Home Articles Somali Songs About us  

 


Wadaad Fakeraya!
WQ. Abdullaahi M. Aadam
August 14 , 2009

Waxaa ceeb wayn ku ah af Soomaaliga in erayga feker uu yahay eray Carabi  ah oo aan afkeenna hooyo ku jirin. Malaha in erayga feker aan ka soo amaahanno af Carabiga waxaa nagu qasbaya, in aynu nahay ummad aan fakerin oo hadba wixii loo dhiibto meelaha la wareega. Waa dood wayn oo u baahan in cilmi baaris gaar ah lagu sameeyo sababta afkeenna hooyo  looga waayay eray u dhigma kan Carabiga ah ee feker.  Si kastaba ha ahaatee waxa aan maqaalkan kooban  ugu dabbaaldagayaa wadaad had iyo goor ka fakara sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa!

Marka loo kuur galo sida aan u noollahay, wadaaddadu waa dadka ugu liita marka ay timaado in laga fakaro xalka dhibaatada Soomaliya. In sidaas wadaaddada loo eedeeyo, waxaa sababaya hab dhaqankooda, gaar ahaan  wixii ka danbeeyay burburkii dalka. Wadaadaddu waxay caan ku noqdeen in markii ay is qabtaan bulshada inteeda kale in ay ku dhawaaqaan ereyo ay ka mid yihiin in diintii laga horyimid oo ay waajib tahay in ay jihaadaan. Markasta oo ay xanaaqaan ama xukun ay raadinayaan waxay daliishadaan  jihaad balaaran oo la mid ah kii lagu qaaday Abuu Jahal!

Sheekh Maxamed Idiris

Intii an ku guda jiray aqriska qoraalada iyo buuggaagta ay qoreen Soomaalidu, weli ma aanan arag qoraallo dhaxal gal ah oo ay qoreen wadaaddada Soomaaliyeed, marka laga reebo maqaalada  Sheekh MAXAMED IDIRIS oo had iyo jeer soo bandhiga qormooyin ay ku farxaan qalbiyada jecel in dhibaatada Soomaaliya lagu xaliyo feker ku qotoma wadaninimo. Wadaaddadu waxay ku mashquuleen in  had iyo jeer ay cajalado ku duubaan casharo diini ah oo u badan waxa af Carabiga lagu yiraahdo laqbo ama fasiraad. Way yar yihiin wadaaddada isku hawla in ay cilmi baaris sameeyaan, oo dadkooda  u soo bandhigaan xal laga soo dhiraadhirayay feker gaar ah oo la jaan qaadi kara dhibaatada Soomaaliya.

Wixii ka danbeeyay sannadii 2005tii, waxaan il gaar ah ku hayay qoraalada Sh. Maxamed Idiris, oo aan si joogto ah u aqrin jiray. Maqaalkiisi ugu danbeeyay ee ahaa HANTIILAYAASHA CAYDHA AH wuxuu xanbaarsanaa cilmi baaris qoto dheer iyo barashada khayraadka wadankeenna hooyo. Farriinta ugu mugga wayn ee maqaalku xanbarsanaa  ayaa ahayd in aan nahay hantiilayaal marka la eego khayraadka wadankeenna dhex ceegaaga, basle shiikhu wuxuu si wayn ugu nuux nuuxsaday in aan nahay Caydh ka fara maran hantida ugu qaalisan ee ilma Aadan ay ku kala hormareen, waana hantida laga dhaxlo maskaxda shaqaynaysa. Caqli ku hawlan in uu curiyo aragtidii lagu xallin lahaa dhibaato markaas taagan ayaa ah hantida ugu qaalisan ee aynu caydha ka nahay!

Dad badan oo  garasho ahaan liita ayaa waxay ku doodaan in caqliga aan loo baahnayn. Doodaas waxay u cuskadaan in diinta  iyo caqliga ay iska hor imaanayaan, sidaa daraadeedna ay qasab tahay in caqliga la xabiso. Marka la xabiso caqliga, waxaa la adeeegsanayaa caadifad cuskan caaqnimo. Doodaas caatada ah waxaa lagaga gaashaaman karaa in la helo culumo bulshada u caddeeya in diinta iyo caqliga aysan iska hor imaanayn, sida ku cad diinteena islaamka. In la helo culumadaas ayaa ah rajo adag, waayo waxaa  nagu badan wadaaddo wareersan oo wadankii dhan walba ka soo weeraray ayagoo xukun iyo nolol doon ah.

Markasta oo caqliga la xabiso,  noloshu waxay gashaa ciriiri sida ku cad taxanaha taariikhda ilma Aadan. Iska hor imaadyadii iyo dagaaladii ka dhacay guud ahaan dunida waxaa sabab u ahaa adeegsiga caadifadda iyo ka fogaanta caqliga. Sida aan ognahay qabiilada Soomaalidu waxay isku xasuuqeen si nacasnimo ah, illaa haddana lama sheegi karo sabab maan gal ah oo ay Soomaalidu isugu geysato dabargoyntaas.  Inta sababta u raadisa dagaalada Soomaalida ka dhex aloosan, waxaa ugu liita kuwa sheegta wadaaddada oo ku sababeeya dhibaatada Soomaaliya in ay tahay caradii Rabbi oo dalka ku dhacday.

Dhibaatada Soomaalidu ma aha caro Rabbi oo ku dhacday, mana ahan caddaalad darro, sidoo kalena ma ahan cadow na soo weeraray. Dhibaatada na haysataa waa mid aad u fudud fahankeedu, umana baahna falsafad iyo dood lagu xuurtoodo. Dhibaatadeennu waa in innag oo aan fahmin Nolosha. Fahamka noloshu uma baahna wacdi iyo sharraxaad dheer. Fahamka noloshu waa in aad dantaada garatid. Taasina waxay ku xiran tahay sida aad uga qaan gaartay garashada.

Fahamka noloshu ma aha in maalin walba laga qayb galo shir ceebeed lagu qabto dalalka dariska ah, mana aha in laga tuugsado shirarka caalamka iyo in  laga dawarsado wadamo shisheeye. Sidoo kale fahamka noloshu ma aha in inta cimaamad gaduudan la qaato in af carabi caato ah lagu gaallaysiiyo ummad dhan oo islaam soo ahayd qarniyo badan. Waxa weliba intaa dheer in aanu fahamka noloshu ahayn in lagu dhex macaluulo waddan khayraadka ku jira ay ku filan yihiin 145 malyan oo qof sida Sh. Maxamed idiris ku xusay maqaalkiisa.

Doodda ah in aynaan wali fahmin sirta fudud ee noloshu, waxay nagu dhiirri galin kartaa in aynu xalka ka baadi goobno jihooyin cusub oo aan ahayn gawaanka cidlada ah ee aan ku hungownay.  Dhammaan inta ku hawlan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya waa in ay ka duulaan aragtida ah in aynaan wali nolosha fahmin oo ay qasab nagu tahay marka hore in aan si guud u wada qirno sida qaldan ee aan  nolosha u qaadannay.

Ummaddaha kale ee Islaamka ahi waxay leeyihiin culimo ama wadaaddo fakaraya oo ku howlan sidii ay ummadooda u badbaadin lahaayeen aakhiro iyo adduunba. Waxay had iyo jeer isku howlaan sidii ay dadkooda ugu sharixi lahaayeen danahooda gaarka ah iyo tan guud ee muslimiintaba. Haddii aan nahay qawmiyadda ku silicsan Geeska Afrika, waxaynu u baahannahay culimo sidaas oo kale ah. Waxaan u baahannahnay culimo wax qorta ee aan cajalado duubin. Waxaan u baahannahay culumaa’uddiin la hadla caqliga ee aan caadifaddeena ka faa’idaysan. Waxaan aaminsanahay in Sh. Maxamed Idiris uu ka mid yahay culimada aan sida wayn ugu baahannahay maraxaladan adag!

Abdullaahi M Adam (Sociologist)
E-Mail:exmurux@hotmail.com
_________________________________________________________________________________ 

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com