|
|
Waa nasiibdarro weyn in maanta aayatiinka ummadda Soomaaliyeed ay ku hardamayaan laba kooxood oo kala daran. Kooxda hore waa koox la qabsatay dowlad la’aanta. Waxay u badan yihiin kuwo godobeysan. Waxayna magac, maamuus iyo weliba maal badan ku qabaan sida hadda xaalku yahay. Ma doonayaan isbaddel macno leh inuu dhaco. Waa kooxda xarunta ka samaystay Muqdisho. Waxaa kooxdan hadda cudud u ah Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, Yuusuf Indhacadde iyo Cismaan Caato. Waxaa af iyo waji u ah Shariif Xasan iyo Cumar Xaashi. Kooxda labaad, xagga godobta, waa la mid kuwa hore. Waxay laftoodu ku soo baxeen xaaladda dagaal ee dalka ka jirta. Waa koox ay indho-tirtay sidii ay awood u heli lahaayeen. Waxay xarun ka samaysteen Jowhar. Kooxdan labaad waxay si bareer ah u dooneysaa inay inta hartay dalka hoos-geeyaan Itoobiya iyo Kenya oo Soomaaliya cadow u ah. Waxaa xoog u ah Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Dheere. Cali Maxamed Geedi ayaase ka soo horreeya oo waji u ah. Labada kooxoodba waxay duullaan ku yihiin aayatiinka iyo jiritaanka Soomaalida. Waxay ka soo horjeedaan himilada ummadda Soomaaliyeed ee ah inay midnimo iyo sharaf ugu noolaato Geeska Afrika. Waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu adeegayaan cadowga doonaya inuu ummadda xididdadeeda dhaqan iyo diimeedba siibo. Aragtideyda, qof damiir leh ama macquul ah ma ahan inuu labadan kooxood u danqado ama uu kala doorto. Haddaba, maxaa xal ah? Runtii arrinteennu kama foga halka ay tii Eriteria joogtay 56 sano ka hor. Ereteriya si fudud ayey ku gashay gacanta Itoobiya, waxaana loo aaneeyaa kala-daadsanaan markaa jirtay iyo danaha istaraatijiyadeed ee dowladaha waaweyn qaarkood ay ka lahaayeen gobolka Geeska Afrika xilligaas. Markii ay shacabka Ereteriya ogaadeen sida arrini u dhacday waxaa qasab noqotay inay halgan qaraar u galaan oo 30 sano ay duurka ugu jiraan. Waxa ii muuqata inaysan arrintu huri doonin in Soomaalidu ay halgan hor leh isku diyaariso. Rajo wanaagsan ayaana ka qabaa in halgankaas ay Soomaalidu ku guuleysan doonto waayo waxaa jira saddex arrimood oo soo dedejinaya guusha. Kow, waxaa, inta badan, dadweynaha u muuqda in mustaqbalka Soomaalida ku nool Geeska Afrika uu iskugu xiran yahay si walba: dhaqan, dhaqaale, dhalasho, af, iyo diinba. Marka dad uu dhexmaray dagaal sokeeye ay gaaraan qanaaco noocaan ah waxaa soo degdega xalka. Labo, waxaa qof walba u caddaatay (heerka aqoontiisa iyo ogaalkiisu intay doonaan ha la ekaadeene) cadaawadda Itoobiya. Sharax dheer uma baahna in dowladda Itoobiya ay ka go’an tahay inaysan dadka Soomaaliyeed u oggolaan nolol iyo aayatiin wanaagsan. Waxa cilmi-baarisyada laga sameeyey dagaallada sokeeye sheegayaan in jiritaanka cadow-dibadeed halis ku wada ah kooxaha dagaallamaya ay soo dedejiso xalka. Dabcan, taasina waa ay caddahay oo cadaawadda Itoobiya cidna kama qarsoona. Waxay maanta maraysaa inay iyadu magacaabayso qofka baarlamaanka Soomaalida galaya iyo qofka wasiir noqonaya. Tan saddexaad, waa marka ay kooxaha dagaallama daalaan oo la gaaro heer aan lagu degdegin dagaal iyo dhiig in la daadiyo. Xaaladda ay Soomaalidu marayso maanta waxaa la dhihi karaa waa la gaaray xilligaas. Waxaad arkaysaa dhacdooyin badan oo waayadii hore lagu diriri jiray laakiin maanta aan lagu dagaallamin. Tusaale, markii ay Geedi iyo Cabdullaahi Yuusuf u guureen Jowhar, waxaa dad badan saadaalinayeen in dagaal uu dhici doono. Waxaa kale oo dhacay marar badan arrimo noocan oo kale ah. Xitaa qabqablayaalka dagaalku markay habar-wacdaan, waa lagu qoslaa markaasbaa laga sii socdaa. Waxaan qabaa in bisaylka noocan ahi uu yahay arrin wanaagsan oo soo dedejinaysa xalka. Isku-soo-duub, waxaa la dhihi karaa waxaa jira dhammaan xaaladihii gogoldhigga u noqon lahaa in Soomaalidu ay ka baxdo dhibaatada daba-dheeraatay. Si garashada dadka loo sii baahiyo, waxay ila tahay in loo baahan yahay arrimaha soo socda. Kow, waxaan rumeysanahay in ay dalka iyo dibaddaba joogaan xoog saddexaad oo uga naxariis badan ummadda habaar-qabayaasha jooga Jowhar iyo Xamar. Iyadoo laga ambaqaadayo aragtidii Soomaali-Weyn waxaa ila quman in la furo dood ku saabsan sidii loo habeyn lahaa, dabadeedna loo hawl-gelin lahaa xooggan saddexaad. Fekerka Soomaali-Weyn wuxuu saldhig u yahay jiritaanka iyo aayatiinka Soomaalida ku nool Geeska Afrika. Dhibaatooyinkii dalka ka dhacayna, waxaan rumeysanahay inay sii xoojiyeen ee aysan waxba u dhimin. Labo, tallaabooyinka ugu horreeya ee laga doonayo qof kasta oo uu xilku dhibayo waa inuu inta uu awoodo ku baraarujiyo dadweynaha halista ka soo socota labadan kooxood ee Jowhar iyo Xamar. Waana inuu xoogga saaro sidii looga faa’iideysan lahaa duruufaha mideynaya Soomaalida ee aan kor ku xusay. Goob kasta, raadiye, television, wargeys, qudbooyinka masaajidada iyo meel kasta oo lagu kulmo waa in laga wacyi-galiyo bulshada. Malaha tani waa midda ugu horreysa ee halgan kasta oo macno leh aasaas u noqon karta. Muhiim ma aha in hadda la helo xisbi weyn oo awood militari iyo mid dhaqaale leh. Waxaa hadda loo baahan yahay in dadka la fahamsiiyo baahida loo qabo xoog saddexaad oo ay dadka Soomaaliyeed doorteen, kana tarjuma rabitaankooda iyo himiladooda. Saddex, sida la wada ogyahay, farsamada casriga ah darteed, caalamku waa uu soo yaraanayaa, xeeladaha siyaasadeed ee la adeegsadana waa ay sii hormarayaan. Maanta waxaa dalalka hore u maray ku nool Soomaali badan oo dhaqaale, waaya-aragnimo iyo aqoonba ka kasbaday. Haddaba, waa in dadka dibadda ku nool ay u guntadaan sidii qadiyadda Soomaalidu ay mar kale mudnaan ugu yeelan lahayd miisaska mushkiladaha caalamka lagu falanqeeyo. Waxaan ula-jeedaa qofkii awooda oo adeegsan kara warbaahinta waaweyn ee caalamka iyo kooxdii fahamsiin karta siyaasiyiinta dalalka waaweyn arrinta Soomaalida waa inay u istaagaan kicinta qadiyadda Soomaalida. Waxa loo halgamayaa way fudud yihiin oo waa in dadka Soomaaliyeed ay doortaan cida dowlad u noqonaysa ama metelaysa. Ugu danbeyntii, saddexdan qodob waxay ila-tahay inay billow u noqon karaan dadaallo farabadan oo socda ama soo socday in muddo ah. Waxaanse ku soo koobayaa in loo baahan yahay sabar badan waayo in bulsho dhan la jiheeyo, islamarkaasna adduun-weynaha laga dhaadhiciyo qadiyadda Soomaalidu ma ahan arrin sahlan. Waxaase ay muhiimadu tahay inaysan arrinteennu noqon “col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay.” Waa inaynaan jiritaanka iyo aayatiinka ummaddeenna uga harin kooxaha burcadda ah ee Jowhar iyo Xamar. Halna ogow, waligeedba marka uu xaalku adkaado waxaa ummadda uu Ilaahay ku badbaadin jiray cududa dhallinyaradeeda, caqliga waxgaradkeeda iyo hoggaanka culumadeeda. Halgankii ummaddu la gashay gumeysiga waxaa iskugu tagay saddexdan kooxood. Waxaan qabaa in markanna ay samadoonku doorkooda hoggaamineed ay qaadan doonaan. Xusuusnow, u halgamidda dadkaaga, dalkaaga iyo diintaada waa fursad uusan jiil kasta helin. Afyare Cabdi Cilmi Afyare Cabdi Cilmi waa saxafi. Wuxuu taqasus la xiriira siyaasadda ka diyaariyaa Jaamacadda Alberta ee magaalada Edmonton.
Copyright © 2006 Wardheernews.com |