
|
Doodda Miisaanka Maansada: Gardiid waa Alla Diid
W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan
Jan 24 , 2009
|
Sida ay dad badani la socdaan waayadan danbe waxa socotay dooddii ahayd kumaa daah furay miisaanka maansada Somaaliyeed? Ma abwaan Gaarriye mise waa macallin Carraale?
Dooddaas oo ay ka qayb qaateen dad badan oo Soomaali ah oo dunida daafaheeda kala jooga. Waxay dooddaasi hadba heer soo martaba dabayaaqadii bishii November 2008-dii ayaa guddi is xilqaantay oo ka kooban aqoonyahanno soomaaliyeed oo deggan magaalada Oslo ee Xarunta dalka Norwey marti qaad u fidisay labada macallin ee Gaarriye iyo Carraale, si ay ugu garnaqaan. Garnaqaas oo labadooduba oggolaadeen, guddidaas markii ay horyimaaddeen labada aqoonyahaan, sidii uu xeerku ahaa ayay guddiddu garnaqa u bilowday oo waxay labada Profesoor mid walba gaar u waydiisay su’aashan.
 |
 |
Guddidan oo walaalahaa ah kuuna eexan, kaana eexan wixii ay kuu goyso ma ogoshahay? Haa waan oggolahay ayuu mid walba kaga jawaabay. Wixii intaa ka danbeeyay guddidu waxay bilowday garnaqii.
Guddidu waxay dhego-furnaan ku dhegaysteen hadalladii labada macallin afkooda ka soo baxayay, waxa kale oo ay guddidu caafimaad qab ku eegtay qoraalladii labada dhinaca soo gudbiyeen. Guddidu wixii waydiimo ah ee ay uga baahnaayeena way ka dhamaysatay labadoodaba. Dabadeed guddidii ayaa gooni u baxday oo gartii dhan walba ka eegtay oo u rog-rogtay si xigmad iyo xilkasnimo leh.
Bishii December 5-teedi 2008 ayay guddidii is xilqaantay soo saartay go’aankeedi soona hor dhigtay labada profosor ee Carraale iyo Gaarriye iyo dadwaynihii kale ee arrintaa la socday intaba. Go’aankaas oo ahaa Prof. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa ah Daah-furaha Miisaanka Maansada Somaliyeed, guddidu waxay go’aankaa u cuskatay caddayn uu Prof. Gaarriye keenay oo ah qoraalkii u horreeyay ee uu Gaarriye ku soo saaray Wargayskii Xiddigtii Oktobar lagu magacaabi jiray sannadkii 1976-kii bishii Janaury 17-keedi.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa gartu nin way u go’daa ninna way ku go’daa, Gartii ku saabsanayd Miisaanka Maansada halkaas ayay ku go’day oo Gaarriye ayay u go’day. Dabadeed si cad oo aan madmadow ku jirin ayay labadooduba u oggolaadeen go’aankaa ay guddidu soo saartay, ayna isku gacan qaadeen.
Intaa dabadeed Prof Carraale ayaa soo gocday oo qoraal uu ku diiddan yahay go’aankii ay guddidu gaadhay soo saaray, bishan January 2-deedi 2009-ka, qoraalkaa oo Pro. Carraale ku sheeganayo inuu isagu wali yahay daah-furaha Miisaanka Maansada Somaliyeed. Waxaa taa ii qiraya ayuu yidhi rag aqoon-yahanno ah oo uu magacyadooda xusay, waxa kale oo uu macallin Carraale sheegay inaanu aqbali doonin mar hore iyo mar danbaba inuu Gaarriye yahay daah-furaha Miisaanka Maansada sidii ay go’aamisay guddidii Oslo.
Waxa kale oo uu Prof. Carraale qoraalkiisa ku sheegay in rag ka mid ah guddidii Oslo aanay ehelba u ahayn waxa ay hawshani daarran tahay, waxa kale oo uu Mr. Carraale sheegay in arrintan ka gar naqeeda ay gali karaan uun xeer beegti ku xeel dheer cilmiga sugaanta.
Intaa aan kaga hadho go’aankii guddida iyo oggol-diidkii Pro: Carraale. Somalidu waxay ku maahmaada “Gari laba nin kama wada qosliso” haddaba Pro: Carraale xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo geed kale ayaan ka leeyahay sida uu qof walba oo laga gar helaaba u dalban karo geed kale, waase goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen xilliga uu diidmada ka keenay go’aankii guddida. Waxa jira xeer Somaliga qodobbo iyo dhegalay ku saabsan gar-qaadka kuwaas oo Pro: Carraale si cad uga hor yimid.
Waa marka horee haddii guddi loo saaro laba dhinac amma laba ruux oo wax isku haya, waa in labada ruux amma labada dhinac oggol guddidu ka qaado ama la waydiiyo inay oggol ku yihiin guddida. Haddii ay raali ku noqdaan mar danbe laga yeeli maayo inay guddida wax xumaan ah ka sheegtaan.
Haddaba guddidii uu Prof. Carraale hore u oggolaaday inay u gar-qaado imika laga yeeli maayo inuu yidhaahdo qaarkood ehelba uma aha inay gartan oo kale ka garnaqaan.
Waa marka labaade haddii laba qof loo gar-qaado oo guddi loo saaro, waa inay la yimaaddaan labada qof caddaymo iyo maragyo u buuxiya gartooda. Hadduu mid codsado inta garqaadku socdo oo uu yidhaahdo maragga dadkii ii furi lahaa baa iga maqane tolkayow dib ha la iigu dhigo, waad heshaabaa la yidhaahdaa oo guddidu dib ayay u rixdaa fadhigaa bal danbana way u muddayn. Waa xeer iyo xaq qof kastaaba leeyahay, haddii aad aamusto oo aad codsan waydo kolka gartu go’do aad tidhaahdo marag baa ii dhiman xeer kuu oggolaanayaa ma jiro. Sidaa daraaddeed Pro: Carraale inuu bil ka dib yidhaahdo marag baa ii maqan ee hala ii waydiiyo xeer u ogolaanayaa ma jiro.
Ta saddexaad marka ay guddi gar-qaaddo ee ay go’aan soo saarto, qofkii ay gartu ku go’day hadday u cuntami waydo farta ayuu taaga, markaas ayay guddidu tidhaahdaa maxaad farta la taagtay? Markaasu qofku yidhaahdaa Tolkayow gartu iima buuxdee geed kale hala ii geeyo, waad heshaa ayay guddidu tidhaahdaa, markaasaa guddi kale iyo geed kale la geeyaa, taasina waa xeer iyo xaq qof kastaba leeyahay. Haddaad sidaa odhan waydo gartii igu go’day waan qaatay ayay ka dhigan tahay, waana inaad sideeda u fulisaa.
Haddaba guddida Oslo markay go’aanka soo saartay Prof Carraale muu odhan gartu iima buuxdo iyo geed kale ii geeya midna, ku darsoo waliba waan oggolaaday baa afkiisa laga hayaa.
Dhinaca kale haddii aan ka soo gudubno xeerka Somaliga oo aan eegno Maxkamadaha xiligan Dawladnimada, Hadii Maxkamadi go’aan kugu riddo xaq baad u leedahay inaad laba toddobaad gudahood aad rafcaan ku qaadato, sidaa haddaad yeeli waydo xukunkii ayaa sidiisi laguugu fulinayaa, Pro. Carraale taana muu yeelin oo 27-maalmood ka dib markii guddidu go’aanka soo saartay ayuu qoraal uu ku diiddan yahay guddida iyo qoraalkeediba soo saaray, taana sidaabuu xeerku qoraalkiisa xaaran uga dhigayaa.
Waa marka afraade guddi kasta oo dad u gar-naqaysaa inta aanay go’aanka soo saarin way shaandhaysaa, way falanqaysaa oo dhan walba iska taagtaa, ruux kasta oo guddida ka tirsanina ra’yigiisa sida ay la tahay iyo wixii uu qoddobbo cuskanayo ayuu xaq u leeyahay oo uu sheegaa soona bandhigaa.
Go’aanka kama danbaysta ahiina waa guddidu halka ay u badato. Haddaba guddida Oslo go’aankeedii ku taariikhaysnaa 05-december 2008-dii wixii ka danbeeyay haddii rag ka mid ah guddidii Oslo soo saaraan qoraal kale wax ka soo qaad ma leh, ragga sidaa ku kacana waxaa loo yaqaan “Doc-faruur” guddi danbe oo gar-qaadaysana laguma daro oo waa laga dabbaala. Wax walba waxa ka asal ah go’aankii koowaad ee guddidu u dhamayd, waa sida xeer Somaligu yahay ee aan odoyo ka soo gaadhnay.
Guntii iyo gabagabadii markaan eegno intaas oo qoddobbo ah ee aan soo sheegay go’aankii guddida Oslo ee uu Madaxa ka ahaa Pro: Xuseen Xasan Guuleed soona baxay 5-tii bishii December 2008-dii sidiisi ayuu meel mar u yahay oo Prof Gaarriye ayaa ah daah-furaha Miisaanka Maansada Somaliyeed, Guddi danbe oo arrintaa u fadhisataana waa gef iyo gardarro, go’aanka ay soo saartaana waa xaq-darro
Wax jira Alla og
Illaah innaga war roon
Waa nabad
Cabdalla Xaaji Cismaan
Email:
Cabdalla_xaaj@yahoo
___________
- Dooda Miisanka Maansada
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |