Hal sano ka dib markii aan  wareystay Dr. Kapchits

Ismaaciil Cabdiraxmaan Xasan "Khaliil
February 21, 2007

Print Friendly

“Waxaan qorsheeyey in illaa sannadkan (2006) dabayaaqadiisa aan soo gabagabeeyo Qaamuuska weyn ee maahmaahaha Soomaaliyeed, hase ahaatee waa aan ku dhacay. Sababta u weyni waa in maahmaahihii aan hore u soo ururiyey ay ku darsameen kumanyaal kale oo qaarkood aan ka helay akhristayaasha WardheerNews  ka dib markii aad daabacday wareysigaygii. Illaa maanta ayay ila soo xiriiraan akhristeyaasha WardheerNews. Taas oo aan raalli ka ahay. Mahadsanid

Dr. Georgi Kapchits
December 16, 2006

Muddo hadda laga joogo hal sano ayaa waxaanu wareysi khaas ah la yeelannay aqoonyahanka Ruushka ah ee ku xeel dheer afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Dr. Georgi Kapchits oo xilligaas ku sugnaa magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka.

Dr. Georgi Kapchits

Haddaba wereysigaas oo dadweyne aad u fara badani akhristeen aadna u xiiso badnaa, kuna soo baxay WardheerNews 25/01/06, isla markaana ay ergisteen mareegaha Soomaaliyeed ee kale qaarkood ayaa ahaa mid akhristayaasha badankoodu ay aad uga heleen, saamayn weynna ku yeeshay.

Islamarkii wareysigan loo soo bandhigay akhristayaasha waxaa WardheerNews soo gaadhay farriimo badan  oo loogu hambalyanayo mareegtan iyo dadaalka ay qorayaasheedu muujiyeen. Wareysigani sidoo kale  waxaa uu noqday mid ka mid ah waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ee ay soo gudbisay WardheerNews sannadkii tegay iyadoo illaa maantana aanay dadku ka xiiso dhicin oo weli la akhristo wareysigaas.

Sidaa darteed waxaanu maqaalkan dib ugu fiirin doonnaa wareysigaas iyo aragtiyihii ay akhristayaasha qaarkood ka bixiyeen. Waxaannu mar kale xidhiidh la samaynay Dr. Kapchits si aan wax uga ogaanno aragtidiisa wareysigaas ku saabsan, akhristayaashii la soo xidhiidhay iyo mahadhooyinkii uu reebay intaba.

Dr. Georgi Kapchits oo ah aqoonyahan muddo dheer ku soo dhex jiray ururinta iyo cilmibaadhista afka iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu si xeeldheeri iyo waayoaragnimo fogi ka muuqato wareysigaas ugu adeegsaday murtida iyo maahmaahaha Soomaaliyeed. Qof kasta oo wareysigaas akhristaa wuxuu si aad ah u dareemayaa kaalinta muhiimka ah ee ay maahmaahuhu kaga jiraan afka Soomaaliga iyo qiimaha weyn ee ay ku kordhiso hadalka caadiga ah.

Haddaba jawaabaha toolmoon ee uu Dr. Kapchits ka bixinay su’aalihii aan weydiinnay ka sokow waxaa akhristayaasha aad u soo jiitay maahmaahihii tirada badnaa ee uu ku ladhay hadal kasta oo caadi ah oo afkiisa ka soo baxa. Waxaa wareysigaa ka muuqata in Dr. Kapchits yahay aqoonyahan ku talaxtagay maahmaahaha iyo murtida Soomaaliyeed adeegsigeeda oo mid walba madasheeda iyo meesha ay ku habboon tahay uu u cuskado.

Sidoo kale jawaabaha uu ka bixiyay su’aalaha qaarkood ayaa waxay ahaayeen kuwo dhaqaajinaya dhiigga akhristaha, dareen qiiro iyo jidhidhicana ku abuuraya oo Soomaalidana talo iyo waano u noqon kara. Bal u fiirso jawaabta uu bixiyay mar aannu weydiinnay in uu wax dhalliil ah u hayo dhaqanka Soomaalida. Waxa uu Dr. Kapchits ku jawaabay: “Hadal waayeel waa guudmar. Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaan xasuusinayaa murtida leh: ‘Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebina waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan.Mar kale oo aannu wax ka weydiinnay bal in ay wax iska badeleen ra’yigii uu ka haystay Soomaalida oo xilligan ku jirta xaalad adag, duniduna ku tilmaanto qaran fashilmay waxa uu ku jawaabay: “Maya, kuma ay iman, haba yaraate. Hibo Eebbe ku siiyey habeen layskama qaado

Haddaba Dr Georgi Kapchits oo hadda ku sugan magaalada Moosko ee xarunta dalka Raashiya ayaan dhawaan kala sheekaystay wareysigaas aan kor ku xusay saamayntii iyo fal celisyadii ka dhashay.

Aqoonyahanka oo ugu horreyntii ka jawaabaya su’aal ahayd wareysigaas iyo waxyaabihii uu kala kulmay ayaa waxa uu yidhi:

 “Nin baa nin u soo hoyday habeen. Markaasaa ninkii loo soo hoyday si wanaagsan u sooray ninkii usoo hoyday. Markaasna waxaa jirtay abaar xun. Ninkii loo soo hoyday meel wanaagsan ayuu seexshay ninkii usoo hoyday. Waagii markuu beryay ayuu ninkii loo soo hoyday haddana u keenay sahay iyo biyo uu ku dhul maro. Markaasaa ninkii martida ahaa ku yiri ninkii uu soo martiyey:  Ninyohow!  Si  wanaagsan  ayaad ii  gashay, marka maxaad jeceshahay in aan kuugu abaalgudo? Ma shan jeer baan kuu abaalgudaa, mase shan goobood baan kaa sheegaa?
Markaasaa ninkii la soo martiyey yiri: Waxaad iga sheegtaa shan goobood.

Sheekadan la yaabka leh waxaan u soo xasuustay degdeg kaddib markii aad iga qaaddeen wareysigii, idinkoo iga sheegay shan boqol oo goobood. Waxaa laga yaabaa in layga bartay goobo badan. Laakiin tiradoodu inay gaarsiisan tahay shan boqol waxaan ka gartay farrimihii la ii soo diray. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer, baa la yidhi.

Warku in uu si degdeg ah u faafo waxaan ka bartay sheekada kale ee  aan ku daray buugga la yidhaahdo “Faaliyihii la bilkeyday” ee aan wareysigii ku xusay:

Nin ayaa faras fuulay. Meel fog ayuu tegay. Ninku wuxuu rabay inuu ogaado sida warku u faafo. Labo beri meel cidda looga socdo ayuu inta tegay oo duddumo korkeed fuulay, soddohdii oo ku xil leh caayay. Markuu soddohdii caayayey, duddumada godkeeda ayuu afka ku ritay. Taasna wuxuu ula dan lahaa in uu ogaado in aan cidna maqleyn. Goonyihiisana wuu iska dhugtay, markuu hadalka cayda ah sheegayey. Markuu yiri wixii uu rabay ayuu wuxuu yiri:
Bal dadku waa kan yiraahda: ‘Warku wuu faafaa’ e soddohday hay maqasho.
Gurigii ayuu ku soo noqday. Faraskii markuu ka soo degay ayuu soddohdii arkay. Wuu salaamay.

Wuxuu yiri:  Soddoh, bal iska warran!
Soddohdii waxay ku tiri: Maandhow, dareen adiga kaa weyn ma ogi!
Ninkii wuxuu yiri: Oo soddoh, dareenkaasi waa maxay?
Markaasay soddohdii ku tiri: Maandhow, waa adigii wanaagsanaaye ee maxaa ku baray caydayda?
Markaasaa ninkii afka kala qabtay oo naxay. Wuxuu ogaaday in warku faafo. Wuxuu yiri:
Soddoh, yaa kuu sheegay in aan ku caayay?
Waxay tiri: Maandhow, dabaylaha ayaa siday warka!
WardheerNews dabeyluhu inay sidaan waa laga yaabaa.

