|
![]() |
|||||
Heshiisyada noocan ah markii la galayo waxa dowlad waliba tahay in ay ku qorato waraaqdeeda dowliga ah oo dusha ku leh astaanta Dowllada, Dowllada Somaliyeed waa in ay soo bandhigto nuqulkeeda, haddii kale dadku waxa ay u qaadanayaan in heshiiska ay soo qoratay Dowladda Kiinya, Somaliyana laga saxiixday. Sharciga "The Law of the Sea Treaty" oo markii hore loo yiqiin “The Third United Nations Convention on the Law of the Sea” markii la soo gaabiyana la yiraahdo UNCLOS III, wuxuu hirgalay 1982kii. Ujeeddada xeerku waxa ay aheyd in marka hore ay beddesho kii koowaad UNCLOS I ee 1958 iyo kii Labaad UNCLOS II ee 1960, kuwaasoo la aaminsanaa in aysan dhameystirneyn. Xeerka oo laga wada hadlay 1970kii, ujeedada kale ee laga lahaa waxa ay aheyd in lala jaanqaado isbeddelka dhaqaale ee dunida qaarkeed ku soo kordhay. Waxa kale oo loo baahday in la fududeeyo ganacsiga iyo marinka badaha. Taasi darted waxa uu heshiisku farayey dalaka ku heeran badaha in ay soo gudbiyaan xadka ay sheeganayaan oo ay ku jirto ilaa 12 mile oo gudaha badda ah iyo shishe 200 mile oo dhaqaale ahaan ay uga macaashi karaan. (a) Mareykanka: Heshiiska markii la soo hordhigay Qaramada midoobay 1982kii, Mareykanka oo uu madaxweyne xilligaas ka ahaa Ronald Reagan waa diiday in uu saxiixo. Reagan oo ahaa xisbiga conservative ka, wuxuu aaminsanaa in aan la xadeyn oo aan la soo koobin ganacsiga. Ilaa iyo haddana Amerika heshiiskaas wali ma saxiixin in kastoo guddiga arimaha dibadda ee aqalka congress-ka ay soo gudbiyeen. (b) Soomaaliya: Dalka Somaliya wuxuu xad badeed la leeyahay dalka Jabuuti-Gacanka Carbeed oo ka xiga woqooyi Galbeed iyo dalka Kiinya-Badweynta Hindiya oo ka xiga koonfur. Sida la wada ogsoon yahay, Somaliya ma aqoonsana xadka ay la wadaagto labada dale e aan kor ku sheegnnay. Waxa u baahan in la xusuusto in Somaliya aysan saxiixin xeshiiskii OAU-da ee lagu heshiiyey in loo daayo xuduudaha Afrika sidii gumeysigu uga tagay! Sidaas darted Somaliya suurto gal uma ahan ama uma fududa in ay qeexdo xad badeed ay la jeexato Jabuuti iyo Kiinya baddaha ay la wadaagto, kadibna ay soo oodato 200 mile xeebta Somaliya ka fog. Laakiinse waa in ay yeelato oo ay soo gudbiso xeerka badda inta ay sheegato. Somaliya waxa ay 10kii September 1972kii soo bandhigtay Xeerka Lambarkiisu yahay 37 ee Badda iyo Dekedaha oo ka kooban 20 qodob. Qodobkiisa koowaad waxa uu ka leex-leexday in uu xaddadu meesha u dhaxeysa Dalka Somaliya iyo dalalka deriska la ah xagga badaha. Waxa uu caddeeyey oo kaliya in ay Somaliya leedahay 200 oo mile biyaha u jira xeebta Somaliya cidii ama dalka ku soo xadgudbana sharciga lala tiigsan doono. Xudduud kor dhanka Hindiya ka soo xiran, laakiinse ka furan labada garab ee xiga Kiinya iyo Jabuuti. Sidaas bey Xeerkaas ku diiwaan galisay Qaramada Midoobay kuna saxiixday Sharciga badaha 10kii December 1982kii. Somaliya waxa ay markale cusboneysiisay sharcigaas 24kii July 1989kii. Waxaa xusuus mudan