RIGHTS OF WOMAN IN ISLAM

By: Sharif Amin

As Muslims, we understand that violence and coercion used, as a tool of control in the home is oppression and NOT accepted in Islam. Prophet Mohamed (peace be upon him) said in reference to women, “I recommend that you treat women with goodness. The best of you are those who treat their wives the best”. “Treat your women well and be kind to them for they are your partners and committed helpers." From the last sermon of Prophet Mohammed.

I, a Simple Woman

By: Sharif Amin

She's a girl who hasn't yet finished playing with her dolls. She's a child who still needs her mother, who still needs to be pampered and coddled. Even so, this child will be torn away at an early age to assure her function as an adult. She who still needs to be taken care of must take care of another home, of a husband, and of in-laws who are sometimes very demanding.

 

Maxaa Ka khaldan Saxafadda Soomaalida?

By: Yusuf A. Gelle

Toronto, Ontario Canada

Feb. 17, 2005

Waxaan shaki lahayn in intii lagu jiray burburka iyo dowladda la'aanta Soomaaliya, in ay Saxaafadda Soomaalidu aad u tiro badatay, xornimo badanna heshay. Hase yeeshe waxaa muuqata in tayada Saxaafaddeenu ay weli fadhiid tahay, mararka qaarna uu dhibkeedu ka badan yahay dheefteeda.

Waxaan aad u xasuustaa in iyadoo saxaafaddu xornimo iyo tabar midna lahayn haddana  in dadaal iyo isxilqaamid faro badan ay isku dayeen xooggagii ku howlanaa, wakhtigii lagu jiray xukuumaddii militeriga.
Waxaan la ilaawi Karin waxqabadkii uu idaacadda Muqdisho ku soo kordhiyay  Suxufiga C/Qaadir M. Mursal oo runtii casriyeeyey dhammaan barnaamijyada idaacadda Radiyo Muqdisho sannadihii Siddeetanaadka. Waxaa ka sii horeeyey tayadii wanaagsanayd ee looga bartay barnaamijyadii ay soo jeedin jireen  Cabdi Idiis, Dalmar, Dhuulle iyo Cabdullahi Sh. Xuseen oo dhammaan ka mid ah dadkii ka dhex muuqday  Saxaafadda Soomaalida gaar ahaan tan Raadiyaha.

Waxaan jeclahay in aan qormadan aan dhowr tusaale ku muujiyo sida Saxaafaddeenu uga gaabisay dhammaan wixii laga filayay Saxaafad xor ah. 
1. Waxaa nasiib Darro ah in maanta oo farsamo  badan la haysto in Saxaafadda Soomaalida oo BBC du ku jirto aanay lahayn jaho iyo mabaadi ay ku socoto. Waxaan weli xusuustaa markii nin warfidiyeen ah oo Ingiriis ah uu sannad ka hor ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Hargeysa. Ninkaas oo u shaqaynayay mid ka mid ah Kanaalada talifishanada London ayaa aad uga dayriyey sida looga shaqeeyo Cusbitaalada Hargeysa iyo daryeel xumida haysata dhammaan bukaanka yaal cusbitaalada magaaladaas. Wuxuu barnaamijkaas uu ku qaadaa dhigay dhaliilaha ka jira wasaaradda Caafimaadka iyo hawladeenada ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Warbxintaas Talifishinkaa bixiyey ayaa runtii dad badani ka dhandhansadeen waxqabad xumida ka jirta adeegyada Maamulka Hargaysa. Waxaa nasiib darro ah in Shaqaalaha BBC-da ee hargeysa aanay weligood soo gudbin barnaamij taabanaya xaqaa'iqda ka jirata gobolkaas.
Inta badan waxaad maqlaysaa banaabax ka dhacay beerta khayriyada, golaha guurtida oo shiray iyo wafdi dhoofay iyo mid soo degay. Waxaan warfidiyeenka BBC-du soo tabiyaan hadalada rasmiga ah ee Maamulka Riyaale iyagoon ka run sheegin sida dhabta ee wax u jiraan. Bal eeg sida uu wariyah BBC-du uga waramo arrinta muranka labada maamul ee garoowe iyo Hargeysa iyo Arrinta gabadha yar ee lagu xiray hargeysa

2. Arrinta labaad waxaa weeye sida ay u waramaan bogagga Internetka ee Af soomaaliga ku qoran. Inta badan dadka wax ku qoraa waa niman ay ka muuqato caadifad qabiil, nacayb iyo garasho gaabni.   Waxa yaab leh sida Saxaafaddu u garan weyday muhimmadda ay leedahay in la badiyo wararka wanaagga ah ee isu soo jiidi kara dadka lakala irdheeyey ee Soomaalida ah.
Waxaan qabaa in qaar badan oo raga wax ku qoraa bogagaas aanay fahansanayn in garaadka dadka ay la hadlayaan uu ka sarreeyo sida ay wax u sheegayaan. Qofkii u fiirsada waxa uu dareemayaa in qaarkood ay ka war dhowrayaan dagaal oogaha ay taabacsan yihiin sida uu u hadlo.

Hadii uu wax mucaarado waa ku raacaan , hadii uu wax taageerana waxay la soo shir tagaan ammaan iyo bogaadin. Tusaaale waxaa noogu filan sidii ay u hadashay mid ka mid ah bogogaas markii C/llahi Yusuf loo doortay madaxweynaha oo ay ku tilmaameen in maalin madow u soo hoyatay mid ka mid ah qabiilada Soomaalida ah. Muddo ka dib ayaa isla boggii laga soo buuxiyey faallooyin dhexdhexaad ah iyo niyad wanaag. Waa isweydiine boggu ma dano hal qabiil ayuu isha ku hayaa mise waa saxaafad xor ah oo leh mawqif iyo mabaadii hagta.

Waxay arrintu ahayd in Suxufiggu dhaliisha ka billaabo dagaal oogaha ay isxigaan ama meel kula nool inta aanu u boodin mid kale oo ka fog. Waxaan shaki lahaaateen in haddii taasi dhici lahayd in wax badan iska beddeli lahaayeen dhaqanka dagaal oogayaasha iyo kuwa fidnada ka wada Soomaalida dhexdeeda.

Waxaa runtii aad u wanaagsanayd sidii saxaafaddu u dhaliishay sidii loola dhaqmay dad warfidiyeen Soomaaliyeed ah oo ka soo qayb galay cashadii Ra'iisul wasaaraha . Iyadoo weliba uu Kartoon heer sare ah uu soo saaray farshaxanka Soomaaliyeed Amin camir. Waxaase isweydiin leh sidee xushmad iyo qadarin lagu helayaa mar haddii shaqada warfidiyeenada Soomaliyeed ay noqotay tagerid dagaal ooge, ceebayn iyo aflagaado caaadifad qabiil ku dhisan, ka been sheegid wax dhacay iyo faallooyin dadka wada dhashay ee Soomaalida lagu kale gaynayo.

Ugu danbeyntii waxaa runtii amaan mudan qaar ka tirsan bogagga Internetka iyo idaacadaha qaar oo runtii muujiyey garasho dheeraad ah iyo adeeg hufan oo aad u anfacay Bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool. Waxaan kuwaas leennahay  hawsha halkaa ka wada. Kuwa majaro habaabiyay hawshii saxaafadda ee qabyaaladdu indha tirtayna waxaan leennahay waxaa la joogaa wakhtigii wax la sixi lahaa ee ka soo laabta wadadaa foosha xun ee wax u dhimi karta magaciina iyo guud ahaan magaca Saxaafadda xorta ah ee Soomaalida.


Yhaji2004@yahoo.com

 

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com