Home Articles Somali Songs About us  

 


Muqdishooy! Dhagaxoo Ilmeeyiyo; Dhirtoo Ooyda Baa Hadhay!
W/Q. Maxamed Baashe X. Xasan
December 04, 2009

Kolka hore tacsi iyo tiiraanyo; gun iyo baar; qalbiga ka soo go’aysa, aan u diro eheladii, qaraabada, asxaabtii iyo dadka Soomaalida intii ku naf waydey, Alle ha u naxariisto, shilkii murugada lahaa ee qaraxii ka dhacay Muqdisho maalintii Khamiiseed 03/12/2009.

Qoraaga hal-abuurka ah Cabdillaahi Cawed Cige, ayaa dhawr sannadood ka hor maanso uu tiriyey ay tuducyadani ka mid ahaayeen, isaga oo ka uurkutaalloonaya sida foosha xun ee Xamar dadku ugu le’anayaan sida duqsiga iyo sida dirirta sokeeye ugu tafadheeraatay dadka degaankaas ku dhaqan:

Dhagaxoo ilmeeyiyo
Dhirtoo ooyda baa hadhay!

Dadka oohini way ka dhammaatay oo dharaar kastaba waa u dil, dagaal, qax, qaxar iyo mayd la sii sido; qof xabbadi galaafatay, mid miino qaadatay, qof darxumo kale iyo macaluuli halaagtey, iyo dhabannahaysta waayadan dambe caanbaxaysa ee qof miidaamo dhega la’ ahi qofaf kale jiscimanayo, una qoonsanayo noloshooda!

Tan xanuunka iyo xanafta badan leh baa u dambaysey. Waa maydkan raabe raabaha isu dulsaaran! Dhiiggan kutubta iyo digriiyada aqooneed ka dhex galacleeyey. Meesha wax ka dhaceen waa rug aqooneed. Arday ka qalinjebinaysey kulliyad caafimaad ayaa munaasibaddan lagu hoobtay lahaa. Dabcan dadka ku le’day ee sida aan kala sooca lahayn ee nacweynida ah loogu gumaaday waa in ehel u ahayd aqoonta, tacliinta; waxbarashada! Waa ardaydii ummadda dunsan ee dhusinka hoose u sii degaysa tobannaanka sannadood wax u soo baranaysey, weliba halkii ugu nuglayd ku foognayd ee qalmaanta u qaadatay. Ubaxii afka soo kala qaadayey, hibooyinkii ibo furanayey; dhakhaatiirtii soo baxday. Waa macallimiintii caafimaadka iyo dhakhtarnimada macduunka ah ardayda ku habaysey cilmi ahaan. Waa ehelkii iyo qaraabadii aqoonta. Waa dugsiyadii garashada iyo iftiinka. Waa mas’uuliyiintii Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta iyo kuwii Caafimaadka! Waa birmageyadii ummadda tabaalaysan ee dabargo’eedu sida tusbaxa u furmay. Waa naqwadii ummaddan sii goblamaysa ee oodo dhacameedyadu u sii kala rogmayaan.

Ubaxiinni waa daadiseen, waana dubateene
Dulbaaxdiisi waa wada canteen, duhur dharaareede ..!

Dhakhaatiirka iyo ardayda Xamar dhiiggoodu wadhan yahay waa ifafaale samadawdarnimo oo ku biiray abtirsiinyo ahaan foolxumooyinkii ka horreeyey ee waayadii dambe waddanka ka dhisaalnaa, magaalada Muqdishona sida dhiiftoon uga hanaqaadayey. Waa in la baadhaa ciddii ka dambaysey falkaas arxandarradu ka buuxdo oo dhan laga wada noqdaa. Cidda dhiilladaas horseedka ka ahi waa isirro halis ku ah jiritaanka dadnimo; ummadnimo; xoog dibadeed iyo mid gudeed kii uu noqdaba. Taas baana hoosta ka xarriqaysa in aan la dhayalsan qaawinta iyo kashifaaddeeda.

Dhakhaatiirka, macallimiinta, culimada, cuqaasha, aqoonyahannada, carruurta, haweenka iyo dadka la mid ahi waa birmageydo ka caaggan in loo aaneeyo oo lagu dhex milo isdiiddooyinka iyo khilaafyada kooxo gaar ah u dhexeeya, ciddii arrintaas indhaha ka lalisaana waa cid la falgashan oo ku hiranaysa aragti caabuq ka buuxo oo jiidanaysa warmo iyo gantaallo sun iyo waabeeyo daxalaysan afka ku sita!

Baaruudda huguntee
Ambatee habawdee
Habi li’i sokeeyaha
Ku hawaawi duushee
Hadhka yeelataay yaad
Hungo madhan inaad tahay
Ka hadoodilaysaa?!

Maxamed Baashe X. Xasan
E-Mail:mohamedbashe@hotmail.com
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com