
|
Sannadka Cusub iyo Siyaasadda Soomaalida
W/Q Cali Maxamed Cartan
Jan 08 , 2009
|
Waxaa sannadka cusubi bilowday iyadoo Soomaali aan xad lahayni ku tabaalaysan yihiin dalka gudihiisa iyo debediisaba, kuwaasoo ay isugu darmeen nabad gelyo la’aan, baro kac gudeed, biyo nadiif ah la’aan iyo weliba cudduro tiro badan oo daryeel caafimaad darro weheliso. Waxaa iyaduna weli taagan dhibaatadii faragelinta siyaasadeed ee Soomaaliya kaga imanaysey dawladaha deriska la ah iyo kuwa ka durugsanba, gaar ahaan Itoobiya. Waxaa intaa sii dheer in is khilaaf kooxeedyadii aadba moodid inuu soo labo kacleeyey, waa marka aad eegto kala jajabka soo kala dhex galay Isbahaysiga Dib U Xoraynta Soomaaliya, tusaale ahaan garabka Asmara, iyo garabka Djibouti. Ta kale, sida uu caddeeyey xubin ka tirsan golaha dhexe ee garabka Jabuuti ayaa bidhaaminiya labo-u-dhambalanka garabka Jabuuti laftigiisa soo kala dhex galay, ka dib markii uu warbaahinta, gaar ahaan BBC-da, u sheegay inaanay ku raacsanayn kooxda tagtay Muqdisho falalka ay ku kaceen. Dhanka kale Kooxaha (Al Shabaab iyo Ahlu-Sunnah Wal Jamaaca) oo mid walba sheeganayo inuu ku dagaalamayo magaca islaamka, ayaa fooda isku daray gobollada dhexe, taasina waxay abuurtay dhiilo hor leh, ka dib markii mid kooxahan ka mid ahi taageero ciiddan ka heshay Itoobiya. Arrinta murugsan ee khilaafka barlamaanka ayaan iyadana la’ iska indho tiri Karin.
Doorashooyinka la rajeynayo inay ka qabsoomaan sannadkan maamuladda Puntland ( waxa la saadaalinayaa in dhowr musharax oo Ilka Jiir ku jiro ay rajadoodu fiican tahay) iyo “Somaliland”, lama saadaalin karo sida ay u dhici doonaan iyo natiijooyinka ka soo bixi doona iyo weliba saamaynta ay ku yeelan karaan marxalada siyaasada Soomaaliyeed ee murugsan.
Saamaynta Is Casilka Cabdillaahi Yuusuf
Waa marag ma doonto; in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka qabaan fikrado kala duwan iscasilaada mudane Yuusuf, qaar waa ku faraxsan yihiin, qaar kalena waa ka naxsan yihiin, kooxda saddexaadna waxay u arkaan jugjug meeshaada joog.
 |
Diiseembar 29, 2008 waxay ahayd maalintii madaxweynihii hore ee DKMG ahi ku dhawaaqay, isagoo ku sugan barlamaanka Baydhabo, inuu madaxnimada dalka iskaga dego si xor ah. Sida la wada ogsoon yahayse waxaa caddaadis badani kaga yimi dalalka debeda ee aan danta Soomaalida wadin, oo uu ku ladhan yahay khilaafkii u dhexeeyey Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka, mudane Nuur Cadde, oo ka soo darayey maalinba maalinta ka danbaysa. Ma doonayo inaan ku dheeraado khaladaadkii faraha badnaa ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu ku kaceen, ee ixtiraam darada lahaa, ee ay weliba ku gabood faleen dantii ay ummadda u hayeen, oo ay u rogeen mid qofeed, dastuurkii qarankana ay baal mareen. Isku soo duuduuboo, Cabdillaahi Yuusuf intaan ka maqlay, ka arkay amaba ka akhriyey taariikh nololeedkiisa, go’aankan iscasilka waa kii aan fikir ahaan odhan karo, wuu ugu fiicnaa. Maxaa yeelay sidii looga bartay Yuusuf wuu madax adaygi karayey, oo weliba dad badan oo Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba waayi lahaayeen, balse sidaas Alle ma doonin, sidaas darteed waanu uga mahadcelinaynaa Cabdillaahi Yuusuf go’aankaas uu haleelay.
Shirka Jabuuti Ma Suura Geli Karaa?.
