|
|
Carraale iyo Gaarriye: Kumaa hor helay Miisaanka Maansada
|
Kumaa hor helay miisaanka maansada Soomaaliyeed?
Waa su’aal weli muran ka taagan yahay tan iyo sannadkii 1976kii. Labada aqoonyahan ee ku muransani waa Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) iyo Maxamad Xaashi Dhamac ( Gaarriye).
Labadan aqoonyahan ee macallimiinta ah shaki kuma jiro inay dadaallo badan u galeen sidii uu mid waliba u heli lahaa Miisaanka Maansada Soomalida, taas waxa marag u ah buugta ay qoreen iyo muxaadarooyinka ay ku qabteen meelo kala geddisan oo dalka iyo dibaddiisaba ah. Waxa kale oo labada Profasoor cilmi baadhistoodii ay horumar la taaban karo ku soo kordhisay suugaanta iyo guud ahaan af Soomaaliga, taariikhduna way xusi doontaa inay baal dahab ah ku leeyihiin suugaanta Soomaalida. Haddaba intaan u gelin su’aasha inna hor yuururta tan iyo sannadkii 1976kii ee ah kumaa hor helay miisaanka maansada Soomaaliyeed? Waxaan is weydiinaynaa, kumaa horta bilaabay baadhista miisaanka maansada Soomaalida? Jawaabta waxaan ka raadinaynaa labada macallin mid walba wixii uu afkiisa ka yidhi.
Aan ku horreyo macallin Gaarriye, Bishii Dis. 17keedii 2005tii ayuu Gaarriye bandhig-suugaaneed ku qabtay guriga dhaqanka iyo hiddaha ee (Oxford house) ee magaalada London ee xaruunta Britan, goobtaa anigu goobjoog ma ahayn hasayeeshee waxa laga soo daayey laanta af Soomaaliga ee B.B.C da caajalad aan diyaarsadayna waan ku duubay oo weli gacantaydaan ku hayaa. Muxaadaradii uu Gaarriye halkaa ka soo jeediyey ayuu ku qaadaa dhigay miisaanka maansada iyo guud ahaan badaha ay ka kooban tahay suugaantu. Abwaan Gaarriye intii uu casharkaa bixinayey wuxuu ku soo daray sababtii ku riixday inuu miisaanka maansada baadho iyo goortii iyo goobtii ay ahayd, wuxuuna yidhi sidan.
"Anigoo arday ah oo sakenderiga ku jira ayaa macallin la odhan jiray Axmad Sheekh Aadan Allaha u naxariistee, ayaa wuxuu noo dhigay miisaanka afka Carbiga ah, wuxuu nooga sheekeeyey nin la odhan jiray Axmad Al-Faraadihi oo helay gabayga Carabiga dhismihiisa.
Wakhtigaa aan anigu daneeyeyna waxay ahayd anigoo 18jir ah amma 19 jir ah. Kolkaa ayaan is idhi tolow af Soomaaliguna ma leeyahay dhacdoooyin caynkaas ah. Khaladka aan markaa hore sameeyey waxay ahayd, dhawr iyo tobanka god ee Carabiga ah ee la I baray inaan ku eego gabaygii Soomaaliga ahaa, markaasaan mar gabay soo qaataa, mar buraanbur baan soo qaataa, mar saar baan soo qaataa, mar shirrab baan soo qaataa, markaasaan is idhaa ku eeg inay is le’eg yihiin ka Carabiga ah. Shaw dameer baan u tu’inayaa faras kolkaasay baqal iska dhalayaan.
Markii la qoray farta Soomaaliga ee aan qori karay baydka Soomaaliga ah 1972kii, ayaan anigu 1973kii markii u horraysay ogaaday inuu af Soomaaligu leeyahay dhisme isaguna, laakiinse ka duwan kii Carabiga, dhisme muusig leh inuu leeyahay baan ogaaday".
Halkaa waxa innooga soo baxay milaygii uu Gaarriye bilaabay doondoonista miisaanka maansada Soomaalida. Gaarriye halkaa ha ii joogo.
20kii bishii May 2008da macallin Carraale waraysi dheer ayuu siiyey degelka Wardheernews. Waraysigaa wuxu Carraale ku faahfaahiyey miisaanka maansada Soomaaliyeed iyo baadhistii badnayd ee uu sameeyey iyo xitaa buugtii uu qoray. Su’aalihii la weydiiyey Carraale waxa ka mid ahayd su’aashan soo socota.
Profasoor Cabdillaahi, goormaad bilawday baadhitaanka miisaanka, maxaase kugu dhaliyey raadraaca miisaanka maansada?
Waxa uu ku jawaabay Pr. Cabdillaahi
"Miisaanka waxa igu baraarujiyey barashada Meterka Ingiriisiga. 1972kii kolkii naloo dhigay sida gabayga Ingiriisku u dhisan yahay, ayaan is weydiiyey keligey, kol hadii gabayga Ingiriisku dhiskan cayiman leeyahay, kii Soomaaligu lahaa mee? "
Waraysigaa Carraale waxa innooga soo mudh yidhi milaygii uu bilaabay amma uu ku baraarugay baadhista miisaanka maansada Soomaaliga.
Haddaba markaynnu si cadaalad ah ugu garnaqno ee nin walba wixii uu afkiisa ka yidhi ku xukunno, go’aanku waa macallin Gaarriye ayaa hor bilaabay baadhista miisaanka maansada. Taa halkaa aan ku dhaafo oo aan u tallaabo arrinta uu muranku ka taagan yahay ee ah, kumaa hor helay miisaanka maansada? Carraale mise Gaarriye?
Sida cadaaladdu inna farayso, haddii laba ruux isku qabtaan lahaanshaha wax muuqda, waa inay caddayn muuqatana keenaan, haddii caddaymo la waayo marag waa in la helaa kala saara. Maraggaasi waa inuu noqdaa mid caddaymo haya amma uu noqdaa mid indhihiisa ku arkayey amma dhegihiisa wax ku maqlayey. Labadan macallin ee aynnu u garqaadayno, muxuu mid walba caddayn iyo marag hayaa?
Aan ku horreeyo Gaarriye, abwaan Gaarriye caddaynta ugu weyn ee uu hayaa waa qoraalkii ku saabsanaa miisaanka maansada ee uu ku soo bandhigay jariidaddii Xiddigta Oktoobar bishii Jeenaweri 17keedii,1976kii. Marag cadna cid baa u furtay oo waa qoraaga la yidhaa Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo)oo xilligaa goobjoog ahaa sidaa uu qoraalladiisa ku bayaamiyey.
Pr. Carraalena muxuu caddaymo iyo marag hayaa?
Macallin Carraale waraysigii uu siiyey WardheerNews bishii May 20keedii 2008da wuxuu ku sheegay in markii uu dhammeeyey gorfeynta gabayga uu saaxiibkii Faarax Abokor (Faarax Askari) oo qoraalladiisa la socday magaalada Markana ay ka wada shaqaynayeen uu Xamar tegey oo hawshiisa warkeeda uu faafiyey, isaga ayaa markaa Gaarriye u sheegay inaan helista miisaanka maansada ku guulaystay. Waxa kale oo uu Pr. Carraale sheegay inay marag goobjoog ah ahaayeen dad badan oo uu qaar magacyadooda xusay. Waxa kale oo uu Carraale waraysigaa ku sheegay in qoraalkii gorfaynta gabayga uu toddobaadkii u horreeyey ee 1976kii uu farta ka qaaday, isla 1976kii ayaa Jaamicaddii ummadu iga iibsatay buu yidhi buuggii gorfaynta gabayga.
Pr. Carraale oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd 1976kii markii uu abwaan Gaarriye bilaabay inuu ku soo qoro wargeyskii Xiddigta Oktoobar miisaanka maansada iyo dooddii arrintaa ku saabsanayd oo dad badani ka qayb qaateen iyo inuu dooddaas ka qayb galay isaga qudhiisu iyo in kale. Waxa uu ku jawaabay, anigu markii qoraalladaasi soo baxayeen waxaan joogay magaalada Marka oo Xiddigta Oktoobar ma heli jirin.
Haddaba waraysigaa uu bixiyey Carraale sheegasho mooye caddayn iyo marag cad midna muu soo bandhigin, waxa gartiisa u buuxin oo qudha isagoo badka soo dhiga caddayn ku saabsan buugga gorfaynta gabayga ee uu sheegay inuu ka iibiyey Jaamicaddii ummadda. Waxa kale oo Pr. Carraale looga baahan yahay inay u marag furaan ragga uu magacyadooda xusay. Midda kale ee uu yidhi magaalada Marka markaan joogay Xiddigta Oktoobar ima soo gaadhi jirin, jawaabtaasu aniga way iga degi weyday , kaba dhig inuu wargeskii Xiddigta Oktoobar aanu magaalada Marka gaadhi jirin. Weydiintuse waxay tahay ragga aad macallin Carraalow aad sheegtay ee saaxiibbadaa ahaa ee kaa war hayey inaad heshay miisaanka maansada ee weliba warkaaga Xamar iyo Gaarriye u geeyey, maxay kuula socodsiin waayeen cilmi baadhista iyo doodaha toddobaad walba maalinta sabtida ah ku soo bixi jiray wargeyskii Xiddigta Oktoobar ?
Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaa (Dhagax meel dhaw buu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer). Aniga oo Jabuuti jooga ayaa xilligaa heli jiray wargeyska Xiddigta Oktoobar ee Xamar ka soo baxayey. Tobannaan ka mid ah nuqulladii berigaa gacantayda soo galay weli waan hayaa oo way ii kaydsan yihiin. Laba ka mida ayaa ah kuwii uu Gaarriye 1976kii ku soo bandhigi jiray miisaanka maansada, midka hore cinwaankiisu waa (Xiddigta Oktoobar, sabti 27ka Maarso, 1976kii, bogga 3aad, sannadkii 4aad, L. 55aad) Midka labaad cinwaankiisu waa (Xiddigta Oktoobar, sabti 3da Abriil, 1976kii, bogga3aad, L.61aad) Haddaba gari Alley taqaan ee nin ma taqaan waatii la yidhiye innagoo u cadaalad falayna labada macallin runtana ka gabbanayn aan u xaq soorno. Maadaama uu Gaarriye haysto caddayn ah inuu wargeskii Xiddigta Oktoobar ku soo bandhigay miisaanka maansada bishii Jeenaweri 17keedii 1976kii isaga ayaa ah aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed inta la helayo wax cad oo burinaya oo uu la yimaaddo Pr. Cabdillaahi Diiriye.
Wax jira Alla og, Ilaah innaga war roon
Waa nabad
Cabdalla X. Cusmaan
Email:Cabdalla_xaaj@yahoo.fr
-------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews