Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

YAA QORAY BUUGGA “MAANSADII TIMA CADDE”?

Odhaahda Tifaftirka Waxa ay horey u soo saartay WDN bishii Juulay 7, 2010, qoraal ku saabsan ururintii u horraysay ee maansadii Eebbe naxariistii janno ha siiyee Cabdillaahi Suldaan “Tima Cadde”. Kaasi oo ka jawaabaya su’aasha “Yaa Qoray Buugga Maansadii Tima Cadde”.  Haddaba waxa bishii Juun ee sanadkan 2017 saxaafadda muuqaal ahaan uga hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, oo saxaya  taariikh ku aadan maansooyin laga tiriyay xorriyaddii 1960 ee gobollada Waqooyi (fact check).Sidaasi darteed iyada oo ay habboontahay marka kasta oo khalad dhaco in la saxo, waxa nala habboonnaatay in aanu xasuusino Boobe iyo akhristayaasha WDN arrin u baahan in uu Boobe saxo. Taasi oo ah “Yaa Qoray Buugga Maansada Tima Cadde?”. Maqaalkaasi arintaas ka hadlaya fadlan hoos ka akhrista:

_______

WardheerNews waxa soo gaadhay nuskhad buug aan la faafin, madbacadna aan lagu daabicin oo teeb lagu garaacay. Kaas oo cinwaankiisu yahay “Maansadii Timacadde” oo ay wada qoreen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Saalax Jaamac Xuseen. Waxa Golaha Tifaftirka ee WardheerNews ay mahad gaar ah u celinayaan Saciid M. M. Shire (Suugaan) oo nuskhadan hayey, nalana wadaagay. Buuggaas taariikhda la teeb gareeyey waa Luulyo, 1978.

Boobe Yuusuf Ducaale

1983 kii waxa ay Wakaaladdii Madbacdda Qaranku soo saartay buug uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale oo la cinwaan ah kan aan la daabicin ee ay isaga iyo Saalax Jaamac Xuseen wada qoreen. Buuggaas Wakaaladda Madbacadda Qaranku daabacday 1983 ayaa malaha dhaliyay in dadka badankiisa ay ku baahdo in ururinta iyo qoridda suugaanta Timacadde uu leeyahay Boobe Yuusuf Ducaale oo keli ahi. Hase yeeshee waxa hadda cad in arrintaas ay wada lahaayeen Boobe iyo Saalax.

Saalax iyo Boobe ka sokow, waxa isna jira qoraa kale oo ururiyey maansooyinka Timcadde. Qoraagaas oo la yidhaa Muusa Carab Obsiiye ayaa isna ku daabacay magaalada Toronto, 1999, buug faahfaahsan oo ay ku urursan yihiin suugaantii Timacadde.  Muuse Carab wuxu buuggiisa u bixiyey “Xornimadii Lixdankii iyo Xigmaddii Timacadde”. Kaas oo uu ku muujiyey dedaal dheeraad ah oo isugu jira wareysiyo, cajalado ururin iyo socdaal uu ugu kictimay gobolka Waqooyi Galbeed xilligaa oo la xidhiidhay taabidda xikmaddii Timacadde.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna soo saaray sannadkii 2006 dii buug uu u bixiyay Diiwaanka Maansada Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde” (1920-1973).

Haddaba waxa noo suuragashay in aannu si kooban isu barbardhigno labada buug ee soo kala baxay 1978 iyo 1983, cinwaankooduna wada yahay “Maansadii Timacadde”. Isbarbardhiggaas sida akhristayaashu arki karaan, waxa cad in buugga uu Boobe Yuusuf Ducaale daabacay 1983 iyo kan ay wada qoreen Saalax Jaamac Xuseen aanay waxba ku kala duwanayn, inkasta oo aanu Boobe meelna kaga xusin buuggiisa (Maansadii Timacadde 1983), hawshaas isaga iyo Saalax ay wada qabteen toddobaatanaadkii. Kansho umaannaan helin in aannu samaynno isbarbardhig buugaagta dambe iyo labadaas ka horreeyay, waana arrin u furan dadweynaha in la sii derso.

Waa kuma Saalax Jaamac Xuseen?

