|
|
Hodannimada Afka Miyaga iyo
Hagardaamada ay Magaalo ku Hayso
|
Odhaahda Tifaftirka: Qoraalkan Hodannimada Afka oo ah maqaal qiimo weyn leh oo si qoto dheer uga hadlaya hodannimada Afka hooyo, ayaa uu suugaanyahan C/raxmaan Barwaaqo ka jeediyay shir (Buraanbur Conference) ay soo qabanqaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada, kaasi oo lagaga hadlayay suugaanta haweenka . WardheerNews waxay u mahad naqaysaa Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada oo noo suurta gelisay in aan la wadaagno akhristayaasha maqaalkan qiimaha leh.
_________________
Qoraalkan oo ah mid aan ugu talagalay shirkii buraanburka haweenka ee lagu qabtay magaalada San Diego ee dalka Maraykanka, waxaan marka hore kaga warcelin doonaa waydiinta ah: Af waa maxay?
Waxa kale oo aan tilmaami isirka iyo hayb ahaan cidda uu af Soomaaligu la bahda yahay. Intaa ka dib waxan idiin kor xaadin abla ablaynta ereyada afka. Waxaan intaa raacin oo aan isu foodin sida uu afku ugu tabaalaysan yahay magaalada iyo sida ay hodannimadiisa iyo mucdiisa loogu tegayo miyiga iyo qodaalka.
Aan ku bilaabee, sida ay af-yahannadu sheegaan afku waa baaq codeed oo ujeeddo qeexan oo laysku af garto leh, kana kooban qalabka naqwaha ee ay ka midka yihiin: horgallada, dibgallada; dhexroorrada; isbeddelka ereyada iyo isku dubbarid kooda intaba (Mario Pei 1928). Aqoon yahannadaasi waxa kale oo ay tilmaameen in dhammaan afafka isku si loo adeegsado, af kastana laba qof oo ku wada hadlayaa ay aragtidooda isugu gudbiyaan.
Af Soomaaligu, isir ahaan, wuxuu ka tirsanyahay bahyarta afafka laysku yidhaa Kushitigga oo ka mid ah bahweynta loo yaqaan ‘Afro-Asiatic’. Kuwaas oo ka kooban 375 af, oo dadka ku hadlana lagu qiyaaso 300 oo milyan. Afafkaasi waxay ku filiqsanyihiin woqooyiga, bariga, dhulka looyaqaan Saaxil ee carro-edegta Afrika, iyo dalalka ku yaal koonfurgalbeed ee qaaradda Aasiya. Afafkaasina waxay ka kooban yihiin 1:
1. Afafka Berberka, 2. Afafka Jaadh, 3. Afafkii Masaarida,
4. Afafka Semitigga, 5. Afafka Kuushka, 6. Afafka Beejada,
Afafka kushitigga waxa haddaba lagaga hadlaa geeska Afrika. Waxana loo kala saaraa kushitigga bari, kuwa dhexe, iyo kuwa koonfureed. Af Soomaaliguna wuxu ka tirsan yahay dirka bari. Afafka Kushatigga bari waxa ugu muddakarsan afka Oroomada oo sida la sheego ay ku hadlayaa dad tiradooda lagu qiyaaso ilaa 20 milyan oo qof. Af Soomaaliga ayaa ku xiga oo ay ku hadlaan dad tiradooda lagu tilmaamo ilaa 9 milyan oo qof. Afka Canfarta iyo ka Siidaamada ayaa ayana ka tirsan bahyartaasi bari2.
Abla ablaynta afka:
Haddii aan abla ablaynta afka wax ka tilmaamo, afku marka hore wuxu u kala baxaa: hadal iyo hunnuuhunnuu. Sidaasi waxa kuu caddaynaysa maahmaahda tidhaa ‘Hun-nuuhunnuu hadal maaha, himbiriirsina wax arag maaha.’Hadalka waxan u kala qaadikarraa ‘hal iyo hawraar’. Halkuna wuxu u kalabixi:
- Magac,
- Magac u yaal,
- Xidhiidhiye,
- Tilmaame,
- Fal,
- Fal kaab, iwm.
Hawraatu waxay iyana u kala baxdaa tix iyo tiraab. Tixdu waa wixii maanso ah.
Tiraabina waa waxa soo hadhay oo dhan ee ay ka midka yihiin curiska, sheeko xariirada, iwm.
Afka magaalada lagaga hadlaa waa mid aan tayo lahayn. Wuxu u badan yahay shisheeye. Inta Soomaaliga ah waxan u kala saari:
- Badh darayaysan oo laga hiiliyey, cid danaysaana aysan jirin, iyo
- Badh ujeeddooyinkii ay lahaayeen badhba gobol loo garoocay oo haddii aad ku hadasho lagugu qabsanayo.
| Subax | Aroor |
| Duhur | Hadhgal |
| Casar | Kolkay qoraxdu foorarsato |
| Maqrib | Caweys |
| Qaqti | Xili, ammin, goor, hilaad |
| Fursad | Kanshe |
Waxa kuwaa raaca kuwa cuntada: Intaan Carabtu innoo iman xoolo, ugaadh ama qadhaab ayaan cunijirrey. Inaan ereyadeenna ka tagno oo kuwa cusub qaadannaana waa wax lala yaabo? Dadka waxan weydiiyaa oo horta intaan carabtu innoo iman miyeynaan waxba cunijirin ma Malaa’iig baynu ahayn? Ereyadaasi aan tilmaamay, tusaale waxa innoogaga filan intan hoos ku qoran 3:
Qado = Hadhimo.
Casho = Hixraad.
Suxuur = Hiraab.
Malqacad = Fandhaal, qaaddo.
Sixni = Xeedho
Intaasuun maahee bal yaabka ila eega. Ereyga ‘bisad’ afar erey oo Soomaaliya buu meesha ka saaray oo hadda sii dhimanaya. Waxaanay ereyadaasi kala yihiin: dinnad, yaanyuur, mukulaal, basho. ‘Milix’ waxan meesha uga qaadnay saddexdan erey ee kala ah: cusbo, cadcaddo, sooguddo.
Ereyada oo qudha maaha kuwa laga hiiliyey ee magacyada qudhooda waa la deed- difeeyey. Kuwa diintu innoo keentay kama hadlayo ee waxan ka hadlayaa kuwa aan diinta dhankeeda ka soo aroorin sida ‘Zahra ‘oo ujeeddadiisu tahay Ubax. Waxa, haddaba, isweydiin leh markaad inantaada u bixiso magacaasi waxa aad u xilanaysa waxa u yahay. Horay Soomaaliyi u tidhi: nin geel raacijirey oo geel kale u tegey, hashaa magaceed uun buu korodhsaday. Halkaa miyaanay arrintaasi ka muuqan?.
Wiilka loo baxshay ‘Fu’aad’ wax weyn looma bixin ee ‘Wadne’ ayaa lagu magacaabay! Kuwan hoos ku xusanina sida kuwaasi weeye ee u fiirso:
| Fahad | Harimacad |
| Sitin | Lixdan |
| Bint | Inan |
| Qamar | Dayax |
| Shamis | Cadceed, qorax, gabbal, libdho |
Intii dagaallada sokeeye dhaceen, talo faraha ayey ka baxday. Waxaanad mooddaa in lagu tartamayo la bixidda magacyada shisheeye. Dugsiyada Quraanka lagu bartaa waxay wada leeyihiin magacyo Carbeed. Tusaale ahaan:
1. Daarul Quraan
2. Daarul Nasri
3. umul Quraan
4. Shaafaci
5. Abullahi bini mascuud
Waxa jira dugsiyo Quraanka iyo Maadooyin kalaba lagu dhigo oo sida kuwaa hore kala siman magacyada shisheeye oo isugu jira Carabi iyo Ingiriisi.
1. School of tomorrow
2. Sun Shine
3. Cambridge
4. Salman Al farus
5. Freedom
6. Cumar Bin Khaddaab
Waxa dalkii laga furay goobo badan oo dumarka lagu qurxiyo habeennada aroosyada iyo meherrada oo wata magacyo shisheeye sida:
1. London Beauty Salon
2. Dubia Beauty Salon
3. Paris Beauty salon
4. New york Beauty salon
5. New Delhi Beauty salon
Meelaha laga helo adeegyada internetka qudhoodu waa magacyo shisheeye ayey wada xambaarsan yihiin. Tusaale ahaan:
1. African On line
2. Som Sat inter net
3. Skey Line inter net
4. Flash Tel inter net
5. Cyber net
Hudheellada qudhoodu dab yar shidimaayaan. Waxaanay badi wataan magacyo shisheeye Tusaale ahaan:
1. Ambassador Hotel
2. Ming Sing hotel (hada waa dun san yahay sidii kal hore daadadku u qaadeen wali lama dhisin)
3. Sambisi hotel
4. Star Hotel
5. Oreintal Hotel
Rugaha lacagta laga dirsado hadalkooda daa. Waxaad maqlaysaa ama arkaysaa magacyadan hoos ku qoran oo iridahooda sudhan:
Waxa jira ereyo ujeeddooyin badan oo kala jaada leh. Waxana laga yaabaa in ujeeddaba gobol ama deegaan lagu adeegsado. Halkii ay ahayd in laga ururiyo oo laga eego dhanka hodannimada afka ayaa lagu odhanayaa kolkaad ujeeddo kale u barato wuxu ku hadlayaa ereygii deegaan hebel. Haddii aan ereyadaasi tusaale ka bixiyo waxa ka mid ah erayga:
Guduud:
Ereygan guduud waxan aqaannay yaraantaydii intaanan Koonfurba arag. Kolkii abtirsiintayda lay barayey waxa lay sheegey in awoowgey la yidhaa ‘madax guduud’. Waxa kale oo aan maqli jirey ragga sahanka ah oo kolka ay warbixinta sheegayaan yidhaa, ‘Xalay oo dhan guuraanu ahayn. Kolkuu waagu soo guduutay baananu beesha ku soo baxnay.’ Labadaa ujeeddaba waxay tilmaamayaan in midabka laga hadlayaa yahay casaan. Haddii Koonfur laga yidhi ‘canbuur guduudan’ maxaa igu cusub? Haddii aan anigu idhaase ma Makaan gubay?
Bocor:
Ereygan qudhiisa waxan aqiin intaanan Xamar arkin. Sida Xamar looga yaqaan intaanan baran dhawr ujeeddo oo kale baan u aqiin ereygaasi. Ugu horrayn subagga caanaha geela laga bixiyo waxa la yidhaa ‘Bocor’. Kolka Xamar laga leeyahay “Heblaayo waa bocor” waxa loo jeedaa waa afo ama inan qurux badan oo hilboon oo cas. Hayeeshee, anigu waan yaabijirey oo waxa isu kay qaban la’aa sida ay gabadhi ku noqon karto bocor! Gabadh anigu waxan u aqaan afo, maranti, ama oori. Bocorna waxan u aqaan bikrad. Waxan isweydiinjirey siday afo bikrad u noqotay. Ereyga ‘bikir’ baa looga hiiliyey ereygii Soomaaliga ahaa.
II. Afka Miyiga:
Intaa haddii aan kaga hadhno afkii magaalada. Bal aan miyina isla eegno. Miyi wuxu noqday wax laysku caayo. Waxanad maqlaysaa tiiyoo la leeyahay “ Waa reer miyi ee maxaad kala hadlaysaa ama Reer baadi waaye!” Runtuse waxay tahay inuu miyi yahay meesha dhaqankeennii iyo ilbaxnimadeennii salka u ah. Hodannimada afka iyo ereyada la raadinayaana halkaasi ayey fadhiyaan. Haddaba, bal aan ayana wax ka tilmaamo:
Intaanu habka reer Yurub ee hadda laysu daweeyaa carrada Soomaaliyeed soo gaadhin, dadka Soomaaliyeed way yaqaanneen cudurrada ku dhaca, ayaga iyo duunyadoodaba, waxaanay lahaayeen hab u gaar ah oo ay isu daweyn jireen. Sida dhakhaatiirta hadda jirta ayey jireen rag iyo dumar u banbaxay aqoonta cudurrada iyo daweyntoodaba. Waxaanay lahaayeen magacyo goonniya oo lagu garto. Lab iyo dheddig kuu doonaba ha noqdee kii wax daweeya waxa loo yiqiin “Faraadin”. Qofka dhirta wax ku daweeya “Geedagooye” ayaa la odhanjirey. Haweeneyda wax ka ummulisa “Ummuliso” ayaa loo yiqiin, ta haweenka cudur-hoosaadka ka daweysana “Baanato”4.
Cudur kasta, sida hadda jirta, waxa loo yiqiin astaamo gaar ah oo lagu garto, lagagana aqoonsado kuwa kale ee ay isu dhaw yihiin. Waxaana loo yiqiin dawo gaar ah oo lagu daweeyo. Tusaale ahaan, waxay Soomaalidu tiqiin in cudurrada layska dhaxlo. Sidaasi awgeed way dawayn jireen. Waxana ka mid ah cudurrada laysku dhalo ka loo yaqaan beerfaraqa. Dad iyo duunyabana way ka daweyn jireen oo dab baa u daw ahaa.
Waxa kale oo ay yiqiinneen iney jiraan cayayaan aanay indhuhu arkayn oo cudurro keenaa. Tusaale ahaan, ajarrada oo ka mid ah cudurrada indhaha ku dhaca waxay rumaysnaayeen inuu abuuro cayayaan aan la arki karini. Inta dheg yar oo dacar ah oo curdin ah la soo gooyo oo raran la ruubo ayaa sidiiyoo uu qofku indhakuulanayo uu isha u dhexmarinjirey.
Soomaalidu cudurrada dadka iyo sida loo daweeyo oo qudha may aqoonne waxa kale oo ay aad ugu xeel dheeraayeen cudurrada duunyada ay dhaqdaan ku dhaca sida: geela, lo'da iyo adhiga. Neefka jaba way kabijireen. Dhalma la’aantana way ka daweyn jireen.
Kolkii aan soo doollay, waxan la kulannay baabuur badan. Waxad maqlaysaa tiiyoo la leeyahay ‘taraafig jaam’ baa meel laga maro la waayey. Intii Carabta tagtanayna waxay tidhaa, ‘Saxmad baa meel laga soo maro la waayey’.
Innagu baabuur maynaan lahayn. Hayeeshee, xoolaheenna ayaa ceelasha isku saxmadaynjirey ama taraafig jaam ka dhexdhicijirey. Gaar ahaan kolka ay ceelasha isugu yimaaddaan. Kolka ay xooluhu sidaa isugu yimaaddaan waxa la yidhaa ‘qalo’. Haddii aan ereygeennaa galtibixinno oo nindhaa: qalo baabuur baan meel aan ka soo maro waayey, ma malow baa inna koraya?
Haddii aad u fiirsataan, waxa jira baabuur afka kaga xidhan yahay shiraaq yar oo madow. Shiraaqaa waxa af Ingiriiska lagu yidhaa ‘Nosebra’. Eyda ay dhaqdaan dadkani waxay afka kaga xidhaan qalab sida saabkii haamaheenna u samaysan oo afka lagaga xidhaa si aanu dadka wax u yeelin. Waxana la yidhaa ‘muzzle’.
![]() |
|
muzzel |
Nosebra |
Haddii aan ilbaxnimadeennii miyi yar milicsanno, ereyadaa erey u dhigma ayaan ka soo heleynaa. Awrta rareeyada ihi kolka ay qooqaan qaar baa dad cun noqda. Si aanu, haddaba, awrkaasi dadka wax u yeelin kolka la hoggaaminayo waxa afka loo geliyaa saab yar oo u eg kaa ayga ay qoladani ku xidho. Waxana la yidhaa ‘cafuuf’. Miyeynaan, haddaba, labadaa erey kaga maarmikarin keenna?
Weli ilbaxnimadii miyi baan ku jirraaye, dadka Soomaaliyeed waxay lahaayeen weel ay adeegsan jireen. Weel kaasi ama Qori buu ahaan jirey ama Qabo. Qorigu waa wixii weel ah ee geed laga qoro ama ka qoran sida: Xeedhooyinka; dhiilaha; fandhaallada; dhurayaasha iwm, qabaduna waa wax alla wixii weel ah ee la tolo 5.
Haddaba, qabada intaan la adeegsanin ama aan wax lagu qabsanin ee ay cusub tahay waxa la yidhaahdaa " Gocayo." Weel gocayo ah waxba laguma shubto, waayo wuu wada daloolaa oo wixii lagu shubaba wuu habaa. Kolka haddaba la doono in la adeegsado weel gocayo ah, marka hore waa la agloolaa ama waa la xooleeyaa ama waa la layeeyaa, ujeeddada oo ah in loo diyaariyo sidii weelkaa loo adeegsan lahaa.
Haddii haan ama gorof ( hadhuub-gaal ) mid ahaan la rabo in la agloolo ama la xooleeyaba, marka hore asal iyo dufan laysku karshay ayaa lagu rogrogaa. Ka dibna waa la hogeeyaa. Intaasi kolka ay dhammaatana caano dhay ah ayaa lagu dhaq-dhaqaa. Ugu dambayntana waa la culaa ( cugaa ) oo la cidaadaa.
Halkaa waxa haddaba innooga dhuroobey oo innooga cad inaan weel gocayo ah marna la adeegsanin tiiyoo la agloolo mooyaane.
Habkaasi oo ay dadka Soomaaliyeed yaqaanneen intaan Kumbuyuutarku soobixin ama soo saariddiisuba ku soo dhicin haabka iyo maskaxda aqoonyahankii soo saaray, miyaanu la mid ahayn habka hadda loo adeegsado Diskiga Kumbuyuutarka? Diskigu kolka uu cusub yahay waxba luguma duubi karo haddii aan waxa loo yaqaan "Formatting" lagu samayn. Intaa haddii aan hal-tebiyo miyaan la odhan karin Diskigu marka hore waa gocayo sidii haamaha, kolka dambana miyaan la odhan karin waa la agloolayaa ama waa la xoolaynayaa inkasta oo aan isaga xaydh iyo asaltoona lagu dhaqdhaqin? Ujeeddaduse, wax kasta ha lagu sameeyee, miyaanay isku mid ahayn oon loo diyaarineynin sidii wax loogu duubi lahaa oo loo adeegsan lahaa?
Ugu dambayntii, miyaynaan si hawl yar af Soomaali ugu hal-tebin karin ereyada af Ingiriiska ah ee qaybtaa kumbuyuutarka lagu adeegsado oo aynaan odhan karin sidan?
Format - Aglool.
Formatted - Agloolan.
Formatting - Agloolid.
Reformat - Dib u aglool
Unformatted - Gocayo ah.
Dhanka beeraha, waxan ka leennahay ilbaxnimo aan ka dhicin tii ay reer galbeedku soo mareen. Tusaale ahaan bal ila eega qalabkan aan wax ku qodanjirney iyo erey-bixinta ku jirta.6

![]() |
Hadalkayga waxan ku soo gunaanadayaa maansadan la yidhaa ‘Eel’ oo aan idiin xulay oo iyana ka hadlaysa aragtidaa iyada ah. Waxaanay odhanaysaa:
E E L
Af-soomaaligii baa cabanaya. Ha cawdee kolkii dheg loo jalaq siinwaayey, dadkiisiina wax ka hiiliya iyo wax deeddifeeya u kala jabeen ayaa shimbir u hadlayaa. Shimbirku wuxuu innagu baraarujinayaa inaan joojinno dagaalka lama filaanka ah ee aynnu kula jirno afkeenna. Dulucdu waa ka hortegidda ereyada shisheeyaha ah een loo baahnayn ee ereyo soomaaliya meesha ka saaraya. Aragtidu maaha in laga soo horjeedo in ereyo shisheeye ah la ergisto ee waxa weeye inaan loo baahnayn ereyo shisheeye ah oo ereyo Soomaaliya lagu beddelo sida: subax = aroor; qado = hadhimo; weji = fool; maqrib = fiid; caasimad = magaalamadax; safiir = danjire; macne = ujeeddo; waqti = xilli, ammin, goor; salaan = bariido; dariiq = jid, waddo, marin, surin, iwm.
Xalay gelin dhexaadkii
Geyigaba dhammaantii
Maraan goobay keligey
Ayaa geed agtayda ah
Intuu galaw ka oogsaday
Garabkay luloo yidhi
Ninka gama’a diidee
Hadba gees deyaayow
Dhawr gu’ iyo dheeraad
Gabanyohow afkiinnii
Goob aan fogeyn buu
Garbadduub ku yahayoo
Goohaad maqlaysiyo
Gurxankaa ku soo galay
Isagoo gabdhooboo
Geyigaba wixii jirey
Gujisiyo gafane iyo
Shilin iyo gabaarrey
Inta ay ku goobteen
Goob fayow u diideen
Gam’i waayey weeyaan !
Geesaha intaan deyey
Garan waayey dulucdii
Oon giirtey baan idhi
Galawyohow gammuuxani
Gudcur baad gudeysaa
Geyigaan ka sookacay
Gumeysigii afkee jirey
Iyo kii garaadkaba
Waa horaa la gooyee
Waa maxay garmaamadan
Iyo gamaskan dheereed
Isla gaabineysaa ?
Intuu goohay buu yidhi
Goblan geeddi dheerow
Garaad laawihiiyow
Maanigaa ku gaadoo
Gudcur hoonbinaayoo
Soo duuley gaartani ?
Gurracow ujeeddada
Waad garab maraysaa
Maad garannin maansadu
Gol halkay u leedee
Guud mar bay ahayde
Gunta aan abbaaree
Dhambaalkaygan gaadhsii
Gaarriyiyo Hadraawiyo
Ganay iyo Galaal iyo
Intaan garasho doorbiday
Una sheeg gartaydoo
Ha gurricin waxaan idhi
Adna qiro garaadli’i !!
Intaan geydhamaan idhi
Galawyohow gudoodigan
Waad ii gefeysaa
Garaad laawe meyhiye
Adigaa war gurracanoo
Dabayl gebi sideedii
Hadba gees maraayee
Maxaad igu geleysaa ?
Galaw baa hadloo yidhi
Guhaaddii afkiinnaa
Gefka igu qasbaysee
Ii dulqaado gacallow
Gartana aan tilmaamee
Geyigaan ku noollahay
Magacaa geddoomee
Eeshii gumeysigu
Weli wey gamaartaa!!
Aan gumeeyo hadalkee
Geedbaa hadloo yidhi
Gudintaa xagaaftii
Ima gooyn karteene
Gacan baan ku leeyahay !
Waxan uga golleeyahay
Guubaabaday tahay
Ragga gabayga tiriyow
Ereyadii go’doomee
Garka aad u jiiddeen
Gurmad iyo gargaariyo
Birmad haddaan la gaadhsiin
Oon geedka laga furin
La guubaabin maatada
La shaandhaynin gabayada
Geestiinnii Allaylehe
Daad baa ka soo galay !!!!
Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo"
Email:
hal_aqoon@yahoo.com
___________
Qoraalkan waxaa uu C/raxmaan Barwaaqo kaga qayb galay shir lagaga hadlayay Suugaanta dumarka oo ay soo qaban qaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada. Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh The Center for Bridging Communities.
---------------------------------
1-www.wikipedia.org/wiki/Afro-Asiatic_languages
2-http://education.yahoo.com/reference/encyclopedia/entry/Afroasia
3. Eeg hordhaca maansada Eel
4. Abwaanka Cudurrada dadka iyo duunyada, Ottawa, 2001
5.Hal-bixinta ereyada Kumbuyuutarka, buug cusub oo gu’gan soo bixidoona hadduu Eebbe iydhaa.
6. Qalabka iyo suugaanta qodaalka, www.farshaxan.com/Qoraal/0401/Qalabka_iyo_Suuganta_Qodaalka.pdf
---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews