
|
Tooxsasho |
Qore: Dr. Georgi Kapchits
|
29 July, 2007 |
Af waliba wuxuu leeyahay erayo aan afaf kale ku jirin. Badankoodu waa magacyo soo jireen ah, oo aan si kooban loo micneyn karin. Ka soo qaad laqanyo. Siduu dhigayo “Qaamuuska af-Soomaaliga” ee uu qoray Yaasiin C. Keenaadiid, waa dheecaan baruurta iyo cunnada subagga badani caloosha geliso oo lala mantago ama lagu sigto.
Lud horaa laqanyo kicisa.
Falalka afka gaarka u ahina waa dhif. Laqanyaysiin mooyaane (Nin ku jeceli weyd kaama laqanyaysiin waayo).
Waxaan ka war qabaa falka la yidhaahdo Tooxso. Micnihiisu waa hawl keli u qabasho. Waagi hore Soomalidu ma ay tooxsan jirin, maadaama shaqada la xiriirta dhaqashada Geela mid qof qudh ahi uu qaban karo aanay ahayn.
Waaya’aragnimadoodii waxay ku muujiyeen digniin lama-illowaan ah: Ceel nin tooxsaday isna ku caddiban, cuudna ma cokana!
 |
Dr. Georgi Kapchits, Shirkii Buraanburka, San Diego. |
Hase yeeshee waxaa dhacday in muddadii dheereyd ee ka dambeysey xilligii ay maahmaahdani soo baxday, adduunku uu aad isu beddelay. Waqtigii uu halhayskiisii ahaa ‘Wadar iyo waaxid, waaxid baa waalan’ waa la soo dhaafay.
Waayaha cusub ee si xad-dhaaf ah u ballaariyey awoodda qofku waxay tooxsasho ka dhigtay hawl waxtar leh.
Maanta waxaa si guul leh u tooxsada indheergarato badan oo aan ku bartay buugaggii ay qoreen, qaarkoodna aan la saaxiibay.
Waxaa ka mid ah Cabdi-Mahdi Warsame oo deggen Iswiiden, Maxamed Cali Xasan “Alto” ee ku nool dalka Ingriiska, Caliqeyr Maxamed Nuur oo jooga Norway iyo Cabdiraxmaan C.Faarax “Barwaaqo” ee ku warwareega Kanada.
Bishii Maarso ee sannadka aynu joogno ee 2007-da waxaa ku darsantay Yasmiin M. Xaamud. Haddaanan ka qayb geli lahayn shirkii la yaabka ee caalamiga ahaa ee ay ku qabatay San Diego, ma aan aammini lahayn heerka tooxsashadu ay gaari karto.
Xogwarrankii shirkii Buraanburka waa laygaga horreeyey (eega wixii Wardheernews.com ay u qoreen Lithy Karrazi iyo Melanie Plageman).
Laakiin suurtogal iima aha in aan ka aammuso inaan maalintii qura ahayd ee shirkaasi uu socday aan buraanbur ku bartay in ka badan intii aan ku bartay mudo sanooyin badan ah.
Qori keligiis ma belbelaa? Far keliya fool ma dhaqdaa?
Dr. Georgi Kapchits
Email:geedka@aha.ru
-----------------------------------------
Dr. Kapchits wa khabiir u dhashay dalka Ruushka oo ku xeel dheer Afka, Suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.
---------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2007 Wardheernews.com
|