SABO
Ismaciil C. Xasan (Khaliil)
June 18,2005

Ummaddaha adduunka qoloba Ilaah meel buu kaga abuuaray. Kala duwanaanshaha muuqaalka, afka, dhaqanka, diinta iyo midabka ka sakow ummad waliba waxay leedahay sabo loogu soo hagaago oo lagu yaqaan, magaceedana ay ku suntanyihiin.

Dalku waa sabo uu qofku waxyaabaha noloshiisa lama huraanka u ah ka helo, la iskana soo dhaxlayay qarniyaal badan awoow ka awoow, qofkuna wuxuu sharaf iyo karaamo ku yeeshaa baradiisa iyo dadkiisa dhexdooda, ileen waa tii hore loo yidhi ninna dhulkiisa looma dhaamo'e.

Iyadoo arintu sidaas ah ayaa hadana ay dadku dool ku jiraan oo qaarado isaga gudbaan, iyagoo safarkooda ka leh ujeedooyin kala duwan. Soomaalidu muddo fog ayay bilaabeen inay dibadaha u safraan iyadoo inta badana ujeedadoodu ahayd inay wadamadaas ka soo shaqaystaan, ka dibna dalkooda dib ugula soo laabtaan wixii hanti ah ee ay soo shaqaysteen.

Hadaba wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye waxaa batay Soomaalida dalandoolka ah ee iyagoo magangelyo doon ah qaaradaha adduunka isaga kala gooshaya. Qaxootinimada ayaa waxay noqotay rajo ay Soomaali badani ku hamiso.

Inkastoo dadkaas Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa oo hadda qurbo joog loogu yeedhaa ay ku taamaan in mar ay ahaataba ay dalkooda dib ugu soo laaban doonaan, hadana arintaasi ma ahan mid la hubo oo shaki badan ayaa ku jira sida ay waayo aragnimada ummaddaha kale ee hore dibaddaha ugu baqoolay ina abarayso, dad fara ku tiris ah ayuunbaana riyadaas dib u noqoshada ka dhabayn kara.

Qurbo joognimadu waxay noqotay isha keliya ee qoysas badan oo Soomaaliya ku nool laga quudiyo, taas ayaana lagamamaarmaan ka dhigaysa in Soomaali badani ku sii nagaadaan qurbaha xataa haddii wadanku hagaago oo dawlad hanataa ka dhalato.

Hadaba Mahad iyo reerkiisu waxay ka mid ahaayeen malaayiinta Soomaaliyeed ee iyagu iska aaaminay dalkooda ee aan dhinacna u dhaafin sabadii ay daganaayeen.

Hodan oo ah xaaska Mahad ayaa maalin iyadoo aad u murugaysan inta ay gambar hoos yaalay geed weyn oo daaradda gurigooda ku yaalay fadhiisatay dhabanada qabsatay. Waxay aad u hiiftay nolosha aan ka soo raynayn ee ay ku sugnayd tan iyo intii ay dawladdu burburtay.

Waxay fiirisay dariskeedii iyo asxaabteedii. Waxay noqdeen wax wadanka ka baxay iyo kuwo hadda safar u guuxaya.Waxaa xaafaddii ay deganayd iska soo buuxiyay dad cusub oo aanay is fahmi karin iyada iyo ninkeeduna u yaqaaniin reer baadiye. Iyadoo nafteeda la hadlaysa ayay tidhi intaa in ka badan meeshan looma sii adkaysan karo, wax ka sii daraya mooyaane wax hagaagaya lama arko.

Hodan, Mahad iyo shanta caruura ee ay dhaleen tan iyo intii ay dagaalada sokeeya bilaabmeen meelna ugamay bixin Xamar oo ah goobtii ay ku dhasheen, kuna barbaareen.

Mahad wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii dawladda, waana nin aqoontiisu heer jaamacadeed gaadhsiisantahay, waxaana xaafadda looga yaqaan Datoorka. Intii burburka ka dambaysay wuxuu nolol maalmeedka reerkiisa iyo inta kale ee ku xidhan ka soo saaraa dilaalnimo uu aroorta hore suuqa ugu foofo. Maalin uu wax soo helo iyo maalin uu faro madhni la soo noqdana waa la arkaa.

Hodan oo fikiraysa welina geedkii keligeed hoos fadhida ayaa uu albaalka soo garaacay Mahad. Waxay ahayd xilli duhur ah oo qorraxdu aad u kulushahay. Isagoo dhididku dhabanada ka da'ayo ayaa inta uu darin duuduubnayd oo geedka hoostiisa ku tiirsanayd la kala baxay ku yidhi Hodan abaayo bal biyo aan cabbo ii keen.

Hodan ayaa inta ay joog biyo qaboobi ku jiraan iyo koob Mahad soo hordhigtay iyana soo ag fadhiisatay. Wajigeeda murugada iyo cadhadu ka muuqdaan intuu dareemay ayuu ku yidhi Hodan sidee maanta wax u jiraan?.

Hodan ayaa garbasaar yar oo madaxa u saarnayd inta yara giijisay oo qoorta labada dacal uga kala riday tidhi wax cusub ma jiraan ee meeshan joogisteeda ayaan nacay. Hadda uun bay rajadu u fiicanatahaye sidee Alle ku yidhi ayuu mahad ugu jawaabay. Rajo aan jirin uun baad adna sheegtaa, lix bilood ka hor baad lahayd dawlad baa dhalatay oo waxbaa hagaagaya, ilaa haddana wax dawlad ah ma aragno ee kuwii dhawr iyo tobanka sanno dhibaatada nagu hayay ayuunbaa magacyo cusub la baxay oo xildhibaano iyo wasiiro isku sheegay oo hadana is wada hyaysta, ee meeday dawladdii aad sheegaysay ayay si cadho ka muuqato u tidhi Hodan.

Mahad oo aan weli afkiisa wax hadal ahi ka soo bixin ayay hadana Hodan u sii raacisay tixdan heesta ah:-

Xalaybaan saqdii dhexe

Hurdadii ka salaloo

Naftu seexan weydoo

Noloshan waan saluugee

Subaxdii la joogaba

Sayruuq la ganayiyo

Sabab li'i dil joogta ah

Saameeyay caradoo

Mooryaan susumaysiyo

Saqiir gawrac mooyee

Daris iyo sokeeyaba

Dadkii way socdaanoo

Dunidaa siraadane

Maatida saacidaysaa

Nolol laga samaystoo

Sii joogis ma lahee

Sarta aan xaraashnoo

Sahay aan ka dhiganee

Ina soo dhaqaaji.

Mahad kumay cusbayn sheekada ay hadda u soo bandhigtay xaaskiisu. Dhawr jeer oo hore ayaanay arintan ka wada hadleen, mar walbana wuxuu u muujin jiray rajo iyo inay wax hagaagyaan. Inta uu yara aamusay oo hoos dhugtay hadana xaggeeda u jeestay ayuu ugu jawaabay tixdan soo socota

Sareedada ilaahbaa

Qofkuu doono siiyee

Siliciyo rafaadkana

Dadku waa u simanyee

Soomaalidu siday tidhi

Adduun waa sagaaloo

Toban kuma sinnaadee

Waligaa ha sugin

Ruuxna sedkiisii

Seegimaayo abidoo

Saatirkii na uumaa

Waa hore sargooyoo

Xisaabay ku socotaa

Ha saluugin inanyhay

Sabada dhulkeenoo

Safarkiyo qaxootiga

Sadaqada shisheeyaha

Ha u sacaba tuman.

Hodan intaas kumay qancin, ee waxay isku dayday inay fikraddeeda ka dhaadhiciso saygeeda. Waxaanay iyadoo heestii sii wadata tidhi:-

Niman wada silloonoo

Saldaniyo awoodiyo

Innagaa saraynoo

Sadbursiino heli

Ku siraaya shacabkaa

Ummaddiina sahaydoo

Silica noo horseedoo

Saboolnim iyo gaajiyo

Saf cudur na badaye

Deris iyo sokeeyaba

Dadkii way socdaanoo

Dunidaa siraadane

Maatida saacidaysaa

Nolol laga samaystoo

Sii joogis ma lahee

Sarta aan xaraashnoo

Sahay aan ka dhiganee

Ina soo dhaqaaji

Mahad oo aad ula yaaban sida ay xaaskiisu uga quusatay nolosha wadanka iyo xaaladda ay ku suganyihiin ayaa markan isku dayaya sidii caadada u ahayd inuu waxoogaa rajo ah u muujiyo Hodan, isagoo saadaalinaya inay wax isbedeli doonaan mustaqbalka dhaw oo aanu xaalku sidan ahaan doonin ayuu yidhi:-

Subaxdii timaadaba

Waayuhu si weeyee

Sannadihii na dhaafiyo

Colaadii sokeeyaha

Naftu way u samirtoo

Ilaahbaa ka saaree

Saakadan la joogana

Sahankaa u maqanoo

Saadaashu siday tahay

Nabaddoo sugnaatoo

Soo celino qaranimo

Degdeg baan u sugaynaa

Ha saluugin inanyahay

Sabada dhulkeenoo

Safarkiyo qaxootiga

Sadaqada shisheeyaha

Ha u sacaba tuman.

Hadaba Mahad iyo malaayiin kale oo Soomaaliyeed waxay ahaayeen 14kii sanno ee aan soo dhaafnay rajo ku nool. Waxay ahaayeen kuwo aaminanay dalkooda hooyo dhib kastaa ha ku soo gaadhee.

Waxay markasta rumaysnaayeen in dhibaatadan laga gudbi doono, waayihii beri samaadkuna ay dib u soo dhalan doonaan. Dhanka kale waxay bulshadani mudadaas u afduubnaayeen dagaal oogayaal fara ku tiris ah oo iyagu darxumada iyo dhibaatada shacabka ku caano maala.

Rajo iyo yididiilo kasta oo u soo bidhaanta Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee wadanka ku noolna waxaa isbaaro iyo caqabado lagama gudbaan ah hordhiganayay dagaal oogyaashaas.

Mahad wuxuu labadii sanno iyo badhkii aan soo dhaafnay ku maaweelinayay xaaskiisa shirkii Nairobi iyo midhihii ka soo baxay, hase yeeshee rajadii uu qabay waxaa waxba kama jiraan ka dhigay sidii caadada u ahayd dagaal oogayaasha Muqdisho qaarkood iyo xulafadooda oo hadda faraska ugu jooga burburinta natiijadii shirkaas.

Waxaan hadaba shaki ku jirin in hadda waqtigii dagaal oogayaashu uu dhammaaday, shacabkuna aanay marnaba u dulqaadan doonin cidkasta oo isku dayda in ay mustaqbalkooda isbaaro hor dhigato.

Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee u soo samray dhibta iyo rafaadka mudada dheer ay ku jireena, waxaa la soo gaadhay waqtigii codkooda iyo rabitaankooda la maqli lahaa, sabadooduna noqon lahayd mid nabad iyo barwaaqo ku waabariisata.

Ismail A. Hassan (Khaliil)

London, UK

Khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com