Halxiraale

By Deeq Aadam Diirye
12 June, 2007
Print Friendly

Gacda gabayga Shaafici adaa, gaaddo ku lahaaye
Naxwihiisa gaarka ah adaa,  goobay oo helaye
Adigaa garaaddiyo ku helay, Goonni sharaftiise!

Bayd gaabka oo idil markuu, gacan togaaleeyay
Gurbood iyo indhowgarad markii, laysku wada giijay
Gablayshimbir sidiisii markii, dumar ku geeraaray!

Isagoo guluulaca markii, lagu guraabaasay
Geddii lagu aqoon jiray markii, laga gawaanraacshay
Gurgurshaaga Adigow noqdiyo, laaxin gure weyne!

Galoof ololka niman baa yaqaan, gooddi iyo faane
Adigoon ardaa guurinayn, gobocna sheegaaya
Gooldhalinta waataad taqiin, Guulle mahaddiise!

Hiiradkuba ha gaagaawiyee, kaagu waa godole
Hibo aan gurayn iyo adaa, gaawe buuxsadaye
Ila guri haddeeroo kalaan, gole ka sheegaaye!

Saddexdaas isnow ays goglady, dibirta gooheed dheh
Dhego-gooye qabawgeer Galbeed, geyro kuu naban dheh
Dhahar guurtideedoo galbiyin, gabay aqoontood dheh!

Gufaacooyin rooboo Sanaag, gootay duhurkii dheh
Guguc iyo hillaac galalacliyo, galangal duufaan dheh
Dhul gariiray badahoo gilgilan, gabikayeerkood dheh!

Saddex kalana googaale iyo,  gob iyo xaalkeed dheh
Halxiraale Gabayaysan iyo,  gal iyo toorreey dheh
Intii gaaf ka maansoon taqaan, gaar u hadlkood dheh!

Giraamaha adduunyada haddaad, galabba meel joogto
Hadba waxa ku soo gelin waxaan, garasho yeelayne
Wax qabaw la guban baan arkee, sheeg haddaad garato?

Hal horraadku uu godal yahoo,  giigsan yahay caano
Oo ganacsi loo sii raroo, galabba meel daaqin
Oo ka guran dambeedkaan arkee, sheeg haddaad garato?

Geel habeedda jeenyaha kuloo, hore ka giirgiiran
Oo gamboorka raamsanahayiyo, geedka ciinka ahba
Oon giriirixayn baan arkee, sheeg haddaad garato?

Maska goodka ee Bari hadduu, madax garaac diiday
Asuu godalla dheerow arlada, gees walbaba joogo
Kala goyn siduu uga bed galo, sheeg haddaad garato?

Garangoor dagaallamahayoo,  guuto bixinaaya
Jirac reerka uu galo judhii,  gabagabaynaaya
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

Gabxo iyo gabaaddiir habeen, gabbal madoobaaday
Gogol iyo nimaan haysan guri, iyo gabbaad toona
Oo gama¢ ladaayaan arkee, sheeg haddaad gartato?

Garas gawso daal buu taraa, gaajo beel malehe
Gasiin kale nimaan siisanayn, hilibka geedaysan
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garto?

Guxushaa cirrooboo caqliga,  gaban la boodaaya
Iyo doob garraar soo xirtoo, gacan ka laafyooni
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

Gaas dumara oo goor walbaba, guluf u soo taagan
Gaalleefta gabar qaadatoo, tobon nin qoor goynin
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

Guunyiyo nin gini haysta iyo,  googo¢ lacageedba
Gabarradana aan bixin karayn, dhawr gambiyo taano
Oo qabiil u go¢ay baan arkee, sheeg haddaad garato?

Nin Gurboodki uu dhalay intuu,  gawrac ugu jiiday
Gabannada cadaawana sidii, gacal xanaaneeya
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

Nin gelgelin cidlaa hooyadiis, maalin uga guuray
Oo aan garawshiyo naxdini, taaban ganaciisa
Aayana gargaaraan arkee, sheeg haddaad garato?

Garbiduu ku tiirsaday nimaan,  loogu geli doonin
Oo gabanta foodda leh hub iyo, gamas u soo qaata
Giiryaale diricaan arkee, sheeg haddaad garato?

Geed adayg ninkii loo bartiyo,  geesi lagu dhaato
Markay dumar guhaadana judhii, gorodda laadlaadin
Waxa loogu maag galay ninkii, garanayow sheeg bal?

Maskax guun ah maan gaabanoo, gaar is oranaaya
Midaan gabanno dhalin oo nin kale, gablan ku maagaaya
Gaasirnimo midkoodii geyoon, sheeg haddaad garato?

Mid guhaadda goor iyo ayaan, gayrtu hurinayso
Mid kaloo gunuunacahayoo, abid guraabaasin
Gidaar hoos ka muuqdaa mid uu, didiyo giirkiisa

Gardarrada midkeer qaayiboo, ganacu weynaaday
Garabgoroyo aan muuqanoo, laysku garabsiini
Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

Deeq Aadam Diiriye
Email: dekdirie@yahoo.ca

---------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright 2007 Wardheernews.com