
|
Qushuuc: Gabay
W/C Xuseen Cabdi Xalane
Jan 10
|
Afarraydan gaaban waxaan tiriyey December 2008, ka dib markii aan akhriyey qoraal uu khabiirka magaca weyne ee Soomaaliyeed, Prof. Siciid Qaadi Samater, ku daabacay WardheerNews, kana sameeyey taariikhdii Prof. Goosh. Qoraalkaasuu Siciid ku soo gabagabeeyey erayo maanso ah. Siciid tariikhdiisa si fican baan u hayey, una xiiseyn jirey qoraaladiisa, waayo anigoo ah nin reer Qalaafe ahaa, markii danbana Reer Ceelberde, Qaadi Samatarna (Siciid Aabihii) wuxuu ahaa Qaadigii labada magaalaba. Hase yeeshee ma ogeyn in Siciid gabyo. Waxaan marka goostay inaan affaraydan u diro Prof. Siciid, si aan ugu muujiyo sidaan uga helay qoraalkiisa iyo inaan jaahil ka ahaa gabayaanimadiisa.
- Qalin Maal Siciidow inaad tahay, Qoraa taagtay
- Qallaafiyo qixii Ceelberdiyo, Qaranki Soomaali
- Qurbihiyo wixii aad qarnigan, hawlo soo qabatay
- Qaab-dhaqanka Soomaalidiyo, qubane taariikhda
- Waxaad qeexday buugtaad qortee, Qaaradaha gaadhey
- Quwaddaa ilaah kugu ladhiyo, qirada maankaaga
- Qisadaadu waa igu dhamayd, qayb kastoy tahaye
- Inaad gabayga qodobeyn kartaa, iga qarsooneyde
- Qoraalkiisi Goosh sheekadaa, quruxsaneed qayddey
- Qaybrabnimadi wiil Polishoo, ............. qarar ka laadlaadey
- Inuu qaatey qalinkii murtida, qolada Soomaali
- Xikmadaa ku qoofadhan sidaad, daaha uga qaaddey
- U qushuucey qiimaha ku jira, qodobadaadiiye
- Quwadaha shisheeyuhu inayn, qaadan degankeena
- Qaraxiyo qac iyo weerarkii, gaalo lagu qaadey
- Qoorti Koofil laga gooyey iyo, qooqa libinteedi
- Qisaastiisa sida loo qayaxay, gabayo qaarkooda
- Qabki waayadaa nagu jiriyo, qaran jaceylkeyni
- Soo qaadki waa quud naftuu, qiiro galiyaaye
- Qorshihii Daraawiishta iyo, qaaidka horseedey
- Sayid Maxamed qaadhkiyo ridada, duullanka u qaydan
- Qasdigiisa iyo maansaduu , yoolka ugu qeexay
- Isku qabadka labadaa qofeen, qurub walaaleynin
- Qaadaa-dhiggaagii ka helay, waa mid sii qodane
- Rabbi nagama qaadee nimaan, qaayib naad tahaye
- Qarxi gabayga waayadan qabilan, mudan cid qeexdaaye
- Qoon aniga oo kale ahoo qaban, waxaad sheekto
- Oo kugu qaddarin baa jiree soo qub, waxaad hayso
Abwaan Xuseen Cabdi Xalane
Email: hhalane@hotmail.com
__________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2008 Wardheernews.com |