|
Hudeydi Featured On BBC - Radio 3
|
Talo Haweenay Soomaaliyeed oo Ku Socota Madaweynaha iyo Raisal Wasaaraha J.F. Soomaaliya Amina X. Cali Jan 19, 2005 Mudane Madaxweyne iyo Raisal Wasaare, Waxaan kolka hore Eebbe idiinka baryey inuu hawsha culus ee aad xilkeeda qaaddeen idiin fududeeyo. Qofkii kas iyo maan Allaheen siiyey wuu garan karaa baaxadda carqaladaha ah ee idin hortaal,waana la qiyaasi karaa in aydaan cirka kasoo daadineyn mucjisooyin (miracles). Sidoo kale wuu garan karaa inaad u socotaan dal baaba'y. keliya waxaan idinka dooneynaa in aydaan karaankiinna waxba la hadhin isla mar ahaantaasna aad ahaatan kuwo u dhego nugul talada toosan. Wixii talo ahaa intooda badan ragga ayaa idiin soo qorey. Sidaa darteed ii oggolada anna haween ahaan in aan ku darsado mid muhiim ah. Waxaan rajeynayaa in ayna talaydaydu noqon" Naagi Maxay Sheegi". 1. Waxaan ognahay inay qabaa'ilka Somaaliyeed ku hardamayaan wasiirada qaybta ay ka heli lahaayeen. Waxaa dhegaheenna kusoo dhaca hadalada ay ka mid yihiin " Anaga wasiirkayagii looma dhiibin meel micno leh ama meel manfac leh" Haddaan si kale u micneeyo waxay tahay " Wasiirkayagii looma dhiibin meel uu isna dhaco anana noo dhaco ". Waxaa haboonaan lahayd in ay nimanka u xusul duuban in ay qabtaan xukun ay tahay sababta ay u ordayaan iyagoo raba inay wax u qabtaan dalka iyo dadkaba kana qaadaan dhibka saaraan. Nasiib darrose waxaad mooddaa in ay in badan oo ka mid ihi u ordeyso dhac iyo boob. Taas oo ah mid dhaqanka Somaalida ka mid noqotey oo bal yaabka aan arkay aanba la iskula yaabeyn!!! Sidaa darteed, Maadaama aad idinku tihiin hormuudkii dawladda fadlan wax u xukuma si la iidinku deydo oo yeela arrimahan. a) Ha xadina hantida Qaranka. Ogaada heli meysaan meel aad ku cuntaan haddaad xaddaan hantida qaranka. Ku waano qaata mid kasta oo wax dhacay meesha uu ku dambeeyey. b) Ha saxeexina qandaraasyo aad ku naas nuujineysaan dad gaar ah. Sida aan horey u aragnay yeysan sidii Barkin waraabihii (mushroom) soo bixin dad tujaar ah muddo yar gudahood. Kuwaas oo ka taajirey qandaraasyo dawladeed iwm. c) Wasiiro badan ayaa ah Jaahiliin aan weligood xataa dugsi gelin. Aakhirtu ku lamaaniya kuwaas dad cilmi sare leh. Inaga hubiya waxa ay saxeexayaan. Illeyn nin jaahil ihi ma garan karo waxa laga saxeexayo eh. d) Ha iibsanina baabuur iyo qalab xafiis (Furniture) qaali ah. e) Caalamka halla gelina heshiis dhibaato u keeni kara dalkeenna. f) Raad ka taga la yidhaahdo " Xukuumaddii Geeddi iyo Cabdilaahi ayaa waxan qabatay. g) Boonadii la sheegi jirey inaga ilaaliya. h) Isha ku haya Wasiir kasta cidda uu shaqo ka siinayo wasaaraddiisa. Khaas ahaan tirada Payroll-ka ku lacag qaadata. Maadaama ay dhacday wasaarado ay payroll-kooda ku jireen 700 boqol oo qof oo aan shaqayn. Sidii hore loo arki jirey yeyna wasaaraddu noqon mid ay leeyihiin qabiilka wasiirku balse ha ahaato mid Somaaliyi leedahay. I) Isku soo wada duuboo musuqmaasaqa (corruption) halaga digtoonaado. 2) Waxaa lagaga digtoonaan karaa musumaasaqa iyo dabamartaynta iyadoo la helo Xisaabi xil male (Auditing) culus oo ka madax banaan wasaaradaha oo laga soo dhex xulo dad la yaqaan oo aan ahayn tuugo ama qowleysato. Guddii aad u firfircoon oo qaadata mushaahaar aad u fiican si ayna u hungureen wax kale waa in la abuuraa. Labadiina dawladda ugu sareeyaana waa inaad ahaataan kuwo lagaga daydo ka xishoodka xaaran cunka ama boobka boolida qaranka. Waxaa hubaal ah haddii tuugo uun la iska ilaaliyo in wax hagaagayaan . Wabilaahi Towfiiq Amina Xaaji Cali
|