Sida runta ah waxaa i cajab gelisay farrimhii aan helay tiradooda mooyaane tayadooda. Waxaa iiga caddaatay in Soomaalidu ay si fiican u barteen akhriska. Sidaan hore u tilmaamay waxaan warqado ka helay dad aad u badan oo carruuri ay ugu horreeyaan.  Anoo akhrisaneyey warqadahoodii oo si qumman u qornaa ayaa waxaan soo xasuustay booqashadii aan dhowr sano ka hor ku tegey iskuul ka  furan Denmark oo ay wax ku bartaan ciyaal badan oo Soomaaliyeed. Boqashadaa waxaan kaga warramay wargeys Danish ah oo ku daabacan afka Ingriiska:

It is known that wisdom comes out of the mouths of babies and sucklings. Including, of course, the Somali ones. This fact has been reflected in many pieces of Somali folklore.  Here is one of them:  Waxaa la yiri: Guddi ayaa meel lagu qabtay. Guddiguna gole weyn ayuu fadhiyey. Dadkii oo idil ayaa ka soo qayb galay. Dumar iyo rag iyo dadkii oo dhan shir ayuu u fariistay. Dhammaantood waxay rabeen in ay talo dhexdooda ah ka hadlaan. Fadhigii wixii la wadaba, talo waxay ku dhammaatay in rag waayeel ah xaajada loo saaro. Raggaas waayeelka ah waxaa laga magacaabay guddi.

Geedka lagu shirayay oo xaajada lagu qabay waxaa korkiisa saarnaa wiil yar. Wiilka talada laguma darin. Wuxuu maqlay nimankii oo leh: ‘Waar, waayeel talada u saara.’ Wiilkii wuxuu ku yiri nimankii:  Ha   dhihinina:  ‘Talada  waayeel  u saara’   ee   dhaha: ‘Waxgarad u saara’.
Nimankii waxay yiraahdeen:  Waa run!

A boy like this, about six years old, was sitting in the Somali class in the city of Aarhus and looking at the man who, as he was told, came from Moscow to speak with the children in their native language. The teacher gave me the floor, but at that moment the boy raised his hand and said that he wanted to ask me a question. I understood that I would be examined and I was not mistaken. ‘Have you written any books?’ the boy asked. ‘Yes’ answered I. ‘How many?’ inquired he. ‘Four.’ I was confused, thinking that by the age of sixty I could have presented a more solid account. ‘May I have a look?’ I reached out to give the strict pupil the books, which I had luckily tucked into the bag before making for the school. He put them in front of him and started to turn over the pages, moving his lips.

The meaning of the small strategist’s action occurred to me some time later. He wanted to understand whether the gentleman was worthy to have been put on the plane in Moscow, to have been met with a car in Copenhagen and to have been taken by the ferry to Aarhus in order to bring him finally to their classroom. It is wonderful that the boy, whose parents, though very young, had nevertheless been born before the Somali language acquired its script, choose a book for the testing.
…Now, two months later, in snow-covered Moscow, I am writing a new book, the fifth one. Just in case.”

Dr. Kapchits ayaan mar kale weydiiyay  dadkii tirada badanaa ee la soo xidhiidhay iyo guud ahaanba akhristayaasha WardheerNews hadiyadda uu maanta halkan ugu hayo, waxaanu ku jawaabay sidan:
 
Saan saan ku gud, saxanna saxan ku gud, baa la yidhi. Hadyaddu waa ay jirtaa. Hase yeeshee waxaa in la tilmaamo mudan in hadiyaddaydu ay tahay mid aan ku gudayo hadiyadihii tirada badnaa ee aan ka helay akhristeyaasha.  Si aad u wanaagsan bay u qaddariyeen wareysigii. Waa ii hadiyad. Aad bay u ammaaneen mirihii ka soo baxay shaqadayada la xiriirta baaritaanka afka iyo suugaanta soo yaalka ah ee Soomaaliyeed. Waa hadiyad kale.

Mudane Xasan Shirwac oo deggen London wuxuu ku yidhi warqaddiisii: “Anigoo guudmar ku samaynaya mareegaha Soomaalida baan si nasiib ah ku furay WardheerNews.com, dabadeedna waxaan arkay waraysi ay kula yeesheen oo af Soomaali ah. Sida dhabta ah si weyn baan uga faa’iidaystay waraysigaas qaniga ah.  Dr. Kapchits, from now on I will join the growing number of Somali students and even non Somalis who learn from the books and articles you have written about the Somalis and their rich language.” 

Mudane Axmed Maxamuud oo iiga soo qoray Jigjiga warqado badan middii ugu horreysey wuxuu ku yidhi: “Aad baan ugu faraxsanahay in aan cinwaankaaga helo, kulana soo xidhiidho. Waraysigii aad siisay barta internetka ee WardheerNews mid la yaab leh buu ahaa. Saaxiibbo badan oo aan leeyahay waxaan uga warramay shakhsiyadda Dr. Georgi oo u dhashay dalka Ruushka, muddo toban cisho aan dhannaynna joogay Soomaaliya, shahaadadiisa Doctorate-kana ku qaatay Curis ku Saabsan Luqadda Af-Soomaaliga. Waxaa dhici karta in aan aniguna wax ku soo biiriyo maahamaahaha aad ururiso. Waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa: Buda qabe iyo biyo qabe waa isu baahan yihiin.”

Waxaan mahad kal iyo laab ah u celinayaa Axmed Maxamuud iyo akhristeyaashii  kale ee iigu deeqey maahmaaho ciidda ka badan oo qaar ka mid ah aanan hore u aqoonin. Hadiyadda aan u hayo waa “Qaamuusweynaha maahmaahaha soomaaliyeed” ee aan tabaabusheyntiisa soo gabagabeynayo, ayna ku jiraan maahmaahihii aan ka helay. Waxaa la yidhi: Nin abaal gala waa la arkay, nin gudase lama arag. Buuggaa waxaa ka muuqata in mararka qaarkood la arki karo, maadaama aan ku xusay qof kasta oo ii soo diray xataa maahmaah qur ah.”  

Dr. Kapchits waxa uu mar walba xusaa werwerka uu ka qabo carruurta Soomaaliyeed ee  qurbaha ku dhasha ama ku kora sida ay u dhaqan gaddoomi karaan, afkooda hooyona uga lumi karo. Haddaba isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi:

“Aqoonyahaannadu waxay ku andacoodaan in qofka u guura dal shisheye ah carruurta uu ku dhalo ay ku hadlaan afkiisa hooyo,  carruurta ay sii dhalaan ee uu awowga u yahayna aanay  ku hadlin. Shaki ma leh in barashada afka looga hadlo dalka loo guuro ay tahay khasab. Laakiin khasab ma aha in laga fogaado afka hooyo. Intay baaqan lahayd ha yaraato!

Warqadihii aan ka helay dadka qurbaha jooga ee  wareysiga akhristey waxaa ka mid ahayd mid ay ii soo qortay gabadh yar oo Soomaaliyeed. Waxaan jeclahay in ay akhristayaasha WardheerNews ila qaybsadaan warqaddan yaabka leh :
 
“Heads up Doc! I gotta hand it to u, u gud My dad made me read ur (Wareysi)
or whatever, that u had with (Wardheer News)… I always had problem learning French and I always flunked it. When ever my dad sees my report card my only defense would be "what did u expect dad, I ain’t French," then he would go on and on of how many people learn other languages just because it's n't their language doesn't mean they have to give it up. So his only intuition when he saw ur article was to call out for me across the room and he told me pointing at ur picture this Doc, is a living breathing prove of how much one can learn a totally foreign language as long as they put a lot of effort into it. So to make a long story short as a 16yr old  Somalian/born in the  U.S.A. and a high school student who's having a real tough time learning French I can't help but comment on ur talent. U might not see why I am sending u this msg but from my point of view it's a great appreciation of what u do."

Aad baan ugu faraxsanahay in gabadhu ay taqaanno af Soomaaliga. Taas oo ay u marag kacday in ay wareysigii akhrisatay. Waxaan salaamayaa aabbeheed oo gabadhiisa ku baraarujiyey barashada afkooda hooyo mooyaane afaf ajnebi ah. Yuu welweline waxaan ku kalsoonahay in gabadhiisa caqliga badani ay la wareegi doonto afka faransiiska.

Ugu dambeynta, mar kale waxa aan u mahad celineyaa akhristeyaashii qaddariyey mirihii ka soo baxay shaqadii aan qabtay, igana codsaday inaan sii wado. Waa aan sii wadi doonaa, Insha Alla. Meel lagaa jecel yahay haddaad ka tagtid, meel lagaa neceb yahay ayaad tagtaa!” 

Sidaas waxaa ku soo gabagbeeyay hadalkiisii Dr Georgi Kapchits. Shaki kuma jiro marka aad fiiriso shakhsiyadda, dadaalka iyo dadnimada Dr. Kapchits in meeshii uu tagaba laga jeclaanayo. Waxaan hubaa in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan aqoonyahanka iyo cid kasta oo dadaal u gasha kobcinta, horumarinta iyo faafinta suugaanta iyo afka Soomaaliyeed ee hodanka ah.

Isamail A. Hassan (khaliil)
London, UK
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com


---------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2006 Wardheernews.com