Zamzam and the Hargaysa Kangaroo Court

The Zamzam case is a glaring reminder of the Kangaroo Court in which the rights of the accused and the precepts of justice are totally ignored. The detention and trail of Zamzam Ahmed Dualeh was not only unfair...

Good governance needs an effective parliament and Judiciary

A democratically elected government is not necessarily democratic and open government. It has often been found in history that democratically elected government can also be despotic and autocratic in practice. The current Somaliland regime could be a case in point.

Abdelfatah Ali Hassan, Ali Sheikh Yusuf, Abdullah Adam Abdullah, Hussein Haroon Mohamed, AbdiNur Mohamed Weli and Abdullah Hassan Abdu, may Allah bless their soul,

On March 1, 2005, Authorities in Somaliland banned the use and importation of all types of plastic bags in Hargeysa and the rest of the Somaliland ...

Shame on Hargeysa: Let Freedom Reign for the Gabooye Community

On May 13, 2005, an abhorrent act took place in Hargeysa at the hands of the Somaliland police forces against innocent Gobooye civilians ...

Since the state of Somalia failed in the 1990s as a result of civil war, all national institutions have been decimated and totally destroyed. Government ministries, law enforcement and public safety agencies, army, schools, and social service institutions had collapsed
Rayaale & isku shaandheynta la sugayo
Abdelkarim A. Hassan
January 17, 2006       

“Waxaan ka codsanayaa jaaliyada Somaliland ee dibada in ay lacag u  soo uru’riyaan si loo hagaajiyo wadooyinka magaalada
Daahir Rayaale

Waxaa maalmahan aad laysla dhex marayaa saadaalin ku aadan isku shaandheyn la filayo in uu Madaxweynaha Somaliland md Daahir Rayaale ku samayn doono golahiisa wasiirada.

Daahir Rayaale waxa uu xilka Madaxweynanimada Somaliland uu la wareegay si ku meel gaadh ah ka dib markii uu geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal bishii May, 2002.  Doorasho uu muran badani ka dhashay ka dib ayaa bishii April 14, 2003 si rasmi ah loogu doortay madaxweynaha Somaliland, isaga oo ku guulaystay codad aan badneyn oo buuq iyo dacwadi ka timid.

Madaxweyne Rayaale ayaa xilligaas uu ku guulaystay kursiga, waxa uu ballanqaaday in uu soo dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh. Arrintaas oo shacabka Somaliland ay si aada u soo dhaweeyeen, balse ku noqotay anfariir iyo afkala qaad ka dib markii uu Rayaale soo magacaabay wasiiro cadadkoodu kor u dhaafay 40, iyada oo dhakhliga ama miisaaniyada Somaliland ay tahay mid ka yar $ 30 m /sannadkii. Wasiiradaas ayaa ahaa badankoodu kuwo aan ku cusbayn dhagaha ummadda, horena shacabku wax qabdkooda ay u saluugsanaayeen.

Mudadii uu hayay madaxtinimada md Rayaale Kaahin oo hadda ku dhow 3 sano, ayaa waxa kordhay musuqmaasuqa iyo maamul xumada oo ay weheliyaan falalka lagu cabudhinayo shacabka aan waxba galalbsan. Waxa uu ku fashilmay in uu wax ka qabto shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland. Taas oo sababtay in dhalinyarada uu soo wajaho mustaqbal madaw.

Iyada oo ay  jirto baahida loo qabo maamul u heellan doonista shacbiga, oo ku socda anshax iyo qorshe wax qabad, ayuu Rayaale waxa uu isku xeeray kooxo aan u hayn haba yaraatee wax dan ah wax qabadka iyo hore u marinta Somaliland.  Kooxahan oo ay xilal mihiim ah ka hayaan rag ay isku xirfad ahayaeen intii aanu noqon madaxweynaha: ka ganacsiga  maandooriyaha “Qaadka. Kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan Wasiirka arrimaha gudaha Ismaciil Aden Ismaciil oo isagu mafrash qaadka lagu gado ku lahaa magaalada London, lana sheegay in ay dacwado ka yaallaan dalka Sweden, lana xiriira ka ganacsiga maandooriyaha Qaadka. Wasiirka Qorshaynta ayaa isna la sheegay inuu horey uga ganacsan jiray Qaadka xilligii uu deggenaa wadanka Kanada, intii aanu u soo shaqo tegin Hargeysa.

Ismaciil Aden oo isagu si dhuumalaysi ah uga baxay Haregeysa kadib markii ay soo galeen ciidamdii SNM-ta horaantii 1992, fakat-na ku tagay Djibouti halkaas oo uu uga sii gudbay Yurub, ayaa maanta ka ah maamulka Rayaale kuwa ugu dhiiran ee uu ku qabo kalsoonida wacan. Ismaciil waxa uu mas’uul ka ahaa dhacdooyin badan oo lagu cabudhiyay shacbiga danyarta, sida dhacdooyinka lagu xidhxidhay dad ka tirsan beesha gabooye bishii May ee sanadkii 2005, cabudhinta saxaafadda, iyo mashaakilkii ka dhacay dhawaan cusbitaalka Hargeysa dhammaadkii bishii Dec. ee 2005.  Dhacdooyinkaas oo qaarkood keenay dhimasho iyo dhaawac dad maato ah oo aan waxba galabsan.

Waxa caado noqotay in shacabka Somaliland lagu cabsi galiyo (khuukhiyo) Somalida inteeda kale, iyada oo loo tuso cadaawad ay dad yari dano gaar ah ka wataan. Haddaba haddii la rabo in la eego dadka dhibta ka geystay Somaliland, waa in aan meel kale la eegin oo lagu noqdaa kuwa ka taliya Hargeysa, ee isku bahaystay boobka iyo cabudhinta shacabka, Iyaga oo door weyn ka qaatay burburkii ay u geysatay magaalooyinka iyo shacabka Somaliland dawladdii Siyaad Bare.

Haddaba dawlad ka dalbanaysa bulshweynta dan yarta ee qurbaha, in loo soo ururiyo lacag si markaasi ay u gudato hawlihii aasaasiga ahaa ( basic public services), iyada oo boobka iyo naasnuujinta lagu hayo illihii yaraa ee dhakhliga sida canshuuraha, dakadda Berbera iwm, isku shaandheyn lagu sameeyaa wax ma ka badeli kartaa xaaladda iyo baahida shacabka?

Rayaale oo hadda tamashle u jooga Yurub in ka badan bil, maal ( xoolo) badanna ka urursaday Somaliland,horeyna loo sheegay in haweenaydiisa marwo Huda ay mar keliya ugu deeqday lacag dhan $100, 000 oo doolarka maraykanka ah cusbitaal laga dhisayo Gabilay, guryo qasri ahna ka dhistay Djibouti & Qaahira ayaa la sheegayaa in uu ku hawlan yahay maalgelin uu la samaynayo dad ay qaraabo yihiin oo dhulkaas Yururbta galbeed deggan.

Haddaba Shacbiga Somaliland oo dhib badani ka soo martay xukuumaddii kalidii taliyhii Siyaad Barre, ka so noqodkii xeryihii qaxootiga ee Itoobiya ( Dulcad & Harta), neecawdii ay sugayeen ma waxaa hormuud u noqday Rayaale, Ismaciil , Cawil IWM.

Shacbiga Somaliland oo doortay dhawaanta Barlamaan cusub ayaa haddaba loo baahan yahay inaanay isku mashquulin badelaad uu sameeyo Rayaale, balse ay la xisaabtamaan xildhibaanadooda, si markaasi loo xakameeyo musuqmaasuqa iyo wax qabad la,aanta ay caadaysatay xukuumadda Rayaale iyo inta ku xeeran.  

C/Karim C. Xasan,
WardheerNews
E-Mail:Abdelh1@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com