|
|
Wixii aan ka dagaalanay hadaynu nahay reer Somaliland waxay ahayd dulmi iyo dhibaatadii uu inoo gaystay taliskii Maxamed Siyad Barre. Laakiin marka aan eegno sida manta wax inoogu socdaan waxa iska cad in dulumkii aynu ka dagalannay mid la mid ah aynu ku jirno. Marmarka qaarkood waxaad mooda in aynu ilawnay diinteenii, dhaqankeeni iyo wax allaale iyo wixii wanaagsanaa ee la inagu yaqaannay. Waxa inta ii raaca, waxa hadda cudur ina ku noqotay in aynu wax wanaagsan isu sheegno oo qof allaale iyo qofkii ummada wax wanaagsan is yidhaahda uu sheeg in lagu tuhmo khiyaamo qaran iyo qofkas oo wada burburis qaranimadda Somaliland. Xataa in wax talo ah oo ay dadkeenu ku qaldan yihiin haddii aad istidhaahdo u qor bogoggeena intarnetka ee reer Somaliland (Somaliland websites) ma qoroyaan. Arrintanina wa ta igu kaliftay in aan u qoro maqaalkan Awdalnews iyo WardheerNews oo annigu aan u arko labada bog (websites) oo keliya ee qora aaraa ama aragtiyo liddi isku ah (opposing views) marka laga hadlayo arrimaha Somaalida. Hadaan ujeedada aan ka laha maqaalkan aan dib ugu soo noqdo, waxan marar badan is idhaahda qaar badan oo ina ka mid ah ayaa xuduudii ka baxay, wa xuduudii diinteena iyo dhaqankii Somaaliyeed. Metalan waxaad arkaysa siyaasi ama aqoonyahan reer Somaliland ah oo leh Soomaali waxba iskuma nihin. Waxa dhacday nin siyaasi ah oo reer Somaliland ah in uu mar yidhi “ inanka ku dhashay Xamar waxa iga xiga inanka Amxaarka ah”. Wa arrin dad badan oo reer Somaliland ah aad u dhibtay. Dadkeenu wa dad Soomaali ah, Illaahbaana inaga dhigay Soomaali. Hadaynu nahay reer Soomaliland waxa aynu kala qaadannay siyaasad kala duwan innaga iyo reer Soomaaliya. Taasi macnahaydu ma’aha Somalinimadii in aan ka baxno ama qaarkeen ku kacaan wax ceeb inoo soo jiidaya. Waxaynu kala yeelan karnaa dawlado kala duwan. Marka arrimaha ayaan la isku khaldin oo xajooyinka laga dhigin wax la isku cayn iyo bayd gooyay. Waxa kale oo aynu la wada soconnaa sida aynu ula dhaqano dad Soomaali ah marka ay yimaadaan Hargeysa. Waxa aynu ku samayno waynu wada ognahay. Weli lama hayo magaala kale oo Soomaaliya ka mid ah oo lagu xidho muwaadin reer Somaliland ah iyadoo sabab looga dhigayo in uu yahay qof aan meesha u dhalan. War miyaanay arintaasi ahayn dulmi? Dadka ku kacaya falkaas oo kale ma waxbay Somaliland u tarayaan mise waxbay u dhibiyaan? Waxa beryahan socda hadallo gef ku ah qayimkeenna iyo dhaqaankeenaba. Waxa jirta in dhawaan madax dhaqameedyada reer Somaliland qaarkood ay yidhaahdeen waxaan heshiisiinayna walaalhayaga isku laynaya Soomaaliya. Wa arrin shariif ah oo diinteenna iyo dhaqankeenuba ina faryaan. Iska daa Soomaali ee waxa waajib ku ah qofkii muslim ah in uu heshiisiiyo laba qolo haddii ay isdilayaan . Marka niinkii loo igmaday in aad cadaladda uu ka sheeqeeyo, miyay tahay in uu yidhaado qofkii reer Somaliland ah ee heshiisiiya Soomaalida kale waan xidhayaa oo waxaan ku qadaayaa khiyaamo qaran? Wa arrin lala yaabo in niman leh aqoon baan leennahay, siyaasiinyiin baanu nahay oo muslim baanu nahay oo diidan in dad muslim ah oo Soomaali ah la heshiisiiyo. Dadka Soomaliyeed ma inoo wada cadawbaa mise innagaa ka dhigaynayna cadaw? Xataa waxaad arkaysa qaar inaga mid ah oo leh muxuu nabadda Hadraawi uga shaqaynaya oo ku caayaya socdaalkiisii nabadraadinta ahaa. Wa nasiib darro in qaar siyaasiyiin isku sheegaya oo reer Somaliland ahi ay caayaan ama u hanjabaan Hadraawi oo kale. Waxa jirta oo inoo dhaqan ah in ninka Suldaanka ahi uu ka gaabsado waxyaalaha cayda ah, hadalada dad cayga ah ama yaska ah ama wax allaale iyo wixii colaad ku keeni kara dadyowga wada dega. Dad badan oo reer Somaliland ah aya waxay la yabaan marka ay arkaan suldaan inaga dhashay oo afkiisu aan kantrool lahayn. Weli ma arag Suldaan ama Garaad ama nin siyaasi caan ah oo ka dhashay qabaa’ilka kale siiba kuwa aanu deriska nahay oo qabiil ahaan inagu caayaya. Weli ma arag waxgarad, siyaasi ka dhashay qabaa’ilka kale oo diidan in la heshisiiyo dad is laynaya. Xataa markii aynu innagu is dilaynnay waatii Garaadada iyo salaadiinta kale ee qabaa’ilka aynu dariska nahay inoo so gurmadeen. Miyaynu illownay tixdii ahayd : “Maandhow ixsaan lagma tego eed haddaad faliye” Arimahan ay maanta ku dhawaaqayaan kuwa badan oo isku sheegaya in ay siyaasiyiin reer Somaliland ah yihiin wa arrimo gef ah marka si kastaba loo eego waana wax yaalaha dulmiga iyo kibirku salka ku hayaan. Waxaasina waa wixii aynu ka dagaalannay ee waa in aynu ogaanna in ictraafku aynu helayno hadii Eebe inoo qoray, ictraafna ku helimayno been, dulmi iyo in aynu dadka iska weynayno. Hadal iyo dhammaantii, waxa loo baahan yahay in ayn isku caqli celinno oo keenii khaldan la qabto.Wa in la xakameeya qolyaheenan sida guracan u dhaqmaya oo raba in ay qadiyadeenna marin habaabiyaan. Waxana la gaadhay waqtigii aynu ku dhaqmi lahayn siyaaad dhiiran (political courage) oo ku dhisan caqli iyo doodwanaag kana fog oo ka fayow xasad, been, salfuday, cabudhin iyo wixii dhaqankeenni Soomaalinimo liddi ku ah. Maxamad Ismaciil
Copyright © 2005 Wardheernews.com |