|
![]() |
|||||
Hordhac Afar sanno oo uu Cadde Muuse ka talinayay Ismaamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka dib waxaa hadda xaalku marayaa meeshii ugu hoosaysay tan iyo intii uu jiray maamul Goboleedkani. Fadhiidnimada iyo waxqabad la’aanta xukuumadda Cadde Muuse awgeed waxay Puntland waayadan dambe ku caan baxday ka baayacmushtarka safarrada dhimashada badan keena ee loogu tahriibo wadanka Yeman. Budhcad badeedka qafaasha maraakiibta, daabacaadda lacagaha been abuurka ah, sicir barar, xadhiga saxafiyiinta, amman darro, maamul xumo, musuqmaasuq iyo waxyaabo kale oo la mid ah. Sifooyinkan gurracan iyo sumcad darrada la soo deristay Puntland waa kuwo aad aga fog hankii iyo rajadii lagu unkay Puntland xilli hadda laga joogo 10 sanno. Haddaba xaggay wax ka qaldameen? Dhidiba u taagistii maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay ku dhaqaaqaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Bari, Nugaal, Sool, Koonfurta Togdheed (deegaanada Buuhoodle),Mudug oo laga reebay deegaanada Hobyo iyo Xarar dheere iyo gobolka Sanaag oo laga reebay degmada Ceel Afweyn iyo Waqooyiga Galbeed ee degmada Ceerigaabo.[1]
Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo guuldarrooyinkii lagala kulmay shirarkii dib u heshiisiineed ee xilligaas ayaa lagamamaarmaan ka dhigay in beelaha ku dhaqan goboladaasi isku tashadaan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii, Isimadii iyo waxgaradkii kale ee ka qaybqaatay abaabulkii iyo hawlihii dhidibada loogu taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxay dajiyeen qorshe cad oo beelaha deegaankaasi u horseedi karayay maamul toosan, dimuqraadiyad, nabadgelyo iyo horumar dhan kastaba ah. “Magaca, naruurada iyo naxariista Rabbi Annagoo ka duulayna xigmadahaan sare iyo sooyaalka taariikheed ee ku salaysan caqiidada iyo diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban, waxaanu ku guulaysanay in aan 1998kii dhisno dawlad goboleedka Puntland oo ah qayb ka mid ah dawlad Soomaaliyeed oo Federaalka ah.”[2] Ereyada kor ku xusan waxaa lagu xardhay ararta dastuurka maamul goboledeedka Puntlnad oo ay golaha wakiiladu ansixyeen 05/06/2001. Dastuurkan ayaa waxa uu ku salaysanyahay qoddobadan:- 1- Shareecada Islaamka. Haddaba marka aad fiirisid qoddobadan asaasiga ah ee dastuurka Puntland waxaa kuu muuqanaya hanweynidii iyo niyadsamiddii ay qabeen aasaasayashii maamul goboleedka Puntland. Waxa uu ahaa dastuur ummadda u horseedaya dhabbaha horumarka, dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga. Iyadoo haddaba immika muddo 10 sanno ka badan laga joogo xilligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Puntland, ayaa waxaa la isweydiin karaa waxa ka rumoobay rajadii iyo niyadsamidii ay ka qabeen mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda aasaasayaashii maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland.. Maamul goboleedka Puntland isagoo haddaba dariiqaas cad ee dastuuriga ah u jeexay qaab dawladeedkooda ayaa haddana ay u eegtahay in dastuurkaas maalintii la ansixiyay ka dib cid dib u eegtayba aanay jirin ku dhaqankiisa. Toban sanno ka dib Puntland weli waxay taagantahay hab maamulkii hannaanka beeleed ee lagu aasaasay iyadoo aanay jirin tallaabooyin wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga lagu xusay dastuurka Puntland. Iyadoo dhawaan la filayo in ay qabsoonto doorashada madaxtinimada Puntland, dhawaanna ay beelaha Soomaaliyeed ee deegaankaasi soo xuleen xubnaha Baarlamaanka Cusub oo la filayo inay iyagu soo doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa muuqanaya ifafaale rajo isbedel iyo mustaqbal wanaagsan. Si aan haddaba wax uga iftiimino xaaladdaha gurracan, maamul xumada iyo guud ahaanba duruufaha qallafsan ee haatan ka aloosan Puntland, bal aan marka hore dib u yara milicsano taariikhda maamul goboleedkan. Maamulkii C/laahi Yuusuf iyo M. Cabdi Xaashi Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo ay maleshiyadiisu gacanta ku haysay inta badan deegaanada hoos yimaada maamul goboleedkan, ka dib markii ay ka sifeeyeen kooxaha Islaamiyiinta oo iyagu awood weyn ku lahaa geyigaas, wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliyeed, ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul goboleedka Puntland. Col. C/laahi oo ah nin aan ku cusbayn masraxa siyaasadda Soomaaliya, kuna caan bxay macangagnimo, keli