|
|
Madaxweyna Ku-xigeenku waxa uu u saaray guddi ka kooban todoba (7) wasiir iyo xafiiska tijaarada ina aay soo baadhaan ina aay shirkada “Transcom Digital, Inc (TDI)” aay tahey mid la aamini karo iyo in kale. Taasi yaanay waxba isku daalin gudidu waayo aniga ayaa u soo hubiyay jawaabtuna waa LAMA AAMINI KARO waayo ma aha shirkad jirta. Tafaasiisha waxa aan ka horeyseenayaa in yar oo hordhac ah oo gogol dhig u noqota xiisadan ka abuurantay isku xidhka shirkadaha telefoonada iyo damaca wasiirada u soo tacabiray ina aay SL ka dhuftaan hanti badan muda yar oo kooban dabeetana ka dhaqaajiyaan ee uu ka mid yahey ina Cabdi Khayre Waxa laga war qabaa in dadka reer SL ee wadanka gudihiisa ku dhaqan aay inta badani haweysanayaan sidii aay debada uugu tacabiri lahaayiin.Taasi waa mid laga garaabi karo marka la eego fursad xumida dhaqaale iyo shaqa la’aanta wadanka ka jirta. Haddaba waxa soo ifbaxaaysa ina dad ka mid ah qurba joogu aay dib uugu soo tacabirayaan SL iyaga oo khiyaamo iyo shirkado (Company) magac u yaalo ah ku gabanaaya ku waasi oo ku xidhan Madaxweynaha iyo Marwada Madaxweynaha amba wasiirada xukuumada Riyaale. Hadaaba hab dhaqan kan ku saleysan shirkadaha magac u yaalka ah ee loogu tala galay ina wax lagu khiyaamiiyo waa mid dad u badan cadaan oo afmiishara ihi iyaga oo la kaashanaaya qaraabada madaxda Afrikanka aay heshiisyo aan dalka dani uugu jirin la saxiixdaan madaxda Afrikaanka. Taasi oo noqotay talaabada uugu caan san ee aay madaxda Afrikaanku hantida dalka ku dhacaan. Waxa jirta iyaana mid kale oo qaraabada madaxda Afrikaanku meel kasta oo aay joogaanba fikradu iyaga ka timaado madaxda aay qaraabada yiheena ka soo dhameystaan dabeetana si aay u raad gataan iska soo horeysiiyaan dad ajnebi ah khasatan galo cadcad oo aay hunguri geliyeen iyaguna dib isu taagan marka aay khiyaamado soo ifbaxdana ku andacooda anago shuqul kuma lihin. Nabsiib daro intii aay xukuumada Riyaale jirtay waxa si is daba joog ah u soo baxaaya shir qoolada noocaas ah ee ka fulaaya xukuumada Riyaale. Waxa jara’idku khaasatan haatuf iyo Somalilandforum iyo aqoon yahanaba hore uuga hadleen shirkado aay ka mid tahey ta isku magacowda REC Co. iyo nin u dhashay Norway oo la yidhaahdo Meig Meiyer iyo qaar kale oo badan ku waasi oo amab loo saxeexay dhul baaxd weyn oo laga baadhayo saliid amba lala galay heshiisyo aan dalka u dan aheyn oo kutlada qawleysta yaal ah oo isku xidhan oo gudaha iyo debadaba jooga ku qadhaabtaan. Waxa kale oo uu weli raad keedo sii qoyan yahey telefishonkii uu ninka CANADA degan ee aay Madaweyne Riyaale ooriya walaalka yiheen uu ku soo iibiyay lacag kor u dhaafeysay lix boqol oo kun oo dollar ($600,000) iyada oo wax ka yar $50kun oo dollar lagu soo helaayu. Telafishonka cusub iibiskiisa waxa ka denbeeyay nin aay Riyaale ooriya walaal yiheen, maraakebta xeebta ka kaluumeysata ee xalufisay khayradkii bada waxa la leeyahey waxa rugsada siisay Marwada Madaxweynaha. shirkadan isku sheegtay TDI ee telefoonada xidhiidhineysan waxa ka denbeeye innan uu Riyaale adeer u yahey. Waxa dad badani aaminsan yiheen ina la isugu qeyshaday afarta caraba “waraabow waa hal eeeeeeeeeeeeey” Haddaba inta aanan idiin soo ban dhigin wararka runta ee aan ka soo ururiyay shirkadan sheeganeysa Transcom Digital, Inc waxa aan wax yar ka odhanayaa waxna ka magacaabayaa dadkaa dib SL uugu soo tacabiray si aay si xaaraan ah uuga shaqeystaan. Dadkaasi waxa aay leeyiheen qaar MUUQDA iyo qaar DAHSOONba meel kasta ha joogaani qaarkoodna waa wasiiro waxaana ka mid ah Mohamed Xaji Dahir (Wasiirka Qorsheynta) iyo Xasan Cabdi Khayre (Wasiirka Boosaha iyo is gadhsiinta), wasiirka warfaafinta, ka maaliyada ka daakhiliga iyo qar sheeganaaya ina aay u shaqeynayaan SL oo aay ka mid tahey Jawaahir Sheikh Maxamed Cali Madar,Waberi iyo qaar kale oo badan Haddaba badhis aan sameeyay hadii aan ahey Ali Gulaid waxa aan soo xaqiijiyay cidda leh iyo cidda ka denbeysa shirkadan TDI iyadii oo koobana oo aan qodobiiyayna waa sidan:
Wasiirka is gaadhsiiinta Xasan Cabdi Khayre waxa uu yidhi “hawadeenaa dahabka ah ayay lacagto inuu soo mari oo niman reer SL ah oo waxaba inaga rabin oo aqoon iyo awood maaliyadeedba leh ayann sharafteyda ku keenay”. Wasiirku wuu ka gaabsadey ina ay nimankan isku mafrash ahaayeen. Waxa inta ka daran oo uu wasiirku ka xishoon waayay ina iyada oo heshiiskii oo qoraal ah la hayo uu ka been sheego. Heshiis yada wax lagu dhacaayo had iyo jeraali dadka ka denbeeyaa waxa aay yidhaahdan waxba kama rabno. Taasi waa caado la og yahey. Waxa kale oo la og yahey wax bilaash ihi ina aanay jirin adoonka. Mareykanka waxa jirta hadal hays tidhaahda wax bilaash ihi ma jiran (no free lunch). Waxa weliba heshiiska ku jirta ina xukuumada SL aay ka masu’uul tahey xafiisyada iyo guryaha shaqalaha shirkada TDI. Waxa kale oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu wax ka sheegu qiimaha dusha ka fuli doona sicirka telefonka marka TDI aay kharashka inta leeg geliso Waxa intaa ka sii fuul xun ina uu wasiirku ku andacoodo fure gaar u ah SL oo loo sameeyaa ICTIRAAFKA ayuu wax ka taraya. Waanu ka gaabsaday danta gaarka ah ee uu ka leeyahey wasiirku. Waxa la og yahey in Furaha aay International Telecommunications Union (ITU) aay bixiso ee anay shirkadi bixin karin. Wasiirka ma ka jaahilnimaa? Waxa kale oo an soo xaqiijiyay ina uu wasiirku hore uu la xidhiidhay ITU oo lagu yidhi ila la idin aqoonsado fure SL u gaar ah (SL) la idin ma siin karno. Wasiirka maxaa ka si ah? U geli maayo qawaaniinta wadanka u taala ee aay ka mid yiheen qalabka lacgta inta leeg ku baxeyso waa ina qandaraas lagu bixiyo iyo qaar kale oo xaaran timeynaaya mashruucan waayo wa laga wada dheregsan yahey. Wasiirka se hal ayaan odhanayaa. Shirkadahan telefoonado ee aad arkeysaa kaadi daa ayaay u soo cabeen oo iyada oo xabado dhaceyso ayaay biraha xidha yeen. Mid kale shirkadaha telefoonada iyo kuwa xawaaladaho waa shirkadaha qudha ee u hirgalay SL uuna noqon kara tusaali ina wax la isku darsan karo. Mid kale shaaqli xoog leh ayaa u shaqeeya. Waxa aan inta raacinayaa awood dhaqaali iyo aqoonba aay iyago isku xidhan karaan waay leeyiheen. Markaa dawladu wakhti ha u qabato Waxa se aan huba haddi Shirkadan TDI ee aan aqoon iyo awood maaliyadeed midna la heyn in SL hawda dahabka ah laga waaye. TDI waa digo iyo denbas aan laheyn raad raac. Waxa si badan oo jira shirkado reer SL leeyiheen oo aqoon iyo awood maaliyadeeedba u leh oo haddi dareeqa hagaagsan ee qandraska la maro soo doonan lahaa Baarlamanka cusubna waxa aan leeyahay waxa aa ka yeeshan mashruucan iyo kuwa la mid ka ah iyo raga/dumarka u soo tacabiray si aay SL candhablaha u jaraan ayaa la idinku eegaya Waxa aan ku soo gebogebeynayaa shirkadan TDI mid jirta oo awood maaliyadeed iyo aqoon midna leh ma ah haddi shaqada sidaa u muhiimka ah lagu aaminana SL hawada ayaa laga waaye. Waxa aay igu qaadatay dhawr saacadood inaaan kor iyo hoosba ogaado TDI waxa aay tahey iyo waxa aay gudo markaa ma la odhan karaa wasiirka iyo xukuumada Riyaale arintan wa ka daacad? Jawaabtu waa maya ee TIMIR lafbaa ku jirta. Hadal iyo dhamaantii isha qudha ee SL u baxeysaa waa shirkadaha hanna qaday ee yaan isha la bakhtiinin Ali Gulaid,
Copyright © 2005 Wardheernews.com |