|
![]() |
|||||
“Dhaqaalaha Soomaaliya ma aha mid fadhiid ah sida dawladda KMG ah ”
Inkastoo dalka Soomaaliya uu burbur iyo dawlad a’aan ku jiray labaatankii sano ee aan soo dhaafnay, haddana marka aad fiirisid dhaqdhaqaaqa dhinaca ganacsiga, isgaarsiinta iyo xawaaladaha waxaa kuu muuqanaya in ay sameeyeen horumar aad u weyn. Arrimaha aan kor ku xusnay ayaa dhammaantood ah kuwa ay ku lug leeyihiin dad gaar ahaaneed (private sector), iyadoo duruufo adag oo nabadgelyo xumo ka jirto meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya. Haddaba si aan wax uga ogaanno xaaladda dhaqaale ee waddanku hadda ku sugan yahay iyo saamaynta ay ku yeelatay dawlad la’aantu, ayaa waxaa degelka WardheerNews u suurto gashay in ay wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Md. Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, muddo dheerna ka mid ahaa mas’uuliyiintii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Mudane Dalmar oo hadda degan dalka Kanada ayaa sidoo kale waxa uu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jirtay Kuliyaddii Dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Mudane Dalmar waxa uu wareysigan si qoto dheer oo ku dhisan aqoon iyo waaayo-aragnimo durugsan ugu faahfaahinayaa xaaladda dhaqaale ee maanta uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya. Haddaba wareysigii ay WardheerNews la yeelatay aqoonyahanku waxa uu u dhacay sidan: WardheerNews (WDN): Mudane Dalmar marka hore waad ku mahadsan tahay fursadda aad noo siisay inaan kula yeelanno wareysigan. Waxaan ku leennahay ku soo dhawaw degelka WardheerNews.Dalmar: Waan dhawahay, idinkuna waad ku mahadsan tihiin fursadda aad i siiseen. WDN: Marka hore waxaan jecelnahay bal inaad guud mar kooban naga siiso taariikh nololeedkaaga, siiba dhinaca waxbarashada iyo xilalka kala duwan ee aad soo qabatay?Dalmar: Haddaan si kooban uga jawaabo su’aashaan, waxaan ku dhashay magaalada Garoowe sannadku markuu ahaa 1944. Halkaas oo aan ku dhammeystay dugsiga hoose. Waxbarashadayda inteeda kale waxaan ku qaatay magaalada Muqdisho. Sannadku markuu ahaa 1974, waxaan ka qalin jabiyey Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyaddeedii dhaqaalaha. Ka dib, waxaan qaatay shahaaddada Master of Public Administration oo ay wadajir u bixiyeen Jaamcadda Ummadda Soomalaiyeed iyo State University of New York at Albany. Sannadkii 1980 waxaan ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kuliyadda Dhaqaalaha, macallin dhiga maaddada: Siyaasadda dhaqaalaha iyo maaliyadda (economic and fianncial policy). Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaan ku biiray sannadku markuu ahaa 1963, waxaanan ka qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Agaasimaha Qaybta Wareegga Lacagta, Agaasimaha Qaybta Faallada Dhaqaalaha, Agaasimaha Dugsiga Tababarka Bangiyada, Kaaliyaha Agaasimaha Guud, ugu dambeeyntiina waxaan noqday Agaasimaha Guud ee Bangiga. WDN: Mahadsanid Dalmar. Haddii aan gudo galno wareysiga waxaa jirta in muddo labaatan sano ah aanay wax dawlad ah oo shaqaysaa ka jirin Soomaaliya. Markaa ugu horeyntii maxaad ku sifayn lahayd xaaladda iyo hannaanka dhaqaale ee hadda ka jira Soomaaliya?Dalmar: Dhaqaalaha Soomaaliya ma aha mid fadhiid ah sida dawladda kmg ah. Waa dhaqaale firfircoon, oo gabi ahaanba ku tiirsan qaybta gaar ahaaned (private sector). Waxa la oran karaa, meelaha qaarkood sida isgaarsiinta iyo xawaaladaha, wuxuu sameeyey horumar uusan sameyn lahayn haddii ay dawladdii hore jiri lahayd. Haseyeeshee, wuxuu dhaqaalaha Soomaaliya hadda u baahan yahay nabadgelyo iyo dawlad karti leh oo xilkas ah oo hoggaanka u qabata. Waxaan la soconnaa in la xaalufiyey deegaanka oo laga shiday dhuxul la dhoofiyo, in la dhoofiyo xoolo dheddig ah, in la keeno cunto iyo daawo dhacday, in daryeelaka bulshada danyartu ay maqan tahay, in kaabayaashii dhaqaalaha sida waddooyinka, kalliyada beeraha (canals), iyo buundooyinku ay dayactir la’aan u baaba’een. Waxaa meesha ka maqan ciddii ilaalin lahayd danta guud.
WDN: Maadaama aad ka mid ahayd madaxdii sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya bal waxoogaa nooga iftiimi shaqada Bankiga Dhexe iyo doorkii uu ku lahaa jaangooyada siyaasadda dhaqaalaha dalka?Dalmar: Xilalka bangiga Dhexe waxaa ka mid ahaa inuu soo saaro lacagta qaranka ee shilin Soomaaliga ah, inuu ilaaliyo dhaqdhaqaaqa lacagta iyo amaahda, inuu kormeero bangiyada ganacsiga iyo inuu dawladda u noqdo khasnad, kalana taliyo arrimaha dhaqaalaha. Haddii la soo koobo, xilka ugu weeyn ee Bankiga Dhexe wuxuu ahaa inuu ilaaliyo qiimaha shilin Soomaaliga sida ku qeexnayd Xeerkiisa. Qiimaha shilinka waxaa lagu ilaalin karaa iyadoo la xakameeyo sicirbararka. WDN: Mar haddii xilligan Bangigii Dhexe iyo Wasaaradihii kale ee dhaqaalaha qaabilsanaa aanay shaqaynin saamayn intee le’eg ayay ku yeelatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xakamaynta sicirbararka?Dalmar: Sidaan kor ku soo sheegay, bangiyadii iyo wasaaraddii maalayadda ee hore sidii la rabay uma shaqayneyn, bal iyagaaba qayb ka ahaa khalkhalka ku dhacay habka lacagta. Haddaan taas ka soo tagno, waxaan oran karnaa dhaqaalaha Soomaaliya maanta horumar lixaad leh ma gaari karo haddii aan la helin hab bangiyeed shaqaynaya oo caafimaad qaba. Bangiyadu, sidaan ognahay, waxay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha. Waxay dadwaynaha, hay’adaha iyo shirkadaha ka soo uruuriaya kaydka. Kaydkaas oo isbiirsaday ayey amaahiyaan ciddii maalgelin u baahan, iyagoo aqoon u leh inay darsaan mashaariicda meelmarka ah, ka dibna waxaa tarma waxsoosaarka, waxaa bata fursadaha shaqada, ugu dambeyntiina waxaa kobca dhaqaalaha. WDN: Burburkii Soomaaliya waxa uu sababay in ay Soomaali badan waddamada dibadda u qaxaan, waxaana taasi ka dhashay hannaanka lacag isku gudbinta ee xawaaladaha oo hadda si habsami ah uga shaqeeya dhammaan deegaanada Soomaalida gudo iyo dibadba. Haddaba nidaamka xawaaladdu sidee ayuu kuugu muuqdaa siiba doorka uu kaga jiro habka maamulka lacagta, kaalin intee le’eg se ayuu ka qaadan karaa horumarinta dhaqaalaha?Dalmar: Lacagta Soomaalida qurbajoogga ahi ehelkooda u diraan waxaa lagu qiyaasaa illaa hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah sannadkii. Lacagtaas waxaa dadka si habsami ah oo degdeg ah u gaarsiiya xawaaladaha oo weliba ka qaada khidmad jaban. Haddii loo dhabbagalo, xawaaladuhu waxay fuliyaan hal shaqo oo ka mid ah hawlaha bangiyadu qabtaan, waa xawilaadda ama gudbinta lacagta (money transfer). WDN: Ilaha dhaqaale ee xilligaan u gacan galay dadka gaarka ah wax saamayn ah ma ku leeyihiin dagaalaada dabadheeraaday iyo xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya?Dalmar: Waa jiraan kooxo ku naaxay dagaalka sookeeye oo caqabad ku ah nabadgelyada iyo dib-u-dhiska qaranka. Waxaana kooxahaas hadda ku soo biiray, sidaan isleeyahay, burcad-badeedka. Hase ahaate, anigu waxaan dareemayaa in wadcigii isbeddelay, ka dib markay soo baxeen ururro diini ah oo dagaallamaya. Waxaan qabaa waqtigaan xaadirka ah in dagaalka Soomaaliya dibedda laga maalgeliyo oo ay hurinayaan ururro iyo dawlado shisheeye oo danahooda gaarka ah wata.
Dalmar: Waxay ku suurtogashay in lacag la daabaco iyadoo Bangigii Dhexe iyo dawladdii midna aanay jirin waa asbaabo dhowr ah. Tan kowaad: lacagta 1000 shilin ee hadda la been abuuro waa lacag dadweeynuhu yaqaan oo dawladdii hore ka tagtay. Tan labaad: dadku waxay u baahan yihiin lacag sarrif ah oo loo adeegsado ganacsiga yar yar. Tan saddexaad oo ah tan ugu mihimsan: waxaa jira xad aanay dhaafi karin kuwa lacagta daabaca oo xakameeynaya damacooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashi- WDN: Intii ka dambeysay burburka waxaa jirtay in sida aad xustay ay ganacsatada iyo maamulada ka jira Soomaaliya ay iska soo daabacan jireen lacagta iyadoo la sheego sidoo kale in ay jiraan Makiinado lacagta lagu daabaco oo yaalla Puntland. Haddaba, dhawaan waxay dawladda Sh. Sharif sheegtay in ay soo daabacayso lacag cusub., Taas oo aad looga soo horjeestay. Maxay haddaba arrintani kaga geddisan tahay lacagahaas hore la isaga soo daabacan jirey, maxayse tahay saamaynta ay xilligan ku yeelan karto lacagtaasi dhaqaalaha iyo xaaladda maciishada ee ka jirta Soomaaliya?Dalmar: Dawladda Soomaaliya ee kmg ah waxay shaacisay inay sameyneyso lacag cusub oo shilin Soomaali ah oo lagu soo daabacayo dalka Suudaan, labada dawladoodna ay kala saxiixdeen heshiis arrintaas ku aadan. Inta la sheegay, lacagtaasi waxay ku kacaysa kharash dhan $17 milyan oo dollar, waxayna ka kooban tahay xaashi-lacageedyo kala ah min 1000, 2000, 5000, 10,000, iyo 50,000. WDN: Mar haddii aanay ka jirin Soomaaliya dawladdii iyo hay’adihii ka mas’uulka ka ahaa lacagta, ma kula tahay in dhammaanba la joojiyo adeesiga shilin Soomaaliga, laguna beddelo doolarka Maraykanka, sida ay samaysay dawladda Simbaabwe, inta la helayo dawlad wax ku ool ah oo dalka ka hanaqaadda?Dalmar: Haa, waa ila tahay in dhammaanba la joojiyo lacagaha been abuurka ah ee shilin-Soomaaliga oo loo wareego isticmaalka doolarka Maraykanka oo keliya. Arrintaas hadda ka hor ayaan talo ku soo jeediyey anigoo ka walwalsan dhibaatada lacagaha been-abuurka ahi ku hayaan dadka danyarta ah. WDN: Mudane Dalmar aad baad ugu mahadsantahay macluumaadka tirada badan ee aad halkan akhristayaasha ugu soo gudbisay. Haddaba ugu dambeyntii sideed u aragtaa mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, maxaadse kula talin lahayd hantiilayaasha Soomaaliyeed ee hadda gacanta ku haya dhaqaalaha dalka?Dalmar: Siday aniga ila tahay, mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Waxaan qabaa haddii aan la helin nabadgelyo, xasillooni, dib-u-heshiisiin dhab ah iyo dawlad wax ku ool ah inaan dhaqaaluhu gaarayn horumar lixaad leh. Haddaba, waxaan kula talin lahaa hantiilayasha inay ka qayb qaataan oo maalgeliyaan dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska qaranka. Waxaan kaloo kula talin lahaa inay maalkooda ugu tabarucaan hawlaha samafalka iyo gargaarka bulshada. WDN: Aad baad u mahadsan tahay.Dalmar: Idinkaa mudan Copyright © 2010 WardheerNews.com |