Saalax wuxu ku dhashay baadiyaha degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag. Waxbarashadiisii hoose wuxu ku qaatay magaalada Cadan. Tii dhexe iyo sare wuxuu ku dhammaystay magaalada Xamar isagoo ka soo baxay dugsigii sare ee Banaadir. Jaamacada “Cornell University”, ee dalka Maraykanka, ayuu cilmiga suugaanta kaga qaatay shahaadado sare. Saalax Jaamac Xuseen wuxu ka tagay dalka isagoo ka ah tifaftire qaybta suugaanta ee wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

Saalax waxa uu WardheerNews u sheegay, in isaga iyo Boobe oo Baar Liido wada fadhiya ay halkaa ka bilaabeen inay ka wada hadlaan ururinta maansada Timacadde oo sidaa ay ku hawl galeen. Saalax wuxu yidhi “ Waxa jirta in mar xataa Cabdikariim Xaaji Ducaale waraysi ku saabsan maansada Timacadde naga wada qaaday oo aan anigu ararta gabayada Timacadde aad ugu dheeraday inaan qaadaa dhigo.”

Isbarbadhig kooban

Labada Afeefood

Afeefta buugga “Maansadii Timadde” ee 1978 ee ay wada qoreen Boobe iyo Saalax waxay u wada hadlayaan si jamac ah.  Waxa ay ku tilmaamayaan in ay wada bilaabeen hawsha buuggaa 1975, cajalado iyo dad qaybsanaa ka qoreen, lana wada kulmeen dad ku tala jiray ururinta maansada Timacadde. Waxa kale oo ay ku sheegayaan afeefta in shandad ay ugu jireen gabayadu lagala baxay gaari ay wateen iyagoo cayaar ku wada daawanaya Banaadir. Ka dib waxay noqotay in ay dib u wada qoraan mid kale (buuggani sannadka shanadadda la xaday wuxu ka dhigayaa 1977, halka daabacadda 1983 aanay magcaabayn sannadka).

Buugga “Maansadii Timacadde“ cinwaankiisu yahay ee Boobe Yuusuf Ducaale ku daabacay Xamar, 1983, cinwaanka, afeefta, mahadcelinta, tirada gabayada ee ku qoran, iyo qaybta ereyfurka waxa uu kala mid yahay kan 1978 ee “Maansadii Timacadde” ee isaga iyo Saalax Jaamac Xuseen wada qoreen. Waxa keliya ee u dhexeeyaa waa buugga 1983 oo ereyada jamaca muujinya laga dhigay keli. Tusaale ahaan buugga 1978 halka ereyada loo adeegsanayo hawsha ay wada qabteen labada qore ay ka yihiin “Bilownay” waxa kan 1983 lagu bedelay “bilaabay”, “ku soo urrurinnay” waxa laga dhigay “ku soo ururiyay”  iyo weedho kale oo la mid ah.

Gebagabada afeefta, taariikhda lagu qoray jeldiga buugga oo ah bisha 7aad (Luulyo), 1978 waxa kan dambe la raaciyey maalinta oo ah 10.7.1978. Laakiin halkii ahayd “Boobe & Saalax Jaamac” waxa ku qoran kan dambe “Boobe” oo keliya.

Wixii dheeraad ah oo bedelaadda noocan oo kale ah ka eeg afeefta labada buug ee la socota qoraalkan oo dhammaystiran.

Isbarbardhigga Labada Mahadcelinood

Mahadcelinta buugga 1978 ee “Maansadii Timacadde” waa ka faahfaahsan tahay kan 1983 ee Boobe keligii soo saaray. Boobe iyo Saalax waxay wada xuseen oo muujinayaan sida dadka ay u mahadcelinayaan u kala taageereen. Tusaale ahaan Daahir Cabdillaahi iyo Aadan Weris waxay u muujinayaan siday gabayo fara badan uga heleen oo ay mahad celintoodu aad uga weyn tahay qof kasta. Waxaa labadaa soo raaca oo iyana mahad weyn le, gabayada kala duwan oo ay ka heleen dartood: Cabdikariim Xaaji Ducaale (madaxii Raadiyow Hargeysa), Ibraahiim Xaaji Cawad (Khooli), Cabdi Muxumad Diiriye.

Buugga 1983 waxa uu Boobe ku soo koobayaa mahadcelinta: “Gabayadan waxaan ka qoray cajalado, dad qaybsanaa iyo qaar iyagoo qoran la I siiyay.” Tusaale ahaan buugga ay ku wada qoran yihiin Saalax Jaamac iyo Boobe waxa jira laba nin oo ay mahad celintoodu ku weyn tahay iyagoo qoraya: “Mahad aannaan awoodi karin inaanu hello ereyadii aan ku sifayn lahayn waxaannu u naqaynnaa Daahir Cadbillaahi iyo Aadan Weris oo na siiyay gabayo badan, gabyaagana ay saaxiib ahaayeen.” Boobe, waxa uu ku soo koobayaa mahadcelintaas labada nin: “Mahad aanan awoodi karin ereyadii aan ku ladhi lahaa waxaan u naqayaa: Aadan Weris iyo Daahir Cabdillaahi oo gacan weyn ii geystay.”

Mahadcelinta buugga 1983 la soo saaray waxa kale oo doorkoodu dhiman yahay ragga gabayada ugu deeqay oo ay ka mid yihiin: Cabdikariim Xaaji Ducaale, Ibraahim Xaaji Cawad (Khoolli), Cabdi Muxumad Diiriye iyo Axmedey Hadaafow. Raggaas “mahad ballaaran” oo keliya ayaa waxtarkooda lagaga gudbay halka buugga hore doorkoodu si cad u qeexan yahay.

Waxaa isna aan buugga 1983 lagu magacaabin Cabdillaahi Qarshe.  Saalax Jaamac iyo Boobe Yuusuf waxay buugga hore ku wada qorayaan: “Waxaan mahad ballaadhan u celinaynaa: …, Cabdillaahi Qarshe oo had iyo jeer noola heegganaa taariikhdii iyo shakhsiyaddii Timacadde,….” Sadarkaasi buugga dambe ciiddaa la raaciyey.

Wax iyana jira rag ay ka mid yihiin Yamyam iyo Cabdi Cagoole oo uu Boobe ku soo daray mahadcelinta buugga 1983, balse aan ku jirin kan ay isaga iyo Salaax wada qoreen 1978.

Mahadcelintaas waxa yar laga bedelay ka sokow, labada buug waa isku mid, sida ku cad labada tusmo, tirada gabayada iyo xataa cinwaanada gabayada. Taas oo muujinaysa in labad buug ay isku mid yihiin, kuna habboonayd Boobe in uu buugga markii uu daabacay ku soo saaro labada qoraa ee ay hawshu ka dhaxaysay. Waa laga wanaagsanaa in saaxiibkiis oo markaa dalka ka maqnaa uu ka saaro magaciisa, kuna soo koobo doorkiisii mahadcelin.

Labada afeefood iyo mahadcelimaha labada buug iyagoo u sawiran siday ugu soo baxeen labada buug halkan ka akhriso :

MAANSADII TIMACADDE , Ururuntii Boobe Yuusuf iyo Saalax Jaamac,
Luulyo, 1978, XAMAR

AFEEF

Buuggan oo aanu bilownay bishii Diisambar 1975 kii, Waxaanu intii kaanshahayaga iyo awooddayadaba ku jirtey ku soo ururinnay Maansadii Cabdillaahi Suldaan. Waxa hubaal ah inaanaan buuggan ku dhammaystirin maansadii Timacadde. Dhammaystir daayoo, badhna kamaanu qorin. Kaansho umaanu helin inaanu tagno meelihii laga heli lahaa maansada Timacadde. Waxaanu hubnaa in haddaanu tegi lahayn Hargeysa ama Jabuuti, aanu idin soo hordhigi lahayn shaqo intan ka ballaadhan.  Guji halkan si aad u akhrido iyadoo dhammaystira: Timacadde Boobe iyo Saalax- 1978

MAANSADII TIMACADDE , Qore Boobe Yuusuf Ducaale,
Muqdisho, 1983,

AFEEF

Buuggan oo aan bilaabay bishii Disembar 1975kii, waxaan intii kanshahayga ahayd ku soo  ururiyey Maansadii Cabidllaahi Suldaan Timacadde. Waxa hubaal ah inaanan buuggan ku dhammaystirin maansadii Timcadde. Dhammaysir daayoo badhna kamaan qorin sidaan aamminsanahay. Awood umaan helin inaan tago meelihii laga heli lahaa gabayadii Timacadde oo dhan, sababo badan daraaddood.  Guji Halkan si aad u akhrido iyadoo dhamaystiran Timacadde-Boobe oo kaliya 1983.

Haddaba waxaa halkan ku cad sida marag madoontada leh ee uu Boobe ugu dhaqmay anshax ka fog xuquuda saxaafadda iyo qoraaga, isla markaana muddan in uu saxo.

WardheerNews
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.