|
|
Marka hore waa Ilaahay mahadiisa in dawladda ku meel gaarka ee Soomaalya ay maanta ku sugan tahay Magaalada Jowhar, ee ah xarunta gobolka Shabeelada Dhexe. Waxaan halkan uga soo jeedinyaa amaan badan dhammaan Madaxda, maamulka gobolkaasi iyo dadweynahooda oo gacanta u fidiyey dawlada soomaaliyeed sidii ay ugu suuroobi lahayd dib u dhiska qaranka soomaaliyeed oo ku burburi dagaalkii sokeeye mudada shan iyo tobanka socoday. Waxyna taarikhda shaciga soomaaliyeed ka mutaysteen baal dhabiga ah. Waxaana qabaa in aanay meesha ka maqnayn in dawladdu ay dhexdegto degaanada ay dadweynuhu u badan yihiin degaan ahaan. Aragtida ka dambaysana tahay u adeegida bulsha weynta Soomaaliyeed. Fikradani waxay ka soo horjeeda, aragtidii aanu isticmaarkii ka dhaxalnay oo ahayd in ay dawladu ku sugnaato maagaalooyinka xarunta u ahayd maamulkooda. Arrintaasina waxay dhaxalsiisay dawladihii hantiyey qaranimadii dalakooda in ay ku eekaadaan magaala madaxada dalka. Sidaasaanu ku yeelany hal caasimad, hal raadiyo, hal wargeys iyo hal hogaamiye. Arrintaas baa na dhibaatada u keentay qarankeena. Haddaba waxa isweydiin leh maxaa xal ah oo arrintan lagu xalin karaa? Intii aanan jawaab ka bixin arrintan, waxa habboon in aanu ogaanu dadweynuhu meesha ay degaan ahaan ugu badan yihiin ma miyiga, tuulooyinka, mise magaalooyinka. Arrintaasina waxa laheli karaa markii tirokoob la sameeyo. Hada se anagoo ka kaashanaaya aqoontayda aan u leeyahay dalkeena waxaan oran karaa in dadweynaha Soomaaliyeed ay degaan ahaan u badan yihiin baadiya oo ah xoola dhaqato, beerley iyo gacasato yar yar oo ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka ( urban centers), waxaana meel lahan dambe ku nool shaqaala dawlada. Dadka soomaaliyeed ee wax soosaarka dhaqaalaha waa: xoola dhaqatada, beeraleyda, kaloomaysata iyo meydiga gurato. Dadkaasina ayaa maanta mudnaanta ka mudan dawladda soomaaliyeed. Waayo? Waa kuwa dhaqaaleeheena saldhiga u ah. Haddaba in ay dawladdu dhexdegto waa arrin muhim u ah dhismaha qarankeena. Taasina keeni karta horumarinta bulshaweynta soomaaliyeed, iyagoo ah lafdhabarka u ha dhaqaalaha dalkeena. Markaas qof kasta oo soomaali oo wadani ah waxa maanta la gubboon ku gacansiinta hagar la'aanta dawlada uu hogaaminaayo (professor) Geeddi Wasiirka Kowaad oo yoolkeedu yahay dib u heshiinsiinta dadweynaha Soomaaliyeed , dib u dhisga qaranka soomaliyeed, si aanu dib u soo ceshano sharafteena , karamadeena iyo qarankeena. Waxyna arrintani u baahantahay waxa wada qabsiga bulshawynta Soomaaliyeed , isana cafisa,iskuna kalsoonaato, una aragta dawladdu in ay tahay mida u adeegaysa danta guud ee bulshaweynta, kuna shaqaynaysa cadaalad, sinaan, iyo midnimo. Waxa maanta gudka madow dhigay dadweynaha Soomaliyeed waa cudurka dilaaga ah ee Qabiilka. Waana eray salka ku haya kala qaybinta bulshada si looga fushada hawsha ay wataan kuwa adeegsanaaya, ha noqdeen isticmaarkii hore kan dambe, iyo qabqablayaasha horseedka u ah danahooda gaarka ah , hormuudkana u ah holcelinta dabka qabiilka si ugu sii waaraan boobkii hantita ummada iyo kan qarankaba. Sidaas darted, waxa lahaboon Qofka kastoo wadani in dawladdisa ku gacan siiyo hawlaha dib u heshiinsiinta bulshaweynta soomaaliyeed, dib diska kaabayaasha ilaha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Taas oo ah in qof kastaba uu yahay dawladda, dawladduna ay u shaqaynayso danta guud ee bushaweynta Qaranka. Sideedna dawladdu waxay ay tahay koox laga soo hulay bulshada si ay u nidaamiso danahooda muhimka u ah nololshooda oo mudnaanta kowaad ay tahay Amniga, tan labaadana tahay horumarinta dhaqan dhaqaalaha si ay bulshadu u gaarto horumar. Qaabka dhismaha dawladuhuna way kala duwan yihiin qaabka dhismahooda. Qaarkood waa ( Unitary system ) qaar kelena waa ( federal system), kuwa kelena (confederal system). Qaabka dhismaha iyo qeybsiga awooda waxa loogu qeexaa amase caddeya waa dastuurka, amase axdiga Qaranka oo ku dhisan nidaamka (federal)-ka ah. Haddaba, dawladda (FKMG) soomaaliyeed lagu soo dhisay dalka kiiniya 20004tii, waxay ka kooban tahay Madaxaweyne, Wassirka Kowaad oo Mamulka dawladda madax u ah, Barlamaan, iyo Maxkamada sare. Nidaamka caynkani waa nidaam ku salaysan awood qeybsigs u baahan si u shaqeeyo amas loo hirgeliyo bulsho aqoon u leh. Sida hore loo shageyna xubnaha barlamaanka waxa lagu xulay qaab qabiil ku dhisan , oon ahayn aqoon. Halkaasina ay arrintu ka guracantahy. Taasina ma aha arrin sahlan oo mar keli lagu xallin karo waxayna u baahan tahay qorshe dheer oo ku dhisan kor u qaadida aqoonta, dhaqan dhaqaalaha buslhaweynta soomaaliyeed. Arrintani waxa u baahan wakhti, sabir dhiiri gelin hoggamiyaal daacad u ah qaranka kuna shaqeeya kuna hogaamya buslhaweynta, wadjir, midnimda,iyo cadaalad loo siman yahay. Dooda Arrinta caasimada qaranka
Marka hore dawladdu iyada oo keli ayaa iska awooda gacan ku haynta wixii hub ah oo dalka yaala, haddii kale oo ay awooda mamulka hubka haystaan kooxo markaasi dawladdu meesha joogi karto, iyadoo laga awood badan yahay. Taasina macquul ka dhigayn inay dawladdu gacan u gahso gabiil. Sidaas baan u leeyahay raga maanta ku sugan xamar war luggooyada ka daaya dadkiina, oo si daacad ah ula shaqeeya dawaldda 2.Dhismaha qaranka iyo danta guud ayaa dawladda ku kalifaysa in ay kaalmo ciidameed ka dalbato dalalka Afrika iyo Carabtaba si xasillon loogu soo celiyo dalka hooyo oo ku eeg isticmaalkoodu muddo gaaban oo awood u siisa dawldda tababarida ciidamada qaranka. Ku gabasshada arrinta Ittobiya in ay dawladdu gacanta dalka u gelindoonto waa been u cad sida cadeeda. 3.Runtii colaad taarikhi ah ayaa labadeena u dhexaysa, kuna salaysan dad iyo dhul soomaaliyeed, hase yeeshee, xirrirka dawladda ma waxa meel taagan tusaal ahaan sida buurta meel ku taala. Maanta Itoobiya waxa ka taliya dawladd ay Soomaaliya taggeeri jirtay xilligii dawladda mlitariga ahayd. Taasina xiriirkeena isbedel ku sameeyey, iyadoo dawladd Senaawi ahayn tii Mengiste amase Xayle Salaase Koobid ahaan, dawladdaha gobolka dan amnigooda taabanays bay ugu jiraan in la taageero Soomaaliya dibu dhiska dawladdeeda oo dan u ah nabada iyo xasilooninta gobolka iyo caalamkaba. Haadaba kuwa maanta dib u huwanaaya shaatiga wadaniga ma dhabay ka tahay. Maya ayaan qabaa, waxaanse ku waaninayaa in ay lugooyada ka daayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ay bideen silic iyo dagaal joogta ah iyaguna noqdeen kuwa adduunka u dhan ku caan baxay “the laughing stock of the world and the forces of darkness and doom.” Bahada saxaafadana waxaan leeyahay war ka daaya lugooyada shacbiga soomaliyeed oo xishooda oo beenta ku saabsan maaweelada caruurta ee isbaarooyinka, maleeshiyo la xereeyey, ciidanka itoobiya ay dalka gacanta loo galinayaa, aqoonsi uu helo maamulka Riyaale Hargeysa, WAR ILLAAHAY KA CABSADOO ee runtu ha noqoto Saldhiga wararka iyo qoraalada aad soo tebisaan iyadaana idin xoreyn. Abdi Jama a.k.a abdiwadani
Copyright © 2005 Wardheernews.com |