Hodannimada Afka Miyaga iyo Hagardaamada ay Magaalo ku Hayso
W/Q C/raxmaan C. Faarax (Barwaaqo)
Sept 17, 2008

Print Friendly

Odhaahda Tifaftirka: Qoraalkan Hodannimada Afka oo ah maqaal qiimo weyn leh oo si qoto dheer uga hadlaya hodannimada Afka hooyo, ayaa uu suugaanyahan C/raxmaan Barwaaqo ka jeediyay shir (Buraanbur Conference) ay soo qabanqaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada, kaasi oo lagaga hadlayay suugaanta haweenka . WardheerNews waxay u mahad naqaysaa Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada oo noo suurta gelisay in aan la wadaagno akhristayaasha maqaalkan qiimaha leh.
_________________

Qoraalkan oo ah mid aan ugu talagalay shirkii buraanburka haweenka ee lagu qabtay magaalada San Diego ee dalka Maraykanka, waxaan marka hore kaga warcelin doonaa waydiinta ah: Af waa maxay?

Waxa kale oo aan tilmaami isirka iyo hayb ahaan cidda uu af Soomaaligu la bahda yahay. Intaa ka dib waxan idiin kor xaadin abla ablaynta ereyada afka.  Waxaan intaa raacin oo aan isu foodin sida uu afku ugu tabaalaysan yahay magaalada iyo sida ay hodannimadiisa iyo mucdiisa loogu tegayo miyiga iyo qodaalka.

Aan ku bilaabee, sida ay af-yahannadu sheegaan afku waa baaq codeed oo ujeeddo qeexan oo laysku af garto leh, kana kooban qalabka naqwaha ee ay ka midka yihiin: horgallada, dibgallada; dhexroorrada; isbeddelka ereyada iyo isku dubbarid kooda intaba (Mario Pei 1928). Aqoon yahannadaasi waxa kale oo ay tilmaameen in dhammaan afafka isku si loo adeegsado, af kastana laba qof oo ku wada hadlayaa ay aragtidooda isugu gudbiyaan.

Af Soomaaligu, isir ahaan, wuxuu ka tirsanyahay bahyarta afafka laysku yidhaa Kushitigga oo ka mid ah bahweynta loo yaqaan ‘Afro-Asiatic’. Kuwaas oo ka kooban 375 af, oo dadka ku hadlana lagu qiyaaso 300 oo milyan. Afafkaasi waxay ku filiqsanyihiin woqooyiga, bariga, dhulka looyaqaan Saaxil ee carro-edegta Afrika, iyo dalalka ku yaal koonfurgalbeed ee qaaradda Aasiya. Afafkaasina waxay ka kooban yihiin 1:

1. Afafka Berberka,  2. Afafka Jaadh, 3. Afafkii Masaarida, 
4. Afafka Semitigga,  5. Afafka Kuushka,  6. Afafka Beejada,

Afafka kushitigga waxa haddaba lagaga hadlaa geeska Afrika. Waxana loo kala saaraa kushitigga bari, kuwa dhexe, iyo kuwa koonfureed. Af Soomaaliguna wuxu ka tirsan yahay dirka bari. Afafka Kushatigga bari waxa ugu muddakarsan afka Oroomada oo sida la sheego ay ku hadlayaa dad tiradooda lagu qiyaaso ilaa 20 milyan oo qof. Af Soomaaliga ayaa ku xiga oo ay ku hadlaan dad tiradooda lagu tilmaamo ilaa 9 milyan oo qof. Afka Canfarta iyo ka Siidaamada ayaa ayana ka tirsan bahyartaasi bari2.

Abla ablaynta afka:

Haddii aan abla ablaynta afka wax ka tilmaamo, afku marka hore wuxu u kala baxaa: hadal iyo hunnuuhunnuu. Sidaasi waxa kuu caddaynaysa maahmaahda tidhaa ‘Hun-nuuhunnuu hadal maaha, himbiriirsina wax arag maaha.’Hadalka waxan u kala qaadikarraa ‘hal iyo hawraar’. Halkuna wuxu u kalabixi:

- Magac,
- Magac u yaal,
- Xidhiidhiye,
- Tilmaame,
- Fal,
- Fal kaab, iwm.
Hawraatu waxay iyana u kala baxdaa tix iyo tiraab. Tixdu waa wixii maanso ah.

Tiraabina waa waxa soo hadhay oo dhan ee ay ka midka yihiin curiska, sheeko xariirada, iwm.

  1. Tabaalada uu afku kala kulmay magaalada:

Afka magaalada lagaga hadlaa waa mid aan tayo lahayn. Wuxu u badan yahay shisheeye. Inta Soomaaliga ah waxan u kala saari:
- Badh darayaysan oo laga hiiliyey, cid danaysaana aysan jirin, iyo
- Badh ujeeddooyinkii ay lahaayeen badhba gobol loo garoocay oo haddii aad ku hadasho lagugu qabsanayo.

A. Inta shisheeyaha looga hiiliyey, ee meelahaas ku darxumaysan, oo haddii aan la bakhti afuufinna dabargo’aya waxa ka mid ah kuwa ku saabsan xilliyada maalinta ee hoos ku qoran 2 :

Subax
Aroor
Duhur
Hadhgal
Casar
Kolkay qoraxdu foorarsato
Maqrib
Caweys
Qaqti
Xili, ammin, goor, hilaad
Fursad
Kanshe

 

           

 

 


Waxa kuwaa raaca kuwa cuntada: Intaan Carabtu innoo iman xoolo, ugaadh ama qadhaab ayaan cunijirrey. Inaan ereyadeenna ka tagno oo kuwa cusub qaadannaana waa wax lala yaabo?  Dadka waxan weydiiyaa oo horta intaan carabtu innoo iman miyeynaan waxba cunijirin ma Malaa’iig baynu ahayn? Ereyadaasi aan tilmaamay, tusaale waxa innoogaga filan intan hoos ku qoran 3:

Qado               =          Hadhimo.
Casho              =          Hixraad.
Suxuur             =          Hiraab.
Malqacad        =          Fandhaal, qaaddo.
Sixni                =          Xeedho           

Intaasuun maahee bal yaabka ila eega. Ereyga ‘bisad’  afar erey oo Soomaaliya buu meesha ka saaray oo hadda sii dhimanaya. Waxaanay ereyadaasi kala yihiin: dinnad, yaanyuur, mukulaal, basho. ‘Milix’ waxan meesha uga qaadnay saddexdan erey ee kala ah: cusbo, cadcaddo, sooguddo.

Ereyada oo qudha maaha kuwa laga hiiliyey ee magacyada qudhooda waa la deed- difeeyey. Kuwa diintu innoo keentay kama hadlayo ee waxan ka hadlayaa kuwa aan diinta dhankeeda ka soo aroorin sida ‘Zahra ‘oo ujeeddadiisu tahay Ubax. Waxa, haddaba, isweydiin leh markaad inantaada u bixiso magacaasi waxa aad u xilanaysa waxa u yahay. Horay Soomaaliyi u tidhi: nin geel raacijirey oo geel kale u tegey, hashaa magaceed uun buu korodhsaday.  Halkaa miyaanay arrintaasi ka muuqan?.

Wiilka loo baxshay ‘Fu’aad’ wax weyn looma bixin ee ‘Wadne’ ayaa lagu magacaabay! Kuwan hoos ku xusanina sida kuwaasi weeye ee u fiirso:

Fahad Harimacad
Sitin Lixdan
Bint Inan
Qamar Dayax
Shamis Cadceed, qorax, gabbal, libdho

Intii dagaallada sokeeye dhaceen, talo faraha ayey ka baxday. Waxaanad mooddaa in lagu tartamayo la bixidda magacyada shisheeye. Dugsiyada Quraanka lagu bartaa waxay wada leeyihiin magacyo Carbeed. Tusaale ahaan:

1. Daarul Quraan
2. Daarul Nasri
3. umul Quraan
4. Shaafaci
5. Abullahi bini mascuud

Waxa jira dugsiyo Quraanka iyo Maadooyin kalaba lagu dhigo oo sida kuwaa hore kala siman magacyada shisheeye oo isugu jira Carabi iyo Ingiriisi.

1. School of tomorrow
2. Sun Shine
3. Cambridge
4. Salman Al farus
5. Freedom
6. Cumar Bin Khaddaab

Waxa dalkii  laga furay goobo badan oo dumarka lagu qurxiyo habeennada aroosyada iyo meherrada oo wata magacyo shisheeye sida:

1.  London Beauty Salon
2.  Dubia Beauty Salon
3.  Paris Beauty salon
4.  New york Beauty salon
5.  New Delhi Beauty salon

Meelaha laga helo adeegyada internetka qudhoodu waa magacyo  shisheeye ayey wada xambaarsan yihiin. Tusaale ahaan:

1.  African On line
2.  Som Sat inter net
3.  Skey Line inter net
4.  Flash Tel inter net
5.  Cyber net

Hudheellada qudhoodu dab yar shidimaayaan. Waxaanay badi wataan magacyo shisheeye Tusaale ahaan:

1. Ambassador Hotel
2.  Ming Sing hotel (hada waa dun san yahay sidii kal hore daadadku u qaadeen wali lama dhisin)
3.  Sambisi hotel
4.  Star Hotel
5.  Oreintal Hotel

Rugaha lacagta laga dirsado hadalkooda daa. Waxaad maqlaysaa ama arkaysaa magacyadan hoos ku qoran oo iridahooda sudhan:

  1. Al-Amal
  2. Al Barakat
  3. Tawakal
  4. Mustaqbal
  1. Ereyada ujeeddooyinkooda badhba gobol la siiyo:

Waxa jira ereyo ujeeddooyin badan oo kala jaada leh. Waxana laga yaabaa in ujeeddaba gobol ama deegaan lagu adeegsado. Halkii ay ahayd in laga ururiyo oo laga eego dhanka hodannimada afka ayaa lagu odhanayaa kolkaad ujeeddo kale u barato wuxu ku hadlayaa ereygii deegaan hebel. Haddii aan ereyadaasi tusaale ka bixiyo waxa ka mid ah erayga:

Guduud:

Ereygan guduud waxan aqaannay yaraantaydii intaanan Koonfurba arag. Kolkii abtirsiintayda lay barayey waxa lay sheegey in awoowgey la yidhaa ‘madax guduud’. Waxa kale oo aan maqli jirey ragga sahanka ah oo kolka ay warbixinta sheegayaan yidhaa, ‘Xalay oo dhan guuraanu ahayn. Kolkuu waagu soo guduutay baananu beesha ku soo baxnay.’ Labadaa ujeeddaba waxay tilmaamayaan in midabka laga hadlayaa yahay casaan. Haddii Koonfur laga yidhi ‘canbuur guduudan’ maxaa igu cusub? Haddii aan anigu idhaase ma Makaan gubay?

Bocor:
           
Ereygan qudhiisa waxan aqiin intaanan Xamar arkin. Sida Xamar looga yaqaan intaanan baran dhawr ujeeddo oo kale baan u aqiin ereygaasi. Ugu horrayn subagga caanaha geela laga bixiyo waxa la yidhaa ‘Bocor’. Kolka Xamar laga leeyahay “Heblaayo waa bocor” waxa loo jeedaa waa afo ama inan qurux badan oo hilboon oo cas. Hayeeshee, anigu waan yaabijirey oo waxa isu kay qaban la’aa sida ay gabadhi ku noqon karto bocor! Gabadh anigu waxan u aqaan afo, maranti, ama oori. Bocorna waxan u aqaan bikrad. Waxan isweydiinjirey siday afo bikrad u noqotay. Ereyga ‘bikir’ baa looga hiiliyey ereygii Soomaaliga ahaa.

II. Afka Miyiga:

Intaa haddii aan kaga hadhno afkii magaalada. Bal aan miyina isla eegno. Miyi wuxu noqday wax laysku caayo. Waxanad maqlaysaa tiiyoo la leeyahay “ Waa reer miyi ee maxaad kala hadlaysaa ama Reer baadi waaye!” Runtuse waxay tahay inuu miyi yahay meesha dhaqankeennii iyo ilbaxnimadeennii salka u ah. Hodannimada afka iyo ereyada la raadinayaana halkaasi ayey fadhiyaan. Haddaba, bal aan ayana wax ka tilmaamo:

