hadduu   ina Sucuud sheegtay
Oo qaar sawaaxili noqdeen   sananka waaweyn leh
Oo qaar yuhuud u suntanaa   saaka la ogaaday
Singa singe qaar lagu xantana   soo baxeen warar ah
Inta kalana sahankii u raray   saylad lagu biiro
Soomaali yaa noqon dadyahow  laysu wada seexshey
Waa su’aal abwaanada jawaab   laga sugaayaaye

Anigana siday ila tihiyo   maan salkaba gaadho
Maan soo gunaanado murtida   sii wad lagaroone
Kala soconayaa oo dad kale   sidig ku raacnaaba
Kala soocannaa oo badhkeen  sabo ku sheegnaaba
Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo  sawdka hadalkeenna
Iyo magacan uu sugay intuu  soohdin nagu beeray
Cid uu siiyey may jirin horteen  sugina maysaane
Innagaa wax kala saar wadniyo  kala sarrayntaase
Innagaa midkii sebiyo badan    kibir sarkhaamaaye
Innagaa midkii seben dhergaa   talada seegaaye
Innagaa midkii sado helaa seef   la kacayaaye
Innagaa midkuu seegay calaf   samir darraadaaye
Innagaa sokeeyaha nacnoo  waabna geed sare e

Siinleydan aan daabiciyo  sadaradaan qeexay
Mar haddaan sadriga loo furayn  samo ninkii doona
Soomaali weyntii haddii  laga  sabool haaday
Sugi maayo calan lay sudhiyo   sidasha faankiise
Sugimaayo xeer loo sinmiyo   diin la saacido e
Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu  waa sad qaaliya e
Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto
Ubadkaad siddaan iyo kuwaa  soo socda u meersha
Anigana sawaab iyo ajraa  Eebbe igu siine

Ismaaciil C. Xasan
London UK
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

Waxa aad Abwaanka maansada tiriyay kala xidhiidhi kartaa:
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net

_______________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2007 Wardheernews.com