Sooyaalka & Suugaanta Abwaan Maxamed
Jaamac "Ilka Case" |
Odhaahda Tifaftirka:
Maqaalkan oo hore loogu soo daabacay
majaladda Gobaad Multidciplinary Journal Volume I, 2007. Pages 119-154, ayaa Md. Deeq Diiriye ku soo bandhigay
suugaantii iyo sooyaalkii Eebbe ha u naxariistee Abwaan Maxamed Jaamac "Ilka Case" oo bishan 14 keedii ku geeriyooday isaga oo saaran diyaarad uu ka raacay magaalada Minneapolis kuna sii jeedday Colombus.
Abwaanka oo suugaan badan lahaa, ayna ka mid ahaayen heeso caan ahaa oo aad loo dhegysan jiray ayaanu jeclaysannay in murtidiisii oo maqaalkani wax badan ka iftiiminayo aanu halkan ku soo bandhigno.
Sooyaalka & Suugaanta Abwaan Maxamed
Jaamac "Ilka Case"
W/Q. Deeq Aadan Diiriye
Arar
Qormadan, waxa aan si kooban uga sheekayn doonnaa sooyaalkii
iyo suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac Ilka-case. Iyada oo
faahfaahsan waxa aad uga bogan doontaa buug aan dhowaan soo
saari doono. Kaas oo ku saabsan sooyaalka Maansada iyo Masraxa
Soomaaliyeed. Inkasta oo aan buuggaas uga falanqoon doono
qormooyin aan, sannadihii 1985tii illaa 1986dii, ka soo ururiyay
Abwaanno ay ka mid ahaayeen Marxuum Xuseen Aw Faarax iyo
Marxuum Maxamed Cali Kaariye, oo wixii ay ii sheegeen, ay kolley
aniga weli qaan igu tahay, haddana in aan buuggaas kamilo
waxaa ii suurto geliyay Abwaan Maxamed Jaamac Ilka-Case.
Waxa kale oo xusid mudan in buugga oo magaciisu noqon dooono:“Hal-abuur: Hordhac iyo Hooris” uu abwaanku bixiyay.
Maqaalka oo dhan si aad u akhrisato fadlan halkan guji
Copyright © 2009 WardheerNews.com |