Home Articles Somali Songs About us  

 


Faallo: Al Shabaab baa Farta Lagu Wada Fiiqayaa!
W/Q Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)
December 04, 2009

Soomaaliya  aad bay u yar tahay in aad ka maqasho war farxad leh. Nasiib darro dhacdooyinka tirada yar ee lagu farxi karo ee laga maqli lahaa laftoodu, waxay marar badan isku bedelaan dhiilo naxdin iyo uurkutaalo reebta.

Arrintan waxaa tusaale innoogu filan dhacdadii foosha xumayd ee  xasuuqa loogu geystay Hotel Shaamo ee magaalada Muqdisho arday, dhakhaatiir, mas’uuliyiin iyo dad kale oo aan waxba galabsan.

Marka aad fiirisid xaaladda ay Soomaaliya ku sugnayd ku dhawaad labaatankii  sano ee aan soo dhaafnay, ma filayo in uu jiro war ka farxad badan, in aad maqasho arday Soomaaliyeed oo wax ku baratay duruufaha qalafsan ee ka jira dalkooda oo dhammaystay waxbarasho heer Jaamacaddeed ah oo xaflad qalin jabin loo samaynayo.

Khasaarihii ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhcay 03-12-09

Haddaba maxaa ka naxdin badan marka xafladdii farxadda, rayraynta iyo rajada jiilka mustaqbalka u soo barbaarayay dalkoodu ay isu bedesho goob dhiilo ku taallo oo maydka iyo dhiiggu daadsanyahay.

Waxaa iyana ayaan darro iyo uurku taallo kale ah in dhibkaas iyo waxyeeladaas loo geystay dadkaas aan waxba galabsan ay ka dambeeyaan dad muslimiin sheeganaya oo weliba ku doodaya in ay arrinkaas Ilaahay dartii u samayeen.

Inuu qof naftiisa iyo kuwo kale oo aan waxba galabsan halaago si uu Alle ugu raalli geliyo, isagana Jannatul Fardawsa abaal looga dhigo, waxaan filayaa in ay tahay dhacdo aan Soomaaliya ka jiri jirin soo ifbixii ururka Al Shabaab ka hor.

Inkastoo uu ururka Al Shabaab beeniyay in ay wax lug ah ku laahyeen qaraxii shalay, haddana ma aha beenintaasi mid ay dadka badankoodu ku qanci karaan, maadaama ay hore Shabaabku qaraxyo midkan la mid ah uga fuliyeen meelo kala geddisan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

La yaab ma leh in Al Shabaab falkan naxdinta iyo uurkutaalada reebay ay iska fogeeyaan, maadaama uu yahay mid sumcad xumo u soo jiidaya, dad badan oo hore ula dhacsanaa jihaadka ay sheegtaanna ay ku ogaan karaan wajiga dhabta ah ee dhaqdhaqaaqooda.

Urur diineedka Al Shabaab oo markii ugu horreysay magaciisu soo shaac baxay, xilligii ay Midawgii Maxaakiimta Islaamiga ahi la wareegeen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa wuxuu hadda noqday masiibo hor leh oo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed, xannuunkeedana la dareemay.

Waxaa haddaba maalinba maalinta ka dambeysa ay shacabka Soomaaliyeed ku soo baraarugayaan halista ay kooxdani ku hayso dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed ee duruufaha adagi  haleeleen.

Ururka Al Shabaab oo hadda ka taliya inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid intii uu jiray ku caan baxay falal naxariis darro ah oo lid ku ah diinta Islaamka iyo bani’aadanimadaba.

Shacabka Soomaaliyeed iyagoo ah kuwo taariikh fog oo soo jireen ah ku leh diinta Islaamka, ayaa haddana kooxdani ciddii aan ku waafaqsanayn falalkooda waalida ah ay ku tilmaamaan gaalo, isla markaana bannaystaan dhiiggooda iyo maalkoodaba.

Falalka argagixiso ee kooxdani waa kuwo saameeyay dhammaan dalka Soomaaliya iyo xataa dalalka ay Soomaalidu u qaxday. Waxay noqdeen Shabaabku cadawga culumada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhammaanba ciddii u damqata bulshada Soomaaliyeed ee daranyaysan.

Kooxdan oo ku hubaysan aragtiyo xagjir ah oo aan la socon karin waaqaca hadda ka jira dunida, ayaa ah kuwo aan aqoonsanayn dal iyo dad Soomaaliyeed midna.

Haddaba weerarkii arxan darrada ahaa ee lala beegsaday ardaydii ka qalinjabisay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir waxa uu mar kale innagu baraarujinayaa halista ay ku hayaan kooxaha magaca Islaamka ku adeegta dalka Soomaaliya iyo guud ahaanba caalmaka.

Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in gees looga soo wada jeesto sidii looga hortagi lahaa khatarta ka soo ifbaxday kooxdan dhiigga dadka  u ooman.

Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)
WardheerNews, London

Copyright © 2009 WardheerNews.com