Horaa loogu maahmaahay “Nin buka boqol u talisay” sidaas darteed intaynaan su’aashaa ka jawaabin; waxaa habboon inaan dib u jalleecno nidaamkii gun dhigga u ahaa awood qaybsiga dawlada ku meel gaadhka ah. Habkaasi wuxuu ahaa hab qabiileed, oo ku dhisan hannaan laagu yeedhay Afar Dhibic Shan (4.5). Wuxuu habkaasi ahaa mid xaaraan ah, ayaan darro ah, oo aan Soomaalida marnaba u horseedi karin hanashada hannaan dawladnimo oo loo aayo. Maxaa yeelay sida laysugu guurinayo hab maamul dawladeed casri ah (Modern Nation) iyo qaran qabiil ku dhisan aniga maankayga geli weydey. Balse, sheeko qabyo ah oo markaa Soomaalidii meesha joogtay isku af garatay “iga dheh”, darruuraduba marmar bay xalaalaysaa wax xaaraan ah’e.
Haddaan u soo noqonno go’aamada ka soo baxay shirka Jabuuti waxaa ugu muhiimsanaa labo arrimood oo kala ah: In muddada dawlada ku meel gaadhka ah lagu daro saddex sano iyo in xubnaha barlamaanka la laban laabo. Labadan arrimood ee ubucda u ahaa shirkii Jabuuti bal aan faaqidaad kooban ka bixino innaga oo aan ku talax tegayn.
Ugu horrayn haddaan jeedaalino kordhinta muddada dawlada ku meel gaadhka ah, waxaan odhan karnaa waa mid suuro gal ah, waa hadday sidaa golaha barlamaanku u arkaane, dabcan ka dib marka goluhu isla rogrogo arrinta kordhinta, oo ay isu miisaamaan khasaaraha iyo faa’iidada ka dhalan karta falka noocaas ah.
Mida kale Soomaalidu hore ayey ugu maahmaahday “Hashu maankay gadaye ma masaar bay laqday”, arrinta qosolka lihi waxay tahay barlamaanka Soomaalidu ma ka badnaan karaa midka Ummadda Shiinuhu leedahay oo dad ka badan 1.3 bilyan oo qof. Tusaale, ahaan waddankan aan ku noolahay ee Maraykanka, dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay saddex boqol iyo shan milyan (305,000,000), tirada xildhibaanadooduna (House of representatives) waa 435 xubnood, taas oo u dhiganta in todobo boqol oo kun (700,000) oo qofba hal xubin ku yeeshaan Gurigga Xildhibaanada, su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay Soomaalida tiradeeda haddaan ku qiyaasno 10 milyan, isla markaana habka Maraykanka halbeeg ka dhigano waxaa Soomaalidu lahaan lahayd barlamaan dhan 15 xubnood.
Waxaa kale oo iyaduna is weydiin mudan, sidee loo qaybsanayaa tirada xildhibaanada cusub, ma habkii afar-dhibic-shan baa lagu sii soconayaa, mise hab cusub baa la daahfurayaa, haddii hab cusub miiska la soo saaro waa in dastuur cusub la qoraa sida axdigu dhigayo
Doorashooyinka Puntland iyo “Somaliland”
Puntland: Waxaa ka soo wareegtey toban sano intii dhidibada loo taagay Puntland, waxaa iska cad in meeshii laga filayey aanay ka soo dhalaalin, marka la eego dhanka nabadgelyada, kaladanbaynta, ha’yadaha dawliga ah oo la sii curyaamiyey, ilaa ay ka noqdeen magac u yaallo, hadday ahaan lahayd kuwa caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kaleba. Dad badan oo reer Puntland ahi waxay is waydiinayaan su’aasha ah; bal horta muxuu maamulka Puntland noloshooda qof ahaaneed ka bedelay, waxayna aamin darro xooggan ka muujiyeen xukunka imminka talada haya mar wax laga waydiiyey.
Sida la wada ogsoonyahay, xukunka madaxweyne Muuse Cadde, wuxuu si ba’an ugu dhex jiraa xulashada xildhibaanada beelaha Puntland, wuxuuna musuqmaasuq ka dhexwadaa maddax dhaqameedyada, sida iyaguba marar badan ka cawdeen, oo warbaahinta u sheegeen, Cadde wuxuu doonayaa in la soo doorto xubno xaggiisa u xaglinaya madaama aanu maamulku weli hirgelin nidaamka xisbiyada badan.
Hadday Cadde xukuumaddiisu danaynayso aayaha ummadda reer Puntland waa inay faragelinta qaawan ee ay ku hayso xulashada xildhibaanada faraha kala baxdaa, ayna dhexdhexaad ka ahaataa wixii khilaaf ah , ee soo kala dhexgala golayaasha kala geddisan ee doorashooyinka maamulaya. Waa in xukuumaddu u guntataa sidii ay aaminaada dadka u soo ceshan lahayd, oo weliba nabadgelyada kor ugu qaadi lahayd. Jenaraal Ilka Jiir waa rug cadaa, siyaasi ah, kana dhex muuqda xubnaha u loolamaya madaxtinnimada Puntland, waxay taariikhdiisa nololeed ina tusinaysaa inuu awood u leeyahay nabad ku soo dabaalida gobolka, soona celin karo kala danbaynta ha’yaddaha dawlada sidaas darted, waxaan quud daraynayaa in isaga la doorto.
“Somaliland”: Maamul ahaan waxay tahay ka ugu roon ee Soomaaliya hadda ka jira, maadaama ay hirgeliyeen nidaamka xisbiyada badan, qabiil-ba ha ku salaysnaadee, waxayna mudan yihiin in arrintaa lagu amaano, balse caqabadaha ugu waaweyn, ee is miidaamiska ah, ee ay madaxa la galeen waxay tahay in maamulka Hargeysa ku duulay, si ismiidaamis ah, qaybo ka mid ah gobollada Sool Sanaag iyo Cayn (SSC), gaar ahaan xarunta gobolka Sool ee Laas Caanood,. “Somaliland” waxay rimaygacmeed ka waddaa aaggaga ay ku habsatay, oo mar walbaba awoodeeda maamul wiiqi doona mustaqbalka, sababta oo ah, ummad khilaaf gudeed ka dhex jiro marnaba ma hormarto, awoodda dhaqaalaheeduna ma kobco, oo wuxuu ahaanayaa mid fadhiid ah. Sidaas darteed, waxaan habboonaan lahayd in muruqa iyo maalka uu maamulku ku bixinayo dhul aan mowqifkeeda habowsan ee gooni isu taaga, laga doonayn, inuu u weeciyo kor u qaadida tayada waxbarashada, caafimaadka iyo nabadgelyda deegaanada ay ka taliso iyo weliba Hargaysa oo bacaha qashinka lagaga guro.
Maamulka “Somaliland” waa inuu doorashooyinkiisa ku koobaa deeganada uu ka taliyo sida magaalooyinka saddex geesoodka ah Berbera-Burco-Hargaysa, taasi waxay badbaadinaysaa khalkhal hor leh oo soo kala dhex gala beelaha deriska ah, midda kale si nabadgelyo waarta, oo cid walba u dan ah, loo gaadho waa in “Somaliland” kala baxdaa ciidamadeeda, si shuruud la’aan ah, qaybaha gobolka Sool ee ay haysato. Waana in maamulka Hargeysa ogaadaa inuu masuul ka yahay dadka micno darrada ugu dhintay Buuhoodle iyo Widhwidh doorashoojinka jujuubka dartood.
Gebagebo:
Waa in Soomaalidu ku baraarugtaa dhibaatada wadankeena ku habsatay, in badankeeda xalkeedu gacmaheena ku jiro. Sidaad darteed, si Itoobiyaanku aanay u helin sabab, amaba marmarsiinyo, ay ugu sii negaadaan wadankeena, waa in kooxaha Soomaaliyeed ee is hayaa dhexehooda heshiiyaan, dabadeedna isla heshiiyaan. Tusaale ahaan, barlamaanku waa inuu hal cod ku hadlaa, marka uu la hadlayo kooxaha ka soo horjeeda balse dhexdooda waa u bannaan tahay inay wax isku raacaan, waxna isku khilaafaan. Waa in barlamaanku madaxweyne cusub soo doortaa muddada loo qabtay maxaa yeelay hadduu Cabdillaahi Yuusuf is casilay waa in nidaamka dawladeed sii socdaa (Continuity). Xildhibaanada ka maqan golaha barlamaanka waa inay ku soo noqdaan Baydhabo, nabadgelyadoodana waa in la sugaa. Al Shabaab waa awood aan la dhayalsan karin sidaas darteed waa in ay isle’egta xal u raadinta dhibta Soomaalida ay doorsoome ka ahaadaan. Ugu danbayn, haddii madaxda kooxaha mucaaridka iyo dawladaba waxay doonayaan tahay in nabad waarta Soomaaliya ka hirgasho, oo dadka dhiban ee Soomaaliyeed, ee micno darrada u dhimanaya, amaba u gaajaysan, amaba u buka in la badbaadiyo, waa inay danahooda gaar ahaaneed ka tanaasulaan, oo mar walba danta guud ka hor mariyaan ta qofeed amaba kooxeed.
Sannadka cusub ee 2009-ku waa hadba sida aynu ka dhigano balse mid sahlan aniga iilama muuqdo. Run sheeg waa belo sheeg iga dheh.
Cali M. Cartan
Email: aliartan@gmail.com
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2008 Wardheernews.com |