Intaanu habka reer Yurub ee hadda laysu daweeyaa carrada Soomaaliyeed soo gaadhin, dadka Soomaaliyeed  way yaqaanneen cudurrada ku dhaca,  ayaga iyo duunyadoodaba, waxaanay lahaayeen hab u gaar ah oo ay isu daweyn jireen. Sida dhakhaatiirta hadda jirta ayey jireen rag iyo dumar u banbaxay aqoonta cudurrada iyo daweyntoodaba. Waxaanay lahaayeen magacyo goonniya oo lagu garto. Lab iyo dheddig kuu doonaba ha noqdee kii wax daweeya waxa loo yiqiin “Faraadin”. Qofka dhirta wax ku daweeya “Geedagooye” ayaa la odhanjirey. Haweeneyda wax ka ummulisa “Ummuliso” ayaa loo yiqiin, ta haweenka cudur-hoosaadka ka daweysana “Baanato”4.

Cudur kasta, sida hadda jirta, waxa loo yiqiin astaamo gaar ah oo lagu garto, lagagana aqoonsado kuwa kale ee ay isu dhaw yihiin. Waxaana loo yiqiin dawo gaar ah oo lagu daweeyo. Tusaale ahaan, waxay  Soomaalidu tiqiin in cudurrada layska dhaxlo. Sidaasi awgeed way dawayn jireen. Waxana ka mid ah cudurrada laysku dhalo ka loo yaqaan beerfaraqa. Dad iyo duunyabana way ka daweyn jireen oo dab baa u daw ahaa. 

Waxa kale oo ay yiqiinneen iney jiraan cayayaan aanay indhuhu arkayn oo cudurro keenaa. Tusaale ahaan, ajarrada oo ka mid ah cudurrada indhaha ku dhaca waxay rumaysnaayeen inuu abuuro cayayaan aan la arki karini. Inta dheg yar oo dacar ah oo curdin ah la soo gooyo oo raran la ruubo ayaa sidiiyoo uu qofku indhakuulanayo uu isha u dhexmarinjirey.

Soomaalidu cudurrada dadka iyo sida  loo daweeyo oo qudha may aqoonne waxa kale oo ay aad ugu xeel dheeraayeen cudurrada duunyada ay dhaqdaan ku dhaca sida: geela, lo'da iyo adhiga. Neefka jaba way kabijireen. Dhalma la’aantana way ka daweyn jireen.

Kolkii aan soo doollay, waxan la kulannay baabuur badan. Waxad maqlaysaa tiiyoo la leeyahay ‘taraafig jaam’ baa meel laga maro la waayey. Intii Carabta tagtanayna waxay tidhaa, ‘Saxmad baa meel laga soo maro la waayey’.

Innagu baabuur maynaan lahayn. Hayeeshee, xoolaheenna ayaa ceelasha isku saxmadaynjirey ama taraafig jaam ka dhexdhicijirey. Gaar ahaan kolka ay ceelasha isugu yimaaddaan. Kolka ay xooluhu sidaa isugu yimaaddaan waxa la yidhaa ‘qalo’. Haddii aan ereygeennaa galtibixinno oo nindhaa: qalo baabuur baan meel aan ka soo maro waayey, ma malow baa inna koraya?

Haddii aad u fiirsataan, waxa jira baabuur afka kaga xidhan yahay shiraaq yar oo madow. Shiraaqaa waxa af Ingiriiska lagu yidhaa ‘Nosebra’. Eyda ay dhaqdaan dadkani waxay afka kaga xidhaan qalab sida saabkii haamaheenna u samaysan oo afka lagaga xidhaa si aanu dadka wax u yeelin. Waxana la yidhaa ‘muzzle’.

 
muzzel
Nosebra 
                                                                                                      

Haddii aan ilbaxnimadeennii miyi yar milicsanno, ereyadaa erey u dhigma ayaan ka soo heleynaa. Awrta rareeyada ihi kolka ay qooqaan qaar baa dad cun noqda. Si aanu, haddaba, awrkaasi dadka wax u yeelin kolka la hoggaaminayo waxa afka loo geliyaa saab yar oo u eg kaa ayga ay qoladani ku xidho. Waxana la yidhaa ‘cafuuf’. Miyeynaan, haddaba, labadaa erey kaga maarmikarin keenna?

Weli ilbaxnimadii miyi baan ku jirraaye, dadka Soomaaliyeed waxay  lahaayeen  weel ay adeegsan  jireen. Weel kaasi  ama Qori  buu  ahaan  jirey  ama  Qabo.  Qorigu waa wixii weel ah ee geed laga  qoro ama ka qoran sida:  Xeedhooyinka;  dhiilaha; fandhaallada; dhurayaasha iwm, qabaduna  waa wax alla wixii weel ah ee la tolo 5.

Haddaba, qabada intaan la adeegsanin ama aan wax lagu qabsanin  ee ay cusub tahay waxa la yidhaahdaa " Gocayo." Weel gocayo  ah waxba laguma shubto,   waayo  wuu  wada  daloolaa oo wixii lagu shubaba wuu habaa. Kolka haddaba  la doono in la adeegsado weel gocayo  ah,  marka hore waa la agloolaa ama waa la xooleeyaa ama waa la layeeyaa,  ujeeddada  oo ah  in loo diyaariyo sidii weelkaa loo adeegsan lahaa.

Haddii  haan ama  gorof ( hadhuub-gaal ) mid ahaan la rabo in la agloolo ama  la xooleeyaba, marka hore asal iyo dufan laysku karshay ayaa lagu rogrogaa. Ka dibna waa la hogeeyaa.  Intaasi kolka  ay dhammaatana  caano dhay ah ayaa lagu dhaq-dhaqaa. Ugu dambayntana waa la culaa ( cugaa ) oo la cidaadaa. 

Halkaa waxa haddaba innooga dhuroobey oo innooga cad inaan weel  gocayo  ah  marna  la adeegsanin tiiyoo la agloolo  mooyaane.      

Habkaasi oo ay dadka Soomaaliyeed yaqaanneen intaan Kumbuyuutarku soobixin ama  soo saariddiisuba  ku soo dhicin haabka iyo maskaxda aqoonyahankii soo saaray, miyaanu la mid ahayn habka hadda loo adeegsado Diskiga Kumbuyuutarka?  Diskigu  kolka uu cusub yahay waxba luguma duubi karo haddii aan waxa loo yaqaan "Formatting"  lagu samayn. Intaa haddii aan hal-tebiyo miyaan la odhan karin Diskigu marka hore waa gocayo sidii haamaha, kolka  dambana miyaan la odhan karin waa la agloolayaa ama waa la xoolaynayaa inkasta oo aan isaga xaydh iyo asaltoona lagu dhaqdhaqin? Ujeeddaduse, wax kasta ha lagu sameeyee, miyaanay isku mid ahayn oon loo diyaarineynin sidii wax  loogu  duubi lahaa oo loo adeegsan lahaa?

Ugu dambayntii, miyaynaan si hawl yar af Soomaali ugu hal-tebin karin ereyada af Ingiriiska ah ee qaybtaa kumbuyuutarka  lagu adeegsado oo aynaan odhan karin sidan?

    Format           -        Aglool.
    Formatted      -       Agloolan. 
    Formatting      -       Agloolid.
    Reformat        -       Dib u aglool
    Unformatted  -       Gocayo ah.

           
Dhanka beeraha, waxan ka leennahay ilbaxnimo aan ka dhicin tii ay reer galbeedku soo mareen. Tusaale ahaan bal ila eega qalabkan aan wax ku qodanjirney iyo erey-bixinta ku jirta.6


Hadalkayga waxan ku soo gunaanadayaa maansadan la yidhaa ‘Eel’ oo aan idiin xulay oo iyana ka hadlaysa aragtidaa iyada ah. Waxaanay odhanaysaa:

E E L

Af-soomaaligii baa cabanaya. Ha cawdee kolkii dheg loo jalaq siinwaayey, dadkiisiina wax ka hiiliya iyo wax deeddifeeya u kala jabeen ayaa shimbir u hadlayaa. Shimbirku wuxuu innagu baraarujinayaa inaan joojinno dagaalka lama filaanka ah ee aynnu kula jirno afkeenna. Dulucdu waa ka hortegidda ereyada shisheeyaha ah een loo baahnayn ee ereyo soomaaliya meesha ka saaraya. Aragtidu maaha in laga soo horjeedo in ereyo shisheeye ah la ergisto ee waxa weeye inaan loo baahnayn ereyo shisheeye ah oo ereyo Soomaaliya lagu beddelo sida: subax = aroor; qado = hadhimo; weji = fool; maqrib = fiid; caasimad = magaalamadax; safiir = danjire; macne = ujeeddo; waqti = xilli, ammin, goor; salaan = bariido; dariiq = jid, waddo, marin, surin, iwm.

Xalay gelin dhexaadkii     
Geyigaba dhammaantii
Maraan goobay keligey      
Ayaa geed agtayda ah
Intuu galaw ka oogsaday     
Garabkay luloo yidhi
Ninka gama’a diidee      
Hadba gees deyaayow
Dhawr gu’ iyo dheeraad      
Gabanyohow afkiinnii
Goob aan fogeyn buu       
Garbadduub ku yahayoo
Goohaad maqlaysiyo      
Gurxankaa ku soo galay
Isagoo gabdhooboo      
Geyigaba wixii jirey
Gujisiyo gafane iyo       
Shilin iyo gabaarrey
Inta ay ku goobteen   
Goob fayow u diideen
Gam’i waayey weeyaan !      
Geesaha intaan deyey
Garan waayey dulucdii      
Oon giirtey baan idhi

Galawyohow gammuuxani      
Gudcur baad gudeysaa
Geyigaan ka sookacay       
Gumeysigii afkee jirey
Iyo kii garaadkaba      
Waa horaa la gooyee

Waa maxay garmaamadan      
Iyo gamaskan dheereed
Isla gaabineysaa ?

Intuu goohay buu yidhi      
Goblan geeddi dheerow
Garaad laawihiiyow       
Maanigaa ku gaadoo
Gudcur hoonbinaayoo       
Soo duuley gaartani ?

Gurracow ujeeddada      
Waad garab maraysaa
Maad garannin maansadu      
Gol halkay u leedee
Guud mar bay ahayde       
Gunta aan abbaaree
Dhambaalkaygan gaadhsii       
Gaarriyiyo Hadraawiyo
Ganay iyo Galaal iyo       
Intaan garasho doorbiday
Una sheeg gartaydoo       
Ha gurricin waxaan idhi
Adna qiro garaadli’i !!

Intaan geydhamaan idhi     
Galawyohow gudoodigan
Waad ii gefeysaa      
Garaad laawe meyhiye
Adigaa war gurracanoo      
Dabayl gebi sideedii
Hadba gees maraayee       
Maxaad igu geleysaa ?
Galaw baa hadloo yidhi     
Guhaaddii afkiinnaa
Gefka igu qasbaysee       
Ii dulqaado gacallow
Gartana aan tilmaamee      
Geyigaan ku noollahay
Magacaa geddoomee      
Eeshii gumeysigu
Weli wey gamaartaa!!      

Aan gumeeyo hadalkee
Geedbaa hadloo yidhi      
Gudintaa xagaaftii
Ima gooyn karteene       
Gacan baan ku leeyahay !

Waxan uga golleeyahay      
Guubaabaday tahay
Ragga gabayga tiriyow 
Ereyadii go’doomee
Garka aad u jiiddeen      
Gurmad iyo gargaariyo
Birmad haddaan la gaadhsiin
Oon geedka laga furin
La guubaabin maatada      
La shaandhaynin gabayada
Geestiinnii Allaylehe     
Daad baa ka soo galay !!!!

Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo"
Email: hal_aqoon@yahoo.com

___________

Qoraalkan waxaa uu C/raxmaan Barwaaqo kaga qayb galay shir lagaga hadlayay Suugaanta dumarka oo ay soo qaban qaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada. Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh The Center for Bridging Communities.
---------------------------------
1-www.wikipedia.org/wiki/Afro-Asiatic_languages
2-http://education.yahoo.com/reference/encyclopedia/entry/Afroasia
3. Eeg hordhaca maansada Eel
4. Abwaanka Cudurrada dadka iyo duunyada, Ottawa, 2001
5.Hal-bixinta ereyada Kumbuyuutarka,  buug cusub oo gu’gan soo bixidoona hadduu Eebbe iydhaa.
6. Qalabka iyo suugaanta qodaalka, www.farshaxan.com/Qoraal/0401/Qalabka_iyo_Suuganta_Qodaalka.pdf

---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                                                                   


Copyright © 2008 Wardheernews.com