Somaliya marnaba wax map ah ama khariidad calaamadeysan ah kuma aysan lifaaqin heshiiskaas. (c) Kiinya: (d) Jabuuti: Dalka Jabuuti waxa uu xudduud xagga badda ah la wadaagaa Eriteriya-Red Sea (West), Somaliya-Gacanka Carbeed (East) iyo Yaman (North). Jabuuti iyadu waxa ay xubin ka noqotay Qaramada midoobay 1dii February 1978kii. Waxa ay ka mid aheyd iyaduna dalalkii ugu horreyntiiba saxiixay heshiiska 10kii December 1982kii. Noqulkii ugu horreeyey waxa ay ku lifaaqday sharci badeed ay ula baxday “Law No. 52 concerning the territorial sea, the contiguous zone, the exclusive economic zone, the maritime frontiers and fishing”ee 9kii January 1979. Kaas oo ka kooban 20 qodob. Inkasta oo ay qeexday halka oo noqonayo xadka u dhaxeeya iyada iyo Somaliya, haddana qodobka 15aad ee xeerku waxa ku cad in ay dooneyso in ay heshiis la gasho dalalka ay xudduudka xagga badda ah la wadaagto. Xeerku waxa kale oo ku cad in inta heshiiskaas laga gaarayo ay Jabuuti dhowri doonto oo aysan ku xad gudbi doonin xadka dhex-dhexaadka ah. Jabuuti waxa ay mar kale cusboneysiisay heshiiskaas 8dii Oktobar 1991dii, iyada oo ku lifaaqday wareegto Wasiirka Kowaad xafiiskiisa ka soo baxday oo ka kooban seddex qodob. Wareegtada waxa ay ku soo lifaaqday map Faransiisku sameeyey markii uu sharciyeysanayey dalka Jabuuti kuna sheegayey halka uu ku eg yahay xuddudaha ay Jabuuti la leedahay Eriteriya iyo Somaliya. (e) Maxaa ka soo cusboonaaday Xeerka Badda? Waxa dalaka qaar soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo 200 oo mile. Taas oo macnaheedu dadka qaar u fasirteen in ay tahay in Mareykanka lagu soo jiito si uu uga qeyb galo heshiiskan. Waxa ay Guddiga Xeerku ku wargaliyeen dalalka saxiixay heshiiskan in ay soo kordhistaan oo soo sheegtaan xadka dhaafsiisan 200 oo mile inta ka horreysa 13 bisha May 2009. Kiinya waxa ay rabtaa in ay kordhisato oo ay 200 mile ka badsato dhirirka baddeeda marka loo kaco badweynta xagga Hindiya. Dadka waxa loo baahan yahay in ay fahmaan in Kiinya aysan waxba ka beddeli Karin ballaarka xeebta dhanka Somaliya iyo dhanka Tanzaniya. Kiinya iyo Tanzaniya wax dhib ah kama jiraan xagga xadka oo si barbar socod ah ayey u wada kororsan doonaan. Somaliya iyo Kiinya wey kala dheeraan doonaan haddii Somaliya aysan kororsan iyaduna. (f) Heshiiska Kiinya iyo Somaliiya: Heshiiska lagu kala saxiixday dhowaan Nayroobi waxa uu abuuray sawaxan faro badan iyo warar qof waliba iska qeexay iyadoo aanan la fahmin. Heshiiska waxaa ku cad:
Heshiisyada noocan ah markii la galayo waxa dowlad waliba tahay in ay ku qorato waraaqdeeda dowliga ah oo dusha ku leh astaanta Dowllada. Midda aan wada aragnnay waxa iska leh Dowlladda Kiinya. Nuqulkii Dowllada Somaliyeed lama arag wali. Dowllada Somaliyeed waa in ay soo bandhigto nuqulkeeda, haddii kale dadku waxa ay u qaadanayaan in heshiiska ay soo qoratay Dowladda Kiinya, Somaliyana laga saxiixday. ______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |