|
|
Gabay: Lixdankii dad jira baan ahayn
W/T Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Dec 2, 2009
|
Dhammaan salaan ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto. Waxaan halka idiin kula wadaagayaa gabayga LIXDANKII DAD JIRA BAAN AHAYN. Gabaygan waxa igu dhaliyey ka dib markaan akhriyey gabay gabadh da’yar ahi tirisay oo la yiraahdo Sahra Bashiir o olagu soo saaray WardheerNews. Gabaygeeda 1960: Kun Sagaal Boqol iyo Lixdankii, oo afka Ingiriisiga ku qoran, ayaa ah mid damqasho weyn ku reebaya qofkii fahmi kara dulucda uu xambaarsan yahay.
Waxa taasi igu dhalisay, inaan jawaab siiyo Sahra, ugana warramo bal sida xaal yahay maanta. Waa dareen aniga iga soo go’ay iyo aragtidayda suugaaneed. Waxaan rejeynayaa inaad ka bogan doontaan, maaddaama dadka Soomaaliyeed badidiisu afkooda wax ku akhrin karaan. Waxa kaloo lagama maarmaan ah in da’yarta Soomaaliyeed oo hibadii suugaaneed leh, iyaga oo afaf qalaad wax ku bartay, la gaadhsiiyo, looguna tarjumo afafka caamka ah sida: Carabiga, Ingiriisiga iyo Faransiiska.
Gebagebadii waxan ilaahay ka baryayaa inuu dalkeennii nabad nooga dhigo, ina solonsiiyo dhibaatadeenna sii laba lixaadsanaysa maalin walba.
Gabay-Lixdankii dad jira baan ahayn…
Anoo Sahra wax tusaalaynaya, wuxu ku bilowdaa gabaygu sidan
- Gabadhyahay daliilkaaga gabay waygu duxayaaye
- Damiir baygu laabane indhaha kuma daliigsheene
- Diirkiyo laftuu xulay sidii dhiigga deeddama’e
- Damqashiyo xanuun baygu kacay doogtii aan qabaye
- Dubaakhayga waa gubay sidii dukhunka naareede
- Daliilyaan ka qaadiyo inaan diifto layl dhexe’e
- Dabuubtaadu waxay daarrantaa ruux dareen qaba’e
- Soomaali waa wada dammiin daaduf iyo liide
- Derejiyo in magac doonaysoo duubab loo sudhaye
- Shaydaanka duufsada khalqiga baa u dawladahe
- Dersinkii qabiilkuu u dhigay laysku dabar gooye
- Diintii ilaahbaa beryahan laysku dilayaaye
-
Dar qaxootinimo laasimiyo qaar ku daba jooga
- Qaar dulin walaaluun u nool daa’in ka irdhoobay
- Iyo qaar dillaalloo dalkii dibad u iib geeyey
- Saddexdaa dudday maanta tahay doqontii Soomaale
- Cid u diirnaxdiyo daa daryeel lagula daalaaye
- Dulli waliba meeshiisibuu durey la jiifaaye
- Lixdankii dad jira baan ahayn duul ismaamula’e
- Maantana daleel baynu nahay daawa aan dhigane
- Duuggana Allaa garan halkuu nagu dambaysiine
- Waxba dacar ha igu oogin iyo milil daboollaaye
- Waxba qayrkay inan dib uga hadhay ha i dareensiine
- Degmooy waa gartaa maanta inad iga dul oydaaye
- Wax ku daaray Soomaalidaa daaha laga saarye
- Daacuunka galay qaaddiruun baa dawayn kara’e
- Dawgii san inay wada maraan ducada aammiin dheh!
W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: mabdalle@gmail.com
__________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 WardheerNews.com |