|
![]() |
|||||
Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab Sida ay qirayaan madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo. Waaqican cusubi waxa uu waalidka Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa loo arkaa qof wayn, waxa go’aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka. Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada ku dhacaya nolosha ubadkooda. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada) Islaamiyiinta. Lama dafiri karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya, faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu ay si cad uga digaan fitnada iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin ururada sida Al-shabaabka oo kale ah. __________________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |