
|
Dhaxal Loo Dhan Yahay:
Gorfayn Buug (Book Review)
W/Q Axmed Ismaaciil Yuusuf
Jan 29 , 2009
|
HAL AAN TEBAYEY
X. A. AFQALOOC:
Baal-taariikheedkii iyo
Gabayadiisii (1871-1986)
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
London, 2008.
_________
Haddii aad laba u kala badho magaalada Ceerigaabo laakiin taagan tahay dhinaca waqooyi, waxaad u dhexaysaa Beertii Xoriyadda, rugtii Doodi iyo faras magaalihii. Haddaad tallaabooyin u sii qaaddo dhanka waqooyi waxay Beertii Xorriyaddu kaa raacaysaa garabka bidixda, midigtana waxa kaa kulaalaysa beertii Doodi. Waa lagama maarmaan’e haddaan ku daro Doodi wuxu ka mid ahaa tiirarkii magaalada Ceerigaabo hanti iyo hormoodba. Haddii aad tallaabada sii riixdo adiga oo weli waqooyi u jeeda, laakiin waddada midig isaga yar barbariso, waxaad foolka ku haysaa ceelkii Afweyne, waa ceelka la yidhaahdo waa aabbaha magaalada Ceerigaabo’e, waxaa isna ka soo sokeeya xabaalo qadiimi ah. Haddii ay ishaadu bari beegsato, waxaad ka boganaysaa beertii Saleebaan-laangadhe, isna wuxuu ahaa dhidib kale oo ka mid ah dhasheeda’eh. Haddaba lasoco waxaad soo gaadhey rugtii ama beertii halyey Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc). Isla goobatan waayeye halka gabaygan, “Madhadhamiyo soor aan lahayn[,] dhiig nin caato ahe / Dhudhunka iyo halkii aan dhammayn [,] dhuux lihiyo taako / Xabaalaha dhankoodii ninkii [,] iigu soo dhigaye,” ee tuducda laga hayaa ku hoorayaa (p. 200).
 |
Sida ay dad badani og yihiin Xaaji Aadan Afqalooc wuxuu gabayga ku eedaynayey Doodi, oo ka hanti roonaa, ayna isku hayb ahaayeen, oo inuu ku soo ruqaansaday uu dawaninaayey. Xaajigu wuxu muujinayey inuu arrintaas ka xanuunsaday, isaga oo Doodi ku cambaaraynaaya inuu ku soo cidhiidhyey maal aan tayo badanba lahayn, oo xabaalo qarka u saaraan.
Haddii aan soo dabaalo, aniga oo dhulkaa halyeeygaa buugga laga qoray la wadaaga, kuna barbaaray magaalada Ceerigaabo iyo miyigeeda, Hal aan Tebayey waa mid si gaar ah ii taabtay. Sidaas darteed markii Maxamed Baashe yidhi, “In badan waxaa dareenkayga gudaha u xoqayey sida lisinku mindida u soofeeyo si la mid ah sidii loo daba qabatayn lahaa taariikhda ummmadda oo aan markasta
maankayaga ka bixin…” waxaad moodaysey in uu anigana ii hadlaayey. Gaar ahaan waxaan wax badan u ciillanaa hanti-murtiyeedkii rag uu Afqalooc ugu horrayo. Laakiin waxa la isku dhaafay ficilka’e Maxamed intii uu guntadey, buu gucle ku soo gaabshey, oo waajib dad badan oo aan ku jiro mudnaa maalmo ka hagoogey. Isaga oo soo maalay ibo gaagixi lahaa ama gudhiba lahaa, qoraagu wuxuu soo xero geliyey hanti-murityeed dayacnayd, wuxuuna inaga gufeeyey mus baylah ahaa oo foore—waa mid ka mid ah dhaxamaha Sanaag lagu yaqaane—soo dhaafaayey sannado door ah!
Qaayaha iyo qiimaha uu buuggani muddan yahay waa durugsan yihiin. Haddaan ka bilaabo jildiga, aniga oo ogaan isaga indho tiraya hal-hayska Ingiriisida (English) ah ee yidhaahda ‘buug jildiga laguma qiimeeyo,’ waxaad arkaysaa in aragtida qoraagu ka qoto dheer tahay salaqlaha maanta ay saaqday xasaasada dagaalka sokeeye ee silica Soomaali oo dhan baday. Aan kuu yar saafee, Maxamed buugga wuxuu dhaxanta ka huwiyey callankii bulluugga ahaa oo Soomaali badan oo nool maanta ka dul babaday ama ay hadhsatay iyada oo ku han weyn, maalin gelinkeedaba ha ahaatee. Illeen isagu waxba ma gaysen, oo gurranneyaal habaar qaba baa dhagar iyo dhiig ay daadsheen ku saydhay’e, waa muhiim inaan taariikhdu waqtiga ay joogto aan lagu toojiynin, ee loo daayo sidii ay silsiladdeedu wadciga ula soo jaan-qaaday! Markaa tan Xaaji Aadan Afqaloocna waa lama huraan in loo hulaabo callanka buluugga ah, murtidii uu u lisayna daadka darxumo lagaga mooso.
Waxaa kale oo buugga jildiga midig kaga ladhan dhir cagaar la ciirciiraysa, oo buur ceeryaamo culayday dhex ceegaagta. Kaasina waa sawirkii buurta Daallo oo haddii aad Sanaag tidhaaho ay set tahay inaad tibaaxiso. Intaasi waa inta nin dhulkaa u dhashay oo daltabyo ku damaashaaday ku diirsaday!
Buuggu wuxuu ku qoran yahay Af-Soomaali maax ah. Eray waliba meeshii uu munaasibka ku ahaa ayuu ka muuqdaa, oo waxaad aragtaa in qoraagu aanu kelmedo waaweyn iska soo qubin ee qiyaas ugu dhigay masalle uu ku maamuusay. Khaladdaadka ama ilduufka higgaadeed oo gaar ahaan gabayada codow u ah (jibiya) waa ka hufan yahay.
Dhaxal ahaan, sida buuggaagta hana-qaadka ah lagu yaaqaanno, wuxuu noqondoonaa hanti maguuraan ah oo la wadaago, meelna loogu soo hagaago. Wuxuu kale oo buuggu dhiiri gelinayaa murtida halyey Xaaji Aadan Afqalooc ee ka maqan halkan in la goobo.
Su’aallo badan iyo dood inuu buuggu keeno iyana waa lama huraan. Waayo wuxuu soo helay qoraagu wixii gabayo Xaajigu tiriyey intii uu todobaatan jirka gaadhey, qurbahana ka sokeeyey. Taasi waxay markaaba inagu kalifaysaa inaan isweydiinno, goorma ayaa halyeygu bilaabay inuu gabyo? Muxuu ka bilaabay? Ma jirtaa cid haysa ama meel laga helaayo gabayo uu tirey intuu qurbaha ku maqnaa? Hadday jiri lahaayeen, maxay tolow ku saabsanaayeen? Luqada Carabiga, waan ka garankaraa gabayadiisa inuu sifiican u yiqiin’e, tolow marna ma isku dayey inuu ku gabyo? Hadduu isku dayeyse, muxuu kala kulmay? Waxaa muuqata inuu gabay qabiil ka qab-weynaaye, tolow haddii uu maqlay wixii Qamaan Bulxan, Cali-dhuux, Salaan Carrabey, Ismaacill Mire, Maxamed Nuur Fadal, Seyidkii iyo raggii la mid ahaa kirtaminaayeen, wax ma ka yidhi? Waxaan kale oo buugga ka arkaynaa inay raggaa badankooda isku ayni ahaayeen’e, isaguse markii xiddiggahoodu kaahaayeen wuu ka maqnaa wadanka’eh, intee buu gabayadoodii qurbaha ku maqlay, haduuba maqlay?
Su’aallo kale waxay ka dhalan karaan markuu libaaxu qaatay, sida: suurto gal ma tahay in sebi ka badbaado libaax labaddiisa daan iyo laba maalmood oo uu waraabe, harraad iyo haadba u dagnaa? Inkasoo aan sii wadi karo su’aallaha noocaa ah, haddii aan iyaga dhaafno, waxay inaku kalifayaan inaan dib u wada qiimayno buunbuunintii dadkii hore aan ka dhaxallay oo mararka qorkood ku tusaysa in shookooyinka qofba qof kale ka soo tebiyo aynu duuduub ku qaadanno, kuna fidinno, laakiin inta badan aan qofna odhan, horta maxaa sheekadan ka macquul ah?
Dhalliilo
Buuggaa labada boqol ee safxadood ah ee Maxamed dhadhaabo badan u rogroggey, oo cajellado raadyowgii Muqdisho iyo BBC-daba leh, oo Maxamed Cali Gurey leh (Maxamed Cali Gurey, isna waa gaashan reer Sanaag ah oo sagaashan sano samo ku jooga maanta’e, wuxuu si gaar u hantay gabayada Xaaji Aadan oo uu dusha ka hayo inta badan dulucdooda) iyo ilaha kale ee ehelo iyo dad aqoon gaar ah u lehba leh, oo uu daraaddood dalal dhowr ah u maray ama ula xidhiidhay, inuu tiro seddex ah (1-3) ku soo koobo, waan saluugay. La soco oo ilo muhiim ah ayuu Maxamed maalay’e. Haddaba maxaan gocanayaa? Waxaan gocanayaa in ilaha wararku ka yimaadeen la cilmiyeeyo, oo la raaco raadadka buugggaagta abka “baal-taariikheed.” Waa lagama marmaan in hormo (paragraph) walba lagu hojo ama la dhex dhigo ugu yaraan il ka mid ah ilihii warka laga soo dhaammiyey! Inta badanna waa magaca, meeshii warkaasi ka yimi iyo wakhtiga warkaasi debedda yimi oo qudha’e. Waxaase buugga dabada ka raaca, raad-raaac toolmoon iyo buuggaag kale magac yadood oo uu qoraagu ku qiraayo inaanu murtidan ku riyoon’e raad qaaday halyeyo isaga ka horreeyey, qaadsiiyona qaabka lagu heshiis yahay ee loo taxo ilaha wararka (bibliography). Tusaallaha ugu dhow waxaa laga arki kartaa—inkasta oo aanu Af-Soomaali ahayn—maqaal-cilmiyeedkii ugu dambeeyey ee Maxamed Daahir Afrax ku soo bandhigay Wardheernews: Classification and Nomenclature of Somali Literary Forms: A New Perspective. Waayo, inkasta oo ay ilaha wararka laga soo ururiyey in la muujiyo ay la qiimo tahay buugga ama meelaha qaarkood (sida jaamicadaha iyo ganacsatada buuggaagta daabacda) kaba qiimo badan tahay, haddana Soomaalida afkeeda wax ku qorta intooda badani waa mid aanay ogaalba u lahayn, qaar kalena iskaba dhego iyo indhoba tiraan. Waxaan markaa filaayey in Maxamed Baashe, oo qalinkiisu hano-qaaday, ogaal u leeyahay halista boogtaa. Mar labaad aan iftiimiyee, haddii aanu buuggu mid la abuuray (fiction) ahayn, waa lagama-maarmaan in ilaysku qabto meeshii hormo (paragraph) kastba darka laga soo daayey!
Waxa taana Maxamed qayb weyn ka kaafiyi lahaa, haddii faallooyinka uu kashkaashka uga dhigay gabay walba uu ku dari lahaa meeshii uu gabaygaasi ka soo guurshey iyo ciddii ka hubisay ama isagu ka hubiyey. Tusaalle wacan waxaa ah buugga isaguna qaderinta weyn mudan, Far-Guri, ee uu qoray Xuseen Cabdi Xalane, oo isagu raadraac (footnote) ahaan kuugu sheegaaya ciddii uu gabayada qaarkood ka saxay, gadaalna ku taxay ilo aan gudhaynin, oo lagama guuraan ah! Waxaa iyana buugga ku jira ilduufyo u badan xagga xarakaadka (punctuations) oo aan nasiib wanaag qiimaha iyo murtida dhex jiifta aan dhaawacaynin, laakiin xajiin ku ah dadka qawaaniinta qoraalka dhowra, sida barta joogsiga (.), oo ka maqan dhul laga illaawey. B) Tusaalle, raadraacyada (footnotes) joogsigu inta badan waa ka maqan yahay, waana inay kuwada dhammaadaan joogsi. T) Ilaha wararka ee bogga ugu dambeeya (1-3) mid qudhi joogsi kuma dhammaan, waana inay ku dhammaadaan. J) Gabayada qaar baa ku dhammaanaya joogsi, kuwona calaamadda yaabka (!). Taasi waa sax, laakiin waxaa jira kuwo ilaa hadda iska furan oo aan labada midna ku dhammaan. Waa ilduuf, waana inta Maxamed ama hubiye (proofreader) hufi kari lahaa, laakiin soo raacday buugga! Waxaase muhiim ah inaan caddeeyo, kuna soo gunaanado, in qiimaha buugga iyo murtida uu sidaaba dhaxal gal yihiin, wixii hubin iyo hufid u baahanna mar labaadka la toosin karo. Markaa haddii aan soo af-jaro casharrada ma-guuraanka ah ee Xaaji Aadan ka sooci kara gabayaaga kale badankooda, ee buuggu ina soo dhexdhigay, waxaa ka mid ah, 1) tan ugu horraysaa, waa mid wax laga ogaaye, Xaajiga, Salaan Carrabay iyo Sayidkuba waxay gabayadoodu caan ku ahaayeen in laga helo erayo qalaad oo Carabi u badan, laakiin Xaajiga ayaa muran la’aan muujinaaya sida qofkii luqadiisa hibo u leh ee mid kalena hantaa isugu sidkan karo labadaba. 2) Xaajigu inkasta oo uu soo gaadhey markii “anigaa qabiil binu Hashiim ah iyo anigaa kaa sii xiga” lagu wada faanaayey, isagu Soomaali buu joogey, taasaana kala weynayd reer hebel, sababtayna inaanu qabiil ku faanin, kana faanin. 3) Xaaji Aadan gabayadiisu waxay kale oo ka xalan yihiin—waana tan iigu yaabka badnayd’e— iskoolkoolinta, hanjebaada iyo dhoolo-tuskaba, oo faciisu caan ku ahaayeen, yimaadase marka kaliya ee faanku u furan yahay ninka Soomaaliga ah, waa markuu gabyaayo’e. Wayse mudan tahay inaan iyana xuso in qolyihii qalinka gabayga ku soo galay ee ay ugu horreeyaan Hadraawi, Gaarriye, Siciid Saalax, Cabdiqays..., iyagana ay iskoolkoolintu ka maqan tahay! Kama danbayn, halyey Xaaji Aadan murti waa ka tegey, Maxamed Baashena waa dhiteeyey!
Axmed Ismaaciil
Email: yusuf006@umn.edu
_____________
*Axmed Ismaaciil Yuusuf waxa uu ku nool yahay magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, wadanka Marayka. Axmed wuxuuse ku koray magaalada Ceerigaabobo iyo miyigeeda oo uu ku dhashay. Waxay Sheekooyin qubane ah (short stories) oo Ingiriisi (English) ku qoroni oo uu leeyahay ku soo baxeen Bildhaan: An International Journal of Somali Studies; Mizna: An Arab American Literary Maganize iyo Gabaad oo Af-Soomali ah. Waxaa kale oo qoraalo cilmi baadhis ah uu wax kaga qoray Jounal of Muslim Mental Health iyo Journal of Traumatic Stress. Beryahan danbe Axmed waxa ku soo labakacleeyey jeelka afkiisa hooyo oo ay beryo kala irdhoobeen! Axmed wuxuu hastaa BS isgu jira Qoraalka iyo Cilmiga Maanka (Psychology and Creative Writing) oo uu ka qaatay Trinity College, Hartford, CT iyo MPA oo ka qaatay University of Minnesota.
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |