Falcelinta qoraalkii ahaa: Qabyanimada qoraalka af Soomaaliga

WQ. Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”
December 25, 2007
Print Friendly

Ereyga qabyo, sida aan u aqaan, waa wax kala dhantaalan oo aan dhammaystirnayn. Qabyannimana waa kala dhantaalnaan. Sidaasi awgeed, waxan filayey sida ladhka qoraalku tilmaamayo inuu qoruhu ( Ibraahin Yuusuf Axmed ‘Hawd’) soo bandhigo waxa qabyada ka ah qoraalka af Soomaaliga. Hase ahaatee, kolkii aan akhriyey qoraalka waxa ii caddaatay in arrimaha uu Ibraahin ka hadlayaa aanay ahayn qabyo balse ay yihiin:

  1. Xasiloonidarro qoraalka ka jirta,
  2. Gefaf ay dadka qaar sameeyaan,
  3. Aragti qoraha u gaar ah,
  4. Aqoon la’aan ku saabsan isbeddelka dhawaaqyada iyo
  5. Arrimo kale oo aan xusidoono.

Si aan u muujiyo arrimahaasi waxan ku dadaali inaan mid kasta goonnidiisa u lafaguro idinna hogatusaaleeyo in qoraalka afku qabyo ka dheeryahay:

A. Xasiloonidarrada qoraalka

Xasiloonidarradu waa kolka uu qof kastaa afka u qoro sida uu isagu ugu dhawaaqo. Haddaba, kala geddisnaanta dhawaaqyada deegaannada isaga oo qoruhu ka dhigaya qabyo qoraalka afka haysata wuxu yidhi:

Arrintan oo ah mid ay jiritaankeeda isla qirsan yihiin soomaalida oo dhami waxaa ugu caansan labada dhawaaq ee uu sidiisaba af soomaaligu u qaybsan yahay ee kala ah dh iyo r. Anigu qof ahaan markii aan eegay labadaas dhawaaq sida ay ugu kala baahsan yihiin degaannada soomaalida waxaa ii soo baxday in ay tiro ahaan isu dhow yihiin.

Waxaa jira dad moodaya dhawaaq kasta oo erayga dhexda kaga jira oo marka uu uu koonfurta iyo bariga joogo r ahi jeerka uu waqooyi iyo galbeed tago in uu noqonayo dh. Dabadeed haddii la isku dayo dhawaaqaas aan loo dhalan in la raaco waxaa ka dhashay qalad aad u weyn, waayo waxaad arkaysaa dh meel aanay lahayn hawaarta ama r xeradeedii ka dibbootay. Tusaale ahaan haddii erayga baraare  yahay badhaadhe, erayga baruur ma aha badhuudh. Sidoo kale haddii uu xiriir yahay xidhiidh, dhiidhi noqon maayo riiri.  Nasiibxumo dad ayey sidaas la tahay.

Sidaa uu qoruhu ka dhawaajiyey, qof kastaa wuxuu afka u qoraa sida uu ugu dhawaaqo. Tusaale ahaan, dadka qaar waxay yidhaahdaan “Ari” qaarna “Adhi”. Labada qolo, haddaba, qolana ma gefsana. Labadubana waxay raacayaan xeer uu afku leeyahay ee bal idinba tusaalooyinkan ila eega:

1. Adhi           =     Ari
    Badhaadhe =     Baraare
2. Badh          =     Bar
    Gabadh      =    Gabar

3.  Barwaaqo  =     Barwaaqo
    Gabdho      =    Gabdho

4.  Dhadhan    =     Dhadhan (shibbanaha dhexe baa lamman)
     Dhanaan    =     Dhanaan

5.   Far          =    Far

      Rag         =    Rag.

Waxan halkaa ka soo tuujin karraa xeerarkan hoos ku qoran:

  • Xarafka ‘dh’ wuxu noqdaa ‘r’ kolka uu kala dhexgalo laba shaqal sida ku xusan tusaalaha koobaad (1). ‘r’-duna waa sidaasi oo kale.
  • Xarafka ‘dh’ ama ‘r’ way is beddelaan kolka ay ereyada qaar ugu dambeeyaan sida ka muuqata tusaalaha (2), marna isma beddelaan sida ka muuqata tusaalaha (5).
  • Xarafka ‘r’  iyo ‘dh’ isma beddelaan kolkay ereyada ugu horreeyaan sida ka muuqata tusaalaha (4) iyo (5)
  • Labadaa xaraf isma beddelaan kolka ay shibbane kale ku lammaanaadaan sida ka muuqata tusaalaha (3).

Waxa kale oo in la tilmaamo mudan inay jiraan xarafyo kale oo lagu kala geddisan yahay oo ayaga qudhooda loo baahan yahay in la mideeyo. Tusaale ahaan:
 ‘m’ iyo ‘n’, ‘c’ iyo ‘q’, ‘x’ iyo ‘kh’ iwm.

Waxa haddaba isweydiin leh arrintu ma qabyanimaa mise waa xasiloonidarro?  Mar aan arrintaa ka hadlay waxan idhi:

Arrintani runtii waxay dhibaato xoog leh ku haysaa dad badan oo afka barta oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Dhab ahaanna, dhibaatadu maaha mid af Ssoomaaliga keli ku ah ee waa mid ay afaf badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan yahay inaynu dhugmo gaar ah u yeelanno. Waxa afafkaa ka mid ah af Carabiga. Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta, dadku xarafka Kaaf ‘ك’ waxay ugu dhawaaqaan Jiim ج’. Marka ay isbariidinayaanna waxay yidhaahaan ‘Jeef xaalaj?جيف حالج’. Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto wa-xay qoraan ‘Keef xaalak?كيف حالك’. Dalka Masar dadkiisu xarafka‘Qaaf ق ’ waxay ugu dhawaaqaan ‘A أ ’ Marka uu haddaba qof Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa ‘waxan ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘A’ullak’. Hase ahaatee kolka uu qoraal maago waxa uu qorayaa ‘Aqullak أقلك.

Afka Ruushka haddaan dhankiisa eegno sidaas oo kale ayaan aragtidan mid la mid ah ugala kulmaynaa. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’. Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa af-ruush’ wuxuu ku odhanayaa ‘Yaa habaaruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu baa Ruski’. Γ (ga)  H (ha).

Af  Ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale waan kala kulmaynaa. Tusaale ahaan magaalamadaxda Kanada dadka reer Kanada waxay ugu dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo waa ‘Ottawa’. Ereyada kala ah ‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’ , ‘Bodhom’ iyo ‘Badhar’.

Sida aan haddaba soo tibaaxay, xasilloonidarradu dhawaaqa oo qudha kuma koobna ee qoridda lafteeda way saamaysaa. Waxa iyana loo baahan yahay in si uun laysku raaco si qoraalku isku mid u noqdo. Tusaale ahaan:

      Barayaal - Bare-yaal.
      Biyamareen - Biyo-mareen.
     Caanagaleen - Caano-galeen.

Ibraahin Hawd isaga oo markale qabyanimada qoraalka af Soomaaliga tilmaamaya wuxu yidhi:

Afka waxaa ku jira eray muujiya ahaansho, sida waan harraaddan ahay, waad xanaaqsan tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynu badan nahay, waad faraxsan tihiin iyo waa ay tuban yihiin. Sida aynu aragno qodobka ahaanshuhu mar walba wuxuu u qormayaa gooni, umana baahna in sifada ka horraysa lagu daro oo la dhaho: harraaddanahay, xanaaqsantahay, dhiirranyahay, qurxoontahay, badan-nahay, faraxsantihiin iyo tubanyihiin.

Waxan filayaa haddii aan qoro “wuu cadhaysanyahay” qof kalana qoro “wuu cadhaysan yahay” inaan mid kaayana gefsanayn oo ay ujeeddadu isku mid tahay. Hayeeshee, in labada qaab mid ahaan la adeegsadaa aad bay u habboontahay. Sidaasi awgeed, tan qudheedu waa arrin xasiloonidarro ku lug leh ee maaaha qabyanimo dhanka qoraalka ah. Sida keliya ee dhibaatadan lagaga bixikaraa waa iyada oo uu jiro maammul labada siyood miduun hirgelinayaa.

B. Gefefka la sameeyo:

Xeerarkii aan soo tibaaxay, qofka isaga oo aan aqoon isku daya inuu adeegsadaa inuu gef samaynayo layskuma hayo. Waxana hubaal ah inuu is odhanayo meel kasta oo ‘dh’ ku jirtaba ‘r’ ku beddel. Taasina, runtii, waa gef aqoon la’aani keenayso ee maaha qabyanimo qoraalka ku jirta sida uu qoruhu ku doodayo.

Isaga oo Hawd innoo sheegaya sida xilliyada labada caanamaal laysugu murgiyo wuxu yidhi:

Afar iyo labaatanka saacadood ee habeenka iyo maalinta af soomaaligu wuxuu u qaybiyaa dhawr xilli oo mid walba lagu tilmaansado socodku goorta uu ku beegan yahay. Aroorta hore inta aan waagu dillaacin socodka la bilaabo waxaa lagu magacaabaa ”kallahaad”, waabberiga ilaa cadceed-soobaxana
 ”jarmaade”, barqinka ilaa hadhkana ”baqoole”, hadhka ilaa casar-dheerahana ”dhalandhool”, casarka iyo gabbaldhacana ”carraabe”, gabbaldhaca ilaa fiidkana ”gudoodi”, fiidka inta ka dambaysana ”guure” ama ”guuregal”. Intaas oo eray saxaafadda soomaalida maanta waxaa laga adeegsadaa oo keliya ”baqoole”. Xitaa nin madax ahi haddii uu socdaal guure ah ku baxo waxay dhahayaan ”wuu baqoolay”!

Tan qudheedu sidii tii hore ayey ku salaysan tahay aqoon darri. Qofka kala garan la’ inuu guureeyey iyo inuu carraabay sidee loogu sheegaa qabyanimo dhanka qoraalka ka jirta?

 C. Dhawaaqyada iyo is beddelkooda:

Ibraahin oo kolkan isbeddelka dhawaaqyada qabyo qoraal ku tilmaamaya ayaa yidhi:

 Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad aan labadaas qodob lagu kala maarayn karin. Tusaale: dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata sifada iyo ahaanshaheeda ma kala goyn karro oo ma qori karro sida ay naxwe ahaan saxa ku tahay oo ah: dhuxushu waa ay nool tahay. Waxaa kale oo ka mid ah isla dheddigoodka marka ay sifadu ku dhammaato xarafka d, tusaale: arrintu waa ay fudud dahay. Halkaa waxaa ka muuqata xarafkii t:du in uu dhintay oo isu rogay d. Laakiin markaas dahay ma aha af soomaali naxwe ahaan jira, sidaas darteed iyadana aynu u daynno xaalad gaar si la mid ah sidii lee.

Sida ay in badani ogtahay, guud ahaan, af Soomaaligu wuxuu leeyahay laba qodob oo isbedbeddela, kuwaas oo kala ah: -ka iyo -ta. Qodobka hore wuxuu raacaa magacyada lab. Kan labaadina kuwa dheddig. Tusaale ahaan:

Wiil + ka = Wiilka
Inan + ta = Inanta.

Qodobka -ta  wuxu isu beddelaa: -da, iyo -sha. Xarafka -t baana noqda -d markuu raaco magac ku dhammaada shaqal ama xarfaha kala ah: d, c, x, h, y, firgin ('). Tusaale ahaan:

Maro       + ta         = Marada
Lo'           + ta         = Lo'da
Irrid         + ta         = Irridda
Duluc     + ta         = Dulucda
Qodax    + ta         = Qodaxda
Bah         + ta         = Bahda
Beeraley + ta         = Beeraleyda
Markay - t ku xigsato - l waxay labada cod, haddaba, isku noqdaan -sh. Tusaale ahaan:

Macal     + ta         = Macasha
Ul            + ta         = Usha
Il             + ta         = isha
Calool    + ta = Caloosha

Haddii aan haddaba qaadanno tusaalooyinka uu qoruhu inna siiyey waxad arkaysaa sida ay aragtidiisu isu burinayso. Wuxu Ibraahin ku doodayaa in labada  weedhood ee kala ah “Dhuxushu waa ay nool tahay”, iyo “Dhuxushu waa ay nooshahay” ay naxwe ahaan ta hore qummantahay. Waxa uu ta dambe ku saluugayna waa xarafka ‘sh’ ee ereyga ‘nooshahay’ ku jira. Waxay haddaba isweydiintu tahay halkee bay isburinta Ibraahin ku jirtaa?

U fiirso, ereyga ‘dhuxul’ waa dheddig. Sida naxwuhu yahayna qodobka raacayaa wa ‘ta’. Haddii aan sidii Ibraahin raacno waa inuu ereygu u qormaa ‘Dhuxulta’ ee aanay noqon ‘dhuxusha’. Weedhuna waa inay kolkaa noqotaa ‘Dhuxulta waa ay nooltahay’. Ereyga hore waxa is xigsaday waa labada shibbane ee ‘l’ iyo ‘t’, ta dambana  waa ‘l’ iyo ‘t’. Markaa miyaanay ahayn inuu xeerku wada saameeyo? Sidaasi awgeed naxwe ahaan waxa sax ah weedha dambe ee ah ‘Dhuxushu way nooshahay’. Waayo xeerku labada ereyba si iskumid ah ayuu u saamaynayaa. Hadal iyo dhammaantii waxa halkaasi innooga dhuroobey inaanay arrintan qudheedu ahayn qabyanimo  ka jirta qoraalka af Soomaaliga ee ay tahay aqoon la’aan dhankeenna ka jirta.

Kol kale isaga oo qoruhu ka hadlaya qabyanimada qoraalka wuxu yidhi:

Jumladda ah geed ubax leh haddii aynu rogno oo lahaanshaha dhexda gelinno waxay noqonaysaa geedku ubax buu leh yahay. Sow ma aha?

Waydiintaa waxan kaga warcelinayaa ‘Maya’. Sidaa waxan u idhi marka la hadlayo laysma taagtaagayo. Hadalku waa inuu socdaa. Taasi waxay keenaysaa in ay labadii erey ee ‘leh’ iyo ‘yahay’ isku darsamaan. Kolkay sidaasu dhacdo waxa is xigsanaya labada xaraf ee ‘h’ iyo ‘y’. Dadku xeerka afka ma sameeyaan. Afku isagaa xeerkiisa samaysta. Sidaasi awgeed labadii xaraf  kolkay is xigsadaan ‘hy’ waxa adkaanaysa in isku mar lagu dhawaaqo. Taasi ayaa keeneysa inay ‘h’du isu beddesho ‘e’. Waxa markaa innoo soo baxay dhawaaqa ah ‘leeyahay’. 

Inuu afku xeerka samaysto oo uu ereyga ‘leh’na lumiyo xarafka u dambeeya ayaan tusaalooyin kale ka bixin. Haddii aan dhanka magacyada u leexanno bal eeg magaca ‘Geelle’. Dulucda magacu waa kii geela lahaa. Ka warran haddii aan kala gooyo oo u qoro ‘Geel leh’. Ujeeddadi miyaanay isbeddelin?

Bal markanna aan eegno naanaysaha ‘Indhoole, Faroole, Dhegoole’. Haddii aan kala qorno miyaan u qorikarraa ‘Indho leh, Faro leh, iyo Dhego leh’? Warcelinta waa MAYA. Waxan haddaba akhristaha weydiin, sida ay wax yihiin? 

D. Aragtida qoraha u gaarka ah

Markan aragti uu Ibraahin qabo ayuu qabyo qoraal ka dhigayaa. Isaga oo arrintaa sheegaya wuxu yidhi:

Fadeexadda ugu weyn ee far soomaalida ku jirtaa waa xarfaha lammaan ee kh, sh iyo dh. Run ahaantii saddexdaas dhawaaq in xarfahaas lammaan loo qaatay waxay muujinaysaa oo keliya sidii ay reer yurubka soomaalida maskaxda uga qabsadeen (welina uga haystaan). Saddexdaas dhawaaq markii la dejinayey ugu horrayn waxaa looga aragti qaadanayey lagagana dayanayey afafka reer yurub, iyada oo aan fursad iyo madaxbannaani la siin baahida af soomaaliga u gaarka ah.

Dhawaaqa uun lama waafajin afafka reer yurub ee sidoo kale mar haddii far laatiinka la qaatay waxaa muuqata in lagu mashquulay sidii teebka far laatiinka ah loo waafajin lahaa ka soomaaliga. Haddiise ay xitaa sidaas ahayd waxaa taallay, welina taalla, fursad ah in saddexda xaraf ee far laatiinka ku hadhay (p, v, z) loo qaato  saddexda xaraf ee sida xun loo dhaandhaamay. Taladaas jeer hore ayaan u soo jeediyey welina waa ay ila wanaagsan tahay.

Nin baa laga sheegay, “Ilaahayaw aluf wax buu leeyahay iyo waxba male mar hannaga wada yeedhsiin.” Ibraahin wuxu dhaliil ka dhigay in la qaato kh, sh iyo dh. Waxaanu ka dhigay waxay reer Yurub innagu qasbeen. Waa yaabe, kuwuu leeyahay ha lagu beddelo ee ah “P, V, Z” yaa leh? Miyaanay iyaguba ahayn xarfo reer Yurub? Goormuu awowgeen Samaale yeeshay P,V,Z?

E. Arrimaha kale ee u baahan in wax laga yidhaa:

Qabyonimada_afka

Waxa kale oo jira arrimo aan ku jirin kuwaa aan soo sheegnay. Hase ahaatee uu qoruhu ku sheegay inay tahay qabyanimo qoraalka ah. Isaga oo midhkaa tibaaxayana wuxu yidhi:

”Dhaliilaha jira ee ay tahay in xal midaysan laga gaadho waxaa kale oo ka mid ah taxanaha hadal ee qodabaysan marka loo adeegsanayo xaraf u taagan lambar. Tusaale ahaan ma sida laatiinka ayaa la qorayaa: a… b… c… d… taas oo aan ahayn sida ay far soomaalidu u taxanto? Mise: a… b… t… j…? Mise: b… t… j… x…? Mise haddii la doono: a... e… i… o… u…?”

Waxa kaluu qoruhu xusay in loo baahan yahay qaamuus lagu soo ururiyo ereyada afka oo dhan kaasi oo laga baran lahaa in si wax loo wada qoro. Waxan haddaba rabaa inaan halkan si cad carrabka ugu adkeeyo in kii hore ee laynoo qoray aan wixii ku qornaa waxba laga taransan. Waxan markaa
garan la’ahay cidda ka kan ka weyn wax ka baranaysaa halka ay joogto. 
Arrinta ku saabsan sida xuruufta loo kala hor-marinayaa waxay ku qorantahay bogga XII aad ee Qaamuuska Af Soomaaliga ee uu qoray, Eebbe haw naxariistee, Yaasiin Cismaan Keenadiid soona saartay Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta sare  ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Waxa uu Ibraahin saluugay oo uu ka cawday dhanka cilmibaadhista. Waxaanu sheegay inaan wax cilmibaadhisa lagu samayn af Soomaaliga sidii loo qoray. Runtii, ma sheegi karo inaan cilmibaadhista lagu samayn qayb gaar ah oo uu isagu rabay iyo inkale, hayeeshee, waxa cad in af Soomaaliga, qoraalka hortii iyo qoraalka dabadiiba, lagu sameeyey cilmibaadhis aad u farabadan. Waxana si habsan isugu soo ururiyey Dr. Maxamed Diiriye Cabdillaahi kuna soo bandhigay degelka ay sumaddiisu hoos ku qorantahay:

                         http://www.geocities.com/mdiriye/biblio_somali.html

Ugu dambayntii, qoraalkan oo aan kaga falcelinaayey qoraalkii xiisaha badnaa ee uu soo saaray Ibraahin Yuusuf Axmed ‘Hawd’, waxan isku deyey inan tilmaamo inaanay jirin qabyannimo ka jirta dhanka qorista af Soomaaliga.  Hayeeshee, waxa uu Ibraahin ka dhawaajiyey waa xasiloonidarro ay keentay qoraalka oo aan laga midaysnayn, iyo gefef la sameeyo oo ay aqoondarro keento. Runtii waa qoraal ku soo beegmay xilli uu dad badan tallan ka galay qoristii far Soomaaliga. Kaasi oo abuuray dood horleh oo aan hore u dhicijirin. Wuxu Ibraahin ku ammaanan yahay sida uu u taabtay dareen u baahnaa in la saafo.

Cabdiraxmaan Faarax " Barwaaqo"
E-mail:hal_aqoon@yahoo.com

-----------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright 2007 Wardheernews.com