Haybsooc
W/Q Xasan Carab Askar
Disember 21, 2008

Print Friendly
Dad sokeeye saafiya a' hoo soo jireen nala ah
Oo aan sadcaal noogu iman saafir iyo geeddi
Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya
Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka
Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya
Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay
Oo suurad iyo nagala mida sawdka iyo caado
Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba
Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro
Sumcad xumo maxaa loogu yidhi waa sab iyo naaqus?

Gabaygii Abwaan Maxamed Hirad


Sidaan wada og soonahay ama dad badani la socdaan waxa dunida ka jiray Midabtakoor.
Kaas oo ay reer Yurub bilaabeen xiligii ay Afrika ku soo qamaameen, si ay u helaan degaano iyo xoogag ay ku shaqaystaan.  intaa ka dib waxaa qaarada Ameerika loo kaxaystay dad aad u tiro badan oo Afrika laga soo qafaashay, dadkaas qaybtii  ugu badnayd waxa la geeyay dalwaynaha Maraykanka. Halkaas oo ay kala kulmeen dhibaato iyo tacadi aan la soo koobi karin , oo ay ku hayeen dadyowgii midabka caddaa ee ka soo qafaashay Afrika iyagoo sidii xoolaha ugu iibinayay saylado ay u samaysteen.

Hadaba halgan dheer oo ay u soo mareen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, sinaan iyo cadaalad ku dhisan, waxa la joojay midabtakoorkii sida muuqata loo midab sooci jiray waxaana soo if baxaday inay dadku siman yihiin Madaw iyo Cadaanba. Taasi may dhaxalsiin inuu si buuxda u baaba'o oo tirtirmo midab takoorku, balse waxay waxbadan ka bedeshay tacadigii iyo bahdilidii lagu hayay dadak midoabk madow.

Hadaba waxay taariikhada aduunku is bedeshay lama filaana dadbadan ku noqotay oo dacalada dunida ka jooga, 4-11-2008 markii Barak Obama oo ah nin madaw oo ka soo jeeda asal ahaantiisu qaarada Afrika uu ku guulaystay doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacaday carigaa Maraykanaka, isaga oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay oo ka soo jeeda qowmiyada madow ee maraykanaka. Dahcdadaasi taariikhiga ah waxay soo afjartay riyadii dadkii caddaa ee ahayd in aanu nin madow noqo karin madaxwaynaha Maraykanka.  Waxayna quus iyo rajo la'aan ku riday dadyogii sida qarsoon ugu ololayn jiray midab takoorka.

Hadaba waxaa jirta Soomaali badan oo u soo hayaantay, qurbaha gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika horaantii sagaashanaadkii. Taasi oo dad yowgii ay soo martiyeen jawaabo kala duwan ka bixiyeen. Waxay dareemeen mudo yar ka dib Soomaalidii u soo hayaantay dhulkan cusub ee qaxootiga ku noqotay nacaybsho midab iyo mid diineedba.
Waxay dadbadan ay aad uga qoomameeyeen,dhibtii keentay iyo musiibadii ku habsatay dalkoodii Hooyo ee xalka loo la'yahay . Waxaa saameeyay dadkii Soomalida ahaa ee soo hayaamay cunsuriyad, waxay dareemeen in lagu riixaayo midab oo xitaa shaqooyinkii hoose ay ku adkaatay siday u heli lahaayeen. Taasi waxay xusuusisay Soomaalidii soo haayaantay wadankoodii markay joogeen inay haybsooc ku samayn jireen ama ku hayeen dad walaalahood ah oo ay iska saraysiin jireen, quursana jireen iyaga oo iska waynaysiinaya.
Iyada oo ay jirto in Soomaalidu tahay Muslin boqolkiba boqol, diinta Islaamkana meelna aysan kaga oolin inay jiraan dad dad ka sareeya ama wax quursi la yidhaa, balse sida loo kala cibaado iyo Alle kacabsi badan yahay Ilaahayna logu kala dhaw yahay ay ku xidhan tahy darajadu. Arimahaasi oo dhami iyadoo ay jiraan dadkuna qirayaan, ayaan hadana ay wax Garowsiiyo ahi jirin.

Hadaba waxa la soo gaadhay xilgii ay Soomaaliyi u bislaan lahayd, inay raaligalin buuxda oo dhaba ka bixiyaan, haybsoocii ay ku hayeen qayb ka mida bulshada Soomaliyeed, waxa la soo gaadhay xilgii ay uga tanaasuli lahaayeen hogaanka, iyo hogaaminta umadda Soomaaliyeed beelahaasi lahayb soocay iyaga oo ka tusaale qaadanaya diinteena iyo isbadaladda ka socda adduunka.

Beelaha isu haysta inay ka sareeyaan beelo kale oo walaalahood ah, kuna heshiin waayay isu tanaasul iyo sabata bixinta shacabiga aan waxaba galabsan ee ay naafeeyeen dagaalada macno daradaha iyo diihaalka gaajo ee u raacay. Taasi oo ay ku sharfayaan beelahaasi inay xaq u lee yihiin hogaaminta dadka iyo dalkaba, waxaa xaq ah hadda hogaanka dalka qabtaan oo ay ka noqdaan wadanka madaxwayne. Waxayna u dhawdahay inay Soomaaliya ku soo dabaalaan cadaalad, sinaan iyo eexasho la'aan, beelaha kalana u hogaansamaan meeshana ay ka baxdo kanaa ila qabiila oo Soomaaliyina ay u simantahay.

Hadii intaas la helo waxa laga yaabaa in xal loo helo mushkiladan haysata umadda Soomaaliyeed ee ka reebtay beesha caalamka ee barwaaqada u hayaantay, ayna  soo af jarto 18 sano ee tagay, dawlad la 'aantii iyo kala danbayn iyo cadaalad la'aanta ka jirta Soomaaliya maanta.

Dhibkaas oo dhan ee ku habsaday Soomaaliya waxa Aabo u ah qabyaalada lagu indho beelay lana moodaayo inay horumar tahay iyo nin jeclaysiga loo eekaysiiyay xulofonimoda iyo qabiilka qabyaaladu u cimaamaday qayrkeena inaga reebay.

Halkaasna waxaa ku soo dhamaan lahaa waxaynu ugu yeedhno Haybsooc.
 
 
Xasan Carab Askar
Email: khaliil25@hotmail.com  

---------------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                  


Copyright © 2008 Wardheernews.com