Tuugaw Mareegaale: Tani waa bililiqo aan geedna loogu soo gabban
W/Q Ismaaciil C. Xasan ( Khaliil)
Nov 17, 2008

Print Friendly

"Waxa aad jeclaato ha xadin"
Ibraahim Hawd

Waxay ahayd bishii July ee sannadkii tegay markii aan arkay qoraal aan sumaddiisa garanayay oo lagu faafiyay mid ka mid ah Mareegaha Soomaalida oo uu qof kale isku magacaabay inuu isagu leeyahay halabuurka qoraalkaas. Dhacdadaas foosha xun ee qayra mas’uulnimada ah oo aan u qaadan waayay darteed ayaa igu dhalisay in aan Faallo kooban xilligaas ka qoro bililiqaysiga qoraalada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Qofku inuu Mareeg (Website) furto, iskuna magacaabo Tifaftire, Suxufi ama Wariye waa arrin sahlan, laakiin mihnadda iyo halabuurnimada saxaafadeed waa mid u baahan aqoon, dadaal, xilkasnimo iyo feejignaan badan.

Haddaba iyadoo beryahan dambe ay Soomaalidu iska caadaysatay in ay samaystaan mareego tiro badan, isuna wada caleemo saareen suxufinimo ayaad maalin walba ku arkaysaa wax kaa yaabiya ama kaa dhakafaairiya.

Maalintii Axadda ee 9kii bishan waxaa London ka dhacay Bandhig Suugaaneed ay isugu yimaadeen abwaanno iyo qorayaal caan ah  oo intooda badani ka yimaadeen wadanka Jabuuti. Waxaan nasiib u helay in aan ka qayb galo bandhig Suugaaneedkaas.

Goor galab ah ayaan ka baxay gurigayga iyadoo uu roob da’ayo oo aanay hawadu fiicnayn, anigoo isla markaana u sii raacay Tareen goobta lagu qabanayay bandhigga.
Ka qayb galka bandhiggan waxaan ka lahaa laba ujeeddo

  1. In aan anigu shakhsiyan ka soo faa’idaysto murtida iyo aqoonta ay abwaanadu soo bandhigayaan.
  2. In aan akhristayaasha mareegta WardheerNews ee aan nasiibka u helin in ay ka qayb galaan bandhiggaas aan uga soo diyaariyo warbixin ku saabsan waxyaabihii madashaas lagu soo bandhigay.

Sida  laga yaabo in aad intiina badani aragteen waxaa WardheerNews lagu faafiyay  warbixintii aan ka diyaariyay Bandhiggaas 11kii bishan, iyadoo qaar akhristayaasha ka mid ahina ay ila soo xidhiidheen ka dib markii ay akhristeen warbixintaas.

Waxaa haddaba la yaab iyo u qaadan waa igu noqotay ka dib markii la igu soo wargeliyay in warbixintaas oo aan hal xarafna laga bedelin lagu soo qoray isla maalintii 11kii bishan mareegta SanaagPost.com, iyadoo uu sheeganayo nin isku magacaabay wariye Ismaaciil Yuusuf Ciise (Shidemadaare). Waa ayaan darro weyn iyo xilkasnimo xumo in wax uu qof ku hawshooday uu qof suxufi sheeganayaa inta bililiqaysto uu magaciisa hoosta kaga soo qorto, iskana dhigo qofkii iska lahaa qoraalkaas.

Lama diidana waxna kuma jabna in qoraal meel ku soo baxay meel kale lagu daabaco iyadoo la raacayo anshaxa saxaafadda oo la xusayo shabakaddii iyo qoraagii asal ahaan iska lahaa, balse  waxaan filayaa in ay tahay damiir xumo in inta aad ka tirtid magacii qoraaga iyo mareegtii iska lahayd qoraalkaas in aad iska dhigtid qofkii uu maskaxdiisa ka soo maaxday qoraalkaasi.

Anshax xumada bililiqaysiga qoraalada oo ah mid soo noqnoqota ha noqoto qoraalo Af Soomaali ah ama kuwo kaleeto oo Ingiriisig ah, oo badiyaa inta la min guuriyo ay sheegtaan dad aan asal ahaan lahayn qoraaladaasi. Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in meel looga soo wada jeesto lana kashifo dadka foolxumada noocaas ah caadaysta iyo Mareegaha soo daabaca intaba.

Ereyada af Soomaaliga ah ee lagu tarjumo ereyga Website waxaa ka mid ah  Mareeg. Haddaba saw arrinku hadda noqon maayo Tuugaw Mareegaale, mar haddii ay mareego badani caadaysteen bililiqada iyo fadhataysiga qoraalada.

Ugu dambeystii waxaan ku waanin lahaa ninka qoraalkan bililiqaystay iyo inta dhaqan xumadan la wadaagtaba murtidii Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) ee ahayd Waxa aad jeclaato ha xadin.

Ismail A. Hassan (khaliil)
Email: khaliilha484@hotmail.com
WardheerNews, London

---------------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                  


Copyright © 2008 Wardheernews.com