talisnimo iyo eex salka ku haysa isirka qabyaaladda ayaan marka horeba suurto gal ka dhigayn in la helo maamul dimuqraadiya oo ku dhisan sareynta dastuurka iyo sharciga. Isu dheelitirka awooddaha dawladda ee Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka oo sal u ah habka maamul wanaagga iyo xisaabtanku haddii ay meesha ka baxaan ama haddii aan si kale u nidhaahno marka ay hay’adda Fulintu weydo wax xakameeya, taasi waxay keentaa in xukuumaddu siday doonto u dhaqanto, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalkuna waxay noqdaan sidii wax aan jirin oo kale. Haddaba Intii talada uu hayay C/laahi Yuusuf waxa uu u dhaqmi jiray sidii qof isagu samaystay maamulkaas oo siduu doona ka yeeli kara, wixii ay la noqotana ku dhaqaaqa iyadoo aanu wax tixgelin ah siin in habdhaqankiisu waafaqsanyahay dastuurka iyo shuruucda kale ee Puntland. Iyadoo ay arrimahaasi jireen ayaa haddana waxaan muran ka taagnayn in maamulkii uu C/laahi madaxda ka ahaa ay wax weyn ka qabteen dhinaca adkaynta nabad gelyada oo ahayd baahida ugu muhiimsan ee ka jirtay degaankaas iyo guud ahaanba Soomaaliya. Xilligii C/laahi Yuusuf waxay arrimaha deegaankaasi ahaayeen kuwo si buuxda ay gacnta ugu hayso dawlad goboleedka Puntland, islamarkaana uu ka jiro maamul wax qaban kara tayadiisu ha iskaba liidatee. Dadaalada ugu weyn ee dhinaca hagaajinta maamulka ee waqtigaas waxaa loo tiriyaa madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa nin ku sifoobay hufnaan, rabayna in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto. Madaxweyne C/laahi Yuusuf talada ugumaanay jirin in uu marnaba hogaanka Puntland ka dego iyadoo aanu helin kursi ka sii weyn midka dawlad Goboleedka ee uu ku fadhiyo. Taasi ayaana sabab u ahayd in markii muddadii xilka loo igmaday ka dhammaatay ee la doortay Jaamac Cali Jaamac sannadkii 2001 in uu arrintaasi gaashaanka ku dhufto, kana rido Puntland dagaal sokeeye oo naf iyo maalba ay ku burbureen. Xilligaas ay dagaalada sokeeye aafeeyeen Puntland ayaa Jan. Cadde Muuse Xirsi uu ka soo baqoolay wadanka Kanada oo uu qaxooti ku haa si uu Puntland uga badbaadiyo buburka uu u horseeday keligii taliye C/laahi Yuusuf Axmed. Cadde iyo maleeshiyo beeleedkii uu watay oo guuldarro weyni ka soo gaadhay dagaalkii ay la galeen ciidamada maamulkii Puntland ee C/laahi yuusuf hogaanka u hayay, ayaa baqe ku soo galay dhinaca Somaliland siiba degmada Ceel Afweyn ee gobolka sanaag oo ay xarun ka samaysteen.
Isagoo taageero ka helaya maamulka Somaliland ee Rayaale Kaahin ayaa Cadda halkaas ka abaabulay jabhad uu ku magacaabay Golaha Badbaadada Puntland, taasoo ujeedadeeda lagu sheegay inay tahay sidii ay u badbaadin lahaayeen Puntland, awooddana uga tuuri lahaayeen keligii taliye C/laahi Yuusuf Axmed. Taageerada Rayaale Kaahin uu ka helay dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee Cadde Muuse ma ahayn mid ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliland, waxaanay dad badani aaminsanyihiin in xilligaas ay Cadde iyo Rayaale wada gaadheen heshiis aan la shaacin oo ku saabsan gobolada ay ku muransanyihiin labada maamul. Waan waan nabadeed oo ay ka odayeeyeen boqor aan hore loo aqoon oo lagu magacaabo boqor Cismaan Maxamuud (Buur Madaw) oo ka soo jeedda Somaliland iyo Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ayaa dedaal badan ka dib sababtay in ay bishii May, 2003dii C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse gaadhaan heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray dagaaladii sokeeye ee ka aloosnaa Puntland, suurta geliyayna in ururkii Cadde Muuse hogaaminayay ciidan iyo madaxba ay ku milmaan maamulka Puntland.
Doorashadii jan. Cadde Muuse Xirsi Doorashooyinkii madaxtinimo ee Puntland ka dhacay sannadkii 2005tii ka dib markii C/laahi Yuusuf uu u xuubsiibtay madaxweynaha DFKMG Soomaaliaya ayuu Cadde Muuse kaga guulaystay madaxweyne ku xigeenkii xilligaas mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ay jagada u wada tartameen. Madaxweyne Cadde Muuse doorashadiisu waxay ahayd mid ay dadka reer Puntland aad u soo dhaweeyeen iyadoo loo arkayay nin isbeddel iyo horumar u horseedi doona Puntland. Rajada iyo niyad samida laga muujiyay madaxtinimada mudane Cadd Muuse Xirsi waxaan ku sababayn karnaa laba qodob
La soco qaybta 2aad Ismail A. Hassan (Khaliil) _______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |