|
![]() |
|||||
Waxaa intaas oo dhan badalay dagaal ku salaysan magaca tawxiidka Alle, iyo qiridda Rasuulkii Muxumed ahaa (NNK) inuu yahay nabigii ugu danbeeyey ee Alle u soo diray ummada caalamka oo dhan, si uu u gaadhsiiyo shucuubtii iyo qabaa’ilkii ku dhaqnaa qaaradda afrika, khaasatan Geeska Afrika. Taasna waxa fulinayey dad Islaam ah oo isugu jiray, Oromo, Canfar, Carab , Soomaali, Amxaaro, inkastoo dadkaas arinkaas fulinayey ay u badnaayeen Soomaali oo ciidanka oo dhani ka koobnaa qaba’iladda ay Soomaalidu ka koobantahay oo wakhtigaas u guntaday in ay la diriraan Kuffartii ay wada daganayeen Ardul XABASHA, ( dhulka xabashida) oo markaas ka koobnayd halka ay dagan yihiin dadka ku dhaqan Geeska Afrika oo dhan. Qarnigii lix iyo tobnaad waxaa gayiga ay Soomaalidu dagto ka soo dhex baxay, halyey cid kasta taqaanno waa Axmed Ibraahim “Al-qasi” Axmed-gurey Alleha wayni ha u naxiistee, oo taariikhdana ku galay magaca duullaan badane. Waxa uu ahaa halyey u xuubsiibtay soo noolaynta rajada Islaamka ee luntay, inkasta oo uu ahaa wakhtiga uu dagaalka galay nin aad u da’yar oo taariikhdana baal dahab ah ka galay. Axmed Guray waxa uu ka dhiidhiyey dagaalada ay Mushrikiinta ama gaaladu ku soo qaadi jireen dadkii Islaamka ahaa ee diinta Islaamka ah ehelka u ahaa. Axmed-Guray waxa uu ahaa, nin aad u calool adag geesinimana ku caanbaxaay, isagoo soo furtay dhulkii Xabashida intii ugu badnayd, kaniisada badan gubay, Xoolahoodii iyo dahabkoodiina ka boojiyey, Badriiqyo bandanna ka dilay, Ilaahayn Ruuxdoodii ayuu naarta ku dadajiyey. Badriiqyadu waa Baadariyada kaniisadaha oo yagu hogaaminayey ciidamada kuffaarta badankooda. Axmed-Guray waxa la sheegay sida ku xardhan Buuggan Fatuuxal xabashah, in uu intii duullaan ee uu qaadayba ku guulaystay, meelaha uu awoodaha kaga roonaday ciidamada kuffaarta waxaa ugu mudan dagaalkii “Shinbiro kore” oo markii uu dagaalka galinayey ku dar-daarayey “Dadyahow Islaamka ahi Samirku waa guul, jabkuna waa hungow, ogaada inay kuwa samra guusha la hoydaan, hungowga iyo fulaynimaduna ogaada waa laba sababood oo lagu hoogo cida adkaysataa Ilaahay waa kii uga hiiliya cadowgiisa, qofka ku samra seefaha afkooda barri ayuu libinta gaadhaaa, intaa dabadeedna dhib is ma arkayaan, waayo marka uu ilaahay la kulmo ayuu ku soo dhaweeyaa maamuus oo waxa uu mahadiya hawshii uu qabtay, Ilaahayna qofka samra waa jecelyahay” Axmed-Gurey. Waxa kale oo uu imam Axmed ku lahaa ciidamadiisii , “waataa xuural-cayntii seefahiina afkooda hadhsanaysa” isagoo uga jeeday in qofkasta oo ku shihiida dagaalkaas uu Ilaahay xuural cayntii jannada ugu abaal gudayo. Buugga fatuuxal Xabashah oo ay tarjumeen Macalin Maxamed Cabdillaahi Riiraash, iyo Aadan Xasan Aadan Beleloo, uuna qoray ninka lagu magacaabo, Shibaabu-Diin Axmed C/qaadir Saalim Cisman “Al-jiisaani” oo isagu intii ay dagaaladaasi dhacayeen oo dhan goob-joog ahaa, waxa uu sugayaa dhacdooyin badan oo la ilaabay baalkalena la isaga tuuray. Waa mudantii aynu ku faani lahayn maadama ay udun-dhexaadka dagaalada Fatuuxal Xabashah ay Soomaali u badnayd, haddana in mar hore buug laga soo saaro ayey ahayd, taasna waxaa mahadadeeda iyo manfaceedaba iska leh inta Ilaahay ka sokeysa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabouti “Ismaaciil Cumar Geelle” oo buuggan isagu qaybta ugu wayn ka qaatay, runtiina sida buugga ku qoran haddii ay jiri lahayd waxa ka mudan ama ka macaan oo la yidhaahdaa dadka Soomaalidu way odhan lahaayeen, runtii inta buuggaas ururinteeda iyo diyaarinteedaba ka qayb qaadatay ay aad u badnaayeen, haddana dhamaantood in loo wada mahad celiyey ayaan filayaa. Fatuuxal Xabashaha waxa uu ka kooban yahay ilaa afar boqol oo bog iyo dheeraad, jaldiga buuga waxa ku dhajisan sawir gacmeed taallo ah, waa imaamkii oo fuushan faras waran iyo gaashaan gacmaha ku sita. Waxa ka muuqda gadhwayn oo isku jooga , halka uu madaxana ku duubanyahayna cimamad inkastoon sawirku si sax ah u wada muuqan. Waxa laga soo qaatay taalladii Axmed-Guray ee ku taallay magaalada Xamar. Jaldiga dhinaca kalena waxa ku sawiran ciidan fardoolay ah oo cartamaya, dagaalkana u halilaya. Buuggani waxa uu tusaale cad innaga siiyey guuliihii ugu waawaynaa ee ay gaadheen ciidamada Islaamkii, buuggan waxaa fiican in uu guri kasta ka lusho, si uu caruurteena dhalata aynu uga dhaadhicino inay Somaalinimada Islaanimadu ku ladhantahay ay libin keento, halkii waayadii hore dhagta loogu ridi jiray in reer hebel intaas lagu dhuftay. Fatuuxal Xabashah, waxaa ku dhex duugan intii dagaal ee uu imaamku ku qaaday Amxaaradii kiristanka ahayd, waxaa ku jira dhimashadiisii oo ay ciidamada Bortaqiisku xabad la eegteen, oo uu halkaas ku shahiiday, wiil uu abti u ahaana duulaankii halkaa ka sii waday. Waxay ina tusaysaa in ciidamadaas fulaynimadooda iyo jabintii la jabiyey Amxaaradi ay Yurubiyaan miciinsadeen. Guulaha waawayn ee islamku gaadhay Fatuuxal Xabashana tilmaamyo, waa wax inoogu filan faan iyo awood aynu lahayn waayo hore, wakhtiganse aan muuqan, maqnaanshaheedana la tabayo, marka ay islaanimo noqoto waa wax inoo wada kaydsan oo inoo yaalli doono. Qarniga ay sheekadani dhacdayna maaha qarni dhaw, waa qarnigii lix iyo tobnaad , shan qarni ka hor. Waxaan u mahad celin ballaadhan u dirayaa, labada Tarjume:
Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |