Home Articles Somali Songs About us  

 


RUNTA AAN U BAAHANNAHAY!
WQ. Cabdullaahi Maxamed Aadan
December 23, 2009

Dagaal ba’an oo lagu riiqday ka dib, dunida hormartay waxay go’aan cad ku gaareen in wadaaddadu ay dadkooda ka mid noqdaan iyo in si adag loola xisaabtamo, si looga badbaado musuqmaasuqa diinta iyo damac is barkan.  Horumarka aynu maanta aragno wuxuu bilowday ka dib markii ay wadaaddadu dadkooda dhinac ka raaceen!

Waxaan xusuustaa anigoo yar in maalin uu si arxan darro ah ii garaacay wadaad macalin quraan ahaa. Arrinta ugu wayn ee  wadaadku ii garaacay ayaa ahayd in aan ahaa shaydaan carruurta ka duufsanaya. Ma aanan helin fursad aan iskaga difaaco garaacaas arxan darrada ah, waayo cidna dan kama lahayn shaydaan yar oo la edbinayo. Sida kaliya ee uu macalinkaasi ku caddayn karay  shaydaanimadayda, ayaa ahayd in aan ahaa ilmo  sheeko badan oo carruurta ka mashquuliya akhriska Qur’aanka. Runtii carruur badan ayaa aaminay in aan ahay shaydaan yar oo dugsiga ku so dhex dhuuntay!

Wadaaddada Maanta

Waxaa adag xiriir dhexmari kara shaydaan iyo ilmo yar, waayo sida diintu sheegtay shayaadiintu waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay u danbaajin lahaayeen dadka waawayn oo kaliya. Waa taas sababta aysan  carruurta iyo dadka waalwaalan waqti iskaga lumin. Way adkeyd in aan dood ka keeno shaydaanimada la igu eedeeyay maadama carruurta Geeska Afrika ku silicsan aysan xaq u lahayn in ay dood ka dhiibtaan wixii la soo gudboonaada. Aqoonyahannada cilmi nafsigu waxay ku doodaan in dhibaatooyinka ka aloosan dunida qaarkeed, gaar ahaan Afrika ay sababeen carruur la caburiyay oo markii ay waynaadeen ciilkii ay qabeen kula dul dhacay bulshada inteeda kale. Inta badan keligood taliyayaashii soo maray Afrika, waxay ahaayeen carruur nolosha lagu soo silciyay iyo dib jirro nolosha ka quustay. Markii ay kuwasi fursad heleen waxay billaabeen in ay si arxandarro ah u gumaadaan shacabkooda. Sidoo kale  dagaal oogayaashii soo maray Soomaliya waxay u badnaayeen niman ku soo silcay carruurnimadoodii.

Maqaalkani kuma saabsana in uu faaqido noloshii hore ee qabqablayaasha, balse wuxuu isku dayi doonaa in uu wax ka ogaado sababaha ka danbeeya musiibada cusub ee shacabka Soomaaliyeed ku habsatay. Marka hore waxaa habboon in aan u tacsiyayno dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaareen qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee waayahan caadiga ka noqday waddankeena. Waxaa habboon  marka arrin la darsayo in daacad la noqdo iyo in aan la baqin oo xaqiiqda la sheego, si dhibaatada taagan  looga baxo oo loona fahmo xalka. Waa taas sababta uu maqaalkan koobani golaha u keeni doono dood cusub oo aan wali la isku dayin.

Dhibaatada hadda ka taagan waddanka waxaa horseed ka ah guud ahaan inta wadaaddo isku sheegta. Waa laga yaabaa in ay wadaaddadu qayb ka ahaayeen dhibaatooyinkii Soomaaliya ka aloosnaa waqtiyadii hore, balse dhibaatada saacaddan ka taagan  guud ahaan Soomaaliya waxay ka bilaabataa wadaad, waxayna ku dhammaataa wadaad kale. Wadaaddadu waxay kaga duwanaayeen xirfadlayaasha kale in aan waxba laga waydiin waxyaabaha ay qabtaan iyo sharcinimadooda. Shaqooyinkii ugu horreeyay ee ay qabtaan waxay ahayd in carruurta Soomaaliyeed  ay si arxan darro ah u garaacaan ayagoo shaydaanimo ku eedaynaya. Waxba la iskama  waydiin sharcinimada ay wadaaddadu ku uleeyaan dhallaanka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Ka dib markii ay ogaadeen in aan lagu dhiirran karin in wax la iska waydiiyo ficiladooda, waxay bilaabeen in ay si wada jir ah u gumaadaan carruurta, hooyooyinka, waxgaradka, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada.

Si loo helo bulsho ilbax ah, waxaa lagama maarmaan ah in ay hawlgalaan xirfadlay kala duwan oo bulshada si wada jir ah u hormariya. Fannaaniinta, dhaqaatiirta,  farsamo yaqaanka, gabyaaga, askariga, ganacsatada, iyo siyaasiyiinta ayaa ka mid ah xirfadlayda looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dhismaha bulsho horumarsan. Mid kasta oo ka mid xirfadlayaashu wuxuu ku qaybsan yahay shaqo u gaar ah oo aan nolosha looga maarmin. Tusaale ahaan siyaasiyiinta waa dadkii hagi lahaa nidamadka guud ee dawladnimo ayagoo hiigsanaya hiraal guud oo ay bulsho kasta iskeed u leedahay.

Wadaaddada maanta ee Soomaaliya

Waxaa jirta xirfad ka duwan dhammaan xirfadaha kale, waana wadaaddnimada oo ah xirfad lagu xamaasho. Qofka wadaadka ahi wuxuu ku shaqaystaa diinta. Ma xuma in wadaaddadu ay biilkooda iyo noloshooda ka raadsadaan faafinta diinta, balse dhibaatadu waxay tahay in xirfadda wadaadnimada aan  lala xisaabtami  karin. Sida aan ognahay  guud ahaan wadaaddada adduunku waxay aad u neceb yihiin in lala xisaabtamo iyo in la dhalliilo, waana dhaqan guud oo ka dhaxeeya guud ahaan nimanka diinta meel kasta iyo xili kasta oo ay joogaan. Dagaal ba’an oo lagu riiqday ka dib, dunida hormartay waxay go’aan cad ku gaareen in wadaaddadu ay dadkooda ka mid noqdaan iyo in  si adag loola xisaabtamo si looga badbaado musuq maasuqa diinta iyo damac is barkan.  Hormarka aynu maanta aragno wuxuu bilowday ka dib markii ay wadaaddadu dadkooda dhinac ka raaceen!

Xirfad kasta waxaa barta dad wanaagsan iyo kuwa xun. Inta badan siyaasiyiintu waxay xoogga saaraan dantooda gaarka ah iyo danta dadka ay matalaan.  Qofka siyaasiga ah ma aha qof fikrad cusub keena ee wuxuu had iyo jeer xoogga saara sidii  u dadka dareenkooda uga faa’idaysan lahaa. Siyaasiyiintu waxay la kulmaan iska caabbin adag oo waxgaradka iyo inta fakaraysa  ka yimaada si ay u difaacaan danta guud ee shacabka.  Siyaasaddu waa xirfad la barto oo lagu xamaasho, qofka siyaasiga ah waa lala xisaabtami karaa asagoo shaqsi  ah haddii uu xirfadiisa si xun u adeegsado, dadkuna waxay xaq u leeyihiin in ay ku kacaan oo ay iska xoreeyaan haddii uu xoog ku qabsado siyaasi kasta oo macangag ah.

Xirfadda Siyaasaddu Soomaaliya kuma aysan badnayn. Wixii ka danbeeyay markii xornimada la qaatay illaa waqtigii burburka, waxaa dalka isku haystay niman xukun doon ah oo  xirfadda siyaasadda  ka arradan. Runtii siyaasaddu waa  aqoon iyo karti uu qofka siyaasiga ahi kasbado ka dibna ku hawlgalo. Inkastoo guud ahaan xirfadaha kala duwani ay gabaabsi ku ahaayeen waddanka,  haddana midda siyaasadda ayaad mooddaa in  si gaar ah looga arradnaa marka la fiiriyo sida daran ee dalku u burburay. Nimankii soo maray talada dalka iyo dhammaan intii ka hoos shaqaynaysay, ayaa ahaa koox ay ka maran tahay kartida iyo aqoonta siyaasaddu. Waana taas baan dhihi karaa ta sababtay in wixii ka danbeeyay xornimada illaa waqtigan ay Soomaaliya u la’dahay hoggaan ka saara dhibaatada.

Xirfadda lagu daatay wixii ka danbeeyay burburka waa midda wadaadnimada. Markii la garan waayay wax la qabto iyo jiho la abaarro ayay bulshadu waxay iska aamineen wadaaddada, ayagoo ka rajenayay in ay xal u raadiyaan dhibaatada daran ee  bulshada haysatay. Dhammaan xirfadihii kale ee bulshadu lahayd ayaa qiimo beelay ka dib markii cid  ku shaqaysata ama u baahan la waayay.

Burburkii dalka ka dib, waxaa suuqa aad loo galiyay sheeko ay allifeen wadaaddo rabay in guud ahaan talada dalka ay la wareegaan. Waa sheekada ah in diinta oo lagu dhaqmaa ay tahay xalka kaliya ee dhibaatada Soomaaliya. Sheekadaas aad bay u faaftay waayo dadku way rafaadsanaayeen oo ma jirin fursad ay ku fakaraan ama dood  ku dhiibtaan. Gees ka gees waxaa is qabsay boqolaal kooxood oo diinta siyaabo kala duwan u fasirtay, balse guud ahaan ka midaysan in xirfadda wadaaddnimada la kobciyo iyo in wadaaddadu ay waddanka qabsadaan. Waa taas sababa keentay in dhammaan xirfadihii kale oo dhammi ay qiimo beelaan.

Dadka Soomaaliyeed oo silicsan iyo wadaaaddo nolol doon ah ayaa isku soo beegmay.  Wadaaddadu waxay qabsadeen suuq kasta oo nolosha laga hago, sida siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Qof kasta oo isku daya in uu wax iska waydiiyo dhaqdhaaqaqa wadaaddada waxay kala hortageen eed raqiis ah oo aan ka xasuusto,’ “wuxuu cadow ku yahay diinta iyo kitaabka Ilaahay”.  Hadda sheekadu way soo dhaaftay eed  oo waxa la marayaa waqti si fudud loo khaarajiyo shaqsi kasta oo aan wadaaddada khayr ka filan. Xirfadda wadaadnimadu ma lahan karti ay kula doodaan  xirfadaha kale. Sidoo kale ma laha dulqaad ay iskaga difaacdo dhalliilaha uga imanaya waxgaradka iyo inta fakarta, waana taas sababta maanta loo laynayo dhammaan waxgaradka siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dumarka iyo carruurta.

Daraasad aad u qoto dheer ayaan kaga bogan karnaa dhibaatada laga dhaxlay wadaaddada dhan kasta ka soo weeraray dalka, balse maqaalkan kooban wuxuu iftiimin doonaa in dhibaatada Soomaaliya laga bixi doono  oo kaliya marka wadaaddadu ay dadkooda  dhinac ka raacaan, oo ay ku ekaadaan xirfaddooda. Ma ahan talo fiican in la kala qaad qaado wadaaddada oo la dhaho xisbi hebel iyo firqo hebel ayaa ka fiican kuwa kale. Talada noocaas ah waa ma dhalays waana aragti aan waligeed lagu liibaanayn. Dhammaan inta jecel wanaagga iyo hormarka ummadda Soomaaliyeed waa in ay si geesinimo ay ku dheehan tahay u sheegaan in la kala saaro siyaasadda iyo diinta !

Huteelkii Baled Weyne iyo willkii isku qarxiyay
Huteelkii Baled Weyne iyo ninkii isku qarxiyay. Dad badan oo ay ku ireen masuuliyiin ka tirsan dawladda kmg ah ayaa goobtaas ku le'day.

Siyaasaddu waxay u baahan tahay aqoon iyo xirfad u gaar ah, waana wax marwalba is bedala oo la socda dhaqanka iyo hormarka aadanaha. Qofka siyaasiga ah waa shaqsi marwalba  lala xisaabtami karo oo la bedali karo haddii uu damaciisa u adeegsado xirfaddiisa. Qofka siyaasiga ah waxuu u shaqeeyaa shacabka, xiligii la doonana shaqada waa laga eryi karaa. Siyaasiyiintu waa koox aan marnaba sharciga ka sarrayn, sharciga ayaana lala tiigsadaa siyaasi kasta oo ku takri fala awoodda maamul ee dalka, waana sidaas sida siyaasiyiinta dunida hormartay ay u gutaan xirfaddooda.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa u furan hal waddo oo kaliya. Taas oo ah in ragga diinta ay ka  fariisiyaan  siyaasadda iyo nidaamka dawliga ah, waana runta kaliya ee aan u baahannahay in aan ogaanno waqtigan adag.  Haddii aanay taasi dhicin wadaaddadu waxay shaqo ka dhigan doonaan  in ay garaacaan carruurta uu shaydaanku duufsado, in ay addimada ka guraan wiilasha iyo hablaha waddanka ku silicsan, in ay isku qarxiyaan dhammaan waxgaradka, iyo in ay ku mashquulaan hablaha iyo inamada haasaawaya ka dibna ay dhagax ku dilaan!

Cabdullaahi Maxamed Aadan
Guddoomiye Somali Think Tank
Email:sthinktank@gmail.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com