
|
Puntland: Doorashadii Madaxwaynaha
W/Q Burhan Alas
Jan 17 , 2009
|
Waxaa marka hore tahniyad mudan Madaxwaynaha cusub, Cabdiraxman Maxamed Faroole, Eebana waxaan ka tuugaynaa inuu ka yeelo mid dadkiisa iyo dalkiisa anfaco, aamiin. Doorashadani waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo ka duwan kuwii hore, labo arimood owgood: dadka reer Puntland oo aad ugu hanqal taagayay isbadal siyaasadeed oo wax ka badala fashilkii foosha xumaa ee laga dhaxlay maamuladii hore, iyo jaaliyadaha dibada oo aad u xiiseeyay inay dowr ku yeeshaan siyaasadda Puntland. Dulucda maqaalku waa faalo ku aadan su’aasha ah, natiijadii ka soo baxday doorashada ma ka tarjumaysaa dareenka shacabka reer Puntland oo aad ugu ooman isbadal siyaasadeed oo wax ka badala xaaladaha qalafsan ee la soo darsay gobolada Puntland? Maxay se ahaayeen arimihii mudnaa bogaadinta ama dhaliisha?
Wanaagii ugu waynaa wuxuu ahaa inaan haba yaraatee wax rabshado ah oo la xiriira doorashada aysan dhicin. Waxaa se nasiib daro ahayd inaan shacab waynaha reer Puntland uusan wax dooran maadaama aan cod laga qaadin, ee dadka Madaxwayna doortay ay ahaayeen 66 xildhibaan oo nabadoono awood gaar ah la siiyay ay soo xuleen. Sida dastuurka Puntland qorayo (10 sano ka hor), waxay ahayd maamulkii ugu horeeyay inuu soo diyaariyo nidaamka axsaab siyaasi ah loo furi lahaa iyo habka shacabku wax ku dooran lahaa; waa arin wali laalan, ulajeedada ka dambaysaana ay tahay dadwaynuhu inuusan talada wax ku yeelan, loona sandulaysnaado nidaamka qabaliga ah.
Asaaskii barlamanka Puntland, kuraasida barlamanka waxaa lagu qaybsaday hab qabiil oo aan la xaq soorin, ee la oran karo wxuu la mid ahaa sida habar dugaag wax u kala boobto. Qabaa’ilka yar-yar badankooduna waa la qadiyay. Doorkaan waxaa dhacday foolxumo wayn markii si bareero ah nabadoonada qaarkood ay u boobeen kuraas ku magacownayd qabaa’ilka qaar ka mid ah, markii loo dacwoodayna isticmaalay awooda caburinta (veto power). Waa adagtahay in la yiraahdo doorasho xalaal ah ayaa ka dhacday, maadaama aan shacabkuna codayn, baarlamaanka wax doortayna uu ku salaysanyahay boobka noocaas ah. Waxaase la oran karaa waa doorasho ku toosan bisayl la’aanta shacabka reer Puntland, iyo ayaadoo dhaantay doorasho la’aan maadaama ayba keentay wax un isbadal ah.
Sidii habqanka ahayd ee jaaliyadaha dibada iyo xubnihii matalayay ay ula falgaleen doorashada, ayaduna qayb wayn ayay ka ahayd wixii la dhaliili karay. Tobankii sano ee la soo dhaafay, jaaliyadaha dibadu xil iskama saarin sidii loo dhaqan galin lahaa dastuurka Puntland oo shacabku u yeelan lahaa xuquuqdiisa ah inuu wax doorto, loogana xoroobi lahaa nidaamka qabaliga ah. Waxay kaloo ka gaabiyeen inay la yimaadaan barnaamij iyo cod ilaa iyo xad midaysan oo ku wajahan sidii looga qayb qaadan lahaa siyaasadda gudaha. Musharax walba asagoo iskii u socda, calankii reerkiisana jeebka ku sita ayuu tagay gudaha. Maadaama uusan shacabku cod lahayn, qabyaaladda iyo nin-tooxsiguna ay yihiin nidaamka meesha ka shaqeeya, musharxiintii juhdiga wayn ku bixiyay inay shacab waynaha diiradda saaraan ayagoo aad moodo inay ka tartamayaan dalalka reer galbeedk ah ee ay ka yimaadeen, aad bay ugu hungoobeen arintaa. Waana jiciir loo baahnaa inay la kulmaan, waayo meel aysan hiil ka gaysan ayay hiil ka dooneen; waxay kaloo muujisay inaysan aqool badan u lahayn dadka ay doonayeen inay maamulaan. Mudane Faroole wuxuu ku guulaystay waxaa ugu waynaa aqoontii uu u lahaa dhaqanka meesha ka jira, maadaama uu labadii maamul ee horaba ka ahaa wasiirka maaliyada iyo kan qorqshaynta.
Si kastaba ha ahaatee, niyad jabkii ugu waynaa wuxuu ahaa in oday dhaqameedyadii, siyaasiyiintii iyo talo keenkii reer Puntland ay ku fashalmeen inay muujiyaan isbadal wax ku ool ah oo ummadda u horseeda in laga haajiro dhaqanka fooshaxun iyo cadaalad-xumada laga dhaxlay qabyaaladda. Waa guuldaro, sharafxumo, iyo bisayl la’aan in kursigu ku wareegaysto reer qura, ummaddii kalana ay noqoto kor joogto.
Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay, mudane Faroole wax ma ka xaqiijin karaa isbadalkii shacabku u hanqaltaagayay, mise arintu waxay noqon doontaa jug-jug meeshaada joog? Dad badani waxay aaminsanyihiin haddii maamulkii fadhiidka ahaa ee Ganaraal Cadde Muuse uu meesha ka baxay, maamulka Faroole inuu ka wanaagsanaado mooye inuusan marna ka xumaan karin kii Cadde, ayagoo sabab ugu dhigaya arimo dhowr ah sida caafimaadka, aqoonta, iyo shakhsiyadda Faroole. Dad badani se waxay quudaraynayaan in isbadal la taaban karo uusan ka soo bixi karin maamulka mudane Faroole, ayagoo sabab uga dhigaya in Faroole fari ku mudantahay. Labadii maamul ee hore ee la oran karo Puntland wuu baaba’shay, mudane Faroole wuxuu ka hayay jagoonyin muhiim ah sida wasiirka qorshaynta iyo kan maaliyadda.
Si kastaba xaaladdu ha ahaatee, reer Puntland aad ayay u soo dhaweeyeen in madaxwayne cusub la doortay, dad badanina rajo wayn ayay ka muujinayaan in xaaladda murugsan ee Puntland wax iska badali doonaan. Jawaabta dhabta ah waxay ku xirintahay waxa madaxwayne Faroole la soo shir tago. Faroole haddii uu la yimaado wixii laga filayay mas’uul, uu doorto maamul ehel u ah xil iyo isbadal caafimaad qaba, Puntland rajo wanaagsan ayay leedahay. Haddii se uu noqdo nin korsigii Cadde un ku fariista, wasiiradii toban sano meesha fadhiyayna ay soo laabtaan, xaalku waa jug-jug meeshaada joog.
Burhan Alas
Email: bnalas@yahoo.com
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2008 Wardheernews.com |