C/laahi Yuusuf hal sano ka dib markii xilka loo doortay

Tarabi Jama

October16, 2005

Ugu horayn waxaan salaamayaa bahwaynta WardheerNes Onlne oo marwalba isku howla soo bandhiga qoraallo hufan kana tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadankeena Soomaliya . Waxaanse aad ula yaabay qoraal bisha October 10, 2005 lagu soo daabacay WardheerNews oo uu lahaa Mr. Ismail A. Hassan (Khaliil ). Qoraala oo cinwaankiisu ahaa “ C/ laahi Yuusuf : Hal sano ka dib markii xilka loo doortay ” Dhab ahaantii , qoraagu aad buu u soo dhiraan dhiriyay qaabkii ay dowladda Federalka ah ku timid, hase yeeshee waxaa ka muuqata isku dheelitir la'aan xagga dhacdooyinka ah iyo qaadasho go'aan dag dag ah. Qoraaga haddaladiisa waxaa ka mid ahaa labadan qaybood ee aan idiin iftiimiyay ee [A & B]

Arinta aan rabo in aan iftiinsho waxay tahay is barbardhiga Dowladda Federalka iyo tii Carta ee xagga wax qabadka ee uu qoraagu yiri :  

A. “ Dhanka kale kooxda Jawhar ayaan iyana wax qabad la taaban karo ila hadda ka muuqan iyagoo hawshooda ku koobay ka qayb galka shirarka dibadaha taasi oo ah arin ay dawladdii Cartaba samayn jirtay .”

Xaqiiqdu waxay tahay in iyadoo deeq bixiyayaashu ka caga jiidayaan bixinta kharashka dib u guurista Dowladda Federalka ee Soomaliyee ay iyagu go'aan gaareen in ay ku laabtaan wadanka gudahiisa una dhabar adaygaan xilkii loo igmaday . Waxaa la yaab leh in qoraagu ka gaabsaday in Madaxwaynaha , Ra'iisal Wasaaraha , iyo xubno kale oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ku baxeen safar dhulka ah oo taariikhda galay laga bilaabo Jowhar ilaa Baladawayn . Waxaa la hilmaamaan noqotay in Wafdiga uu hogaaminayo madaxwaynuhu gaaray goboladda Puntland iyagoo diyaaraddoodu cagadhigatay magaaladda Boosaaso dabadeedna safar dhulka ah ku yimaadeen magaalda Galkacyo . Mar walba iyo goobwalba oo ay istaagaana ka hadlayay qaabka ay dowladdu u soo celinkarto haykalkii iyo sharafkii ummadda Soomaaliyeed iyadoon dhiig ku daadan .

Waxaa iyadana aan la hilmaami Karin safirkii uu Ra'iisal Wasaaruhu ku tagay magaala madaxda Somaliya ee Muqdishu dabadeedna kuxigeenkiisu HE. Xuseen Caydiid u daba maray kana wado howlihii dowladda ee nabadaynta . Sidaa si la mid ah, Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu magacaabay guddoomiyaha ahna duqa gobolka Banaadir mudane Xasan Cali Gaabow ( Cadde ). Dhanka kale, dowladdu waxay ka kaaftoontay ku tiirnaashishii ciidamada shisheeye waxayna u soo jeedsatay dhisitaan ciidankii qalabka siday . Dowladdu waxay magacawday taliyayaashii ciidamada qalabka siday isla markaana u furtay tababarro wixii ka nool ciidankii hore iyo ciidamo cusub oo qayb balaaran ka qaadan doona soo celinta nabadii iyo xasiloonidii ceelka lagu riday .  

Dowladdu waxay bilowday mashaariic uu ka midyahay gegida diyaaradaha ee Jowhar . Madaxda dowladdu waxay bilaabeen suggidda xafiisyadii dowladda Somaliyeed ku lahayd caalamka sida kan UN, AU, Jaamcadda Carabta , Ururka Islaamka , iyo Ururada kale ee aan dowliga ahayn . Qoraagu wuxuu hilmaamay in dhamaan howlahaas la qabtay ay yihiin qaar ka mid ah shaqooyinkii dowladda laga sugayay . Isku xirkaan goboladda iyo nabadaynta dadkii walaalaha ahaa ee Somaaliyeed ayaan laga hayn dowladdii Carta . Balse , gobolo badan oo daganaa ayaa dagaal qabaa'il ka bilowdeen kadib markay lacagihii Carta gaartay .

Dhanka kale, qoraagu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri :  

B. “ Waxaa ayaan darro ah in maanta aanay shacabku wax weyn ka sugayn Dawladdan ayna lumisay kalsoonidoodii , Madaxweyne C/ laahi yuusfna waxa uu u muuqdaa nin cagta saaray dhabihii ay Cali Mahdi iyo C/ qaasim Salaad hore u mareen .”

Haddaba , dadalkaan haddaad qiimaysid waxaad ka dheehan kartaa in qoraagu isagoon tix galin dhamaan shaqooyinkii ay qabteen Dowladda Federalka , khaasatan inta joogta magaaladda Jowhar/Somaliya isla markaana gaaray go'aan aan lahayn aragti dhab ah oo caawisa . Go'aanku wuxuu yahay in dowladdu lumisay kalsooniddii dadka anagoo arkayna in meelkasta laga dhigayo dhabaaldagga iyo fantisiyaha sanadguuradii dhalashada dowladda Federalka ee ay hormoodka ka yihiin HE: President Abdullahi Yusuf Ahmed iyo HE: Ra'iisal Wasaare Ali Mohamed Geedi .

Mahadsanidiin

Tarabi Jama
Minneapolis, MN U.S.A
E-mail:tjama1@yahoo.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com